Xiddiga Liverpool Danny Ings Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Ka Dib Dhaawac Uu Ku Seegay Inta Badan Xilli Ciyaareedkan.

0
Thursday May 05, 2016 - 10:05:15 in Sports News by
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddiga Liverpool Danny Ings Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Ka Dib Dhaawac Uu Ku Seegay Inta Badan Xilli Ciyaareedkan.

    Xiddiga Liverpool Danny Ings ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda ka dib markii uu garoomada ka maqnaa tan iyo bishii Oktoobar isagoo dhaawac halis ah uu soo gaaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga Liverpool Danny Ings ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda ka dib markii uu garoomada ka maqnaa tan iyo bishii Oktoobar isagoo dhaawac halis ah uu soo gaaray.

Weeraryahanka Liverpool oo 23 sanno jir ah ayaa lagu sawiray garoonka tababarka Melwood isaga iyo kooxda inteeda kale iyagoo isku diyaarinaya kulanka caawa ee lugta labaad ee semi-finalka Europa League ee ay la ciyaarayaan Villarreal.

Ings ayaa wacdarro u dhigayay kooxda Burnley xilli ciyaareedkii 2013-14 ee ay soo galeen horyaalka, waxaana uu u dhaliyay kooxda 26 gool waxaana uu qaab ciyaareed la mid ah ula soo laabtay Premier League isagoo dhaliyay 11 gool sannadkii ku xigay.

liverpool_2842148a04_04193559_a51735_2842174a03_04193559_8d2e16_2842173a

Waxa uu noloshiisa Anfield ku bilowday seddex gool oo degdeg ah ka dib inta uusan dhaawac halis ah soo gaarin ka dib markii uu ka soo laabtay xulka England oo uu la maqnaa.

Ings ma ciyaari karo kulanka caawa ee Europa League madaama uusan u diiwangashaneyn kooxda laakiin waxa uu ciyaari karaa Premier League ka hor inta uusan dhamaanin xilli ciyaareedka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip