HAL SANNO KALE! Man Utd Oo Weydiisatay Mourinho Inuu Sugo Ilaa Xagaaga Danbe Si Loogu Ogolaado Inuu LVG Dhameysto Qandaraaskiisa Kooxda.

0
Thursday May 05, 2016 - 09:58:29 in Sports News by
  • Visits: 587
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HAL SANNO KALE! Man Utd Oo Weydiisatay Mourinho Inuu Sugo Ilaa Xagaaga Danbe Si Loogu Ogolaado Inuu LVG Dhameysto Qandaraaskiisa Kooxda.

    Madaxda Manchester United ayaa weydiistay tababare Jose Mourinho inuu sugo sannad kale shaqada tababarenimo ee kooxda Old Trafford ka dhisan, sida ay qortay jariirada The Sun.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Manchester United ayaa weydiistay tababare Jose Mourinho inuu sugo sannad kale shaqada tababarenimo ee kooxda Old Trafford ka dhisan, sida ay qortay jariirada The Sun.

Laakiin Special One ayaa doonaya inuu kubada cagta ku soo laabto xagaagan, lix bilood ka dib markii laga ceyriyay Chelsea.

Tababaraha reer Portugal ayaana haatan aaminsan inuu ku sii dhawaanayo in loo xaqiijiyo inuu yahay tababaraha xiga ee Man United, waxaana uu doonayaa inuu bedelo Louis van Gaal ka dib marka uu kooxda ku hogaamiyo hanashada koobka FA Cup.

01_04220122_a22101_2842452a

Madaxa United Ed Woodward ayaa rajeynayay in Mourinho uu aqbalo qorshahaan cusub oo uu heshiis qaali ah oo muddo 12 bolood ah ugu wareego horyaalka Shiinaha ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin Manchester United.

Madaxda ugu sareysa Man United oo uu hogaaminayo Woodward ayaa xiriir toos ah la sameeyay wakiilka tababare Jose Mourinho ninka la yiraahdo Jorge Mendes.

Qorshahaan ayaana soo jeedinaya in Ed Woodward uu weli ka cagajiidayo inuu ceyriyo Van Gaal kaasoo heshiiskiisii seddexda sanno ah ay kaga harsan tahay 12 bilood, waxa uu ka baqayaa in marqaati dheeri ah u sii noqoto inuu ku qaldanaa inuu Van Gaal magacaabo markii horeba.

Mourinho ma uusan qarinin jaceylka uu u qabo inuu ku soo laabto shaqada tababarenimo xagaagan ka dib markii uu bilo adag ku qaatay Stamford Bridge.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip