HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 6-DA ABRIL 2022-KA

0
Wednesday April 06, 2022 - 08:47:46 in Wararka by
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 6-DA ABRIL 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

NISA Oo Sheegtay Inuu Socdo Qorshe Lagu Qaarijin Rabo RW Rooble Iyo Farmaajo

     Qoraal Habeen hore xilli dambe ka soo baxay hay’ad da nabadsugidda dawladda federaalka ah ee So omaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay inay heleen xog la xiriirta, in Al Shabaab ay beegsanayaan madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha, Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal lagu baahiyey bar ta twitterka ee hay’adda NISA ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen ay la wadaageen madaxwe ynaha iyo ra’iisal wasaarahaba.

    Ha’adda nabadsugidda ayaa qoraalkooda ku magcaabay xubin ay sheegeen inuu ka tirsan yahay kooxda al-Shabaab oo ay ku tilmaameen inuu qayb ka yahay qorshahaas, hase ahaatee ay hay’addu ku dabo jirto.

      "Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Al-Shabaab oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah xubin sare oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay NISA.

      Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo R/Wasaare Rooble uu maalmo ka hor warbaahin ta la wadaagay halis amni oo ka dhan ah, taasi oo ku aaddan in horay ay u soo gaareen Hanjabaado ku aaddan kuraaska tirsan Golaha Shacabka, sidoo kale Rooble ayaa warbaahinta la wadaagay in uu hayo farriimo hanjabaad ah oo loo soo diray uuna hayo.

TALIYE KU-XIGEENKII HORE EE NISA OO SHEEGAY INUU JIRO QORSHE AY XILDHIBAANO ISKU QARXIN RABAAN XALANE

    Taliye ku-xigeenkii hore Hay’adda Nabad-sug idda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa sheegay inuu jiro qorshe is-qarxin ah oo qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ay ka fulin rabaan Xalane.

    Ismaaciil ayaa sheegay in xogta qorshahaan ay     heleen wakiilada beesha caalamka ee degan xar unta Xalane, ayada oo qorshahaan fulintiisa loo xil saaray shaqsiyaad kamid ah golaha shacabka ee cusub

  Bartilmaameedka u weyn ee qorshahaan ayuu ku sheegay inay tahay safiirada beesha caalamka ee ku sugan Xalane iyo madax kale oo uusan si shaacsan u carabaabin.

      "Qolyaha Xalane degen ayaa helay Xog iyo qorshe ah in qaar ka mid ah Xildhibaanada cusub lagu tashkiiliyay in ay isku qarxiyaan qaar ka mid ah safiirada ama madax kale,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

      Waxa uu intaas kusii daray qoraalkiisa "Qor aalka NISA waa iska bari yeelid haddii uu fulo qor shaha Villa Somalia.”

  Qoraalka Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA ayaa imanaya saacado kadib markii uu Taliska NISA soo saaray digniin qeyrul caadi ah oo ku aadan shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka NISA oo ay ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in shirqo olkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjoo ge ay ku magacaabeen Maxamed Mahir.

"Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saa bsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/ Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dha garqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Qoraalka NISA laguma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dhaafsan.

    Sidoo kalena hay’adda sooma bandhigin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso sheegasha deeda.

    Arrintaan ayaa imanaysa xili uu R/ Wasaare Ro oble sheegay in uu helay hanjabaado dil, islamark aana siyaasadda Soomaaliya iyo arrimaha doora shada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaaf ka hareerayay doorashada.

AMNIGA MADAXDA: SADDEX HOOGAA MIY EYAAL SOOMAALI AH OO HORAY UGA BADBAADAY DIL

      Hay'ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Max amed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay halis ugu jiraan shirqool uu maleegay ururka Al-Shabaab.

Hay'adda oo xilli saq dhexe ah soo dhigtay farriint aas baraheeda bulshada ayaa sheegtay in nin la gu magacaabo Maxamed Mahir uu shirqoolkaas maleegayo, isla markaana ay ku raad joogto. Ma aysan bixin faahfaahin intaa ka dheer.

Ma aha markii ugu horreysay ee gudaha Soomaa liya lagu beegsado madaxda qaranka. Waxaan qormadan ku eegi doonnaa saddex hogaamiye oo horay uga badbaaday dil loo maleegay.

Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf

     Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaali, Cabdullahi Yuusuf Ax med, ayaa 17-kii September 2006 waxa uu ka badbaaday qarax la gu dili rabay oo ka dhacay afaaf ka hore ee xarun tii baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.

     Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee uu Cabdull ahi hogaaminayay ayaa xilligaas fadhiday Baydh abo, maadaama caasimadda Mu qdisho ay gacanta ugu jirtay Mid owgii Maxaakiimta Islaamiga.

     Weerarkaas oo loo adeegsa day gaari laga soo buuxiyay wal xaha qarxa, ayaa waxaa ku dhintay nin la dhash ay Cabdullahi Yuusuf iyo afar kamid ahayd ilaala da gaarka ah ee Madaxweynaha.

     Dad goobjoog ahaa ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee uu ku badbaaday Cabdullahi ay ah ayd inuu saarnaa gaari ka duwan kii lagu bartay ee bartilmaameedka u ahaa kooxda weerarka ful isay.

    Tacshiirad xigtay weerarka ayaa waxaa lagu dil ay lix nin oo qeyb ka ahayd qorshaha lagu khaar ajin rabay Madaxweyne Cabdullahi.

     Weerarkaas ayaa lagu eedeeyay Midowgii Ma xaakiimta oo xilligaas gacanta ku hayay Muqdisho iyo deegaanno kamid ah Koonfurta Soomaaliya, isla markaana si weyn u diidanaa xukuumadda kumeelgaarka ahayd ee fadhiday Baydhabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh

     12-kii September 2012, xilli uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulan kula lahaa wasiir kii arrimaha dibedda ee Kenya, Sam Ongeri hute elka Jazeera, ayaa waxaa dhacay qaraxyo ismiid aamin ah, kadibna rag hubaysan ayaa isku dayay inay gudaha u galaan dhismaha huteelka.

     Madaxweynaha oo laba maalin ka hor uun ku guulaystay doorashada madaxtinni mada ayaa wufuud kala duwan ku qaabilayay huteelka Jazeera oo ma rkaa xarun u ahayd. Ma jirin cid ka tirsan mas'uuliyiinta dowladda oo lagu dilay qar axyadaas iyo weerarka xigay.

     Xilliga uu weerarka dhacayay, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u warramayay qaar kamid ah warbaahinta caalamka, waxaana uu si degan ugu sheegay in weerarrada noocaas ah ay caadi ka noqdeen Muqdisho, balse uu ku dedaali doono xoojinta amniga. "Mudnaanta koobaad, tan laba ad iyo tan saddexaad waxaan siin doonnaa sugid da amniga," ayuu xilligaas yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

     Madaxdii Alshabaab ee dowladda isu soo dhiib ay, qaarna waa xabsi kuwana xasaanad ayay hel een Maxay tahay khatarta ku gedaaman amniga Ra'Iisul Wasaare Rooble?

Ra'iisal wasaare Cabdiweli Cali Gaas

      Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabd iweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa 4-tii April 2012 waxa uu ka badbaaday qarax ka dhacay gudaha tiyaatarka qaranka, xilli uu halkaa ka jeedinayay khudbad.

      Munaasabada uu ka hadlayay ayaa lagu xusa yay sanad-guuradii koobaad ee ka soo wareegtay dib u hawlgelinta telefishinka Qaranka (SNTV). Waxaa goobta ku dhintay in ka badan 10 qof.

      Baaritaan ay sameeyeen laamaha amniga ay aa lagu ogaaday in qaraxaas oo uu sheegtay urur ka Al-Shabaab ay fulisay qof dumar ah.

Dadka qaraxaas ku dhintay waxaa kamid ahaa xildhibaan Mowliid Ma caane Maxamud iyo Faysal Xaji Cil mi oo la-taliye u ahaa ra'iisal wasaare Cabdiweli Gaas.

Hey’adda NISA iyo AMISOM oo khilaaf dhanka amniga ah uu soo kala dhexgalay

     Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Hey’adda Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo ciid amada nabad ilaalinta AMISOM uu soo kala dhexgalay khilaaf ku saleysan arrimaha amniga xeyndaabka Xalane iyo Ayraboorka.

Khilaafkan wuxuu salka ku hayaa kadib markii ay AMISOM ku wargalisay ciidamo ka tirsan Nabads ugida NISA oo laba bar kantarool ku dhex leh xer ada Xalane inay ka guuraan, sababo lagu sheeg ay walaac la xiriira dhanka amniga.

      Warka ay HOL heshay wuxuu intaas ku daray aa in ciidamada NISA ay ka horyimadeen dalabka AMISOM midaas oo keentay ismariwaa illaa iyo haatan ka dhextaagan labada dhinac. Waxaan la ogeyn in dalabka AMISOM iyo walaaca amni uu yimid kadib weerarkii 23-dii bishii hore ee March ay laba dabley oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig si adag loo ilaaliyo oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin qeybo ka mid ah Xalane oo ah meel aad ugu dhow ayraboorka Mu qdisho ee Adan Adde International Airport.

      Khilaafkan cusub ee soo kala dhexgalay laba da dhinac ayaa ku soo beegmaya kadib fariintii u gu dambeysay ee hey’adda NISA soo dhigtay bog geeda Twitter-ka midaas oo ay ku sheegeen inay jiraan iskudayo ay kooxda Al-Shabaab qorsheyn ayaan inay ku beegsadaan Madaxweyne Farmaa jo iyo ra'isulwasaare Rooble.

      Fariinta qoraalka la soo dhigay bogga Twitter-ka NISA, waxaa ka horeeyay hadal uu hore u je ediyay isbuucii la soo dhaafay ra’isulwasaare Ro oble taas oo uu ku sheegay in loo soo diray far iimo hanjabaad ah.Arrimahan ayaa ku soo beeg maya xilli siyaasadda Soomaaliya iyo arrimaha do orashooy inka ay marayaan meel xasaasi ah.

Xigasho:-Hiiraan Online news desk


SENATOR MUUSE SUUDI oo weerar culus ku qaaday Farmaajo

     Senator Muuse Suudi Yalaxow oo Wariyeya asha kula hadlay xarunta guddiga doorashada ee FITE, ka dib markii lasiiyey shahaadada ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, isaga oo weerar ku qaaday M/W /ne Farmaajo iyo kooxdiisa.

    Senator Muuse Suudi ayaa sha aca ka qaaday in Farmaajo iyo Fa had ay dhibaateeyeen dadka Soo maaliyeed, xittaa dadkoodii u dhowaa, isaga oo tusaale u soo qaatay gobolka Gedo.

     "Dadka hadda laga sheeganaayo nin walbo dadka ka sheeganaayo wuxuu uga daran yahay reeraha aw ka dhashay ninka la yiraahdo Fahad ciddiisa uma noola aaween nimankii odayaasha ahaa oo siyaasiyiinta oo kiisa ahaay, Maxamed Farmaajo dadkiisa wuxuu ku xayiray Gedo doora sho geli ma kartiin ayuu leeyahay waxaas looma baahna dadka ha xuroobo,” ayuu yiri Senatar Mu use Suudi Yalaxow.

     Sidoo kale wuxuu farriin u diray madaxweyna ha dowlad goboleedka K/Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ku xiran Villa Soom aaliya, wuxu una ugu baaqay inuu magaalada Muqdisho u soo diro xildhibaanada lagu soo door tay Baydhabo iyo Baraawe.

  "Nin saaxibkey ahna Baydhaboy yaan leyga te gin anaa idin soo saaray dadka dhahayaa, isaga na haka waan toobo dadka hasoo diro,” ayuu yiri Senatar Muuse Suudi Yalaxow.

 Ugu dmabeyn wuxuu farriin culus u diray dhaliny arada Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidam ada iyo saraakiisha, wuxuuna usoo jeediyey inay ka fakiraan mustaqbalka dalka.

  "Dhalinyarada waxaa leenahay mustaqbalka idi nkaa iska leh ama ciidan noqda ama saraakiil sa re noqda nin tegaayo yuu idinla tegin nin dhacay yuu idin dhuminin” ayuu yiri.

 Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan meel xun ay gaartay xaaladda dalka, isla-markaa na uu sii laba kacleeyey khilaafka ka taag an han naanka doorashooyinka dalka.

Sh.Shariif” Waa ayaan darro in Hay’adaha Am niga ay dacaayad u sameeyaan argagixisada,”

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif She ekh Axmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musha rrixiinta ayaa si kulul uga hadlay qoraalkii Habeen hore kasoo baxay NISA ee ahaa in Al-Shabaab qo rsheynayaan weeraro ka dhan ah Farmaajo iyo Rooble.

       Qoraal uu Sheekh Shariif soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku eedeeyay Hay’adaha Amniga inay dacaayad u sameeynayaan Koox aha loogu yeero argagaxisada.

      Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay R/ Wasaara ha iyo Golihiisa Wasiirada inay xil iska saaraan su gida amniga dalka, isaga oo uga digay Madaxw eyne Farmaajo uga digay waxkasta oo khalqal gelin kara Amniga doorashooyinka.

      Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinay nay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran.

     Sidaas daraadeed axaan ugu baaqayaa R/ Wasaaraha JFS iyo Golahiisa wasiiradda in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Am niga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soo maaliyeed. Waxaa nasiib daro weyn ah in dign iinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habs ami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barl amaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka.

Cumar Cabdirashiid oo si kulul kaga hadlay digniintii NISA

       Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo mar ar kala duwan soo noqdey ra’iisal wasaaraha dal ka Soomaaliya, ayaa qoraal uu bartiisa twitter-ka soo dhigay uga hadlay digniin ay soo saartay Hay ’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA , hay’adda ayaa digniintaas ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaa jo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

     "Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeys ay ee twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa arga gaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorasha da. Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, hay’addu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu qorshey nayo hawlo xunxun oo khatar gelina ya doorashada” Ayuu yiri Cumar Cab dirashiid.

Xildhibaano katirsan Golaha Shaacab ka & Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ayaa siyaabo kala duwan uga fal celiyay qoraalkii NISA kasoo baxay, iyaga oo shaki ka muujiyay

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyay geerida mulkiilihii hotel Dorbin ee magaalada Muqdisho

      R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soo maaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Shalay ka tacsiyadeeyay geerida Allaha u naxariisto mar xuum Xaaji Maxamuud Cali (Gaange) oo ahaa ga nacsade Soomaaliyeed oo maalgashi badan ku lahaa dalka.

     Marxuunka ayaa muddo dheer soo ahaa waki ilkii Sharikaddii Somali Airlines ee dalalka Tanza nia iyo Sacuudi Carabiya.

     Marxuum Xaaji Maxamuud ayaa sidoo kale ahaa mulkiilaha hotelka caanka ah ee Dorbin ee ku yaalla nawaa xiga isgoyska Jubba ee magaa lada Muqdishu.

    "Waxaan tacsi u dirayaa qo yskiisa iyo asxaabtiisii. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo marxuumka, ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Musharax Daahir Geelle "Madaxweyne aan kuu maqnayn ee kugu maqan iyo hay’ado nab adgelyo oo aan la isku ilaalinayn ee la iska ila alinayo ayaa Farmaajo laga dhaxlay”

      Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa si weyn walaac uga muujiyay falalka uu ku kacay Madaxweynihii Muddo xileedkiiso dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ku waasoo ku aadana hadalkii Habeen hore kasoo yeeray hay’adda NISA.

Musharax Daahir Geelle ayaa sheegay in ay na siib daro weyn tahay in hay’addihii nabadga liyaday u adeegayaan shaqsiyaad gaar ah.

Qoraal uu soo saaray ayaa siddaan u qornaa:

      Madaxweyne aan kuu maqnayn ee kugu ma qan iyo hay’ado nabadgelyo oo aan la isku ilaali nayn ee la iska ilaalinayo ayaa Mohamed Abdul lahi Farmaajo laga dhaxlay!

     Waxaa muuqata in hay’adaha amniga dowlad da ay u xuubsiibteen hay’ado siyaasadeed oo xag ga amniga ka soo jeestay. Waxa taa daliil ah in dhulka ay dowladda ka arrimiso uu maalinba maa linta ka danbaysa soo yaraanayay, dhanka kalana beegsiga, maagga iyo daandaansiga dadka Farmaajo ka aragtida duwan uu soo badanayay.

Waxaa in muddo ahba jiray:

      1. In hay’adaha amniga ay ahaayeen hay’ado hal nin u adeegsan, inta kalana ka soo horjeeda, kuwaas oo aan kala baxsanaanta hay’adaha dow ladda dhexdeeda ah u hoggaansaneen, waxaa tusaale noogu filan wixi lagu sameeyay Guddoo miyehi hore ee Golaha Shacabka, Ra’iisalwasaa raha hadda jooga iyo kii ka horreeyayba.

     2. In hay’adaha ay ka soo dhex muuqdeen isb adalladi lagu samaynaayay maamullada dalka ka jiray, iyaga oo hal dhan u adeegaayay, hal ilna wax ku fiirinaayay.

      Shalayna, waxaa muuqata in kala aragti duw anaanshaha hay’adaha dowladda ka dhex jira ay san dhexdhexaad ka ahayn oo ay hal meel la sa fan yihiin. Sidaas daraaddeed, digniinta Shalay NISA ka soo baxday waxa kaliya ee lagu fasiri karo waa in aysan digniin ahayn oo ay tahay daa ndaansi la rabo in lagu cabsi geliyo ama dhibaato lagu gaarsiiyo ra’iisalwasaaraha oo qaatay khad ka geddisan khadka uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qaatay.

     Hay’ad amni meesha ugu hoosaysa ee ay ga arto waa in iyada iyo cadowga si isku mid ah loo ga cabsado. Hannaan siyaasadeed ee dal ka jira na meesha ugu hoosaysa ee uu gaaro waa in bul shadiisu ay ka aaminto in marka ay kala aragti du wanaasho timaado ay suuragal tahay in uu nida amkaas dil geysto. Waxay ila tahay in Soomaaliya ay 2daas arrinba Shalay faraha ku haysato. Waa xelli mudan in laga guuro, oo si nabad ah iyo sa nduuq doorasho looga guuro.

     Waxaan rajo ka qabaa in uu caqliga ugu dan bayn talin doono, oo ragga Villa Somalia jooga ay garawsan doonaan in uu isbaddal lama huraan ya hay, oo ay ku macdahay in isbaddalka uu nabad ku yimaado, oo sida ay hadda ku riixayaan oo co laadda ah aysan iyagana dan ugu jirin, ummadda na dan ugu jirin.

Waare oo Farmaajo ku eedeeyay in uu wado abaabul Ciidan kana dhan ah doorashada

     Maxamed Cabdi Waare Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle, ayaa ku eedeeyay ma daxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo, iyada oo lagu guda jiro xilli doorasho in uu ku howlan yahay abaabul Ciiddan.

      Waare oo wareysi uu siiyay TV-ga Universal Tv wuxuu sheegay in Farmaajo uu doonayo in uu dalka ku qabsado xuk un Millateri, isla markanaa uu jiro qor she gaar ah oo Farmaajo uu laleeyah ay taliyayaashiisa ciiddamada kala duwan ee qal abka sida.

     " Farmaajo ma ahan mid doorasho rabo , wux uu qorsheeyay in ciidamada Eritrea ku maqan ee la soo tababaray iyo ciidamo kale oo Itoobiya ka im aanaya loo adeegsado in lagu qabsado dalka, dhaqdhaqaaqyada hadda socda iyo taliyayaasha   lala shirayo waa qorshe culus ,” ayuu yiri Waare.

   Hadalka Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kusoo aadayaa xilli khilaaf cusub uu ka taagan yahay Arrimaha doorashooyinka oo guddiga doorashooy inka Heer Federaal ay ku kala qeyb sameyn.

163 xildhibaan oo qaadatay shahaadada xil dhibaanimo ee labada gole BJFS

       Ra’iisulwasaare Kuxigeenka JFS ayaa Shalay qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Ba arlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya. Waxa ayna Guddoomiyaha Guddiga ka wa da hadleen dardargelinta Doorashada iyo ka dha beynta Jadwalka Doorashada ee Guddiga FEIT. Waxa uuna bogaadiyey shaqada baaxadda leh uu guddigu qabtay intii ay shaqadu socotay dho wrkii maalmood ee la soo dha afay.

     Guud ahaan 163 xildhibaan ayaa qaadatay shahaadda xi ldhibaanimo ee labada gole BJ FS sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka.

Waxaa maalintii afraad qaatay Shahaadada Xil dhibaanimo ee Baarlamaanka JFS  31 Xildhibaan oo ka mid ah Mudanayaasha Labada Gole BJFS. Hoos ka akhriso magacyadooda:

Abdirashid Mohamed Hidig GSH#072

Said Mohamed Ali GSH#093

Iftiin Hassan Iman (Baasto) AS#04

Sadak Omar Mohamed (Saadaq-Joon) GSH#248

Osman Ali Yusuf GSH#198

Abdullahi Sheikh Ismail AS#02

Muse Sudi Yalahow AS17



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip