HALKAAN KA AKKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 4-TA ABRIL 2022

0
Monday April 04, 2022 - 08:19:48 in Wararka by
  • Visits: 435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 4-TA ABRIL 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...


Ra'iisulWasaare Rooble oo amray in Somali land loo fasaxo 11 Milyan oo dollar

Ra'iisul Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xus een Rooble ayaa kulan la yeeshay ganacsata da Soomaaliyeed kaasoo Looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii dabkii wey naa ee baabi'iyay suuqa weyn ee Hargeysa.


Kulanka ayaa looga dhawaaqay lacag gaarey sa 3 Milyan oo Doollar taas oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso Xukuumadda Soomaaliya halka 2 Milyan oo Doollar ay bixinayaan Gana csatada Soomaaliyeed. Duqa magaalada Harg eysa Cabdikariim Mooge ayaa warbaahinta u sheegay in qasaaraha ka dhacay dabkii 48-da saac baxayay ee qabsaday suuqa weyn ee Har geysa ee Waaheen in uu gaarayo lacag dhan ill aa $2 bilyan oo dólar. Dhanka kale Ra'iisul Wa saaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Roob le ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lac ag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jir ta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dab kii baabi'iyay suuqa weyn ee magaalada Harge ysa.

Dhanka kale waxaa weli socda dedaaladii gebi ahaanba lagu baqtiinayay dabka, laguna nadiifinayay burburkii weynaa ee ka dhashay. Hawlaha gurmadka iyo tirakoobka ayaa weli so cda, iyada oo dalal iyo hay'adaba ay ku lug le eyihiin ka jawaabista masiibadani.

Qiimaynta hordhaca ah ee hantidii ku burbu rtay suuqa Hargaysa oo lasoo bandhigay

Guddida uu madaxweynaha Somaliland Mu use Biixi Cabdi, u xil saaray tirakoobka hantida lagu waayay dabkii burburiyay suuqa Hargay sa, iyo hogaaminta dadaalada dib loogu dhisa yo suuqa, oo warbaahinta la hadlay ayaa shee gay in qiimaynta hordhaca ahi sheegayso in ay burburtay hanti dhan 1.5 ilaa 2 bilyan oo dollar.

Mayorka caasimada Ha rgaysa Cabdikariin Axm ed Mooge, oo kamid ah guddida, ayaa warbaah inta u akhriyay qiimaynta hor dhac ah ee khasa araha uu sababay dabka halakeeyay suuqii Somaliland ugu waynaa ee Waaheen.

"Sida ay sheegtay xog ururin hor dhac ah, dhibkii iyo khasaarihii ay sababtay masiibadii halkan ka dhacday, waxaa lagu qiimeeyay in ay u dhaxayso hal-bilyan iyo badh ilaa laba-bil yan" ayuu yidhi mayor Mooge.

Mayorka ayaa sheegay in dhaqaale ururin loo samayn doono dadkii hantidoodu ku burbur tay dabka socday mudada ku dhaw sodonka sa acadood, wuxuuna warbaahinta u akhriyay ako ono uu sheegay in lagu soo hagaajin doono wi xii taakulo ah ee ay bixinayaan beesha caalam ka iyo dadka Soomaaliyeed.

Guddida ayaa sheegtay in Habeen hore fiidkii lagu guulaystay in la bakhtiiyo dabka. Wali ciidama da dab damiska ayaa gaadh kahaya suuqa gub tay iyaga oo ka cabsi qaba in uu markale qarxi karo

Rooble oo teleefanka kula hadlay Madax weynaha Somaliland

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Somaliland, Md.Muuse Biixi Cabdi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay afiiskiisa.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Madaxweyne Biixi la wadaagay, sida uu uga xanuunsaday mas iibadii ka dhacday M/ Hargeysa, isagoo u muujiyay sida uu u gar ab taagan yah ay.

Dhanka kale qoraal lagu daabacay bogga Xa fiiska Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa lagu shee gay in Ra’iisal Wasaaruhu uu amray in la fas axo lacag dhan $11,700,000, oo ah deeq caal ami ah oo loogu talagalay mashaariicda hour marinta ee Somaliland.

"Ra’iisal Wasaaraha XFS Mudane Maxam ed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Do llar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talagalay mashaariicda ho rumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay Suuqa weyn ee Mag aalada Hargeysa.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Suuqa Waaheen oo ah kan ugu weyn Som aliland ayaa soddonkii sano ee ugu dambeysay ahaa lafdhabarta ganacsi ee dadka reer Somal iland.

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Waf di gurmad ahaan uga yimid dalka Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ee M/Harg eysa ku qaabiley wefdi ka socday Jamhuuriya dda Jabuuti oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arri maha Gudaha Jabuu ti,Md.Siciid Nuur Xas an.

Waxaanu ujeedka saf arka wefdiga uu ku sa absana farriin ay ka sideen madaxweynaha Ja mhuuriyadda

Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ahayd tacsi iyo tiiraanyo uu u soo diray shacabka So maliland ee masiibada dabku ku habsatay iyo in ka dawlad Jabuuti ahaan ay diyaar ula yihiin shacbiga Somaliland wixii karaankooda ah ee ay gacan kaga geysan karaan taakulada masi ibada dabkii baabiiyey suuqii weynaa ee Waa heen. Madaxw eynaha Somalil and Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhiniciisa waxa uu soo dhaweey ey wefdiga waxaanu uga mahad cel iyey dawladda Jabuuti iyo shacbigeeda gurm adka iyo tacsida ay la garab istaageen shac bi weynaha Somalil and, waxaanu si gaara ugu mahadnaqay ma daxw eynaha Jabuuti Md .Ismaaciil Cumar Gee lle oo ahaa madaxwey nihii ugu horreeyey ee saacadihii ugu horre eyey ee dabku socday la soo xiriiray lana wad aagay dareenkiisa muru gada leh shacbiga So maliland. Ugu danbayntii wefdiga ka socday do wladda Jabuuti ayaa boo qday suuqa waaheen ee ay saamaysay mas iibadii dabku, waxaana halkaa warbaahinta ku la hadlay wasiirrada Arr imaha Gudaha ee Lab ada Dal, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jauu ti iyo Maayarka SLN ee Magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Aadan Madoobe: Ma ahan arrin sax ah in xildhibaannada Koonfur Galbeed loo diido inay shahaadada qaataan

Xildhibaan Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo katirsan xildhibaannada lagasoo doortay Koonfur Galbeed ayaa arrin aan sax ah ayn ku tilmaamay in xildhibaannada deegaan doorashadiisa loo diido inay shahaadada xildhi baanimo qaataan.

Xildhibaan Aadan Madoobe oo Shalay Muq disho ku qaatay shahaadada xildhibaanimo, no qdayna xildhibaankii ugu horeeyay ee koonfur Galbeed ah ee qaaa shahaadada, ayaa she egay in xildhibaanada lagu cadaadinayo inays an shahaado qaadan. "Qof kaste oo la dulmiy ay waan kasoo horjeednaa. In caddaalad la hel aan u baahannahay. Wixii la dhibsaday nidaam loo kala baxayaa jira, laakiin dadkii doorashad ooda xallaal waaye la yiri, in la ga hor istaago shahaadadooda waxayna noqonaysaa caddaal ad darro kale," ayuu yiri xidlhib aan Aadan Madoobe.

Sheekh. Aadan Madoobe wa xaa uu ku dhii rri galiyay xildhibaannada koonfur Galbeed inay qa ataan shahaadada, si ay u gutaan waajiba adkooda dastuuriga ah. Wuxuu ugu baaqay in ay ka tashadan aayahooda. Si kastaba ha aha atee, in ka badan 100 xildhibaan ayaa magaal ada Muqdisho shahaado lagu siiyay Shalay iyo Dorraad. Laakiin xildhibaannada Koonfur Galbe ed ayaa diidan inay qaataan, iyagoo ka soo hor jeeda 3 xildhibaan oo laga reebay barlamanka

Hormuud Salaam Foundation oo deeq gaarsiisay Isbitaalka Dr.Xabeeb

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay aa Isbitaalka Dhimirka ee Dr. Xabeeb gaarsiis ay deeq raashiin oo isugu jirta Bur, Bariis, So kor, Saliid iyo Timir

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha Hay’ adda Hormuud Salaam Fou ndation, Cabdullaahi Nuur Cis maan, kaasi oo faahfaahiyay deeqda ay gaarsiiyeen Isbitaalka Dhimirka ee Dr.Xabeeb, waxaana uu tilmaamay in deeqdani ay qayb ka tahay barnaamijka taakuleynta iyo afurinta ee dadka danta-yar iyo kuwa baahiya ha gaarka qaba.

Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr. Xab eeb) Madaxa Isbitaalka Dhimirka oo deeqda gu ddoomay ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Ho rmuud Salaam Foundation caawinaadda ay soo gaarsiiyeen, isagoo ku ammaanay inay mar weliba sidaan oo kale uga helaan caawin aad, marka la gaaro bisha barakeysan ee Ram adaan.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Maryan Aadan Amiin oo iyana goobta ka hadashay ayaa shee gtay in deeqaha Hormuud Salaam Foundation ay muhiimad gaar ahi u leeyihiin dadka dhimir ka beelay ee lagu daryeelo Isbitaalka Dr. Xab eeb.

Hormuud Salaam Foundation ayaa maalmi hii ugu dambeysay dardargelisay barnaamijkee da taakuleynta iyo afurinta ee dadka danyarta, oo ay ka waddo Magaalada Muqdisho, waxaa na xusid mudan in barnaamijkani ay ka faa’ii deysteen dad fara-badan.


Magacyada xildhibaanada Shalay shaha adada qaatay

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa maalintii labaad wada diiwaan-ge linta iyo shahaado siinta xubnaha xildhi baanada ah ee dhowaan la soo doortay, si loo sii amba qaado howlaha dhammeystirka door ashada dalka.

Guddiga ayaa Shalay shahaadada siiyey dho wr xildhibaan oo tegay xarunta guddiga FEIT ee ku dhex-taal garo onka Aadan Cadde.

Xildhibaanadan ayaa waxaa ku jira xubno ka tirsan kuwii lagu soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo horey u qaa dacday tallaabada guddiga doorashooyinka.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli muran uu ka dhex-taagan yahay guddiga doorashada, kaas oo la xiriira shahaado siinta xildhibaanada dhowaan lasoo doortay.

Dooda ayaa sii xoogeystay markii guddoomi yaha guddiga guddiga FEIT uu liiska la shaaci yey ka reebay kuraas uu ku jiro kursiga uu ku soo baxay Fahad Yaasiin.

HALKAN HOOSE KA AQRISO LIISKA:-

1. Salah Ahmed Jama AS#34

2. Guled Bihi Abdi GSH#255

3. Ahmed Osman Dirie GSH#233

4. Abdinur Ali Aden GSH#028

5. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107

6. Abas Ali Ibrahim GSH#111

7. Mohamed Abukar Ali GSH#025

8. Adar Hared Jibril GSH#132

9. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124

10. Bihi Iman Egeh GSH#237

11. Abdiqani Ismail Said GSH#241

12. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272

13. Adnan Osman Elmi GSH#236

14. Omar Yusuf Qaladid GSH#136

15. Ahmed Mohamud Jama GSH#029

16. Nasro Mahdi Arale GSH#023

17. Leylo Nur Maah AS#07

18. Sahra Jama Ali GSH#134

19. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127

20. Hassan Dahir Yarow AS#05

21. Zaynab Mohamed Amir GSH#267

22. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120

23. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118

24. Ilyas Badal Gabose AS#01

25. Mohamed Hassan Adam GSH#133

26. Hamza Abdi Barre GSH#203

27. Abdi Hashi Abdullahi AS#33

Muxuu Gaas ku tilmaamay hanjabaadaha BEESHA CAALAMKA ee Soomaaliya?

Madaxweynihii hore ee Puntland, marna soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka ha dlay doorka beesha caalamka ee khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo jeediyey in taageeradooda aan wax weyn laga soo qaa din.

Md.Gaas ayaa ku dooday in beesha caalamka ay la soo taagan tahay hanjabaad ay san ka dhabeyneyn, taas oo madaxda Sooma aliya ay ugu caga jugleyso.Cabdiweli Gaas oo la hadlay BBC ayaa la weydiiyey suurta galnimada in beesha caalam ku ay tallaabo qaado haddii doorashada la car qaladeeyo ama lagu soo dhameystiri waayo waqtigii loo qorsheeyey, sida inay dhaqaalaha iyo taageradoda kaleba ka jartaan Somaliya.

Wuxuuna ku jawaabay, "Horta beesha caal amka ee aan afka ku heyno mar kasta aan iska deyno sababtoo ah, howshaan Soomaali ayey u taalla cid kale oo wax ka qaban karta ma jirto, maalin kastana hanjabaado aan laga dhabeyn wax macnaa ma sameynayaan.”

Sidoo kale Gaas ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka u jooga Soomaaliya ay yihiin diblomaasiyiin doonaya in markasta ay dalal kooda u diraan war wanaagsan, isla markaana aysan jecleyn inay gudbiyaan war dhiilo leh.

"Waxay ila tahay beesha caalamka cadaadi skooda tallaabo la’aanta ah ayey iska wedi doo naan oo wax sidii hore ka duwan lama imaa do onaan, marka howshaan waxay u taallaa Soom aalida, marka nimanka dalka madaxda ka ah waxaan kula talinayaa inay doorashada dedeji yaan,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas

Sheekh Maxamed Shaakir oo soo saaray baaq xasaasi ah

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa dadka reer Galmudug ugu baaqay inay bishan ka feeji gnaadaan weerarada maleeshiyada Al-Shab aab.

Sheekh Shaakir oo Habeen hore soo duu bay muuq aal uu ugu tala galay bilashada bisha barakeysan ee Ramadan ayuu kula dardaarm ay bulshada reer Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa marka hore yiri "Dhammaanteenba waan inaan ka faa’iideysano bishan barakeysan, oo aan u ga faa’iideysano Ilaahay daacadiis. Macaasida aan iska ilaalino, nafta aan xakamayno, wax ka stoo soonka naga burinaayana aan ka dheeraa no, wixii naga nusqaaminaya fadaa’ishiisana aan ka dheeraano.”

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa reer Galm udug ugu yeeray inay bishan feejignaan dheeri ah u yeeshaan Shabaabka, nooc kasta oo ay yihiin, sida uu yiri.

"Meel kasta oo ay joogaan shacabka Gal mudug waxaan ugu baaqayaa inay ilaaliyaan nabadgelyada, oo amniga ay ilaashadaan, iska na ilaaliyaan nimanka Khawaariijta ah ama ha wateen shaatigii ay wadan jireen ama ha wate en shaati dowladeed, nooc kasta ay yihiin ha iska ilaaliyeen,” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Waxaa uu sheegay inay Shabaabku adeeg sadaan xeelad walba oo lagama maarmaan ay u arkaan, si ay fuliyaan weerarada ay maleyga yaan.

"Way shaarar badan yihiin, hadba shaati bay gashanayaan, sidii howlahoodu ugu socon ka raan ayay isku tax-luujinayaan inay ku socod si iyaan,” ayuu yiri Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Marka qof walba, haddii ay yihiin Culimada, ciidanka, masuuliyiinta sarsare, gabdhaha iyo dhamm aan bulshada qaybaheeda kala gedisan, kuligo od qolo walba inay xadaaradooda qaataan oo digtoonaadaan, maxaa yeelay digtoonida noo caasi waxay dhashaa hilmaam la’aan, inaadan is hilmaamin, inaadan is kala dhigan, inaanu ca dowgu kaaga soo bixin adigoo hilmaamsan me el duleesho. Marka baaqaasi ayaan u dirayaa, waana ku sii adkaynayaa inay isku duubnid ooda iyo midnimadooda ugu midoobaan Kha waariijta nooc walbaa ay yihiin.”

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaala ma ayaa looga bartay in bisha Ramadan ay kor dhiyaan weeraradooda.

Q/Midoobay Oo Dowladda Somaliya Ka Dal batay Inay Deg-Deg U Joojiso Xukun ada Dil ka Ah

Khabiirka Madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insa anka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa u gu baaqday xukuumadda Soomaaliya inay si deg deg ah u joojiso dhammaan xukunada dil ka ah.

Isha ayaa baaqan jeed isay kadib markii ay booqa sh ku bixisay Soomaaliya 28-kii Maarsho ilaa 2-dii April, taasi oo ay ugu kuur gashay xaaladda xuquuqda aadanaha Sooma aliya.

Khabiirka ayaa dhaliishay sida loola dhaq mo iyo xaaladaha ka jira jeelasha Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay "inay aad uga hoosee yaan heerka caalamiga ah.”

"Xabsiyadu aad bay u buux dhaafiyeen dad ka waawayn iyo kuwa aan qaan-gaarin ee la xir xirey mar walbana lama kala saaro. Waxaa ka sii daran, ciqaabta dilku waa ciqaab sharci ah joojinta isticmaalkeeduna ma jiro. Waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda inay joojiso dha mmaan xukunnada dilka ah, isla markaana la dhaqangeliyo hakin KMG ah oo ku saabsan xu kunka dilka ah, taasoo ah tallaabada ugu horre eysa ee lagu tirtirayo ciqaabka dilka ah,” ayey tiri Isha Dyfan

"In kasta oo caqabadahaasi ay aad u baax ad wayn yihiin, haddana dowladdu waxay xooji say qaab-dhismeedkeeda hab-dhaqaneed iyo midka hay’addeed si wax looga qabto horumar inta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, oo ay ku jir aan dhinaca sarreeynta sharciga iyo maamulka caddaaladda,” ayey tiri.

Isha Dyfan ayaa sidoo kale ugu baaqday Xu kuumadda Soomaaliya inay horumariso dedaall ada lagu ciribtirayo guurka carruurta, kan deg dega ah iyo guurka khasabka ah iyo ilaalinta xu quuqda gabdhaha meelaha jilicsan.

Waxay sidoo kale dhaliishay heerka ilaalinta xoriyadda hadalka ee Soomaaliya iyo xarigga ka dhanka ah ah suxufiyiinta.

"Xuquuqda xoriyatul qawlka iyo ra’yigu wax ay lama huraan u tahay dimoqraadiyad kasta oo shaqaynaysa. Si kastaba ha ahaatee, wax aa jira walaac laga qabo xarigga aan loo meel dayin iyo xarigga saxafiyiinta ay ku hayaan cii damada ammaanka ee dalka oo dhan,” ayey tiri.

Khabiirka Madaxabannaan ee Qaramada Mi doobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaan ka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa ugu dambeyn ugu baaqday beesha beesha caalam ka inaysan ka daalin taageeradooda, ilaa mar xaladda ugu dambeysa ee ay xasilloonidu noq onayso mid dhab ahaan uga jirta Soomaaliya.

VOA Somalia


Prof. Xasan Sheekh oo sharxay cida maam usha Gedo, kuna taliyey hal arrin

Professor Xasan Sheekh oo ka mid ah aqo onyahanada sida weyn uga faallooda siyaasa dda Soomaaliya ayaa tusaaleyn ka bixiyey ci dda heysata oo maamusha gob olka Gedo, gaar ahaan magaal ada Garbahaarey oo ay taallo doorashada 16-ka kursi ee gobolkaas.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Gedo ay haysato koox hubeysan oo sharciga ka baxsan, cid magacowdayna aysan jirin, kuwaas oo sida uu sheegay dadka ugu hanjabaya in ay dilay aan.

Wuxuu sheegay in Garbahaarey aysan jirin cid Soomaali ah oo tegi karta, kuna dhiira karta Inay ku qabato doorasho xalaal ah, isagoo ku taliyey in magaaladaas laga wareejiyo doorash ada 16-ka kursi ee reer Gedo ay ku leeyihiin go laha shacabka.

"Si walaalaha Soomaaliyeed ee reer Gedo aysan uga harin tartanka doorashada, waa inay helaan madax-banaani ay ku doortaan xubna hooda, waa inay doorashada maamulaan oday aasha dhaqanka iyo waxgaradka gobolka, waa in doorashada lagu qabto meel aan aheyn Gar bahaarey,” ayuu yiri.

Prof. Xasan Sheekh oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa sababeeyey soo jee dintiisa ku aadan in doorashada laga wareejiyo magaalada Garbahaarey, isagoo sheegay in magaaladaas ay heystaan niman qanuunka ka baxsan.

"Nimanka hubeysan ee Garbahaarey jooga ee dadka Soomaaliyeed ee dowlad-dhisida u ta agan ugu janjabaya in cidii Gedo ka soo degta ay masuuliyadda wixii ku dhaca ayadu qaadey so, ma waxaa doortay dadka reer Gedo? waa maya, ma Jubbaland ayaa gobolkaas ka tirsan maamul u magacaabatay? Waa maya, ma was aaradda arrimaha gudaha federaalkaa u ogola atay inay Jubbaland ka baxaan reer Gedo?

Waa maya, ma ninkii Xamar ka diraybaa warqad sharci ah u qoray oo ay Gedo ku maam uli karaan? Waa maya,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh.

Dastuurka iyo aqlabiyadda baarlamanka – Sidan ma lagu dooran karaa madaxweyne?

Waxaa weli socota diiwaan-gelinta iyo sha haado siinta xildhibaanada dooran oo guddiga doorashooyinku uu ogolaaday, waxaana is dii waan gelisay ku dhawaad 100 xildhibaan oo ay ku jiraan ugu yaraan labo xubnood oo Aqalka Sare ah.

Hadaba waxaan dib u eegeynaa tirada xildhibaa nada loo baahanyahay in ay doortaan guddoon ka baarlamaanka iyo Madaxweynaha dalka, an agoo xiganeyna dastuurka KMG ah ee dalka.

Sida ku cad qodobka 65-aad dastuurka dal ka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xig eenadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku door an karta aqlabiyadda ama kooramka tirada gu ud ee xubnaha Golaha Shacabka oo ah 139 Xil dhibaan.Sidoo kale qodobka 73-aad ee dastuurka dalka wuxuu dhigayaa in gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa ay codayn qarsoodi ah ku dooran karaan aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha Aqalka Sare oo ah 28 Senator.

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare mid waliba fadhigiisa koowaad waxaa shir guddoominaya qofka ugu da’da weyn, iyadoo kadibna deg deg loo guda gelayo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa, sida uu qabo dastuurku.

Qodobka 89-aad ee dastuurka ayaa isna dhig aya in doorashada Madaxweynaha Jamhuuriya dda Soomaaliya la qaban karo hadii ay joogaan ugu yaraan 3 meelood 2 tirada guud ee labada Aqal ee baarlamaanka.

Tusaale waa in hoolka ay ka dhaceyso doo rashada Madaxweynaha ay joogaan ugu yar aan 184 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 36 Senator oo Aqalka Sare ah.

Sidaas darteed, ayada oo xildhibaanada harsan ee aan weli la dooran ay yihiin kaliya 20, waxaa doorashada madaxweynaha iyo gu ddoonka labada Aqal u baahan tahay kaliya in ay shahaadada qaataan inta badan xildhibaan ada doorashada ama 184 xildhibaan, taasi oo ah tiro si fudud loogu guuleysan karo.

Q/Mdoobay oo Beesha Caalamka ugu baaq day inay san marnaba joojin taageeradooda Somalia

Xaaladda xuquuqul insaanka ee SomalIya ayaa si weyn isha loogu wada hayay todobaad kii la soo dhaafay iyadoo ay booqashadeedii u gu horreysay ku timid Khabiir madax-banaan oo Q/Midoobay u qaabilsan arrimahan.

Isha Dyfan, waxay sheegtay inay kusoo aragt ay Soom aaliya horumar iyo caqabado, iyadoo sidoo kale ku baaqday in la kordhiyo taageer ada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee dalka. "Waxaan ugu baaqay aa beesha caalamka

inaysan joojin taageera dooda Soomaaliya ," Khabiir ka Madaxa-bannaan ee Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, Isha Dyfan, ayaa shir jaraa'id ku sheegtay hadalkan iyada oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda da lka.

Waxay ahayd markii ugu horreysay ee Soo maaliya ay tagto tan iyo bishii May 2020 markii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Q/Midoobay u magacaabay jagadaas, si ay ula socoto xaala dda xuquuqal insaanka ee Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale booqatay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed 'Laf ta-gareen' iyo mas'uuliyiin kale, iyo wakiilo ka socday bulshada rayidka ah. Isha Dyfan, wa xay dowladda federalka iyo dowlad goboleedy ada ugu baaqday in dumarku qoondadooda ka helaan kuraasta dhiman ee aqalka hoose, wa xay sidoo kale ku baaqday in fursad isku mida la siiyo bulshada iyadoo aan loo eegayn kala duwanaanshahooda.

BOGGA CAYAARAHA:-

Garsoorayaal Soomaali ah oo Xalay dhex dhexaadin dooniyey Cayaar caalami ah.

Garsoorayaal Soomaaliyeed ayaa Xalay dhex-dhexaadinaya kulan ka tirsan Caf Confe derations Cup oo ay wada Cayaari doonaan labada

Kooxood ee kala ah Coton sports fc oo ka dhi san dalka Cameroon iyo kooxda As otoho ee ka dhisan dalka Congo iyadoo Ciyaartu ay ka dhacayso dalka Cameroon.

Garsoorayaashaani ayaa kala ah.

Omar Abdulkadir Artan

Ass1- Suleiman Bashiir Sheekh Cabdi

Ass2 – Mahad Ali Mohamud

Reserver referee – Ahmed Hassan Hussein

Ciyaarta ay dhex-dhexaadinayaan waxay soo galaysa 10:00pm

Waalidiinta ay carruurtooda la noolyihiin xaaladda Autism-ka oo bulshada kala kulma aflagaado iyo faquuq

Maalinta caalamiga ah ee xaaladda Autism-ka ayey ku beegneyd 2-adii bishan, waxaana Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay sheegtay in qiyaas ahaan mid kamid ah 160-kii carruur ah ee ku nool adduunka uu qabo xaal addaas.

Dhibaatada uu sida gaarka ah u leeyahay cudurkan ayaa ah inuu hakiyo, ama uu dib-u-dhac weyn ku same eyo korriinka xagga fahamka iyo hadalka ee carruurta.

Dalalka soo koraya sida Soo maaliya oo kale lagama hayo xog rasmi ah oo ku saabsan xalaadda Autism-ka.

Hooyo Saamiya Maxamuud Cali iyo Aabe Haa shim Ducaale, ayaa wiil ay dhaleen oo lagu ma gacaabo Ismaaciil Haashim Ducaale uu la nool yahay xaaladda Autism-ka. Labadan waalid oo ku nool England ayaa sheegay in dhibka ugu weyn ay tahay in waalidkii la faquuqay ay dare emaan culeys, kaas oo ku qasbaya in carruurta ay ku hayaan guryaha, kana lumiyaan waqtigii ay wax ku baran lahaayeen.

Hooyo Saamiya waxaa ay sheegtay in mar kii ugu horreysay ay fahantay heerka ay gaarsi isan tahay xaalada lagu sheegay curudkeeda, ka dib markii ay telefeshinka ka daawatay dha qtar ka hadlaya xaaladdaasi.

"Maan fahamsaneyn waxa uu yahay Auti sm-ka, nolosheyda ma aan arkin qof la nool xa aladdaasi, habeenkaasi markaan fahmay wax aan ooynayay wakhti fara badan” ayey tiri.

Hooyo Saamiya, caqabadaha ay la kulanto wa xaa kamid ah in magacyo kala duwan loogu ye ero wiilkeeda Ismaaciil, dadka qaar ayaa ugu yeera "Gabadha heysata wiilka xanuunsan”.

Haashim Ducaale, ayaa sheegay in caqab adahaasi looga gudbi karo in waalidka uu fah mo in carruurta uu Ilaaheey siiyay, iyagana ay saarantahay masuuliyadooda. Bulshada ayuu ugu baaqay in culeyska ay ka qaadaan waalid ka heysta carruurta la nool xaalada Autism-ka.

"Mararka qaarkood ilmaha ayaa lagu hayaa guryaha iyadoo laga cararayo cayda dadka”, ay uu sii raaciyay.

"Shaqadaada waa 24 saac marka ilmahaaga uu yahay mid baahiyaha gaarka ah qaba. Had dii bulshada ama deriska aysan dhihi karin Shalay waa idinka nasineynaa, ma ahan in ay aflagaago u geystaan waalidka”, ayuu raaciyay.

Ilaa iyo hadda cilmi-ahaan looma ogga sababa ha keena xaaladdan, lama hayo daawo rasmi ah oo lagu dabiibi karo.

Xarunta xakameynta iyo ka hortaga xanuu nada Mareykanka ee CDC ayaa sheegtay in qiyaastii boqolkiiba hal qof uu la noolyahay xaaladda Autism-ka bulshada caalamka oo dhan, taas oo ka dhigan in 75 milyan oo qof ay la noolyihiin xalaadda Autism-ka.


Weerar lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo Kenyan ah

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaan ka tirsan Go bolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidama da Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afr ika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al- Shabaab. Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Hosingow oo hoostaga Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka no ocyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka Hosingow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah. Sidoo kale dad ka degaanka waxaa ay sheegeen inay cabsi b allaaran soo wajahday intii uu dagaalka socd ay, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxy eelo kasoo gaarto dagaalka. Wararkii ugu dam beeyay ee naga soo gaaraya deegaanka Hos ingow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay degaan kaas ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maa daama Saldhiga ay ku sugan yihiin la weer aray.

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Oo Ka Badbaa day Isku-Day Mooshin Xilka Looga Qaadi Lahaa

Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Pakitan ayaa hor istaagay Mooshinka kalsooni kala noqosho asagoona ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn. Dhanka kale Ra'iisul Wasaare Imran Khan, oo khudbad u jeediyay shacabka Shalay oo axad ah ayaa sheegay in uu kula ta liyay Madaxweyne Arif Alvi "inuu kala diro gol ayaasha".

Ku dhawaaqista Ra'iisul Wa saaraha ayaa timid daqiiqado ka dib markii guddoomiye ku xigeen ka baarlamaanka Qaasim Suri, oo shir guddoominayay kalfadhiga Shalay, uu meesha ka saaray mooshinkii kalsooni kala no qoshada ee ka dhanka ahaa Ra'iisul Wasaare Imran Khan, isagoo ku tilmaamay mid khilaaf san qodobka 5-aad ee dastuurka dalka Pakistan oo sheegaya in daacadnimada qar anku yahay waajibaadka aasaasiga ah ee muw aadin kasta. Dawladdu waxay ku andacoonay saa in mooshinka kalsooni-la'aanta ah ee ka dhanka ah ra'iisul wasaaraha uu ahaa "shirqool shisheeye ay maalgelisay", iyada oo tixraac aysa 'warqad halis ah' oo laga helay waddan aj nabi ah oo loo soo mariyey safiirka Pakistan, oo lagu codsanayo in la rido PM Imran. Waxaa maalmihii u danbeyay aad u kacsaneed siyaasada dalka Pakistan iyadoo magaalada islamabaad ee caasimada dalka Pakistan ay ruxayeen banaan baxyaal kala taabacsan xisbiyada mu caradka ah iyo xisbiga hada talada haya.

Ciidamada Ukraine oo dib u qabsaday Kyiv iyo dagaalkii oo marxalad cusub galay

Ukraine ayaa sheegtay inay dib gacanta u gu dhigtay gobolka Kyiv, ayada oo ciidamada Ruushka ay dib uga gurteen hareeraha magaa lada caasimadda ah iyo magaalada Chernigiv.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay inay dib ula wareegeen in ka badan 30 magaalo iyo xaa fado oo ku dhow Kyiv, tan iyo markii Ruushka ay billaabeen inay dib u gurtaan horaantii todd obaadkan.

"Gobolka Kyiv oo idil waa laga xoreeyey du ulaanka,” waxaa sidaas tiri wasiir ku-xigeenka difaaca Ukraine Hanna Malyar, oo qoraal ku daabacday facebook.

Ayaga oo ka baxaya aagga waqooyi, ciida mada Ruushka ayaa u muuqda inay diiradda saarayaan bariga iyo koonfurta Ukraine, halka as oo ay haystaan dhul badan oo ka mid ah.

"Waa maxay ujeedka ciidamada Ruushka? Waxay doonayaan inay qabsadaan Donbas iyo koonfurta Ukraine,” waxaa sidaas yiri madaxw eynaha Ukraine Volodymyr Zelensky. "Waa ma xay hadafkeena? Waa inaan difaacnaa xoriyad deena, dhulkeena iyo shacabkeena.”

Hase yeeshee, waxaa waddooyinka ku dhow caasimadda daadsan meydad badan ay ada oo ay soo baxeyso in ciidamada duulaanka ah laga yaabo inay si ula kac ah u dileen dad shacab ah oo aagaas ku sugnaa.

Weriyaya ka tirsan wakaaladda wararka AFP ayaa arkay ugu yaraan 20 meydad oo yaa lla hal waddo oo ku taalla magaalada Bucha ee ku dhow caasimadda, meydadkaas oo mid ka mid ah garbo duub loo xiray.

"Dhammaan dadkan waa la toogtay,” wa xaa sidaas AFP u sheegay duqa magaalada Bucha Anatoly Fedoruk, oo intaas ku daray in meydadka 280 qof lagu aasay xabaal wada reedyo ku yaalla magaalada.

Tan iyo markii ciidamada Ruushka ay billaab een duulaanka 24-kii Febraayo, kaasi oo Putin uu ugu yeeray "howl-gal gaar ah,” wa xay ku guul-darreysteen inay qabsadaan xitaa hal magaalo oo weyn oo ka mid ah Ukraine.

Wasaaradda difaaca Ruushka waa ay diid ay inay wax jawaab ah ka bixiso dib u gara shada ciidankeeda.

Moscow ayaa horey u sheegtay in ka bixita ankeeda aagga Ukraine ay tahay mid ay ku dhiiri-gelineyso wada-hadallada. Hase yeeshee Ukraine iyo xulufadeeda ayaa sheegay in Ru ushka lagu qasbay inay diiradda saaraan Bar iga Ukraine kadib markii ay guuldarrooyin culus kula kulmeen aagga Kyiv.

Ruushka oo gebi ahaanba burburiyay xaru nta warshadda sifaynta saliidda

Warshad saliidda sifeysa oo ku taal bartam aha Ukraine ee magaalada Kremenchuk ayaa gebi ahaanba ku burburtay weerar uu Ruushku ku qaaday xaruntaas, guddoomiyaha gobolka Poltava ayaa sidaa u sheegay telefishinka, sida ay ku warrantay W/Wararka ee Reuters.

"Dabkii ka kacay warshadda sifaynta waa la damiyay, laakiin gebi ahaanba xarunta ayaa ba aba'day, mana sii shaqayn karto," Lunin Dmy tro Lunin, guddoomiyaha gobolka Poltava ayaa sidaasi yiri. Wargeyska The Independent ee ka soo baxa Kyiv ayaa bartiisa twitterka ku soo qo ray in weerar gantaal oo ku dhacay warshadda sifeysa saliidda uu burburiyay – oo ah tan ugu weyn Ukraine. Kremenchuk waa xarun warsh adeed oo muhiim ah oo ku taal bartamaha Ukr aine.


[ARBACIIN XADIITH N°=3

Imaam An-Nawaawi’:- ARBACIIN Xadiith:
DHIDIBBADA ISLAAMKA


Waxaa laga wariyey Abuu Cabdar-Raxmaan ‘Cabullaahi ibn Cumar-ibn al-Khaddaab (Allaha ka raalli noqdee):

"nuu yiri: Waxaan maqlay Rasuulkii Allah (scw) oo leh: Waxaa lagu dhisay lslaamka Shan dhibdib oo kala ah.”[Bukhaari iyo Muslim] Qiridda in ilaah jirin xaq lagu caabudo Alla ma ahee, Nebi Muxammadna Rasuulkii Alla yahay.

1.Oogidda salaadda.

2.Bixinta Sakada.

3.Soomidda Bisha Ramadaan.

4.Gudashada Xajka.

Sharraxa:Xadiiska Sadexaad

Xadiiskan wuxuu la mid yahay xadiiska labaad qaybta ku saabsan arkaanta lslaamka, marka shantaasi dhidib, waa shanta tiir ee qofka loogu agoonsan karo inuu ka mid yahay bulshada Muslimka ah. Muslimnimada runta ahna waa hadba sida qofku ugu dhaqmo shantaa tiir iyo waxyaalaha la xiriira. 

La soco qeyb kale Insha Allaah .


 

ACMAASHA TAN UGU KHAYRKA BADAN RAMAANKA DHEXDIISA {QODOBKA 2-AAD ILAA 6-AAD}

IN LA ISTAAGO HABEENKII (SALAAD)


Dambigiisii hore waa la dhaafayaa.

Xadiis kale nebiga waxaa laga wariyey inuu yiri SCW:

((qofkaan iska deynin hadalka xun iyo dhaqanka xun rabbi SWT dan kama laha in uu katago cuntada iyo cabitaanka)) BUKHAARI

Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa:

Qofkii hadalada xun-xun iska dhaafi waaya inuusan Ilaahey dan ka laheyn katagidda Cunniddiisa iyo Cabbidisa.

Rasuulku wuxuu leeyahay SCW:

((qofkii salad u istaagaa asagoo rumeysan ajarna ka raadsanaaya wa xaa loo dhaafaa danbigiisii hore))

 

Macnaha Xadiiskan waxaan ka qaadanaynaa:-

1-Qofkii Ramadaan Salaad u istaa ga oo laga helo labadan shardi in la dhaafayo dembigiisii hore.

Shuruuduhuna waa

a.Isagoo rumaysan Waajibni ma da soonka

b.Isagoo Ilaahay ajarka xisaabsa naya

Habeenkii oo salaad loo istaago wa xay ka mid tahay dha qankii Nebiga SCW, waxayna leedahay Caa’isho Allaha ka ra alli noqdeen "Nebigu wuxuu ahaa mid aan ka tagin inuu ha beenkii salaadda u istaago, xitaa wuxuu tukan jiray isagoo fadhiya hadduu xanuunsado.”

Allaah markuu tilmaamayey addoomada Ilaahay sifaad kooda waxaa uu yiri:

((kuwa habeen baryaya iyagoo sujuudsan ama Salaad u taagan.))

Sidaas daraadeed ayaa waxaa wanaagsan in lagu dada alo salaadda habeenkii Bisha Ramadaan, Iyadoo ay u wana agsan tahay in salaadda taraawiixda Imaamka lala dhamm aysto, maxaa yeelay rasuulku waxaa uu leeyahay:

((qofkii la istaaga salaada taraawiixda imaamka ilaa uu ka baxo salaadda waxaa lasiiyaa ajar lamid ah midkii habe enkii oodhan usoo jeeday salaadda))

QODOBKA 3-AAD

In la baxsado (Sadaqo)

Waxaa nalaka doonayaa in aan la baxno wax maalkeena ka mid ah bisha ramadaan, si ka duwan bilihii hore, oo nafta lagu tarbiyeeyo sadaqada, sidaa daraadeed wuxuu ahaa Nebigeena SCW, kan ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ku dadaali jiray sadaqada bisha ramadaan, wuxuu leeyahay Nebigu SCW:

((sadaqo la baxsado waxaa ugu wanaagsan midda la baxsado bisha soon)) TIRMIDI

Sadaqada ramadaanka waxay leedahay Faa’iidooyin aad u badan oo in lagu dadaalo mudan waxayna leedahay noocyo kala duwan, waxaana ka mid ah

a)In cuntada la bixiyo (masaakiinta la quudiyo)

Wuxuu Alle ku ammaanay Mu’miniinta:

1-Inay bixiyaan Cuntada iyagoo siinaya, masaakiinta, Agoonta iwm.

2-In ay u bixiyaan Alle Dartiis oo aanay dooneyn Ammaan.

3-Wuxuu Alle ka ilaaliyey Sharta maalinta Qiyaame.

4-Wuxuu Alle ku abaal mariyey janno iyo Xariir.

Nebigeenu wuxuu yiri SCW;

 

((Qof kasta oo mu’min ah oo quudiya qof baahan oo mu’min ah, Alle wuxuu ku quudiyaa Miraha Janada, qofkii waraabiya qof mu’min ah oo haraadsan Alle ayaa ka waraabiya koob khamriga janada kan ugu wanaagsan ah oo aysan oomeyn weligiis.))

 

b)In la afuriyo qof sooman.

 

Wuxuu yiri Nebigu SCW:

((Xadiiskan waxaa ka fahmaynaa in qofkii afuriya qof soomnaa, uu la ajar yahay midkii soomanaa isagoo aan laga naaqusin waxba qofkii kale.))

Sidaa daraadeed waxaa wanaagsan inaan afurino dadka sooman bisha Ramadaan ee Barakaysan, Inagoo samaynay na sufrooyinka loo yaqaan sufradihii Raxmaanka.

 

QODOBKA 4-aad

In Quraanka la Akhriyo

WARGELIN:-Maamulka Wargeys ka M.Times Wuxuu Akhrista yaashiisa Qiim aha leh leeyahay RAMADAAN KARIIM marka hore mar ka xigana wuxuu ku Warg elinayaa inay ilaaliyaan oo ay xafidaan wargeyska maadaama ay ku qoran yihiin daruus Diini ah alle ha inagu anfacee Dhammaanteen .

Fadlan walaal ka ilaali inaad dhigto meel uusan mudneyn Bogga Diiniga ah ee Taxanaha inoo ahaan doona Insha allaah Bishan Ramadaan ee Barakeyskan Alle ha ku Barakeeyee kana Faa’iideyso Acmaasha & kheyrka ka buuxo Dadka kalena uu faa’idee Nabad Alle ha inooga dhammeeyee Aamiin..

MAHADSANIDIIN

Waxaa wanaagsan qofka Muslimka ah in uu badiyo quraan akhriska gaar ahaan bisha ramadaan, sidii dadkii salafku ah aayeen,waxaa la sheegaa in qaarkood ay dejin ((dhameyn)) jireen quraan 3-dii habeenba mar, 7-dii habeenba mar, 10-kii habeen ba mar.

Imaamu shaafici wuxuu dejin ((dhameyn)) jiray Quraan ka 60 jeer, Bisha Ramadaan.

Waxaa wanaagsan quraanka marka la akhrinayo in lagu tad aburo oo lagu khushuuco.Waxaa kaloo wanaagsan inaad cajalado ka dhagaysato, ama aad qof igu akhri tiraahdo adigoo u dheg-raaricinaya. Nebiga NNKH waxaa ka sugnaatay inuu Ibnu Mascuud ku yiri; "Igu arkhri quraanka” Ibnu mas’cuudna wuxuu yiri; ‘Nebi Allow sideen kuugu akhrinayaa qura anka isagoo la guu gu soo dejiyey adiga;? Markaasuu yiri Nebigu SCW "Waxaan jeclahay inaan ka dhagaysto qof kale”.

 

QODOBKA 5-AAD

In la fariisto masjidka (Ilaa qoraxdu ka soo baxdo)

 

Nebigu SCW wuxuu ahaa mid ku fadhiya gogosha uu ku takado salaadda Subax ilaa qoraxdu ka soo baxdo, waxaa la ga weriyey Nebiga SCW inuu yiri; "

((qofkii la tukada jamaaco, salaada fajarka dabadeed na fariista meeshii uu ku tukaday, isagoo xusaya Alle ilaa ay qoraxdu ka soo baxdo, dabadeedna tukada labo rakco wu xuu leeyahay ajar la’eg qof cimraystay cumro dhamaystir an, sidaas daraadeed, waa inaan ka faa’iidaysanaa waqtiga as yar ee ajarka weyn leh.))

 

QODOBKA 6-AAD

In lagu negaado Masjidka

Nebigu SCW wuxuu ahaa mid ku negaada masaajidka Ramadaan walba Tobanka habeen ee ugu dambaysa, sanad kii la oofsanayey wuxuu ku nagaaday Masjidka Labaatan Ha been, sidaa darteed in lagu nagaado Masjidka waa arrin mu hiim ah, wayna wanaagsan tahay in lagu dadaalo, gaar aha an tobanka dambe ee ramadaan, iyadoo la raadinayo Layl atul-Qadriga Barakaysan.

 

Negaashada masjidka waxaa loola jeedaa cibaado darte ed, iyadoo loo go’ayo cibaadada, dikriga, iyo acmaal kasto oo ku gaarsiinaysa raali ahaanshaha Alle.

 

Xikmadda loo jideeyey ictikaafka

 

Ibnu Qayim wuxuu leeyahay waa in qalbiga Alaah loogu gooni yeelo, kaas oo laga ilaalinayo waxyaabaha shuqlinaya.

Ictikaafka xukunkiisa

Waa u dhawaansho Alle iyo raacid waddadii Nebiga SCW, Ilaahey wu xuu leeyahay (( ka nadiifi gurigeyga shirkiga iyo macaasda waayo waxaa imaanayaa dadka dawaafaayo iyo kuwa ku ictikaafaayo))

 

Waxaa la weriyey inuu Nebigu Ictikaafi jiray tobanka dambe ee ramadaanka, markuu dhintay kadibna haweenkiisu way ictikaafi jireen,

 

Shuruudaha Ictikaafka

 

1-Waa inuu qofku Islaam yahay

2-Waa inuu Caqli leeyahay

3-Waa inuu wax kala sooci karo

4-Waa inuu Niyad la yimaado

5-Waa Inuu ku Negaado Masjidka

6-Iyo Inuu Daahir yahay.

Waxyaabaha u wanaagsan inuu sameeyo qofka Ictikaafaya

 

1.Inuu badiyo Salaadda iyo Quraan Akhriska

2.Inuu ka fogaado waxyaabaha maalaayacniga ah. Sida cayda, iyo doodda.

3.inuu ku Negaado masjidka Meel ka mid ah.

Waxyaabaha u bannaan qofka Ictikaafaya

 

1-Inuu u baxo dantiisa lagama maarmaanka ah.

2-Inuu wax cuno, wax cabbo isagoo ilaalinaya nadaafadda masjidka.

3-Inuu hadli karo, wixii dantiisa ah.

4-Inuu Dorraadsankaro, ciddiyaha iska jari karo, nadiifsan karo jirkiisa.

5-Inuu ka bixi karo meesha uu ku ictikaafayo isagoo sagootinaya Ehelkiisa.

Waxyaabaha Buriya Ictikaafka

 

1-In laga baxo masjidka Dan la’aan.

2-Jimaaca

3-Waalli ama sakhraan

4-In diinta islaamka laga baxo

5-In ay imaadaan waxyaabaha buriya ictikaafka.

 

Waqtiga uu galayo Masjidka qoka Ictikaafaya:

Hadduu niyeysto inuu ictikaafo tobanka dambe wuxuu galayaa qoraxda intaynan dhicin, wuxuuna ka soo baxayaa masjidka maalinta ugu dambaysa Bisha qoraxdu marka ay dhacdo,…. la soco qeyb kale..


 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip