HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 31-KA MAARSO 2022-

0
Thursday March 31, 2022 - 08:48:19 in Wararka by
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 31-KA MAARSO 2022-

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Rooble: " Sida Aan Aaminsanahay Xildhibaan Aamina waxaa dishay gacantii Ikraan Tahliil dishay”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuse en Rooble ayaa Xalay ka qeyb galay kulan loogu du ceynayo Xildhibaan Aamina Maxamed oo Beledwey ne lagu dilay, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay gacantii Ikraan Taliil dishay ay ka dambeysay dilka Xildhibaan Aamina Maxamed.

Rooble oo aad u careysan, isla markaana Ilmeyn aya ayaa sheegay inuu hayo farriimo loo soo diray markii ay isaga iyo Cali Guudlaawe go’aansadeen in kursigii ay Aamina Maxamed ku fadhisay aan qof gaar ah loo xirin oo la furo.

Waxuu sheegay in dagaal adag uu u galay in Ikraan Tahliil ay cadaalad hesho, balse rag badan oo uu ku ta shanaayey ay garabkiisa ka baxeen. "Iyagoo hal gankoodii ku soo gabagabeey ey war Farmaajo iyo Rooble kala celiya, uma aanaa socon Farmaajo, la akiin waxaan rabnay in Ikraan ay cadaalad hesho, balse waa la siyaasadeeyey mana ka hari doono In sha allah inta aan noolahay ,” ayuu yiri Rooble.

"Waxaan kaloo aaminsanahay, sidaan u aamins an ahay ina cawadaba aan dhiman karo in Aamina gacanta ka gardaran ee dishay ay aheyd gacantii Ikr aan ka danbeysay, sababtaan saas u leeyahay wax kale maahan, walaalkeey Cali Guudlaawe markuu ogolaaday in la furo kuraastii Baarlamaan, waxaa og aanay in dhibaato soo gaari doonto, waxaa ley soo diray massage oo leygu leeyahay kursigaas aamina furitaankaa furteen waxaad ka heshaa leedahay, uje edo kalaa leedihiin, iyo boob, waxaad ka heshaa lee dahay, Cali Guudlaawe waa iska celineynaa, illaah baa iga sareeyo waa hayaa massage-ka, waan u dhi manayaa, waana u dhiman doonaa” ayuu yiri Rooble isagoo ilmeynaya.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sababeynaya ayaa sheegay in Cali Guudlaawe oo la soo xariiray intii uusan dhicin dilka Aamino, isagoo u sheegay in guddoomiyaha guddiga doorashada uu caqabad ku noqday kursigaas, isagoo doonaya inuu Aamino dha afiyo, balse ay ku heshiiyeen in asagaba la bedalo.

"Aniga iyo Cali Guudlaawe waxaan xusnay in ga badhaas ay khatar ugu jirto in la dhibaateeyo, mark aan go’aankaas qaadanay aniga iyo Cali Guudlaawe waxaa igu soo bilaawday fariimo la igu leeyahay kur sigii ay ku fadhisay Aamino sababta aad tartankiisa u furtay waxaa dooneysaa inaad boobto, laakiin wax aad ka hesho ayaad leedahay Cali Guudlaawe & ad igaba waan iska kaa celi doonaa,” ayuu yiri Rooble.

Wuxuu sheegay inay dadka ku dhex jiraan kuw ii abaabulay dilka Aamina, lacagta ku bixiyey oo nin ka is qarxiyey Beled-Xaawo ka keenay, balse aysan ka hari doonin.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in 14-ka Abriil ay baarlamaanka dhaari doonaan, ka dibna dedeji doon aan doorashada, wixii markaas ka dambeeyana ay u soo jeesa doonaan la xisaabtanka dambiilayaa sha. Ayuu Md. Rooble oo si Maqal iyo muuqaal ah kaga hadlay Tacsiyada Ex-Xildhibaanad Aamino Maxam ed Cabdi ee Muqdisho lagu qabtay

Guddoomiye Gaduudoow "Wiilkeyga oo labaatan jir ah ayaa ku dhintay qaraxa aniga iyo askari ilaaladeyda ahna waan ku dhaawacanay"

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Habeen hore ka dhacay agagaarka hoyga uu ka dagan yahay degmada wanlaweyn ee gobolka Sh /hoose guddoomiye ku xigeenka amniga degmada wanlaweyn ee gobolkaasi Cab dull aahi Gaduudoow.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa miino nooca meelaha fo gfog laga ha go ayaa dhacay daqiiqado kooban kadib mar kuu gurigiisa galay guddoomiye Gaduud oow, waxaa na ku dhintay qaraxaasi wiil uu dhalay gu doomiy aha, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay askari ka mid ah ilaaladiisa. "Miinada gurigeyga me el bannaankiisa ah ayaa la dhigay, markii aan guriga galay ee aan sariirteyda aaday ayay qaraxday, wiil aan dhalay oo 20 jir ah ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladeyda, Aniga xitaa waxaa isoo gaaray dhaawac oo waan fiicanahay ma na jirto cid aan ku tuhmaayo ama na dhexmaray had al dhibaato dhalin kara” ayuu yiri G/ye Gadudoow.

G/Gaduudow oo Shalay la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qaraxa uu dhaawac fudud kasoo gaaray naf ahaantiisa oo lal a tacaalayo xaaladdiisa Caaf imaad.

Ciidamada amniga degmada Wanlaweyn ayaa qaraxa kadib howlgalo ka sameeyay xaafada uu ka dagan yahay degmadaasi guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Wanlaweyn, walow aysan jirin cid ay kusoo qabqabteen howlgalkaasi, Wanlaweyn wax aa inta badan ka dhaca qaraxyo miino oo lala eegto masuuliyiinta ka tirsan maamulka degmadaasi ee gobolka Sh/hoose

Wararkii ugu dambeeyay ee dhaarinta xildhibaa nada iyo kulan Shalay ka dhacay xafiiska Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xu seen Rooble ayaa Shalay xafiiskiisa kula shiray xog-hayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqa lka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxay Maxa med Xuseen Rooble, Cabdikar iin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac uga wada-hadleen diyaar garow ga dhaarinta xil dhibaannada 2da Aqal, si waafaq san jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyin ka Heer Federaal ee FEIT.

Sidoo kale dhinacyada ayaa kulanka ku kala qaat ay warbixiin ku saabsan diyaar-garowga dhaarinta xildhibaanada labada aqal, xili ay doorashada xildhib aanada Golaha Shacabka ay mareyso heer gebo-gebo ah. Waxaa lagu wadaa in dhawaan ay mudan eyaasha labada aqal soo wada gaaraan magaalada Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, kadibna loo doorto guddoonnada lab ada aqal.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo gebo-gebeeyo do orashada labada aqal iyo guddoonkooda, si loogu gudbo doorashada madaxweynaha dalka.

Jadwalka Guddiga FEIT ee dhaarinta xildhibaa nada ayaa waxaa hore si adag uga horyimid maam ulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taasi oo uu ka dambeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, hase yeeshe waxaa cad in uu fashi lmay qorshaha lagu burinayo jadwalkaas.

DF OO KEENTAY HANAAN CASRI AH OO LAGU DIIWAAN GELINAYO GANACSIYADA DALKA

Munaasabad ay wasaaradda ganacsiga iyo war shadaha xukuumadda Soomaaliya Shalay ku qaba tay M/Muqdisho ayaa si rasmi ah loogu daah furay in hab online ah lagu diiwaan geliyo ganacsiyada Soo maaliya, loo qaato shatiyada, loo qabsado magaca yada ganacsi iyo in lagu cusbooneysiin karo shatiy ada habka online-ka ah.

Waxaa munaasabadda ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka gan acsiga, wasiiru dowlaha ga nacsiga, wasiirrada Dekad da, Xanaanada xoolaha, wasiir ku xigeenka maaliyadda, agaasimaha wasaar adda ganacsiga, wasiirro ka socday maamul gobole edyada, xubno ka socday Baanka Adduunka (World Bank)iyo mas’uuliyiin kale, waxaana dhammaan ay guul iyo tilaabo loo baahnaa ku sifeeyeen hanaanka la soo kordhiyay ee ganacsiyada Soomaaliya loo dii waan gelinayo.

Habkaan online-ka ah ee lagu diiwaan gelin doo no ganacsiyada ayaa agaasimaha wasaaradda gana csiga iyo warshadaha XFS Cabdicasiis Ibraahim Aa dan waxaa uu sheegay in durba lagu diiwaan geliyay u gu yaraan hal kun ganacsiyo kala duwan ah. Was iirradii ka socday Dekadda, xanaanada xoolaha iyo maaliyadda waxay dhankooda sheegeen in adeeg gaan cusub uu bulshada Soomaaliyeed iyo dadka ka le ee doonaya in ay ganacsi ku yeeshaan Soomaal iya uu siinayo fursado qaali ah.

Guddoomiye ku xigeenka Rugta ganacsiga Cabdir axmaan Karaani oo ku hadlayay magaca ganacsata da ayaa waxaa uu sheegay in barnaamijkan diiwaan gelinta casriga ah uu yahay mid ay ganacsatadu ba ahi badan u qabeen, isagoo ku amaanay wasiir Khal iif iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo khudbad qoto dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa ugu horeyn sheegay in muddo ay ka soo shaqeynayeen hanaan kan cusub ee diiwaan gelinta ganacsiyada, waxaana uu intaasi ku daray in ganacasatada loo fududeeyay diiwaan gelinta ganacsiga iyo ruqsad u qaadashada.

Wasiir Khaliif wuxuu kaloo sheegay in dowladda ay marwalba u taagan tahay sidii ganacsiga Sooma aliya loo hormarin lahaa.

Habkaan cusub casrigana ah ee diiwaan gelinta ganacsiyada Soomaaliya ayaa ka dhigan in xilligaan wixii ka danbeeya ay dad badan oo gudaha dalka iyo dibadda jooga u sahlanaan doonto in iyaga oo aan tagin xarunta wasaaradda ay diiwaan gasha kar aan ganacsiyadooda, una dalba karaan ruqsad iyo howlaha la midka ah ee ganacsiyada muhimka u ah.

Nin Oday ah oo lagu dilay Magaalada Muq disho

Kooxo hubeysnaa ayaa Shalay Xaafada Macalin Nuur oo katirsan degmada Dharkeenleey ee G/ Ban aadir waxaa ay kudileen Nin Oday ah kana mid ahaa dadka kunool Xaafadaas. Ninka Odayga ah ee la di lay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xaaji Xasan Shiino, waxaana Goobjoogayaal ay sheegeen in xilliga la dilayay uu ka yimid Masaajid u dhowaa Gurigiisa, is aga oo Salaad Subax kusoo dukaday

Majirto cid weli sheegatay mas'uul iyada dilkaas iyo sababta loo dilay, waxaana dad ya qaanay ay Saxaafadda u sheegeen Ninka Odayga ah ee la dilay ee Xaaji Xasan Shiino uu ka mid ahaa Dallaaleyda Dhulka. Ciidamo katirsan kuwa dowlad da Somaliya iyo Ehelkiisa ayaa tegay goobta dilka ka dhacay, iyaga oo kasoo qaaday meydkiisa, wax aana dilkaan aad uga naxay dadka deriska la ah Od ayga la dilay.

M/Muqdisho ayaa waxaa Maalmahaan inta badan ay si joogta ah uga dhaca dilalka loo geeysa nayo dadka Shacabka ah iyo kuwa dowladda u Sha qeeya, waxaana dilalka inta badan geysta Al-Shaba ab iyo Kooxo Burcad ah oo dhac geeysanaya.

Diyaar Garoowga Bisha Barakeeysan Ee Ram Daan Iyo Xaaladda Abaarah Kajira

Waxaa guud ahaan Caalamka Islaamka ah ay uu diyaar garoowbayaan bilshada Bisha barakeeys an ee Ramdaan oo foodda inagu soo haysa ,iyadoo dalka ay abaarro ay ku dhufteen Dad iyo Duu nyo saamiyey.

Degaannadda qaar Soomaaliya ayaa laga soo sheegay xaallado aad u adag oo bini’aadanimo ayna sababtay abaa raha ka jira dalka,meelaha qaar ay ayaa laga soo sheegay in ay abaarta u dhinteen dad, ka dib markii ay beerihii iyo xoolihii ay abaartu la hartay taas oo ay noloshoodu ku tiirsanad.

Gobolada jubooyinka,labada Shabeelle iyo qeyb ka mid ah Gobolka mudug aya abaartu si gaar ah u samaysay,iyadoo xiligaan halkaa laga soo warinayo xaaladdo Bin’adanimo oo aad u liito,waxa ayna xilig aan u baahan yihiin dadku in la gaarsiiyo gurm ad deg deg ah, si Bisha Ramadaan ee fooda nagu soo hayso ay u helaan waxa ay ku noolaadaan.

Dowlada Soomaaliya waxa ay horay u magacow day Guddiga gurmadka Qaran ee Abaaraha si ay u ga qeyb qaataan howlaha loogu gurmanayo dadku ay abaarta sameeysay.Iyadoo ay guddigu gargaar isugu jira rashiin iyo Biyo dhaamin ay ka sameyeen gobolada dalka qaar kood,inkastoo wali ay jiraan

meel badan oo aan wali gurmad la gaarsiin.


Muxuu Mareykanka ka yiri kororka weerarada Shabaab?

Safiirka dowladda Mareykanka u qaabilsan arrim aha Soomaaliya Larry Andre ayaa wareysi uu siiyey VOA wuxuu ka hadlay xaalada Soomaaliya, gaar ah aan arrimaha ammaanka iyo sidoo kale dhammeyst irka doorashooyinka dalka.

Mr.Larry Andre ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday arrimaha ammaanka, gaar ahaan weeraradii ugu dambeey ey ee ka dhacay dalka, sida Muqdi sho iyo Beledweyne.

Danjiraha ayaa sheegay in ujeedada laga lahaa weeraradan ay ahaayeen inay Soomaaliya kahor ist aagaan dib u soo kabashada. Sidoo kale wuxuu inta asi ku daray in dowladdiisu ay taageersan in la dhiso Somaliya oo nabad ah, isla-markaana ah barwa aqo.

"Waxa aan taageereynaa kuwa dooranaya in la dhiso Soomaaliya oo Amni ah, Barwaaqo ah na badna ah waa taas iskaashiga aan la leynahay Mas’ uuliyiinta Soomaalida, Dadka Soomaaliyeed & Bulsh ada Rayidka ku wajahan yahay, Danta Dadka Marey kanka ayaa ah in ay arkaan Soomaaliya oo guuleysa ta” ayuu yiri Danjire Larry Andre oo la hadlay VOA

Dhinaca kale wuxuu wareysiga diiradda ku saar ay arrimaha doorashooyinka, isaga oo ku baaqay in la dadejiyo kuraasta ka dhimman Golaha Shacabka Soomaaliya.

"Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadan Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay Xiliga la dhaar inayo Xildhibaannada iyo Senatarada Aqalka Sare oo ah 14-ka April 2022, taasi kama dhigna in dhammaan la dhammeystiri doono kuraasta balse way dhici kar taa, haddii xitaa la gaaro waqtiga dhaarinta waxaa doorashada lasii wadi karaa kaddib marka la dhaar iyo Xildhibaannada sida dhacday 2016kii” ayuu markale yiri Danjire Larry Andre.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan meel wanaagsan ay mareyso doorashada Baarlama anka, walow dib looga dhacay jadwalkii u dambeey ey oo dhigayey in doorashada lagu soo gabagabee yo 15 bishan March sida ay ku ballameen Golaha Wadata shiga Qaran

Xildhibaan Mahad Salaad oo shaaciyey ‘laba qorshe oo halis ah uu wado’ Farmaajo

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarla maanka Soomaaliya ayaa shaaciyay qorshe uu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisu dha maaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhex wado ciidamada, kaasi oo uu isbedel ugu sam eynayo taliyeyaasha hoose ee ciidamada qalabka sida.

Qorshahaan ayuu Farmaajo waday maalmihii la sood dhaafay, kaasi oo ujeedkiisu yahay in meesha laga saaro dhamaan taliyeyaashii ka aragtida duwa naa Farmaajo xiligii Badbaado Qaran. "Farmaajo habeen kasta wuxuu arkaa saraakiil ciid

an. Walina lama soo sheegin Xildhi baano uu arkay iyo wax ififaalo door asho ah oo Villa Soomaaliya ka soc da, xili Muqdisho ay ku sugan yihiin in ka badan 200 Xildhibaan oo dhawaan la soo doorta y,” ayuu Mah ad Salaad ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Fac ebook.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay socdaan qor sheyaal kale oo lagu beegsanayo siyaasiinta qaar, iyadoo la adeegsanayo gacmo kale sidii maalmo ka hor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ugu baaqay siy aasiyiinta ka aragtida duwan Farmaajo inay xooji yaan amaankooda, si aysan ugu bixin qorsheyaasha guracan ee wado madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

"Doorasho sooma muuqato ee naftiina ha daya cinina‼️,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa Xildhibaan Mahad Salaad oo asagu dhawaan mar kale kamid noqday Golaha Shacabka. Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo tirsanaya sanadkii 6-aad ee xukunka Villa Somalia, ayaa waxaa ilaa hadda cad eyn waqtiga laga bedali doono xukunka ama inay doorashadaan ku dhamaan doonto si nabad ah, maadama uu Farmaajo dagaal badan u galay inuu xukunka dheereysto.

Mararka qaar wuxuu la imaanaayey farsamo xaa lad abuur ah, si xukunka uu u sii joogo, balse hadda waxaa mar kale so ifbaxaya cabsi ku saabsan in Farmaajo uusan doorasho u socon.

Sida ay tibaaxayaan xogo sirdoon oo ay wadaa geen dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta kama shaqeynayo Farmaajo waayahaan wax shaqo ku leh doorashada, wuxuuna xooga saaraya dhanka ciidamada.

Inkasta oo Farmaajo aysan hadda gacanta ugu jirin awooda doorashada, haddana markii dhinac kale laga eego hab-dhaqanka kooxda Farmaajo wax kasta ayaa ka suurtaaba, waxaana weli u heysta aw oodii ciidanka, taasi oo suurta-gal ka dhigi karta in uu qaadi karo tallaabo kasta.

AL-SHABAAB OO SHAACISAY MAGACA IYO QABIILKA MID KA MID AH RAGGII FULIYEY WEERARKII XALANE

Kooxda Al-Shabaab ayaa markale warbixin cus ub kasoo saartay weerarkii tooska ahaa ee dhowaan lagu qaaday gudaha xerada Xalane oo uu ku dhex-yaallo garoonka diyaaradaha Aadan Cade, sidoo kal ena ay dagan yihiin ciidamada AMISOM.

Al-Shabaab ayaa marka hore shaacisay xogta mid ka mid ah raggii fuliyey weerarkaasi oo ku bilow day qaraxyo, kadibna uu xigay dag aal ay gudaha ku galeen raggaasi.

Magaca ninkan ayey kooxdu ku sheegtay Maxamed Macalin Ax med oo (Cabdirisaaq-Juleybiib), wuxuuna kasoo jeeday Beesha Eelaay, gaar ahaan Jufada Geed Fade.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa da’da ninkan ku shee gtay 24 jir ku dhashay deegaan hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, isaga oo ka qayb qaatay dagaallo kala duwan.

Wareysi laga qaaday ninkaan intii uu socday we erarka, sida ay baahisay Idaacadda Andaluus wuxuu ku sheegay inay dileen dad ajaaniib ah oo isugu jiray Cadaan iyo Afrikaan, ayna sidoo kale gubeen xero ku dhex-taalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Dhinaca kale warbixinta kasoo baxday Al-Shaba ab ayaa waxaa lagu sheegay inay dhimashadu ga artay illaa 17 qof oo u badan ajaaniib reer galbeed ah iyo 13 dhaawac ah oo u badan Afrikaan, siiba ciid anka AMISOM ee ilaalinayey goobta uu weerarku ka dhacay.

Weerarka ayaa dhacay xilli barqo ah, taariikhdu na ay aheyd 23-kii bishan March, kaas oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa horey u shaacisay magacyada iyo qabiilada ay kasoo jeedaan raggii fuli yey qaraxyadii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay magaalada Beledweyne.

Maxaad ka ogtahay xeerarka diidaya xubnaha NISA iyo ciidanka kale ee ku biiray BF?

Tan iyo markii ay dalka ka bilaabatay doorashada baarlamaanka federaalka ah ee 11-aad ayaa waxaa ku soo baxay/la-xushay qaar kamid ah Saraakiil ciid an, xoogga dalka, booliiska iyo shaqaale heerar kaal duwan oo NISA ah.

Illaa hadda inta la ogyahay waxaa ugu sareeya Saraakiishaas saddex taliye oo NISA soo maray, tali yeyaasha qeybta 60-aad iyo Asluubta, waxayna qa arkood ku biiristooda baarlamaanka abuurtay xiisado hor leh.

Kaddib xulistooda iyo ka mid noqo shadooda baarl amaanka federaalka ah, si sharciga baalmars an waxaa weli sha qada caadi u wata taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey iyo ku-xigeenkiisa Kullane Jiis, sidoo kale wax aa shaqadii iska wata taliyeya asha kale sida midka qeybta 60-aad iyo Asluubta. Haddaba, maxay yihiin xeerarka iyo sharciyada xub nahaas u diidaya inay ka mid noqdaan baarlamaa nka, ayaga oo weli sii wata shaqooyinkii ciidan ee hore u hayeen.

1. Habraaca doorashada dadban ee ka dhashay heshiiskii September 17 ee ay saxiixeen madashada watashiga qaran, isla markaana ay meelmariyeen la bada Aqal ee baarlamaanka 10-aad, waxaa uu dhig ayaa in Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubna ha guddiyada madaxa bannaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa inay is casilaan saddex (3) tod obaad ka hor wakhtiga diwaan-gelinta musharraxinta

2. Sharciga doorashooyinka qaranka qodobkiisa 24-aad, faqradiisa 4-aad iyo 5-aad waxay u qoran ta hay: (4). Xubnaha ciidamada qalabka-sida, shaqaala ha Dowladda, diblomaa siyiinta, iyo xubnaha bahda garsoorka looma soo sharrixi karo doorasho liiskana laguma soo dari karo haddii aysan keenin caddayn shaqo ka tegis. (5). Warqadda caddaynta shaqo ka tegista looma diidi karo Murashaxa dibna looguma dhigi karo sabab la’aan.

3. Sharciga Axsaabta siyaasadda: Qodobka 11-aad waxaa isna ku qoran in xubnaha ka reeban ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadda ay qeyb ka yih iin Ciidamada Qalabka Sida, Garsooreyaasha Maxk amadaha dalka, Hawl-wadeenada safaaradaha (Dibl omaasiyiinta) iyo Dhammaan shaqaalaha dowladda.

Dhamaan xubnahaas ayaa waxaa ka reebban inay ka mid noqdaan asaasayaasha ama xubin xisbi siy aasadeed, ka qeyb-qaadashada ololeynta ama dar dar-gelinta hawlaha xisbi iyo kulamadiisa iyo inuu muujiyo ujan-jeeridda xisbi siyaasadeed si oraah ama qoraal ah oo wax u dhimi karta dhex-dhexaadni madiisa.

4. Shaqaalaha dowladda: Sharcigaan ayaa diid aya in masuulku uu isku mar wada qabto laba jago iyagoo aan si sharci ah loogu oggolaan. In uu Xil ka qabto Xisbi Siyaasadeed inta uu hayo shaqada Dow ladda.

Marka laga imaado qoddobadaas, sidoo kale wa xa uu dhigaya dastuurka oo ah heshiiska bulsho ee ugu weyn dalka in ciidanka laga rabo dhex-dhexaad nimo xag siyaasadeed (qodobka 127-aad ee Mabaa di’ida Ciidamada Amniga, faqrada "e”), taasina waa mid ka hor imaaneysa saraakiisha kala duwan ee hadda soo galay baarlamaanka 11-aad.

Haddaba, qoddobaas iyo kuwa kale oo aan xu sin ayaa ka dhigaya soo bixista xubnahaas inay qeyb ka tahay fowdo sharci iyo mid ka jirta hey’ada ha ammaanka, islamarkaana u baahan in tallaabo deg deg ah laga qaado, taasi oo xiligan ay go’aan qaadashadeeda hortaalo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadda mas’uul ka ah amniga qaranka.

Si kastaba, Xubnaha baarlamaanka 11-aad ku soo galay doorashada u eeg xulashada kuma eeka oo kaliya Saraakiisha iyo xubnaha ciidanka, waxaa kale oo kamid ah shaqaale rayid ah oo ka howl-gala dfs iyo maamulada xubnaha ka ah.

Puntland oo qabatay Doomo Shisheeye oo Kalluumeysi sharci darro ah waday

Ka dib howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF iyo Booliska degmada Xaafuun ee gobolka Bari kusoo qabtay Doonyo laga-leeyahay dalal shisheeye, kuwaas oo si sharcidaro ah uga kalluumaysanaayey Badda degaannada Puntland.

War kasoo baxay taliska Cii dan ka Badda Puntland ayaa la gu she egay in howlgalka uu so cday mud do 2 Cisho ah bal se aan lagu shaa cin dalalka Shis eeye eelaga leeya hay Doomah aas sida sharci darrada ah uga kalluu meysanayay Xeebaha G/Bari.

Saraakiil katirsan Ciidamada Badda iyo Beriga Pu ntland ee PMPF ayaa waxaa ay sheegeen inay ba aritaan kuhayaan Doomahaas & Ajaanibta la socota, isla markaana dhawaan ay Warbaahinta usoo bandh igi doonaan. Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale Ciidamada Puntland ay u qabteen doomo Shish eeye oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay Xeebaha Puntland, kuwaas oo ay ku riday xukuno

kala duwan kana musaafurisay degaannadeeda.



XOG SIRDOON IYO WALAAC KU SAABSAN IN FARMAAJO UUSAN DOORASHO RABIN OO XOOGEYSTAY


Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tirsanaya sanad kii 6-aad ee xukunka Villa Somalia, wuxuu noqday hogga amiyihii ugu waqtiga dheeraa burburikii kadib.

Ilaa hadda ma cadda waqtiga laga bedali doono xukunka ama inay doorashadaan ku dhamaa doonto si nabad ah, Farmaajo dagaal badan ayuu u gal ay inuu xukunka dheereysto.

Mararka qaar wuxuu la imaan aayey farsamo xaalad abuur ah, si xukunka uu u sii joogo, balse had da waxaa mar kale so ifbaxaya cabsi ku saabsan in Farma ajo uusan doorasho u socon.

Xog-Sirdoon oo ay wadaageen dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Eritrea iyo Imaaraadka Carabta ayaa muujineysa in Farmaajo uusan waayahaan doorasho ka shaqeyn.

Inkastoo aysan cadeyn waxa kale ee Farmaajo uu maagan yahay, hadana siyaasiyiinta dalka intooda badan ayaa xoo jinaya walaac ah in Farmaajo uusan doorasho u socon.

Sirdoonka dalalka dariska la ah Soomaaliya waxay aha ayeen ishii koowaad ee bishii Janaayo 2021-kii soo dusida in Farmaajo uu mudo kororsi laba sano ah aadi doono, wax kasta oo ay ku qaadato, taas waxay ugu dambeyn cadaat ay bishii Abriil ee sanadkaas oo baarlamaanku laba sano uu ugu daray Farmaajo, inkastoo tallaabadaas uu si cad ugu fashilmay.

Sirdoonka dalalka deriska waxay hadda dusinayaan xog kale oo walaac leh, taas oo sheegeysa in Farmaajo uusan u socon olole doorasho iyo ka fekerka dib ugu soo noqo shadiisa doorasho dhacda kadib.

Siyaasiyiinta gudaha oo xogahani ay soo gaareen waxay ayaguna xoojinayaan dareenkaan, iyagoo adeegsa naya sababahaan soo socda:

1– Xildhibaanada soo baxay

Farmaajo waa ninka xildhibaanada ugu badan ay u soo baxeen haddana waa uu ka gaabsaday inuu waqti siiyo oo qaabilo xildhibaanadii u soo baxay ama uu xiriiriyo.

Xildhibaano badan oo Muqdisho jooga oo la aaminsan yahay inay Farmaajo taageero u yihiin, ayuusan wax olole ah ka dhex wadin.

2– Qoor Qoor iyo Laftagareen

Labadaan hoggaamiye ee Koonfur Galbeed iyo Galmud ug oo la aaminsan yahay inay gaareen lacago doorasho oo ay dowladda Qatar bixisay ayaa dhawaan u yeeray xildhiba anadii ay soo saareen. axaa la filaayey inay u tilmaami do onaan jihada doorashada madaxweyn aha, laakiin labada hoggaamiye midkoodna uma sheegin xildhibaanada qofka la dhisayo.

Laftagareen 77 xildhibaan ayuu u yeeray, laakiin xildhib aanada kuma dhihin "Waxaan dhiseynaa Farmaajo” sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaanadii kulanka tegay.

Dadka falanqeeya siyaasadda arrintaan waxay ku macn eeyeen in labada ninba aysan ogeyn halka loo socdo.

3– Arrimaha ciidanka

Farmaajo wuxuu weli wadaa dalacsiinta saraakiisha ciid anka, inta uu saraakiisha ciidamada qaabilo ayaa la sheeg ay inay ka badan tahay inta uu xildhibaanada qaabilo.

Dhawaan waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble lagula taliyey in uu is bedal ku sameeyo hoggaanka hey’adaha amniga, balse waxaa kaga hor maray Farmaajo oo si dhoolatus ah u qaabilay saraakiisha ciidanka.

4– Qorshaha guluf dagaal

Waxaa jira qorshe dagaal oo ay NISA diyaarisay oo lagu wareejiyey Taliska ciidanka xoogga dalka, qorshahaas wuxuu ku wajahan yahay Al-Shabaab.

Kooxda Farmaajo waxaa laga soo weriyey inay macquul tahay in mar dhow la bilaabo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, xilli siyaasiyiin badan ay ka shaqeynayaan ol ole doorasho, Farmaajo wuxuu u socdaa dagaal saf-bala aran ah oo lagu qaado Al-Shabaab.

5- Ciidankii ka imaanayey Eritrea

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in la qorsheeyey in cii danka jira Eritrea la keeno oo dhulka lasoo marsiiyo, iy adoo lasoo dhex-marsiinayo Itoobiya, dalkana laga soo gelinayo xuduudaha gobollada.

Hadal heynta jirta waxaa ka mid ah in howgal dagaal oo laga fuliyo gobolka Jubbada Dhexe uu mudnaan u leeyah ay Farmaajo, weliba doorashada ka hor.

6– Ka gaabsiga loolanka guddoonka BFS

Farmaajo iyo kooxdiisa waxay hoos u dhigeen qorshahoo da musharaxiinta u taagan guddoonka labada Aqal ee baar lamaanka, waxay muujinayaan in wax kale ay ku mashquul san yihiin, inkastoo aan taas weli la fahmin.

Arrimahaan iyo kuwo kaleba waxay dib u abuurayaan walaaca ku aadan inuu Farmaajo ka shaqeynayo waxaan doorasho aheyn, laakiin siyaasiyiinta mucaaradka oo xogtaan gorfeynaya waxay ku doodayaan in mar kasta uu san Farmaajo qaadi karin tallaabo kale oo qar iska turn imo ah, isagoo ka cabsanaaya ciqaabta reer Galbeedka.

Hase yeeshee markii dhinac kale laga eego habdhaqanka kooxda Farmaajo wax kasta ayaa ka suurtaaba, in kastoo awooda doorashada aysan hadda gacanta Farmaajo ku jirin, hadana wuxuu weli heystaa awoodii ciidanka, taasi waxay suurta gal ka dhigeysaa in tallaabo kasta uu qaadi karo.

MAXKAMADA GOBOLKA MAROODIJEEX OO WARIYE XUKUN KU RIDAY

Maxkamada Gobolka Maroodijeex, ayaa xukun hal san no oo xadhig ah iyo hal milyan oo shilling ka Somaliland ah oo ganaax ah ku riday wariye Axmed Qani Xirsi, oo ka how lagala muuqbaahiyaha Star, kadib qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Axmed Qani ayaa loo haystaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, oo maxkamadu ku tilShalayy been ab uur, waxaanu xabsiga ku jiray muddo bil ah, iyadoo lasoo xidhay 23 bishii February.

Urrurka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa camb aareeyay, xadhiga wariyaha, qoraal lagu baahiyay boga Facebook ga ee urrurka, ay aa lagu sheegay in talaabadani warbaahin ta ka hor istaag ayso in ay tabiyaan wa rarka.

"Urrurka Suxufiyiinta Somaliland waxauu aad ugaxunyahay xukunka laguriday wariye Axmed Qanikaas oo keenayaIsla Markaasna ka hor istaagayain saxafi yiinta ay ku dhiiradaan tabinta wararka iyoxogaha kale eeay u gudbinayaanbulshada", ayaa lagu yidhi qoraal ka SOlJA.

Urrurka suxufiyiinta ayaa hay'adaha sharciga u soo jee diyay in wariyaha xoriyadiisa loo soo celiyo, iyaga oo ku ba aqay in xadhiga wariyayaasha loo maro wado sharciga waafaqsan.

XILDHIBAAN KATIRSAN BARLAMAANKA CANADA OO KA HOR YIMID SOOMAALI LAGASOO TARXIILIYO DALKAAS

Xildhibaan Faysal Xasan oo ka tirsan xildhibaanada xi sbiga mucaaradka ah ee NDP, ayaa kasoo horjeestay tal laabo dowladda Canada ku tarxiilayso Soomaali ku nool dalkaas. Dowladda Canada ayaa sheegtay inay dalkeeda ay ka musaafurinayso Soomaali lagu eedeeyay inay ka been sheegeen aqoonsiyada ay ku joogaan dalkaas.

Tarxiilkaan ayaa saamayndoona ku dhawaad shan boqol oo qof, wax aana sabab u tahay sida xildhibaanku sheegay, in dadkan markii hore ay dalkaas ku galeen duku mentiyo aan ka turjumen halka saxda ah ee ay ka soo jee daan. "Arrin khaldan weeye, ma ahan in la celiyo, dad in aga mid ah weeye, waddanka dad buu u baahan yahay, we lina dalkeeda wuxuu leeyahay waxaan u baahanahay dad da'da yar, aqoonta fiican leh, dadka waa dad yar oo aqoon fiican, xilliggii safmarka waxay ahaayeen dadkii qabanayay shaqadii loo baahnaa marka dadku ay aqaladooda jog een" ayuu yiri Xildhibaan Feysal.

Laga bilaabo sanadkii 2015 waxaa soo badanayay tirada Soomaalida ah ee laga musaafurinayo Canada, tirada Soo maalida laga soo tarxiilayo Canada ayaa sanadkii 2020 gaartay 61, halka sanadkan ay gaari karto 77 qof

SAFAARADDA MAREYKANKA EE KENYA OO SHEEG TAY INAYSAN AQOONSANAYN DUKUME ENTIYADA SOMALIA

Sida lagu sheegay War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi in aysan aqoonsanayn dukumeen tiyada Soomaaliya lagasoo qaato ee ay bixiso dowladda Fe seraalka ah ee Soomaali

ya. Arrintaan ayaa waxaa ay saam eyn daran ku yeelatay Soomaali badan oo xaraystay barnaam ijka baqtiyaa-nasiibka ee loo yaqaano Lottery-ga ku waas oo dekumentiyado oda Safaa radda Mareykanka ee Nai robi ay u sheegtay in aysan aqo onsaneyn. Sidoo kale tallaa badaan ay qaaday Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay aa saameysay dadka u safraya arrimo caafimaad, ardayda iyo qoysaska doonaya inay dib u midoobaan, kuwaas oo hadda walaac xoogan muujinaya.

" Waan ka xunnahay, laakiin tani sideedii ayay ahaan doontaa illaa aan ka helno macluumaad ah in siyaasaddan wax laga beddelay," ayay tiri safaaradda Mareykanka ee Nairobi. Sanadkii tegay ee 2021 ayaa Soomaali farabadan waxaa ay xareeysatay bar naamijka baqtiyaa-nasiibka ee loo yaqaano Lottery-ga, waxaana tallaabadaan ay tahay mid niyadjab ku abuureysa dadkaas

TRUMP OO PUTIN U DIRAY CODSI YAAB LEH OO KA DHAN AH BIDEN

Donald Trump ayaa ugu baaqay madaxweynaha Ru ushka Vladimir Putin, oo bishii hore duulaan ku qaaday Ukraine, inuu sii daayo xog kasta oo uu hayo oo wax u dhimeysa wiilka madaxweyne Joe Biden, Hunter.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa mar kale dib ugu laabtay eedeymaha soo noqnoqda ee uu marar badan u jeediyey Biden, intii lagu guda jiray ololihii doorasho ee looga adkaaday 2020.

Qeyb ka mid ah wareysi uu Talaad adii siiyey barnaamijka "Just the News” ee warbaahinta Real Americ a’s Voice, ayuu Trump ku sheegay in xaaska duqii mag aalada Moscow ay Hunter Biden siisay $3.2 milyan.

"Taasi waa lacag badan,” ayuu yi ri. "Waxay siisay $3.5 Milyan, marka hadda waxaan u maleynaa in Putin uu ogya hay jawaabta arrintaas. Waxaan u maleynaa inuu sii da ayo.”

"Waxaan u maleynayaa inay tahay inaan ogaano jawa abtaas,” ayuu ku diray.

Trump ayaa muddo sheegayey, isaga oo aan yaboohin wax caddeymo ah, in Hunter Biden uu lacag ka helay Ele na Baturina, oo ah xaaska duqii hore ee geeriyooday ee Moscow Yuri Luzhkov, si uu taas beddelkeed xigsasho uga helo Joe Biden.

Trump ayaa waxaa 2019 dacwad xil ka-qaadis kusoo oo gay Aqalka Wakiilada Mareykanka sababo ka xiriira inuu is ku dayey inuu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelen sky ku cadaadiyo inuu baaro wax uu tuhunsanaa inay yihiin akhbaaraad dhaawici kara wiilka Biden, oo mar la shaqee yey shirkad tamarata qaabilsan oo ku taalla Ukraine.

Ololihii doorasho ee uu ku guuelystay 2016, Trump wuxuu fagaare uga codsaday Moscow inay baahiso emailo la la’aa oo ka yimid musharaxii dimoqraadiga ee la tartan tay Hillary Clinton.

"Russia, haddii aad i dhageysaneysaan, waxaan rajey naa inaad awoodi doontaan inaad heshaan 30,000 ee email ee la la’yahay, waxaan u maleynaa inay si wanaag san idiin abaal-marin doonaan warbaahinteena,” ayuu Trump ku yiri shir jaraa’id oo uu qabtay July 2016.

Putin ayaa duulaan dhimasho leh ku qaaday Ukraine 24-kii Febraayo, ayada oo shacabka Ukraine ay bixiyeen qiimaha ugu badan ee weeraro la baarayo inay yihiin dam biyo dagaal.

Madaxweyne Joe Biden ayaa hoggaamiyey jawaab cun aqabatayn oo aan horey loo arag oo ay Reer Galbeedka bixiyeen iyo kaalmo iyo hub la gaarsiiyey Kyiv, oo iska-caabin xooggan oo lama filaan ah muujisay.

Biden ayaa Putin ku qeexay dambiile dagaal, wuxuuna dhowaan sheegay "inaanu xukunka sii hayn karin” kadib ficilladiisa Ukraine. AFP + VOA

CIIDAMADA RUUSHKA OO DUQEEYMA XOOGGAN KA GEEYSTAY MAGAALADA LYSCHANSK

Soddon iyo shan maalmood ayaa ka soo wareegtay markii uu billowday dagaalka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine, kaasi oo burbur xooggan u geeystay magaalo oyinka waaweeyn ee Ukraine,

Boqolaal qof ayaa waxaa gaaray dhi masho iyo dhaa wac ah, sidokale kuman aan qof ayaa gudaha dalkaasi ku baraka cay intii ay socdeen dagaalada.

Barasaabka gobolka Lugansk ee dhaca bariga Ukraine, Sergey Gaidai, ayaa warbaahinta u sheegay in subaxnim adii hore ee Shalay madaafiic culus lala beegsaday xaaf ado ka tirsan magaalada Lyschansk ee bariga Ukraine, ku waasi oo la sheegay in ay geeysteen waxyeello kala duwan.

Dorraad ayay aheed markii Wada-hadallo nabadeed ay ka furmeen magaalada Istanbul, halkaasi oo uu Ruushka kaga dhawaaqay inuu dhimi doono howlgallada milateri ee ka socda magaalooyinka Kyiv iyo Chernihiv.

Wafdi ka socda WFP oo gaaray degmada Doolow kulamana bilaabay

Guddoomiyaha Degmada Doolow xubno ka mid ah maamulkiisa waxgaradka, cuqaasha iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa kulan la qaatey wafdi ay hogaaminayso ku xigeenka Ha’ayadda Cuntada Adduunka ee WFP Soom aaliya Lara Fozi

Soo dhaweyn iyo isbarasho ka dib Maamulka iyo qeybaha kale bulshada ayaa Ha’ayadda WFP kaga mahad cel iyey caawinaada ay u samaynay aan qaar ka mid dadka danta yar ee ku nool Degmada tulo oyinka Barakacayaasha waxayna ka codsadeen in la kor dhiyo madaama abaarta ay gaartey meeshii ugu adkeyd sidoo kale waxa ay warbixin ka siyeen xaalada guud ee abaareed ee ka jirta degaanada Gobolka Gedo iyo sidoo kale bulshada tirada badan ee ku soo barakacaya Deg mada kuwaasi oo u baahan in gargaar dhinacyo badan leh loo fidiyo

Ku-xigeenka Haayada WFP Lara Fozi ayaa maamu lka kaga mahad celisey soo dhaweynta ay u samey een iyo warbixintii guud ay ka siiyeen xaalada abaareed, iyagoona sidoo kale balan qaadey in sii wadi donaan caawinaada iyo gargaarka ay u sameynayaan dadka somaliyeed ku nool Degmada

Taliye ku xigeenka Ciidanka Nisa ee Gobolka Gedo Cabdiqaadir Xuseen Ibraahin oo kulan qeyb ka ahaa ayaa sarakiishan la wadaagey in degaanka uu yahay mid nabad ah ayna u gurman karaan dadka xoolo dhaqatada ee ku nool miyiga si looga baaqsado in ay u soo barakacayaan Degmada

QARAMADA MIDOOBAY OO DIGNIIN SOO SAARTAY


Madaxa hay’adda cunnada ee QMayaa ka digay in dagaalka ka socda Ukraine uu abu uray waxa uu ugu yeereay "masiibo ka kor dhalatay masiibo kale”, taas oo uu ku sheegay inay yeelan doontaa saameyn caalami ah, oo aan la arag kadib dagaalkii 2aad ee Adduun ka.David Beasley, ayaa sababta raashinka adduunku u qaaliyoobay ku sheegay inay tahay in beeraleyda Ukraine oo soo saari jiray inta badan wax soo saarka beeraha ay hadda dagaal kula jiraan Ruushka, wuxuuna u sheegay Golaha Ammaanka ee QM in dagaalka kahor qiimaha cunnada uu sare u kacay.

Barnaamijka cuntada adduunka ee QM ayaa quudinaysay 125 Milyan oo qof oo dunida dacalladeeda ku kala nool kahor intii aanu Ruushku duullaan ku qaadin Ukr aine 24-kii February, waxaana Beasley uu sheegay in QM ay ku qasban aatay inay jarto cu ntada ay bixiso sababo la xiriira kor u kaca kharashka cuntada, shidaalka iyo maraakiibta.

Waxa uu tilmaamay in Yemen oo ay dagaalladu aafeeyeen in cuntada laga jaray 50% oo ka mid ah 8 Milyan oo qof oo y quudin jireen, wuxuuna intaas ku daray in keydkooda ra ashinka uu sagxadda ku dhow yahay. Beasley wuxuu sheegay in dagaalka ka socda Uk raine uu u beddelayo dambiisha rootiga ee adduunka safar loogu jiro rootiga oo ay mala ayiinta qofood ku tiirisan yihiin, iyadoo dagaalkan uu burburiyay waddamo ay ka mid yihiin Masar oo 85% qamadiga ka heli jirtay Ukraine iyo Lubnaan oo iyana ha heli jirtay 81%.

Ukraine iyo Ruushka ayaa soo saara 30% sarreenka adduunka iyo 20% galleydeeda, iya da oo WFP ay 50% galleyda ka iibsato Ukraine, sida uu sheegay David Beasley

CIIDAMADA ITOOBIYA OO SIIDAAYAY DAD AY KA KAXEYSTEEN GOBOLKA HIIRAAN


Waxaa Maamulka Degmada Feer-Feer, iyaga oo kaashanaya Odoyaasha Dhaqanka de egaanka ay ku guuleeysteen inay soo daayaan Dhalinyaro Dorraad Ciida mada Itoobiya ay ka wateen inta u dhaxeeyso Degmooyinka Beledweyne iyo Feer-Feer Soomaaliya kuwaas oo lagu xiray Feer-Feer Itoobiya.

Dhalinyaradaan ayaa in Ciidamada Itoobiya ay xirtaan waxaa ay ka dam beeysay kadib markii Ciidamada Itoobiya qarax lala beegsaday, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.Kulan gaar ah oo dhexmaraySaraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Fe er-Feer ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya & mas’uuliyiinta Maamulka degmada Feer-feer Soomaaliya ayaa suurto gelisay in dhalinyarada u xirnaa laga soo daayo.

Qaar kamid ah Ehelada dhalinyarada u xirnaa Ciidamada Itoobiya balso la soo daayay ay aa sheegay in Ciidamada ay jirdileen dhalinyaradan kuwaas oo xaaladooda Caafimaad la gu dabiibayo Xarumo Caafimaad oo ku yaalla degmada Feer-Feer Soomaaliya.

Dhowr jeer ayaa Ciidamada Itoobiya ay dad Shacab ah ka kaxeysteen degaano katirsan

Gobolka Hiiraan kadib markii ay weeraro tois ah iyo qaraxyo la kulmeen wallow bilihii la

soo dhaafay ay arrimahaasi yaraadeen.



UNOPS JOBS


Operations - Senior Assistant


Job categories      Project Management, Programme Management

Vacancy code                                VA/2022/B5001/23673

Department/office                     NYSC, PSC, Peace and Security Cluster

Duty station                             Jowhar, Somalia

Contract type Local                     ICA Support

Contract level                              LICA-5

Duration Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational requirements,

availability of funds and satisfactory performance)

Application period 28-Mar-2022 to 11-Apr-2022


Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.


Background Information - PSC


Peace and Security Cluster

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.


UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.

 

Functional Responsibilities


The Operations - Senior Assistant works under the direct supervision of the Operations Officer in support of the Somalia National Army (SNA) Project. In close coordination with the UNMAS SNA support team, he/she supportthe management of the overall operations in the field.

·He/she assistthe SNA operation team in managing day-to-day activities/IED training for SNA teams, analyzing team tasks and checking reports.

·He/she collects and organizes the data/information reported by the SNA C-IED teams.

·He/she facilitates and supports the provision and issuance of tasking order to the contractors delivering services to mitigate improvise explosive device (IED) threats across the Federal Member States (FMS) and state level.

·He/she plays a leading role in liaison between UNMAS and SNA commanders/ relevant stakeholders including implementing partners, local communities, clan/elders, relevant FMS ministries, national authorities, and partners from other programs.

·He/she assists in routine logistical and administrative duties and monitor equipment issued to the SNA C-IED teams and equipment loaned to implementing partners.

·He/she organizes routine field visits to assess the service delivery of the partner and assist to measure the impact of the services delivered by the contractor and mission in general.

·He/she organizes and provides the general regional political updates to the project management team.

·He/she provide assisttheproject to develop routine and adhoc-reports on operational activities.

·He/she oversees the project information management by updating project filing and documents, control the SNA share driver/systems and ensure all project memories are properly archived.

·He/she assist the project and other section in translation and interpretation to and from local languages.

Competencies

Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc

Education/Experience/Language requirements

 

*CANDIDATES WITH NO UN OR UNOPS EXPERIENCE ARE ENCOURAGED TO APPLY
*Qualified female candidates are strongly encouraged to apply

a)Education

·A First Level University degree (Bachelor’s Degree or equivalent) with a minimum of one year of relevant experience is required; OR

High School (Secondary or equivalent) with five years of relevant experience is required.

·

b)Experience

·Relevant experience is defined as experience in programme management, project management, project development, project administration or administration support.

·Experince in report writing is required;

·Computer literacy is required.

c)Language

·Fluency in English (speaking, reading and writing) is required.

·Fluency in Somali (speaking, reading and writing) is required.

Contract type, level and duration

Contract type: LICA Contract level: LICA-5 Contract duration: Open-ended...

 

Additional Considerations

Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

 

Background Information - UNOPS

UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful implementation of its partners’ peacebuilding, humanitarian and development projects around the world. Our mission is to help people build better lives and countries achieve sustainable development.

UNOPS areas of expertise cover infrastructure, procurement, project management, financial management and human resources.

Working with us

UNOPS offers short- and long-term work opportunities in diverse and challenging environments across the globe. We are looking for creative, results-focused professionals with skills in a range of disciplines.

Diversity

With over 4,000 UNOPS personnel and approximately 7,000 personnel recruited on behalf of UNOPS partners spread across 80 countries, our workforce represents a wide range of nationalities and cultures. We promote a balanced, diverse workforce — a strength that helps us better understand and address our partners’ needs, and continually strive to improve our gender balance through initiatives and policies that encourage recruitment of qualified female candidates.

Work life harmonization

UNOPS values its people and recognizes the importance of balancing professional and personal demands.


BEDVEST


OGAYSIIS CALAAMAD GANACSIGA

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in summada ganacsiga sare (BIDVEST) ay tahay hantida BIDVEST INNDUSTRIAL HOLDINGS (PTY) LTD, Incorporated in South Africa of Trird Floor, Bidvest House, 18 Crescent Drive, Melrose Arch, Melrose, Johannesburg, Gauteng, Koonfur Afrika iyo in calaamad ganacsi oo isku mid ah loo isticmaalo badeecadaha soo socda:

 

Fasalka 35:

Adeegyada Xayaysiiska, Maamulka Ganacsiga iyo Maamulka, Macluumaadka Ganacsiga iyo Cilmi baarista, shaqooyinka Xafiiska, Wakaaladaha Macluumaadka, Adeegyada qiimeynta, Adeegyada Qiimeynta, adeegyada saadaalinta, qiimeynta ganacsiga, cilmi baarista iyo daraasaadka suuqge ynta, ra'yi Ururinta, adeegyada la talinta iyo la talinta; suuqgeyntaxiriirka; adeegyada la Xidhiidha habaynta, soo Bandhigida, Dalacsiinta, Abaabul ka iyo Qabashada Carwooyinka Ganacsiga, Bandhigyada, Suuqyada, Bandhigyada, iyo bandhigyada Ganacsi ama Xayaysiis; Xiriirka Dadweynaha; Tafaariiqda, Jumlada, Baayac-Mushtarka iyo Adeegyada Baayac-Mushtarka; Adeegyada la xidhiidha la-talinta, Bixinta iyo horumarinta badeecad aha; Xulashada iyo soo bandhigida Alaabta; la-talin iyo Caawinta kuwa Mustaqbalka Iibsanaya Alaabtan; isu-keenida, Faa'iidada Dadka kale, Alaab ooyin kala duwan, taasoo u Oggolaanaysa Macaamiisha inay si ku Habboon u eegaan oo u Iibsadaan Alaabtan; bixinta Iibka iyo Iibinta Alaabta ee Ganacsiga Tafaariiqda iyo Jumlada;Adeegyada Ganacsiga ee goobta Saadka Gaadiidka.

Fasalka 36:

Caymiska, Arrimaha dhaqaalaha; Arrimaha Lacagta; ArrimahaGuryaha; Adeegyada Maaliyadeed, Bixinta Adeegyada Kaadhka Deynta, Damm aanad Qaadka Maaliyadeed, Macaamil Ganacsi, Kiraysi iyo Adeegyo Iibsi, Iibinta Deynta iyo Maalgelinta Amaahda ee Jumlada.

Fasalka 39:

Gaadiidka, Gaadiidka Hawada, Gaadiidka Waddooyinka, Gaadiidka Badda, Ururinta, Baakaynta, Xoojinta, Rarista, Dejinta, Kaydinta, kaydinta, Keenista, Gudbinta iyo Adeegyada Nadiifinta iyo Dhammaan Adeegyada kale ee ku Xidhan ama Kaabaya Adeegyada Xamuulka iyo ama Gaadiidka;Adeegyada Gudbinta; Adeegyada Gaarsiinta iyo Qaybinta; Wakiilada Gudbinta; Macluumaadka Gaadiidka; Adeegyada Kiraynta iyo Kaydinta Gaa diidka, Markabka, Weelka iyo Dayuuradaha;Adeegyada Saadka ee Goobta Kaydinta, Gaadiidka iyo Keenista Alaabta; Adeegyada Kiraynta Gara ashka ;Adeegyada Polishing; Adeegyada Maamulka Maraakiibta; Habaynta Safarka iyo Adeegyada Boos Qabsiga, Adeegyada Wakaalada Socdaal ka Waxa kale oo la Ogaysiinayaa in BIDVEST INNDUSTRIAL HOLDINGS (PTY) LTD ay sheeganayso Dhammaan Xuquuqaha la Xidhiidha Cala amad da Ganacsiga ee aynu kor ku soo xusnay ee Soomaaliya Waxayna ka Qaadi Doontaa Tallaabo Sharci ah oo ku Habboon Qof Kasta ama Qof kasta oo Lagu Helo Inay u Isticmaalayaan Calaamadda Ganacsiga ee kor ku Xusan ama Calaamad kale oo Ganacsi si Khiyaano ah ama Jahawa reer la mid ah, ama Haddii kale ku xad Gudubta Xuquuqdeeda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip