HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 30-KA MAARSO 2022

0
Wednesday March 30, 2022 - 08:15:37 in Wararka by
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 30-KA MAARSO 2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shariif Sheekh Axmed Iyo Safiirka Talyaaniga Oo Ka Wada Hadlay Doorashada Iyo Amniga

     Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Talyaaniga Danjire Alberto Ve cchi,iyagoo iska wareystay xaalka uu haatan dalka marayo.

     Qoraal lagu daabacay boga Facebook ee Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu sheegay in kulankan diirada lagu saaray saddex qodob oo kala ah;

1 Xaaladda Amniga dalka

2 Dedajinta doorashooyinka

3 Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

      Madaxweynihii 7-aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa Danjire Alberto Vecch iyo dowladiisa Talyaaniga uga mahad celiyay kaalintooda ku aadan dib u dhiska iyo soo kabashada Soomaaliya.

      "Waxaa Shalay xafiiska igu soo booqday Saf iirka dowladda Talyaaniga Danjire Alberto Vecchi, waxaan ka wada hadalnay marxaladda uu dalka ku jiro, Waxaan uga mahad celiyay kaalinta dowladda Talyaaniga ka qaadanayso dib u dhiska iyo soo ka bashada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka Shariif Sheekh Axmed.

  Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo QM kala hadlay Arrimaha Abaaraha

       Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren ayaa Xafiiskiisa Magaalada Baydhabo ku qaabilay Khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Isha Dyfan.

Kulan Saacado qaatay oo ay yeesheen Wafdiga iyo Madaxweynaha waxay uga wada hadleen Arrimaha Abaaraha ,Biya la’aanta , Xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatalul qowlka.

      Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Wafdiga ka socday qaramada Midoobay uga mahad celiyay booqashada ay ugu yimaadeen, isaga oo sheegay in ay si dhow ula Shaqeyn doonaan si ay ugu fududa an howlaha ay u tageen Magaalada Baydhabo.

Wafdiga ay hoggaamineyso  Khabiirka Madaxa Ba nnaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuq da Aadanaha ee Soomaaliya Isha Dyfan ayaa horay ula kulmay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, wax aana la filayaa inay tagaan Gobolada kale ee dalka si ay ula kulmaan Madaxda dowlad Goboleedyada.

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galay Shir ka dhacay Imaaraadka

     Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xuku umadda Soomaaliya Duran Axmed Faarax iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa magaalada Dubai ee wad anka Isutaga Imaaraadka Carabta uga qaybgalaya Shirka Dawladaha Aduunka kaas oo ay ka qaybg alayaan in ka badan 190 Wadan.

    Shirka oo Shalay ga lay maalintii labaad ayaa Shalay lagu soo bandhi gay doodo xoojinaya da wladnimada, sidoo kalena kor loogu qaadayo hal ab uurnimada si dawladaha caalamka ay ula jaan qaa daan isbadalada Caalamiga ah. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Duran Farah ayaa sheegay in qorshaha iswaafajinta duulimaadyadda rayidka ah iyo Amniga Internetka ee Shalay lasoo bandhigay uu wax badan ka taridoono badqabka Duulimaady ada Rayidka ah.      Soomaaliya ayaa Shirka kusoo ban dhigtay Fikra do la xariira iskaashi caalami ah oo ku salaysan hour marinta kaabayaasha Dhaqaalaha ay ugu horeey aan Horumarinta Garoomada Diyaaradaha.

Xog: Khilaaf ka dhex qarxay Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa iyo Cali Ciid oo biilkii laga jartay

     Waxaa soo ifbaxay khilaaf culus oo u dhaxeeya       madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid, kaas oo mudo soo jiray, balse cirka isku shareeray 24-kii saac ee u dambeeyey.

      Khilaafkaan wuxuu salka ku hayaa kursiga was iirka arrimaha gudaha Galmudug oo Axmed Qoor Qoor uu Habeen hore dib ugu magacaabay Cabdi Waayeel.

29-kii bishii May ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne ku xigeenku xilkii ka qaaday wa siir Cabdi Waayeel oo ay isku heyb yihiin, balse ay laba jufo kala yihiin, xilligaasna Qoor Qo or wuxuu ku maqnaa Muqdisho.

    Warqadii xilka looga qaaday Wasiir Cabdi Waay eel waxaa lagu sheegay in sababta xilka looga qaad ay ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

     Sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada On line labadii bilood ee lasoo dhaafay Axmed Qoor Qoor wuxuu miisaaniyadda ama biilka ka jartay xafiiska ku xigeenkiisa Cali Ciid.

       Hadda Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ka ma qan yahay dalka, wuxuuna ku sugan yahay wadanka Tanzania, halkaas oo howlo shaqo uu u joogo.

    Hase yeeshee ninkii uu xilka ka qaaday 10 bilood ayaa Habeen hore dib loogu magacaabay isla xilkii, iyadoo uu weli jiro khilaafkii Cali Ciid iyo Wasiir Cabdi Waa yeel iyo kan u dhaxeeya Qoor Qoor iyo Cali Ciid.

      Dhanka kale warar soo baxay waxay sheegaya an in mooshin ka dhashay la tashi la’aanta Axmed Qoor Qoor ee ku xigeenkiisa uu abaabulkiisu Dhuu samareeb ka socdo, kaas oo ka dhan ah Madax weyne Qoor Qoor.

 Taliska Booliska Galmudug oo Amarro soo saaray

      Taliyaha qaybta guud ee Booliiska dowlad Go boleedka Galmudug G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin ayaa Shalay soo saarey amaro culus oo la xiriira dh anka Amniga ee degaannada Galmudug.. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Taliyaha lana ogeeysiiyay Was aaradda Amniga & Gaadiidka Galmudug, Maamula da degmooyinka & dhamaan laamaha Amniga ayaa lagu mamnuucay Gawaarida Beensalka leh iyo ku wa Taarko la’aanta ah.

     Ka dib markii ay arkeen laamaha Ambiga Gal mudug qataraha Amniga oo ay leeyihiin Baabuurta Taargo la’aanta ah iyo kuwa Beensalka ay saaran yi hiin oo ay ku dhuumaaleystaan dadka ka Shaqeeya Amni darrada sida, daroogada , dilalka iyo wixii lam id ah ayaan soo saaray Amaradaan kala ah.

     1: In Degaannada Galmudug lagu dhex wadan ka rin Gaari Bensal leh (Muraayadaha Madow).

2: Galmudug aan lagu dhex wadan karin Gaari aan laheyn Taargo sidoo kalena aan wadan Buuga iyo Taargada Galmudug.

    3: In Galmudug aan lagu dhex qaadan karin hub aan aheyn kana laamaha Amniga ama mid diiwaangashay oo dowladdu diiwaangelisay.

Guddiyada Galmudug iyo Somaliland oo soo war eejiyay Xildhibaanada cusub ee la doortay

     Guddiga Hirgalinta Doorashadinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Galmudug ayaa ku wareejiyey Gud diga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal docu ment-yada 45-ta Xildhibaan ee laga soo doortay Dowlad Gobleedka Galmudug, kuwaas oo oo kala ah 37-da kursi ee Golaha Shacabka iyo 8-da kursi ee Aqalka sare, ayada o doorashadooda ay ka qabsoomtay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo oo ah deegaan doorasha Galmudug.Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Galmudug Maxamed Dahir Guled ayaa Guddiga  Doorashada heer Federaal (FEIT) oo uu wakiil ka yahay Max amed Aadan Cismaan ku wareejiyay xogta Xildhibaanada labada Aqal ee lagu soo kala doortay Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

      Dhanka kale Guddiga doorashooyinka Somalil and ayaa ku wareejiyay Guddiga doorashoo yinka heer Federaal faylka Xildhibaanada cusub ee lagu doortay Muqdisho.

Wasiir Oomaar oo ka hadlay shakhsiy ada Farm aajo, weeraray Axmed Madoobe

      Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Sa laad Oomaar ayaa bixiyey wareysi uu kaga hadlay seddax dhinac oo kala ah, arrimaha Jubbaland, taa geerada uu u hayo Farmaajo iyo shaqadii wasaar adda ka qabtay intii uu hayey xilka.

     Ugu horeyn Wasiir Oomaar ay aa sheegay in shaqo baaxad leh uu ka soo qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, taas oo ay ugu weyneed soo wareejintii maamulka hawada Soomaaliya oo Nairobi laga maamuli jiray, ilaa waayihii ay burburtay dowladii dhexe.

      Sidoo kale wareysigaan oo Wasiir Oomaar uu siiyey TV-ga Universal wuxuu aad ugu dheeraaday ka hadalka arrimaha Jubbaland, isagoo sheegay in maamulkaas oo wajahayo dib u dhac weyn, wuxu una aad u eedeeyey Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo ka sheekeeyey sidii uu uga fashilmay qorsh ihii uu doonayey inuu madaxweyne kaga noqdo Jubbaland.

     Md.Oomaar oo la weydiiyey inuu ka tanaasulay damiciisii hoggaanka Jabbaland, wuxuu cadeeyey in weli damacaasi uu ku jiro, isagoo sheegay in dadaal badan ay ku bixinayaan sidii maamulkaas looga sa ari lahaa gacanta Axmed Madoobe.

      Mar uu soo hadal qaaday shakhsiyadda Farma ajo wuxuu ku tilmaamay nin aad u wanaagsan oo ha dii uu cod leeyahay uu Shalay dib u dooran lahaa, isagoo cadeeyey in jaceylka iyo taageerada uu Farmaajo u hayo uu Axmed Madoobe ku kalifay.

Oomaar ayaa qiray intii Farmaajo xukunka joogay inay dalka ka dhaceen gabood fallo waaweyn, balse wuxuu ku andacooday in bini’aadamka ay wax ka qaldami karaan, laakiin inta uu Farmaajo ka bartay uu yahay nin leh shakhsiyad hoggaamiye oo ku hab oon in dib loo doorto, sida uu hafdalkiisa u dhigay.

Shil khasaare nafeed gaystay oo ka dhacay magaalada Burco

         2 qof ayaa ku nafwaayay  4 kale oo 2 dhaawac culus yihiina way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay afaafka hore ee hotel Plaza ee mag aalada Burco.Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Bur co, DR Maxamed Faarax, ay aa HCTV uga warbixiyay shi lka, isagoo sheegay in uu shi lku dhacay kadib markii ay is ku dhaceen baabuur wayn iyo Bajaaj, marayay wadada wayn ee bari uga baxda magaalada Burco.

       "Waxaa shil naxdin lihi ka dhacay agagaarka Plaza, oo ay is galeen gaadhi wayn iyo Tik, waxaa ku wax yeeloobay 2 qof oo dhimasho ah iyo 4 dha awac ah, 4 ta dhaawaca ah 2 kamid ah xaaladoodu way culustahay, waaa geeri naxdin leh Alle ha u naxariisto dadka dhintay" ayuu yidhi DR Maxamed.

Agaasimaha ayaa dirawaliinta ku eedeeyay masu uliyad daro "Waxaanu aad uga xunahay masuuliyad darada dirawaliinta iyo Tikaha wadada siday doon aan u maraya, ee bini adamkii lagu khamaarayo aad baanu uga xunahay runtii".

      Shilalka ayaa guud ahaan Somaliland nafo bad an galaafta sannadkasta, waxaana jira dadaalo xukuumadu ku doonayso in ay ku yarayso khasaar aha, wasaarada gaadiidka ayaa wada qorshe dadka loogu qasbayo in ay xidhaan suunka baabuurka, iyo barnaamij kale oo baabuurta safarada u baxda loogu xidhayo GPS lagu xakameeyo xawaarahooda.

 

Shir looga hadlaayo Caqabadaha heysta hay,ad da Socdaalka oo Kismaayo ka furmay

      Madaxweyne K/xigeenka Koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa Shalay ka furay Magaalada Kismaayo Shirka isku xirka Howlaha Laamaha Hay’adda Soc daalka iyo Jinsiyadda oo sedexdii bilba mar la qabto.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socd aalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulq aadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ugu ho reyn sharaxaad ka bixiyey ujeedada shirkan, ayaa xusay in Shirkaani uu yahay shir sadexdii biloodba mar la qabto islamark aana diiradda lagu saaro dhageysiga talooyinka Hay ’adaha shaqa wadaaga la ah hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, waxqabadka, caqabadaha sedexdii bilood ee la soo dhaafay, iyo ka doodista qorshaha shaqo ee sadexda bil ee soo socota.

     Agaasimaha Guud ee HSJ, oo ka hadlayay wax yaabihii kanqabsoomay qorshaha sedexdii hilood ee la soo dhaafay ayaa carabka ku dhuftay in Hey’addu qabatay shaqooyin muhiim ah oo ay kamid yihiin Hirgelinta Xafiisyo cusub oo laga bixinayk adeegga Baasaboorka oo ay kamid yihiin Xafiisyada, Degma da Ceelbarde, Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ind onesia iyo dib u howlgelinta Xafiiska Baasaboorka degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Dhanka kale Agaasimaha ayaa carabka ku dhuftay in sedexdii bil ee la soo dhaafay la furay Xafiiska ka jawaabista ca bashooyinka kaas oo 24 saac shaqeynaya isla mar kaana looga jawaabo Cabashooyinka ka soo laabto adeegyada ay bixiso Hay’adda.

     "Waxaan hirgelinay adeeg fariimo loogu dirayo muwaadiniinta la diiwaangeliyay codsiyadooda baas aboorka kuwaas oo fariin ugu soo dhaceyso Mobile-dooda marka ay baasaboorkoodu diyaar yahay isla markaana ay soo doonan karaan” Agaasimaha Gu ud ee HSJ.

      Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jub aland Md Mudane Cabdullaahi Dhubad Shiil, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu Hay’ad da Socdaalka & jinsiyadda Soomaaliya kala soo qey bgalo shirkan Sedex biloodlaha ah oo ka dhacaya Magaalada Kismaayo, Wasiirka ayaa sheegay in La anta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee deegaanada Jubaland ay wadashaqeyn fiican la le eyihiin.

     Wasiirka Maaliyadda Dowlada goboleedka Juba land Md:- Xuseen Xersi Axmed oo shirka ka soo qey bgalay ayaa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jin siyadda ay tahay Hay’ad soo xareyao dakhli, Sara akiisha ka howlgalana ay yihiin saraakiil ku sifoobay shaqo wanaag iyo hufnaan taas oo keentay in ay si dhow ula shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyadda Ju baland.

     Wasiirka Amniga Jubaland Amniga Jubaland Gen eral Yuusuf Xuseen ayaa ka hadley shirka, ayaa bog aadiyay wadashaqeynta hagaagsan ee ka dhaxaysa hay’adda iyo maamulka Goboleedka Jubaland, wux uuna madaxda iyo howlwadeenada hay’adda kula dardaarmey in ay sii hormariyaan hababka wadasha qeynta iyo fududeynta adeegyada.

     Madaxweyne K/xigeenka Koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Maxamud Sayid Aadan oo shirka furay ayaa ayaa bogaadiyay in shir kaan lagu qabto Magaalada Kismaayo. Madaxwe yne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegay in adeegga Baasaboorka oaga soo bilaab ay hal dagmo iminkana ay Hay’adda ka howlgasho inta badan degmooyinka dalka taas oo fududeysay in adeegga loo dhaweeyo dadweynaha Soomaali yeed ee ku kala sugan Degmooyinka uu ka kooban yahay dalka.

      Madaxweyne K/xigeenka ayaa kula dar daarmay madaxda Hay’adda in halkaasi ka sii wada an shaq ada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

       Sidoo kale shirku intuu socday waxaa hadalo ka soo kala jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Jubada Ho ose Md, Cabdirashid Cabdullaahi Cali, Gudoomiya ha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Md, Cumar Cabdullaahi Maxamed, Maareeyaha Garoon ka Kismaayo Md, Cabdullaahi Aadan Maxamud iyo Gudooomiyaha Dhalinyarada Jubada Hoose Md, Axmed Maxamed Taqal. dhamaantood xuseen in wa da shaqeynta HSJ iyo Hey’adaha ay madaxda ka yi hiin wadashaqeyntooda ay heer sare tahay isla mar kaana ay sii joogteym doonaan wadashaaeynta kala dhaxeysa.

      Ugu dambeyn Shirka oo socon doona mudo labo maalmood ah , waxaa gelinkii dambe ee Shalay war bixino shaqo looga dhageystay Agaasime waaxeeda da HSJ, kuwaas oo markii dambe ka wada dooday shaqooyinka Hey’adda, caqabadaha jira, horuma radii la sameeyay Sadexdii bilood ee la soo dhaafay, iyo qorshayaasha u degsan Hay’adda ee la doonayo in la fuliyo sadexda bilood ee soo socota.

Sheekh Umal oo jawaab culus ka bixiyey hanjab aad uga timid Al-Shabaab

     Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah cul umada Soomaliyeed ayaa markii u horeysay she egay inay soo gaadhay hanjabaad halis ku ah nolo shiisa, ugana timid kooxda Al-Shabaab oo ku xoo gan gudaha dalka.

      Sheekh Umal ayaa sheegay in uu ka warhayo in dil ugu xukuman yahay Al-Shabaab, ayna diyaariye en shaqsiyaadkii fulin lahaa weer arkaas oo ay la joogaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

       "Waxay ku tala-gashan yihiin inay dilaan culimo aan kamid ahay, waxayna naga soo gaartay ilo kala duwan oo xataa xarakada dhexdeeda ayey naga soo gaartay. Waxaa iska fudud in qofkii yiraahda wa xaan uu qaldan yahay oo shareecada ma waafaqsa na in dhigiisa la baneysto,” ayuu yiri.

      "Ilo kala duwan ayay naga soo gaartay waa ku wa kala gedisan oo Soomaaliya joogay, macluuma adka nasoo gaaray xataa way tilmaamayaan in raga loogu tala-galay qorshahaan ay nala joogaan Ke nya.”

      Sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedada u weyn ee laga leeyahay hanjaabadaha uga imanaya Al-Shabaab ay tahay baqdin galinta iyo in uusan ka ha dlin qaladaadka Diimeed ee ay ku jiraan kooxdaas.

"Naftaan waqti ayey leedahay kasoo hormari meyso oo ka dib dhici mayso. Waxa leenahay sida rajeyna yo mashruuca ah in aan baraarujino wixii khalad ah waa sii wadeyna oo joojin meyno.”

      Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dhalinyara da ka bar-bar dagaalama xarakada Al-Shabaab inay ka towbad keenaan, waxay ku jiraan oo ay ku kad sooman afkaarta qalafsan ee Shabaab kusoo xero galiso dhalinyarada.

Hormuud Salaam Foundation Oo Daah furtey Ma shruuca Taakuleynta Iyo Afurinta Bisha Ramadaan

      Munaasabad lagu daah furayey Mashruuca Taak uleynta iyo Afurinta ee qeybaha nugul ee bulshada Soomaaliyeed ayaa Shalay lagu qabtay xarunta Ho rmuud Salaam Foundation ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Homruud Salaam Foundation, Md. Abdullahi Nur Osman, ayaa sheegey in barnaamijka an Taakuleynta iyo Afurinta, uu yahay barnaamij ay sanad kastaa qabato Hormuud Salaam Foundation, mar kastaa oo ay soo galeeyso bisha Barakeeysan ee Ramadaan si aan ugu caawino inta u baahan ca awinta ee ka midka ah dadkeena Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha waxaa uu sheegey in qeybo ka mid ah, Naafada, Agoonta, Haweenka danyarta, Maxaa biista Xabsiga dhexe, Naafada Ciidanka Xooga Dal ka, Dadka Dhimirka ka xanuunsan ee ku xareeyson    xarumaha caafimaadka, Dadka la xanuun Juuda anka, Qaxootiga Yamaniyiinta iyo in badan oo ka mid ah dadka nugul, ay gaarsiin doonaan Taakule ynta iyo Gargaarka.waxaana uu sheegey in dhaq aale ay ganacsata da u uruurinayeen dadkaa ay aba araha ku dhufteen, ay Hormuud Telecom, noqotey shirkada kaliya ee il aa iyo hada wada bixisay lacag tii la qeybsaday mar ka loo fiiriyo dhammaan shirka daha kale, waxaana uu ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo dad ka Soomaaliyeed dal iyo dib adba ineey u istaagaan sidii loo caawin lahaa dadk eenaa ay abaaraha same yeen, iyo kuwa u baahan in la caawiyo, maadaama ay fooda nagu soo heeyso bishii Barakeysneyd ee Ramadaan.

      Ugu danbeyntii mashruuca Bisha Ramadaan ay ku bixin doonaan lacag dhan $300,000 ( sadex bo qol oo kun dollar ), sidoo kalena ay wadanka  keene en 8 konteeynar oo timir ah oo loo qeybinayo dadka Soomaaliyeed ee u baahan Caawinta.

Fashil ku yimid waqtigii Jubbaland u qabatay doorashada kuraasta Garba haareey

      Shalay ayuu ku egyahay waqtigii Guddiga doira shooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ay shaaciyeen in lagu dhameynayo dooorashada 16 kursi ee taalla Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.

15-kii Bishaan ayay Guddiga ku dhawaaqeen in muddo laba todo baad gudahood ah lagu qabana yo doirasgada, balse weli ay caq abad ka taagan tahay halka lagu qabanayo doora shada iyo cidda maamuleysa.

     Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa sheegay in de gmada Garbahaareey aan doorasho lagu qaban kar in taas bedelkeedana lagu qabto degmada Ceelwa aq ama Kismaayo halka Guddoomiyaha Gobolka Ge do ee taabcsan Villa Somalia uu ku andacoonayo in la fuliyo heshiiskii doorashada, isla markaana lagu qabto degmada Gar bahaareey ee Gobolka Gedo.

      Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayay soo jiita neysay arrinta Gobolka Gedo oo ay isku hayaan Vi lla Somalia iyo Maamulka Jubbaland kadib markii Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu Ciidamo kula wareegay degmoiyin ka Gobolka Gedo marka laga reebo degmada Ceelw aaq oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland & kuwa Kenya ee katirsan AMISOM.

      16-ka Kursi ee taalla degmada Garbahaareey welina lagu muransan yahay ayaa waxaa ku fadhiya qaarkood Xildhibaano saameyn ku leh degaannada Jubbaland, kuwaas oo qaarkood villa Somalia si weyn uga soo horheeda qaarna ay taageersan yih iin, waxaana hadda ku fadhiya 16 Kursi Xildhiba annada kala ah.

     1: HOP#065:  Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhi baan  Jibriil Cabdirishiid Xaaji.

2: HOP#078: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Sacdiya Muuse Cabdullaahi.

3: HOP#087: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Maxamed Cali Xuseen.

4: HOP#090: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Maxamed Aadam Macallim.

5: HOP#091: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Aadam Isaaq Cali.

6: HOP#100: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Cabdi Casiia Cabdullaahi Yuusuf (Dh.qol).

7: HOP#102: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.

8: HOP#110: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhibaan Sagal Cabdirisaaq Biixi.

9: HOP#116: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhib aan  Cabdulqadir Aadan Nuur.

10: HOP#117: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhib aan Haashim Nuur Aadan.

11: HOP#119: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhiba an Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

12: HOP#122: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhiba an Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey).

13: HOP#123: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhiba an Maxamuud Cali Magan.

14: HOP#125: Kursigaan waxaa ku fadhisa xildhib aan Daleys Xasan Aadan.

15: HOP#131: Kursigaan waxaa ku fadhiya xildhib aan Axmed Cismaan Ibraahim.

16: HOP#216: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhib aan Cabdi Cali Xasan.

Dowlad degaanka Soomaalida oo sheeg ay in khasaaro uu ka dhashay roobab dhawaan ka da'ay deegaankaas



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip