HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER MAANTA OO AH SABTI 26-KA MARSO 2022

0
Saturday March 26, 2022 - 08:20:54 in Wararka by
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER MAANTA OO AH SABTI 26-KA MARSO 2022

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

RW Rooble Iyo Madax Farabadan Oo Ka Qeyb Galay Salaadda Janaasada Aamina Cabdi

      Meydka Allaha u naxariistee Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi oo qarax Is-miidaamin ah lagu dilay ayaa waxaa salaadda Janaasada lagula tukaday

gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee M/ Muqdisho oo laga soo dejiyay Meydka.

Tukadasha salaadda Janaasada ayaa waxaa ka

qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaar siinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaa shii hore ee Soomaaliya, Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka, Mas’uuliyiin kala duwan, siyaasiyiin iyo dad kale, kuwaasi oo Meydka Aamina Salaadda kula tuk aday Garoonka.

     Madaxda ayaa dhammaantood Alle uga baryay in uu naxariista jano ka waraabiyo Aamina Maxamed Cabdi oo aheyd Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaan kii 10-aad ee dowladda Federaalka, taas oo qarax Is -miidaamin ah lagula beegsaday Baladweyne.

Qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah ay aa isku qarxiyey Xildhibaan Aamina Maxamed Cab di, xili ay socod ku mareysay afaafka hore ee Xarun ta Madaxtooyada Magaalada Baladweyne, waxaana sidoo kalena goobta ku dhintay Askar ilaalo u aheyd Aamina.

     Allaha u naxariistee Aamina Cabdi ayaa markii hore Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan u tegtay tartanka doorashada kursiga ay ku fadhiday oo mar kale ay dooneysay kursigaas, iyad oo maalmihii dambe ay waday olole doorasho.

Marxuumad Aamina Maxamed Oo Aas Qaran Loo gu Sameeyay Magaalada Muqdisho

     Waxaa Shalay oo jicmo ah qaruubo ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka ee Magaalada Muqdisho Aas Qa ran loogu sameeyay Marxuumad Xildhibaan Aamina Maxa med Cabdi iyo Nabadoonkeedii oo lagu dilay qarax lagula beegsaday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Aaska Marxuumad Aami na Maxamed iyo Nabado onkeedii ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad fara badan oo isugu jiray Ehe lada, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne kale, isla  markaana goobjoog ahaa Aaska labada Marxuum oo qarax lagu dilay.

      Qaar kamid ah dadkii kasoo qeyb galay Aaska oo la ha dlay warbaahinta ayaa Aamina Maxamed Cabdi iyo Naba doonkeedii, Alle uga baryay inuu naxariista Jano ka waraa biyo, sidoo kalena samir iyo iimaan Alle ka siiyo Ehelka.

Allaha u naxariistee Aamina Maxamed oo ka tirsaneyd Go laha Shacabka Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Feder aalka ayaa waxaa lagu dilay qarax Is-miidaamin ah oo uu M/Baladweyne kula beegsaday qof isku xiray Jaakad wax yaabaha qarxa ah. Meydka Marxuumad Xildhibaan Aamina aya maalintii Dorraad aheyd la keenay Magaalada Muqdi sho, waxaana Aamina mar kale u tartameysay kursiga ay ku fadhiday sa nadihii lasoo dhaafay, iyadoona Baladwey ne ka waday ol ole doorasho…

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wakiilka Midowga Af rika ee Soomaaliya oo ka wada-hadlay amniga doorashooyinka

       Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaa liya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xafiiskiisa ku la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Fransisco Madiera, iyagoona ka wada-hadlay kaalinta AMISOM ee amniga doorashooyinka iyo guud ahaan dalka.

     Shirka ayaa yimid maalin uun ka dib markii al Shabaab saddex weerar ay ka geysteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishu iyo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

       Weerarkii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdi sho waxaa lagu dilay lix qof, halka labadii qarax ee ka dhac day magaalada Beledweyne ay ku dhinteen 48 qof, 108 kalena ay ku dhaawacmeen.   Ra’iisul Wasaaraha waxa uu hoosta ka xariiqay in falal ka noocan ahi aysan marnaba ka horjoogsan doonin xaqii jinta in dalka ay ka dhacdo doorasho sida ugu dhaqsiyaha badan, shacabka Soomaaliyeed ayuu ku boorriyay feej ignaan dheeri ah iyo in ay gacan ku siiyaan hirgelinta door ashada iyo in dalku yeesho hoggaan cusub oo ka samata bixiya xaaladda adag ee amni, siyaasad, dhaqaale iyo bani’aadminimo.

Guudlaawe "48 Qof Ayaa Ku Dhimatay Qaraxy adii Baladweyne 108 Qofna Waa Dhaawac”

       Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cadullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa shaaciyay khasaar aha rasmiga ee ka dhashay qaraxyadii Is-miidaaminta ah aa ee fiidnimadii Habeen hore ka dhacay Magaalada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa uu mar kale hore u tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Max amed Cabdi oo isku qarxiyey qof isku soo xiray Jaakad wa xyaabaha qarxa ah, sidoo kale tacsi u diray Masuuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay qaraxyada.

       Wuxuu xaqiijiyay Madaxweyne Guudlaawe in qaraxya dii ka dhacay Magaalada Baladweyne ay ku dhinteen 48 qof oo ku jireen Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi iyo Xi ldhibaan hore Cabdi Cali Dhuxul, halka 108 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

      Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay inay jira an dad badan dhismayaal kusoo dumeen, wuxuuna ballan qaaday in dadka qaba dhaawacyada culus loo qaadi doono meel kasta oo ay kaalmo Caafimaad ka helayaan, isla markaana gurmad loo sameeynayo.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Guudlaawe ayaa wax aa uu qaraxyadii ka dhacay Baladweyne ku tilmaamay   mu siibo weyn oo uu xusay in lagu dilay Indhihii shacabka,  sidoo kalena lagu burburiyey dhismayaal farabadan oo ku yaallay Magaalada.Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdull aahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu dambeyn amray Maam ulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amaanka inay adkeeya an amaanka, baaris dhameystirana ku sam ee yaan falalkii Habeen hore dhacay

Xasan Sheekh oo dalab culus soo saaray kadib dilkii xildhibaan AAMINA

      Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh Maxa muud ayaa sheegay in dilkii xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ee loogu geystay iridka hoyga ay deganeyd oo aan ka fogeyn madaxtooyada HirShabeelle ee Baladweyne iyo weerarkii ka dhacay garo onka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muq disho aysan aheyn dhacdooyin caadi ah, is la markaana lagu tilmaami karin dhacdooy in argagixiso.

      Xasan Sheekh ayaa dalbaday in dilka xildhibaanad Aamina iyo weerarkii garoonka diyaaraddaha qeybta Mir ana Gate labaduba in lagu sameeyo baaris heer caalami ah oo ay ka qeyb qaataan khuburo madax bannaan, wuxu una ka codsaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roo ble inuu ka shaqeeyo inay baaris caalami ah uu helo shilka lagu dilay xildhibaan Aamino.

      Sidoo kale, wuxuu Xasan Sheekh tilmaamay in ujeedd ada dilka marxuumada uu ahaa in la aamusiyo cid kasta oo xaqa u dooda iyo cid kasta oo muujiso caddaalad raadinta.

Wuxuu kaloo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in xiliga an kala guurka ah ee dalku marayo inaan wadada laga le exin, waxyaabaha qaar hadda dhacay iyo kuwo kale oo ma almaha soo socda dhici karaan in la rabo in wadada looga leexiyo, loogana dan leeyahay in carqalad la abuuro iyo in doorashada dib u dhac ku yimaada, Ummada Soomaaliye edna ay waajib ku tahay inay talada dalka iyo masiirkooda go’aan ka gaaraan.

      "Waxaan leeyahay kuwa beenaalayaasha ah, bilaa xee tayaasha ah, dhiiga iyo xumaha inay ku naaxayaan ama ku guuleysanayaan ama sharaf iyo karaamo ku gaaraya aaminsan, waxna ku gaari meysaan, dadka Soomaaliyeed waa ka dheg nugul yihiin waxaad sameyneysaan dad fahmi waayay ma ahan,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo shacabka mar kale ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii ay go’aan u gu gaari lahaayeen masiirkooda iyo dowladnimadooda.

Cambaareynta iyo eedeymaha loo jeedinaayo madaxda Villa Somalia ee ah inay ku lug leeyihiin weerarkii ka dhac ay garoonka diyaaraddaha Muqdisho iyo dilkii xildhibaanad Aamina Maxamed Cabdi ayaa isa soo taraya, iyadoo arrant aani ay tahay mid gilgishay guud ahaan Soomaalida.

Madaxweyne Guudlaawe Oo Amray In Baaris Deg-Deg Lagu Sameeyo Qaraxyadii Dhacay

     Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa aad u cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay afaafka hore Madaxtooyada Magaa alada Beledweyne oo ay ku geeriyoodeen Xildhibaan Aam ino Maxamed Cabdi, Xilibaan hore Cali Cabdi Dhuxul, Mas uuliyiin iyo dad shacab ah. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in cadowga ay marwalba qorsheeyaan xasuuqa dadka waxgalka u ah bulshada lagama maarmaa  a ay tahay in meel looga soo wada jeesto, waa sida uu la gu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyada.      Madaxw eynaha ayaa u tacsiyeeyay ehellada iyo qaraa bada dadkii ku nafwaayay weerarkii ka dhacay M/Baladweyne, waxa uu na alle uga baryay in naxariistii janno uu ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna waxa uu alle u wa ydiiyay caafimaad deg deg ah.

      Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa faray hay’addaha amniga in baaris deg deg ku sameeyaan Qara xyadiika dhacay Magaalada Baladweyne, gaar ahaan meel ku dhow Xarunta Madaxyooyada.

In ka badan 20 qof oo isugu jiray Xildhibaan Aamina, Mas’ uuliyiin, Siyaasiyiin, Askar iyo dad shacab ah ayaa ku naf-waayay qaraxyadaas dhacay, waxaana ku dhaawacm ay dad ku dhow 30 qof oo uu ku jiro Wasiirkii hore

Sanbaloolshe oo shaaciyey ujeed laga lahaa qaraxyadii ka dhacay BELEDWEYNE

       Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sird oonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanb aloolshe) ayaa bixiyey xog iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaraxyadii Habeen hore ka dhacay gudaha maga alada Beledweyne, kuwaas oo mid ka mid ah lagu khaa rijiyey xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Sanbaloolshe oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaci yey in qaraxa koowaad oo lala beegsaday Aamino uu ahaa mid siyaasadey san oo la soo qorsheeyey, si loogu khaarijiyo. "Qaraxa Aamino lala beegs aday waxa uu mid loogu talogalay in lagu kha arijiyo Aamino oo ahaa mid siyaasadeysan,” ay uu yiri siyaasiga caanka ah Sanbalo olshe.

      Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka qaraxyadan laga lahaa ay ahaayean in lagu qal-qal geliyo amniga doorasha da ka socota magaalada Beledweyne ee xarunta Hiiraan oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

        "Waxa ay yihiin qaraxyada kuwo lagu abuurayo qalqal doorashooyinka ka socda Beledweyne dib u dhac uga yim aada ama dadka qaarkii sida ay jeclaayeen aysan wax u so con oo niyad jab uu hayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdullaahi Maxamed Cali.

       Siyaasigan oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ah ay aa ku sugan Beledweyne, isaga oo u tegay ka qayb-galka doorashada, wuxuuna sheegay in weli xaaladdu ay qasan tahay.   Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo su’aallo badan iyo shaki uu ka dhashay qaraxyadan oo mas’uuliyiin ay xildhibaano ay ku jiraan ay ku eedeeyeen Villa Somaliya

Hadalkii dareenka lahaa ee xildhibaan Aamina iyo hanjabaadii ay la kulantay

       Khudbad ay horay u jeedisay Allah ha u naxariistee ma rxuumad xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo qarax is miidaamin ah lagu dilay Habeen hore ayaa u muuqatay mid ogeyd in nolosheyda loo soo socday.

      Xildhibaan Aamina ayaa khudbaddaas uga hadashay di lkii Ikraan Tahliil oo ka mid aheyd shaqaalaha NISA, taasi oo la waayey bishii June ee 2021.

      Xildhibaan Aamina ayaa hadalladeeda laga dareemi ka ray inay ahaayeen kuwo si toos ah ugu socday madaxwey naha xilkiisa dhamaaday, Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey iyo xubnaha kale ee NISA ka tirsan.

     "Haddaan maalinkaas cabsan lahaa, hadalladaa ku soo qoray Facebookeyga, waa ley soo wacay waxaa ley dha hay arrintaan faraha kala bax shuqul kuma lihid, ma i cabsi gelineyso wax kasto oo ley shee go, iyo aan ugu tanaasulaaya na arrinta Ikraan ma jir to, mansab kasto, maal, magac wax kastoo ley sheego Ikr aan uguma tanaasulaayo,” ayey tiri mar xuumad Aamina Maxamed.

     Marxuumad Aamina oo ka hadleysay madal ay u dham aayeen qeybaha bulshada kala duwan, ayaa xilligaas she egtay in caddaalad u raadinta Ikraan ay kursi iyo mansab midna ku raadineyn, matalaadda baarlamaankana mudane kale uu ku matalo, kaasi oo ka mid ah dadkii aamusin waa yay sida ay sheegtay, balse tan soo kicisay ay tahay dami irka bini’aadanimo iyo in ay tahay qof dumar ah oo u baa han in cid kasta ay u kacdo sidii ay caddaalad u heli lah eyd.

     "Haddeey ummadda Soomaaliyeed ka cabsanayaan Fa had Yaasiin, Yaasiin Fareey ama Farmaajo oo xilkiisii dha maaday kuwa u aamusan inuu xil siiyo darteed, waad gab teen mas’uuliyadiinii, waad gabteen mas’uuliyadiiniii iyo wix ii la idiin abuuray oo ah bini’aadanimada, culumada Soom aaliyeed ha ogaadaan wixii Ikraan ku dhacay ayaa qof kas ta ku dhacaaya, idinkaana inaad culumo u tihiin dadkaan Soomaaliyeed ama dad gaar ah ayaa meeshaan nooga kala cadaaneyso,” ayey ku hor tiri bulshadii kasoo qeybga shay madashaasi oo looga hadlayay arrinta Ikraan Tahliil. Marka dib loo eego hadalada marxuumadda iyo xil iga dilk eeda kusoo beegmay iyadoo madaxtooyada ay ka hor ista agtay inay kusoo baxdo xilka ay ku guuleysatay  waa arrin u baahan dib u eegis iyo baaritaan caalami ah.

 

Qaali Maxamuud Guhaad :- Dilkii xildhibaan Aamina wuu qorsheysnaa

     Hooyada dhashay maqane Ikraan Tahliil Faarax oo sax aafadda kula hadashay magaalada Muqd isho, ayaa ku til maamtay dilka xildhibaan Aamina Maxamed mid qorshey snaa, maa daama lagu beegsaday gudaha xerada Lamaga laay ee magaalada Beledweyne.

      Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa sheegtay inay dareemayaan in xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, ay u dhimatay ka hadlida kiiska maqane Ikraan Tahliil, si aysan ugu soo laabanin baarlamaanka.

      Hay’adda nabad-gusida iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sheegtay in kooxda al Shabaab ay dileen Ikraan oo u shaqeyneysay hay’adda nabad-sugida, balse kooxda ayaa Iska fogeysay dilka gabadha.

      Marxuumad xildhibaan Aamina, ayey ku tilmaamtay in ay aheyd qof cadaalada ka shaqeysay, Shalayna cadaala da loogu soo gabaday, sidoo kale waxaa ay hoosta ka xarii qday in geerida Aamina ay si gaar ah u taabatay.

     "Gabar ayaa markii hore naga maqneyd, haddana wax aa nagala dilay gabadheenii kale. Qof walba oo ka hadlay kiiska Ikraan waa la daba joogaa”, ayey sii raacisay, waxa ana ay u tacsiyadeeysay dhammaan dadkii ku dhintay Qaraxa.

    48 qof oo ay ku jiraan xildhibaan Aamina Maxamed iyo xildhibaan hore Xasan Dhuxul, ayaa ha be en hore geeryooday, halka 108 kale ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Marxuumad xildhibaan Aamina waxaa ay kamid aheyd 15 qof oo ku dhintay qaraxii koowaad oo ka dhacay gudaha xe rada Lamagalaay, kaddib markii qof iskusoo xiray qarax uu dhexda ka galay dadkii ay kamid aheyd Aamina.

     Kooxda al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada laba da qarax.

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaal iya Maxamed Xuseen Rooble, guddoomiyaha Golaha Shac abka Maxamed Mursal, madaxweynayaal hore Xasan She ekh, Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaarayaal iyo siyaasiyiin ka le, ayaa Dorraad magaalada Muqdisho salaadda janaasada ku tukaday meydka Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Dhuxul.

      Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaara ha, ayaa sidoo kale siyaabo kala gooni-gooni ah u cambaar eeyay weerarkii ka dhacay magaalada Beledweyne, iyagoo na tacsi u diray dhammaan dadka dhintay, gaar ahaan xil dhibaan Aamina Maxamed.

 Sanator Naciima: Xildhibaan Aamina Maxamed waxaa la dilay maalintii ay rabtay in…

      Senator Naciima Ibraahim ayaa si adag uga hadashay Qaraxyadii habeen hore gil-gilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo ay ku geeriyootay Xil dhibaanad Aamina Maxamed.

      Naciima ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeysay geerida Xildhibaanad Aamina, ayada oo Ila ahay uga bariday in calaamad deg deg ah oo aduunyada lagu arko ka soo bixiyo kuwii ka dambeeyay dilka Xildhibaanada.

"Runtii waa geeri xanuun badan oo ka wada naxnay. Dadkii ka xaq-darna ee sababay ha noq oto Siyaasi ama qolooyinkii kale Ilaahay ha kasoo saaro mucjiso deg deg, oo aan aragno, Ilaahay aduunka hanagu tuso,” ayey tiri.

     "Ma aheyn maalinta dhibaatadu, maalinkii ay ayada ku dhici laheyd dhacday waa maalintii ay rabtay in dadka iyo dalkeeda wax u qabato, Ilaahay baa u qoray. Waxaa Ila ahay ka baryayna in kuwii sidaas u galay in Ilaahay mucjiso ka soo saaro.”

     Dilka Xildhibaanad Aamina ayaa waxaa ka dhashay tu huno badan, maadama ay si weyn ugu ololeyn jirtay cadaal ad u helida Ikraan Tahliil oo aheyd Sarkaalad ka tirsan NISA, oo lagu tuhmana inay ku baxday gacanta hay’addii ay ka tirsaneyd.

      Waxay noqotay geerida Aamina mid si weyn u taabatay quluubta shacabka Soomaaliyada, waxayna kamid noqotay afartameeyo ay galaafteen qaraxyadii gil-gilay magaalada Beledweyne.

     Si kastaba, Qaraxyada iyo dilka Aamina waxaa sheegt ay masuuliyadiisa kooxda Al-Shabaab oo muddooyinkii da mbe sare u qaaday weerarada iyo qaraxyada ay ka fulinay so dalka, xili ay socdaan doorashooyinka.

Indha-Cadde Oo Shaaciyey ‘Shirqool Lagu’ Qaari Jin Rabo Laba Musharax Madaxweyne Oo La Diyaa Riyey  

                                                    Yuusuf Maxamed Siyaad "Indha Cadde” ayaa digniin kasoo    saaray weeraro hor leh oo uu sheegay in la rabo in lagu qa arijiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Max amuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo dad ba danoo kale. "Waxaan ogahay in Xasan Sheekh iyo Cabdi raxmaan Cabdishakuur dad ay ka mid yihiin inay bartilmaa meed yihiin oo la rabo in la qarxiyo iyo dad badan, wax ba dan ayaa socda oo hay’addaha amniga mid ka mid ah ay wado, hay’addihii amniga iyo Shabaabkana waa isku milmeen, waana wada shaqeeyaan,” ayuu yiri Indha Cadde.

     Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay in qaraxii Baladwe  yne ee lagu dilay xil dhibaan Aamina Maxamed Cabdi inuu ahaa mid laga shaqeeyay oo ay ka danbeeyeen dowladda federaalka iyo laamaha amniga, sida uu hadalka u dhigay

Indha Cadde ayaa sidoo kale tilmaam ay in ujeedada wee rarkaasi uu ahaa in la aamusiyo caddaalada kiiska Ikraan Tahliin isagoo intaas ku daray in Cabdicasis Africa iyo dara walka baabuurka la socday iyo weerarkii garoonka Aadan Cadde iyo xildhibaanad Aamina ay yihiin falal wada xariira,     isagoo toos u eedeeyay hay’addaha amniga.

      Mar uu ka hadlayay weerarkii garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Arbacadii wuxuu sheegay in kuwa soo weer aray ay ahaayeen rag ku xeran hay’addaha amniga, islam arkaana lasoo siiyay habeenkii ka horeeyay maalintii weer arka dhacayay aqoonsiga mid ka mid ah hay’addaha amn iga, isla markaana ay u fududeeyeen inay galaan garoon ka si ay u fuliyaan howlgalka.

      Ujeedada ayu uku sheegay in lagu carqaladeeyo arri maha doorashada iyo in dalka lagu qaban karin iyo sidoo kale iyadoo laga jawaabaayo dhoolatus kii socodka ahaa ee ra’iisul wasaaraha iyo safiirka Mareykanka ku sameeyeen aaga garoonka ee weerarka ka dhacay.

      Indha Cadde wuxuu kaloo sheegay in xildhibaan Aam ina ay in badan ka hadleysay kiiska Ikraan Tahliil, sidoo kal ena ay sheegtay shaqsiyaad ay ku eedeysay dilkii Ikraan, kuwaasi oo uu ku sheegay inay yihiin Al-Shabaab, xiligaa na ay shaqeynayaan in dad badan la gumaado.

       Yuusuf Indha Cadde ayaa sidoo kale caddeeyay in tod obaadka soo socda kooxahaasi ay fulin doonaan weeraro iyo qaraxyo dad badan oo siyaasadeysan.

     Hadalka Yuusuf Indha Cadde ayaa u muuqda inuu wala ac iyo cabsi badan abuuraayo iyo in laga aamin baxo hay’a daha amniga oo uu ula jeeday hay’adda NISA.Hadalkaan ayaa sii xoojinaayo tuhumo badan oo Villa Somalia iyo NISA laga qabay

Daahir Geelle: Musharax haysta tiro rasmi ah oo uu kusoo bixi karo majiro laakiin…

      Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiintaa u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii u horeysay si cad u sheegay in uusan jirin musharax madax weyne oo haysta tiro xildhibaano oo uu kusoo bixi karo wareega koowaad.

     Daahir Geelle ayaa ku dooday in musharaxa madaxweyne guushu ku raacdo oo keliya marka uu helo cod adka xildhibaanada wareegi koowaad u codeeyay musharax aan u gudbin wareega labaad.

     "Majirto kursiga madaxweynimada tiro ku filan oo qofka Musharaxa la imaanayo, waxa jirta awood uu musharaxa ku qancin karo dadka (Xildhibaanada) u codeeyay dadka kale (Musharaxiinta) wareega1aad ama 2aad.” ayuu yiri.

"Qofkasta oo madaxweyne soo noqday waxa uu madaxwe yne ku noqda dadka u codeeyay dadka kale markay kusoo biiraan, haddii kale wareega koowaad ayuu qofka ku noqon lahaa madaxweyne.”

       Sidoo kale waxa uu rejo wanaagsan ka muujiyay Mu sharax Daahir Geelle in uu gudbi doono wareega labaad, asaga oo sheegay in uu hayso xildhibaano ku filan oo wareega koowaad ka gudbiya, sida uu sheegay.

Sida dhacda inta badan doorashada madaxtanimada Soom aaliya, musharaxiinta ku hara wareega 1aad ama  2aad ay aa waxay xildhibaanadii u codeeyay u wareegaan mushar ax kale, taasi oo musharaxaas uu ku hanan karo xilka u sareeya dalka.

      Si kastaba, doorashada madaxtinimada ee sanadkaan ayaa si weyn uga duwan kuwii hore, ayada oo musharaxiin ta qaarkood ay soo saarteen xildhibaano badan, taasi oo u suurta-galisay dorashada xulashada ah ee dalka ka socota.

AGAASIME ku-xigeenka VILLA SOMALIA oo beeniyey qoraal looga been abuuray

       Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya Ca bdinuur Maxamed Axmed ayaa ka hadlay qoraal been abu ur ah oo laga sameeyey kaasi oo lagu faafi yey Baraha Bul shada iyo warbaahinta qaar.

       Qoraalkaas ayaa ahaa screenshot u muuqday in loo ek eysiiyey mid uu Cabdin uur soo dhigay boggiisa faceb ook-gi isa, oo ku leeyahay "Habeen hore aad ayaan u faraxsana hay, waa habeenkii aan dhashay,” habeenkaas oo aheyd xilligii ay qaraxyada ka dhaceen Beledweyne. Cabdinuur Axmed ay aa sheegay in qoraalkaas uu yahay mid been abuur ah, isl amarkaana aan lagu qorin boggiisa Facebook ee saxda ah, balse la been abuuray, si loo gu sumcad dilo.

      "Qoraalkaas waa mid been abuur ah oo looga dan leey ahay in la igu sumcad xum eeyo, waxaana lagu soo aadiyey waqtigii la dilay Allaha u naxariistee xildhibaanad Aamina Maxamed,” ayaa yiri Cabdinuur oo la hadlay Caasimadda Online.

      Cabdinuur ayaa markale ka tacsiyeeyay geerida Xildhi baan Aamina Maxamed Cabdi iyo dadkii kale ee ku dhintay weeraradii ka dhacay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip