WARBIXIN: Shan Waxyaabood Oo Sabab U Noqon Kara In Real Madrid Ay Caawa Ka Gudubto Man City Una Soo Baxdo Finalka Champions League.

0
Wednesday May 04, 2016 - 13:35:58 in Sports News by
  • Visits: 605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Shan Waxyaabood Oo Sabab U Noqon Kara In Real Madrid Ay Caawa Ka Gudubto Man City Una Soo Baxdo Finalka Champions League.

    Miyaan arki doonaa caawa Real Madrid oo mar kale finalka Champions League la ciyaarta Atletico Madrid markii labaad seddex xilli ciyaareed gudaheed, mise Manchester City ayaa taariikh dhigi doonta caawa oo waxa ay gaari doonaan markoodii ugu horeysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyaan arki doonaa caawa Real Madrid oo mar kale finalka Champions League la ciyaarta Atletico Madrid markii labaad seddex xilli ciyaareed gudaheed, mise Manchester City ayaa taariikh dhigi doonta caawa oo waxa ay gaari doonaan markoodii ugu horeysay finalka koobka ugu xamaasada badan kubada cagta kooxaha dunida? S'aalahaas jawaabtooda waxaan heli doonaa ka dib kulanka caawa ee Bernabeu iyadoo labada kooxood ay lugtii hore ku soo kala baxeen barbaro goolal la'aan ah.

Tababare Zinedine Zidane waxa uu heystaa labo daafac oo lagu tiirsanaan karo kuwaasoo sidoo kalena wax ku biiriya weerarka kooxda. Daafaca bidix ee Brazil Marcelo ayaa kaalinta seddexaad kula jira Luka Modric marka ay timaado tirada kubadaha ee uu dib u soo ceshaty Champions League (49) waxa uu ka danbeeyaa kaliya Casemiro iyo Toni Kroos.

1462191658_896220_1462194173_album_grande

Carvajal  iyo Marcelo



Dhanka kale, Carvajal ayaa heysta taageerada Bernabeu, waxaana uu istaatistiko ahaan qariyay Danilo kaasoo qaab ciyaareedkii liitay ee uu soo bandhigay kulankii Wolfsburg ay keentay in Zizou uu dib u qiimeeyo doorashadiisa daafaca garabka midig.

Keylor Navas

1462191658_896220_1462194174_album_grande

Iyadoo Keylor Navas uu ku jiro labo bir dhexdooda, Real Madrid ayaa heysata mid ka mid ah gacmaha lagu kalsoonaan karo ee kubada cagta caalamka. Goolhayaha reer Costa Rica ayaa rikoor fiican oo Champions League ah ku heysta garoonka Bernabeu, iyadoo aan wax gool ah looga dhalinin garoonka Bernabeu tartankaan. Goolhayihii hore ee Levante waxaa kaliya ka dhashay labo gool xilli ciyaareedkan Champions League waxaana ay ahaayeen labadii gool ee kulankii Wolfsburg ay guuldarada ka soo gaartay lugtii hore ee wareega 8da. Tobankii kulan ee Champions League ee uu saftay Keylor Navas, Los Blancos waxa ay badisay sideed kulan, waxaana laga badiyay kaliya kulankii Germany halka ay barbaro la galeen PSG.

Taariikh

1462191658_896220_1462194175_album_grande

Real Madrid ayaa sagaal jeer barbaro goolal la’aan ah soo gashay lugta hore iyagoo ka maqan gurigooda tartamada Yurub. Sideed jeer oo ka mid ah Los Merenguez ayaa ku guuleysatay inay shaqada ku dhameystirto Bernabeu. Marka kaliya ee ay taasi suurtogeli weysay waxa ay aheyd wareegii 8da ee 1991dii markaasoo Spartak Moscow ay guul 3-1 ah ku gaartay Bernabeu.

Soo laabashada Cristiano Ronaldo

1462191658_896220_1462194176_album_grande

Xiddiga reer Portugal ayaa sameeyay wax walba oo awoodiisa ah oo uu taam ugu noqdo kulanka caawa si uu u wajaho Manchester City. Ka dib markii uu seegay kulankii lugta hore, xiddigii hore ee Red Devils ayaa haatan diyaar u ah inuu jabiyo rikoorkiisa gooldhalinta ee tartankaan. 31 jirkaan ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 16 gool oo Champions Lerague ah, waxaana uu hal gool ka danbeeyaa 17kii gool ee uu rikoorka ku dhigay xilli ciyaareedkii ay Real Madrid ku guuleysatay La Decima.

Jamaahiirta Bernabeu

1462191658_896220_1462194177_album_grande

Jamaahiirta Santiago Bernabeu ayaa caawa cod dheer la soo shirtagi doona, iyagoo doonaya inay ka caawiyaan ciyaartoydooda inay buukimaan booska finalka ee Milan dhamaadka bishaan. Tikidhada lugta labaad waxaa la wada iibsaday kaliya seddex maalmood ka dib markii suuqa la soo dhigay sidaasi darteed Real Madrid taageero yari ma qaban doonto caawa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip