Marxuumad Aamina Maxamed Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho

0
Friday March 25, 2022 - 11:19:08 in Wararka by
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marxuumad Aamina Maxamed Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaa Maanta oo jicmo ah qaruubo ku yaalla Isbitaalka Ciidanka Xoogga dalka ee Magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyay Marxuumad Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo Nabadoonkeedii oo lagu dilay qarax lagula beegsaday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Aaska Marxuumad Aamina Maxamed iyo Nabadoonkeedii ayaa waxaa kasoo qeyb galay dad farabadan oo isugu jiray Ehelada, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne kale, isla markaana goobjoog ahaa Aaska labada Marxuum oo qarax lagu dilay.

Qaar kamid ah dadkii kasoo qeyb galay Aaska oo la hadlay warbaahinta ayaa Aamina Maxamed Cabdi iyo Nabadoonkeedii, Alle uga baryay inuu naxariista Jano ka waraabiyo, sidoo kalena samir iyo iimaan Alle ka siiyo Ehelka.

Allaha u naxariistee Aamina Maxamed oo ka tirsaneyd Golaha Shacabka Baarlamaankii 10-aad ee dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu dilay qarax Is-miidaamin ah oo uu Magaalada Baladweyne kula beegsaday qof isku xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah.

Meydka Marxuumad Xildhibaan Aamina aya maalintii shalay aheyd la keenay Magaalada Muqdisho, waxaana Aamina mar kale u tartameysay kursiga ay ku fadhiday sanadihii lasoo dhaafay, iyadoona Baladweyne ka waday olole doorasho…





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip