Diego Simeone Oo Ka Badbaaday Ganaax Madaama Sarkaalkii Uu Dharbaaxay Uu Noqday Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Atletico Madrid.

0
Wednesday May 04, 2016 - 13:31:59 in Sports News by
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diego Simeone Oo Ka Badbaaday Ganaax Madaama Sarkaalkii Uu Dharbaaxay Uu Noqday Mid Ka Mid Ah Saraakiisha Atletico Madrid.

    Diego Simeone ayaa marar qaar waxaa ka xoog bata dareenkiisa inta ay ciyaaraha socdaan laakiin ninka reer Argentina ayaa gaaray xalayto heer kale ka dib markii uu dharbaaxay mid ka mid ah saraakiisha kooxda intii ay socotay kulankii wareega afar dham

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diego Simeone ayaa marar qaar waxaa ka xoog bata dareenkiisa inta ay ciyaaraha socdaan laakiin ninka reer Argentina ayaa gaaray xalayto heer kale ka dib markii uu dharbaaxay mid ka mid ah saraakiisha kooxda intii ay socotay kulankii wareega afar dhamaadka ee Champions League ee ay ka gudbeen kooxda Bayern Munich.

46 jirkaan ayaa haatan maraya seddex kulan oo laga mamnuucay kurisga keydka horyaalka La Liga ka dib markii kubad dheeri ah lagu soo tuuray garoonka iyadoo Malaga ay fursad kubad rogaalcelis ah heysatay kulankii isbuucii hore.

1462308296_371224_1462308392_noticia_normal

Bayern Munich ayaa hogaanka qabatay kulankii xalayto markii Xabi Alonso uu laad xor ah u dhaliyay, laakiin Antonie Griezmann ayaa u barbareeyay kooxda Atletico Madrid ka hor inta uusan Robert Lowendowski xilli danbe goolka guusha u dhalinin kooxda Jarmalka.

Laakiin guushaas waxba ma aysan noqonin oo Atletico Madrid ayaa ku soo baxday sharciga goolasha martida ah madaama ay 1-0 ku badiyeen kulankii gurigooda ee isbuucii hore.

Ciyaarta ayaa aheyd mid xamaasadeysan, waxaana sida ay cad ay saameyn ku yeelatay Diego Simeone, tababaraha reer Argentin ayaa isku dayay inuu bedel ku soo geliyo Savic si uu waqtiga u dhumiyo iyadoo Bayern ay raadineysay goolkii ay ku soo bixi laheyd, laakiin caawiyihiisa dhanka maamulka ayaa ku guuldareystay inuu ansixiyo bedelka.

Simeone ayaana carro darteed garabka uga dharbaaxay weliba si xoog ah Pedro Pablo Matesanz oo gacanta ku hayay boorka bedelka.

Madaama Matesanz uu u shaqeeyo Atletico islamarkaana uusan u shaqeynin UEFA, tababare Diego Simeone lama kulmi doono wax ganaax ah

Halkaan laacibtv.net ka daawo muuqaalkan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip