Zidane Oo Qaba In Guushii Premier League Ay Kasoo Hooysay Leicester Ineysan Aheyn Mucjiso Laakin Ay Tahay Karti

0
Wednesday May 04, 2016 - 13:28:26 in Sports News by
  • Visits: 635
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zidane Oo Qaba In Guushii Premier League Ay Kasoo Hooysay Leicester Ineysan Aheyn Mucjiso Laakin Ay Tahay Karti

    Macalinka kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa diiday inuu saxaafada caalamku ku raaco in gushii layaabka laheyd ee ay Leicester ka gaartay horyaalka Premier league ay tahay mucjiso.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinka kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa diiday inuu saxaafada caalamku ku raaco in gushii layaabka laheyd ee ay Leicester ka gaartay horyaalka Premier league ay tahay mucjiso.

Kooxda lagu naaneeso Foxes ayaa kasoo kacay kaalinta 14aad xili ciyaareedkii hore oo ay waliba si dirqi ah kaga badbaadeen u laabashada heerka labaad waxayna xili ciyaareedkaan guuldareysteen kaliya sadex kulan waxayna si layaab leh u hanteen horyaalka inkastoo ay wali joogeen kooxihii lagu tilmaami jiry "Big Boys” ee Arsenal, Chelsea, Liverpool iyo labada Manchester !

Isagoo la hadlayay saxaafada ayuu yiri Zidane "Howsha uu qabtay Claudio Rianeri waa mid aan caadi aheyn, waa mid layaab leh, wuxuu sameeyay wax tusaale u ah cid waliba laakin waxaan qabaa in taasi aysan aheyn mucjiso ee ay tahay dadaal iyo shaqo adeeg”.

Zidane

"kooxda dhan ayaa shaqo adag qabatay, xaqiiq waxaa ah iney dadaal dheeri ah sameeyeen xili danbe oo xili ciyaareedka ah laakin xitaan iyaga wey ku adkeyd iney qiyaasaan iney hanan karaan horyaalka, haatan waxay muujiyeen in cidii dadaashaa ay miro guraneyso”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip