Kooxda Leicester City oo markeedii ugu horeysay hanatay horyaalka Ingriiska

0
Tuesday May 03, 2016 - 09:27:29 in Sports News by
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Leicester City oo markeedii ugu horeysay hanatay horyaalka Ingriiska

    Kooxda aan caanka aheyn ee Leicester City ayaa loo boqray horyaalnimada kubada cakta dalka Ingiriiska xalay taasoo ka dhigtay mid ka mid ah sheekooyinki ugu yaabka iyo xiisaba badnaa ee taariikhda isboortiga aduunka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda aan caanka aheyn ee Leicester City ayaa loo boqray horyaalnimada kubada cakta dalka Ingiriiska xalay taasoo ka dhigtay mid ka mid ah sheekooyinki ugu yaabka iyo xiisaba badnaa ee taariikhda isboortiga aduunka.

Horyaalnimada Leicester ayaa ka danbeysay marki ay kooxda Tottenham oo kaalinta labaad ku jirta ay bar bar dhac 2-2 ah la dhaafi weysay Chelsea. Taasi waxay ka u suura gelisay Leicester in Tottenham aysan soo qaba doonin labada kulan ee u dhiman sidaasina waxaa ku bilowday dabaaldaga taageerayaasheeda ee hanashada horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

Kooxda uu leyliyo macalinka u dhashay dalka Talyaaniga ee Claudio Ranieri guusha ay gaareen sanadkaan ayey aduunyada Sıboortiga xalay iyo maantaba wada hadal hayaan.

Mudadi uu socday horyaalka Ingiriiska kaliyah waxay guuldaresteen sadex ciyaarood oo qura, waxaa intaasi dheer in ciyaartooyda kooxda ay yihiin kuwo aanan horay loo aqoon oo xitaa qiimo aad u jaban ugu fadhiya naadiga. Waxaana ay meel iska saareen kooxaha waaweeyn sida Arsenal, Manchester City, Manchester United, Tottenham iyo kooxda sanadki hore qaaday horyaalka ee

Axadi lasoo dhaafay ayey u dabaaldagi laheyd Leicester hadii ay ka badinlahaayeen Manchester United oo ay bar bar dhac galeen, sidaas daraadeed hal dhib oo qura ayey u baahnaayeen ama in kooxda kusoo xigtaa waa Tottenham laga bidiyo ama ay bar bar dhac keento xalay ayeyna taasi dhacday oo Chelsea ayey Tottenham k abadi kari weysay.

Naadiga Leicester oo uu leeyahay maalqabeynka u dhashay dalka Thailand ninka lagu magacaaboVichai Srivaddhanaprabha,ayaa sidoo kale usoo baxday koobka caanka ah ee kooxaha ugu awooda badan Qaarada Yurub ee loo yaqaano.

Sheekooyinka yaabka leh ee kooxdan ayaa waxaa ka mid ah in ay bilowgi xilli ciyaareedka horyaalka Ingiriiska ka mid aheyd sadexda kooxood ee la saadaainayey in ay u laaban doonaan sanadkaan kooxaha heerka labaad, waxaa safkaasi iyana loo saadaalinayey kooxaha Watford, Norwich iyo Bournemouth oo xilli ciyaareedki hore kazoo baxay heerka labaad.

 

MAXAA LAGA YİRİ GUUSHA LEİCESTER

Gudoomiyaha FİFAGianni Infantino,wuxuu ku tilmaamay guusha kooxda Leicester sida sheeko qiyaali ah oo aad u qurux badan.

Xildhibaanka laga soo doorto bariga magaalada LeicesterKeith Vazayaa sheegay in maanta ay u tahay maalinti ugu muhiimsaneyn taariikhda magaalada Leicester City, waxa kale oo uu ku tilmaamay guusha uu soo hooyey tababare Claudia Ranieri mid mucjizo ah.


Ra’isulwasaaraha IngiriiskaDavid Cameronoo u hamblayeeyey kooxda ayaa ku tilmaamay in ay Leicester ay gaartay guul aan caadi aheyn hase yeeshee ay u qalmeen.

Tababaraha JuventusMax Allegriayaa ku faanay in macallimiinta Talyaaniga ee aadka u abaabulan ay ka dhigantahay in ay furan karaan horyaal walba sida uu Ranieri u furtay horyaalka Ingriiska. Waxa kale oo uu yiri "Baravo Ranieri waxaan isku arki doonaa koobka Champions League!”

Macalinkii hore ee AC MilanArrigo Sacchioo ah nin lagu qaddariyo qibradiisa tababaranimo ayaa ku tilmaamay guusha Ranieri mid usoo hoyatay dhamaan dalka Talyaaniga maadaama macalin Ranieri uu yahay nin u dhashay dalka Talyaaniga.

Ugu danbeyntii xalay oo dhan ayaa waxaa ka socday magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska dabaaldag ay taageerayaasha iyo ciyaartooyda kooxda ugu dabaaldagayaan horyaalnimada loo caleema saaray kooxda Leicester oo markeedii ugu horeeysay ku guuleysatay horyaalka dalka İngiriiska.

12345678



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip