HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 8-3-2022

0
Tuesday March 08, 2022 - 07:23:21 in Wararka by
  • Visits: 535
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 8-3-2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

 

 


Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Turkiga U Jooga Muqdisho

     Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka dowladda Turkiga u jooga Magaalada Muqdisho ee Mehmet Yilmaz.

      Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Turkiga ayaa waxaa looga wada hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah, masha ariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaal iya iyo wax ka qabashada Abaaraha baahsan ee dal ka ka jira.

      Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Safiirka u sheegay inay muhiim tahay u gurmashada dadka Soomaaliy eed ee abaaraha ku saameeyeen deegaano iyo deg mooyin ka tirsan Gobolada, kuwaasi oo u baahan Gurmad

     "Waan ku faraxsanahay inaan la kulmo H.E. Ma xamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaaraha Xukuum adda, Waxaan fursad u helnay inaan ka wada hadal no wax ka qabashada abaaraha, maalgashiga gana csiga gaarka ah ee Turkiga iyo dhinacyada kale ee iskaashiga” ayuu yiri Safiirka Turkiga ee Muqdisho oo ka hadlay kulanka.

     Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, iyago ona tababaro kala duwan siiya Ciidanka dowladda Federaalka, sidoo kalena gudaha Caasimadda Mag aalada Muqdisho ka fuliya mashaariicd horumar ineed.

Dowladda Somaliya & Midowga Yurub oo ka shiray arrimaha doorashooyinka

      Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabd ullaahi Maxamad Nuur iyo safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Kulan looga hadlayay arrimaha do orashooyinka oo ay ka qeyb galeen safiirada wad damada Midowga Yurub.

Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Midowga Yu rub ee Soomaaliya ayaa waxaa diirrada lagu saaray Amniga doorashooyinka dalka, waxaana aaladda Zoom-ka uga qeyb galay qaar kamid ah safiirada Midowga Yurub.

       Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxa mad Nuur ayaa uga mahad celiyay taageerada Mid owga Yurub uu la garab taaganyahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale wasii rku ku booriyay sii joogtaynta kaalmadaas, gaarah aan taageerada dhanka amniga maadaama dowladu ay isu diyaarinayso in ay la wareegto mas’uuliyadda Amniga dalka dhammaadka Sanadka soo socda ee 2023-ka.

      Dhankooda safiirada Midowga Yurub ayaa bog gaadiyay habsami u socodka howlaha doorashooyin ka iyaga oo u rajeeyay xukuumadda iyo Dowlad gob oleedyada in ay kusoo dhammaystiraan howlaha doorashooyinka muddadii lagu heshiiyay.

      Sidoo kale Safiirada ayaa boggaadiyay howlaha hay’adaha amniga, waxayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada Dowladda iyo Shacabka,gaar ahaan arrimaha amniga.

Sh.Shariif oo Nayroobi u tegay la-kulan ka wakiilo ka socda dal taageeraya ololihiisa – Xog

      Murashax madaxweyne, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Axadii u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo la sheegay in kula shiri doono wakiilo ka socda dowladda Isu-tagga Imaara adka Carabta.Sheekh Shariif, madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu xiriir wanaags an la leeyahay Imaaraadka, waxaana shirkooda uu la xiriiraa arrimo ku saabsan doorashada Soomaa liya oo bilaha soo socda la filayo in lagu doorto Gud doomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha.

      Xog aan helnay ayaa sheegeysa in wakiilada ka socda Imaaraadka ay Sheekh Shariif kala hadli doo naan qorshaha ugu wanaagsan ee looga guuleysan karo kooxda madax weynaha muddo xileedkiisa dhamaad ay ee Farmaajo oo Axadii magaalada Doha kula kul may Amiirka Qatar.

     Dowladda Imaaraadka Carabta ay aa dookha 1aad ka dhigatay inay tag eerto murashax madaxweyne Shariif Sheekh Axm ed, halka dookha2aad uu ugu jiro madaxweyna ha Puntland oo isna xiriir dhow la leh Imaaraadka.

     Dowladda Kenya iyo madaxweynaheeda Uhuru Ken yata ayaa sidoo kale dowladda Imaaraadka Ca rabta ku cadaadinaya inay taageero buuxa siiyaan Shariif Sheekh Axmed oo ay u arkaan qofka kaliya ee jabin kara damaca Farmaajo ee ah inuu mar kale soo laabto.

      Waxaa la ogsoon yahay in magaalada Nairobi ay tahay xarunta iyo ololaha Imaaraadka Carabta ee arr imaha Soomaaliya looga hadlo, kuna sugan yahay safiirkooda Soomaaliya u fadhiyay, sidoo kale waxaa ku sugan Nairobi xildhibaano ka tirsan baarlamaan ka 11-aad kuwaasi oo deegaan doorashadoodu ah eyd Jubbaland iyo Puntland.

     Sheekh Shariif ayaa doorashadii 2016 kala kulm ay niyadjab isaga oo taageeradiisa ay aad uga hoo seysay intii la filayey, waxaana ugu wacneyd dhaqa ale xumo haysay oo uu ku iibsan waayey codadka xildhibaanada, waxaase markan la filayaa inay boos aaska u buuxiyaan Imaaraadka.

 Khilaaf Xooggan Oo Soo Kala Dhex-Galay Mada xweynaha Hirshabeelle Iyo Ku-Xigeenkiisa

    Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo Maga alada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa uu soo kala dhex-galay khilaaf xoogan.

    Khilaafka soo kala dhex gal ay Madaxda Hirshabeelle ayaa ku saabsan hannaanka loo ma rayo doorashada 11 kursi oo ka tirsan kuraasta Golaha Sha cabka, kuwaasi oo Madaxweyne Guudlaawe dhow aan fasaxay in la furo, si loogu tartamo.

      Ilo ku dhow dhow Madaxweynaha iyo ku-xige enkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ayaa xaq iijinaya inuu khilaafka uu durba saameeyay Guddiga doorashada Hirshabeelle oo la kala saftay Madaxw eynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

     Lama oga saameynta ay ku yeelan karto khilaaf kan cusub doorashada kuraasta harsan ee M/Bele dweyne, iyadoo 8 cisho ay ka harsan tahay mudada 15 maalin ee loo qabtay in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada G/Shacabka Baarlamaanka 11-aad .

     Guddiga doorashada SEIT ee dowlad Goboleed ka Hirshabeelle ayaa Habeen hore shaaciyey inuu dib u dhac ku yimid Jadwalkii soo gudbinta Guddigu xuli sta ergada 11 kursi, sababo jira awgeed, iyagoona xusay inay dib kasoo shaacin doonaan Jadwal cus ub oo doorasho.

HirShabelle oo mar kale dib u dhigtay doorasha da kuraas taal Beledweyne + Sababta

     Guddiga doorashada HirShabelle ee (SEIT) ayaa dib u dhigay doorashada 11 kursi oo taalla M/Beled weyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.Jadwalka kuraast an ayaa la shaaciyey labadii bi shan, waxaana qor shuhu ahaa in doorashadooda la qabto 8 iyo 9 bis han aynu ku jirno ee March.

     Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa sababta dib loogu dhigay doorashada kuraas taasi ku she egay arrimo farsamo dartood, wu xuuna guddiga shaa ci yey inay dib ka soo sheegi do onaan waqtiga ras miga ah ee la qaban doorashada kuraastaas oo ku harsan Beledweyne.

      "Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) Waxuu Ogaysiinayaaa dhamaan daneeyaasha Doorashada in dib u dhac uu ku yimid jadwalkii soo gudbinta gud digu Xulista ergada ee guddigu shaaciyay taariikhda markii ahayd 02/03/2022 sababo Farsamo Awgeed.   Guddigu dib ayuu ka soo shaacin doonaa Jadwal ka le oo faahfaahsan sida ugu dhaqsiyaha badan.” Ay aa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay guddiga maamulka doorashada HirShabelle.

       Kuraastan oo ay qaarkood ku tartami doonaan siyaasiyiin saameyn leh ayaa waxa ay kala yihiin:- Hop#004, Hop#010, Hop#011, Hop#019, Hop#030, Hop#039, Hop#058, Hop#059, Hop#063, Hop#066 iyo Hop#135.

Yaa ku fadhiya?

1- Hop#004 waxaa ku fadhiya Maxamed Xasan Ibra ahim (Qoone).

2- Hop#010 waxaa ku fadhiya Cabdirisaaq Maxam ed Axmed (Jindi).

3- Hop#011 waxaa ku fadhiya C/risaaq Cumar Max amed oo ah wasiirkii hore ee amniga.

4- Hop#019 waxaa ku fadhisa Farxiyo Muumin Cali.

5- Hop#030 waxaa ku fadhiya Daahir Amiin Jee soow.

6- Hop#039 waxaa ku fadhisa Drs Maryan Axmed Haaruun.

7- Hop#058 waxaa ku fadhiya Nuur Iidow Beeyle.

8- Hop#059 waxaa ku fadhiya Samiiro Xasan Cabd ulle.

9- Hop#063 waxaa ku fadhiya C/laahi Goodax Barre oo ah wasiirkii hore ee waxbarashada.

10- Hop#066 waxaa ku fadhiya Cumar Cismaan Waasuge.

11- Hop#135 waxaa ku fadhisa Aamino Maxamed Cabdi.

      Si kastaba, dib u dhaca ku yimid doorashadani ayaa kusoo aaday, iyada oo culeys xoogan haatan laga dareemayo Beledweyne oo ay ku sugan yihiin inta badan musharixiinta xil doonka ah, iyada oo ha been horena maleeshiyaad gadoodsan ay soo gal een magaaladaasi.

Musharrax Daahir Geelle oo kulan la qaatay safiirka Imaaraadka

     Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Amb, Md.Daahir Maxamuud Geelle ayaa Shalay Maga alada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Danj iraha Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Alcuthmaan.

       labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadle en xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee wala alaha ah, waxaana Musharax Daahir Geelle uu uga mahadnaqay kaalinta mudnaanta leh ee dolwaddiisu kaga jirto gacan siinta iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee wajahayo duruufaha adag.

     ” Waxaan rajeynaa in isbadalka soo socdo gaar siin doono xiriirka labada dal meesha uu ku habboon yahay ayuu yiri” Musharrax Daahir Geelle.

      Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Amb, Daahir Maxamuud Geelle ayaa maalmihii la soo dhaafay waday kulamo kala duwan oo uu la qaadan ayo safiirada Beesha Caalamka, waxaana dhawaan uu la kulmay Safiirka Cusub ee Mareykanka u soo magacaawday Soomaaliya.


Maxay Wasiir Xaniifa ka tiri ‘bahdilkii’ Dorraad la gu sameeyey SHARIIF XASAN?

     Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaniifa Xaabsade) ayaa si adag uga hadashay is hortaagii Dorraad  lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee maamulka Koo nfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo rabay inuu ka duulo garoonka Muqdisho.

      Shariif Xasan ayaa ku waja hna magaalada Baydhabo ee xarunta ma amulka Koonfur Galbeed, maadama uu kamid ahaa musharraxiinta u ta rtam eysa mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee yaalla maamulka Koonfur Galbeed.

     Safarka laga hor istaagay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa ka dambeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed sida uu sheegay Shariif, taasi oo sidoo kale ay si adag uga hortimid Xaniifa Xaab sade.

     Xaniifa ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay ta hay in Shariif Xasan laga hor istaago in uu beeshiisa kasoo raadsado cod, islamarkaana aan loo baahn eyn in markale dadka reer Koonfur Galbeed indhaha ka saabtan dhaqanada foosha xun ee ku kacay maa mulka Lafta-Gareen.

      "Waxaa aad uga xumahay in Shalay aan marqa ati ka nahay hab-dhaqanka aadka u foosha xun ee lagula kacay madaxweynihii maamulka (Shariif) runtii muhiimadu ma aheyn in kursiga uu soo helo ee muhiimadu waa in deegaankiisa uu tago oo cod ka raadsado,” ayey tiri.

     "Dhaqamada aan ka aamunsahay reer Koonfur Galbeed waa kuwa soo jireen noqon doona oo taar iikhda noo-gali doono. Dorraad Guddoomiye Jawaari ayey aheyd Shalayna madaxweyne Shariif, qof ka mudan oo la ixtiraami lahaa majiro.”

     Sidoo kale waxay sheegtay in dad badan oo kale oo Haldoor ahaa laga hor istaagay inay metelaan deegaanadooda, meeshana la saartay dad aan ka shaqeynayn danta deegaanada kuraasta leh.

      "Madaxweyne Cabdicasiis waa ka xunahay waxa sameynayso, waxaa ka rajeynaya in aad sixi doonto, haddii aad sixi weysana dhalinyarada ka dambeysa ee wadada u furtay (ka filo). Sideed bilood ayaa ku dhiman ee ka tag meesha ku noolan laheyd oo waji ka tag.”

      Xaniifa ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in had dii la isku ixtiraami waayo dowladnimada iyo nida am ka in maamulka Koonfur Galbeed uu taariikhda So omaaliya ka gali doonaan meel aad u xun.

Prof. Ibbi oo ka shalaayey taageeradii Farmaajo – "Saan ugu maalay iiguma hambeyn”

      Prof. Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo wareysi xasaasi ah bixiyey ayaa ka hadlay guul-darradii uu kala kulmay doorashada socota ee Golaha Shacab ka, ka dib markii uu waayey kursigii uu ku fadhiyey.

     Ibbi ayaa shaaca ka qaaday in Villa Soomaaliya oo uu taageere iyo difaacaba u ahaa 5-tii sano ee la soo dhaafay ay dhabar ka ka toga tay, sida uu hadalka u dhigay.

      Xildhibaan hore Cab diraxmaan Ibbi ayaa si doo kale qiyaameyn ku til maamay falka lagu sa meeyey, wux uuna shee gay in markii uu ka tegay Muqdisho ee uu gaaray Baydhabo, isaga oo wata er go laga daba diray tal eefoon, isla-markaana sidaas looga reebay tartanka.

     "Qofkaan taageerayey sa an ugu maalay iiguma hambeynin aniga, indho la’ aan ayaan u difaacay u wanaajiyey u sameeyey,” ayuu wareysiga ku yiri Prfo. Cabdiraxmaan Ibbi.

      Prof. Ibii oo ka shallaayey wixii uu horey u sameeyey ayaa xusay in taageeradu ay la tegtay, balse ay hadda wax weliba is-bedaleen, uuna ku faraxsan yahay.

      "Aniga Ilaahey (SWT) ayaa naxariis iiga dhigay in kursigan uusan isiinin, aniga waxaan ahaan nin Nabad iyo Nolol ah waxaan ahaa nin runtii ay kasoo dhowdahay xittaa inaan iraahdo war Farmaajo haa waagii hore Aabbe iyo waxbaa dhihi jirnee laakin hadda Allaahuma Salli Calaa Farmaajo inay naga soo dhowaato,” ayuu markale yiri Prof. Ibbi.

       Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey "Haddii ma rka Ilaahey xilka iigu dari lahaa waxaan u maleynaa inaan Katarabiil noqon lahaa oo Umad badan dardari lahaa oo sii waalan lahaa”.

     Dhinaca kale isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi sheegay in $34 Mi lyan ay Villa Soomaaliya ku bixisay doorashada kura asta Xildhibaannada Golaha Shacabka, si ay u he sho Xildhibaanno codkooda siiya Farmaajo, waxaa na uu tilmaamay in dacwad lagu baarayo lacagtaas dhawaan la furi doono, sida uu hadalka u dhigay.

      Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday qorsha ha Villa Soomaaliya ee dib u doorashada Farmaajo, wuxuuna yiri  "Soomaalida nin ay mar dooratay mar labaad ma doorato, sidii hore ma aha oo codadka la isugu shubaayo, dhalinyarada soo gashay baarlama anka nin weliba wuu arkayaa beerta la fashay, sida loola dhaqmay Muudey, Dalxa, Jawaari, Shariif Xas an iyo dad kale,”.

     Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan kur sigii uu ku fadhiyey Ibbi uu ku soo baxay xildhibaan kale oo dhalinyaro ah, ka dib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo.Xigasho:caasimadda.net

Madaxweyne Deni oo la kulmay Saraa kiisha laammaha Amniga Puntland

       Madaxweynaha  Puntland Siciid C/hi Deni, ayaa Shalay kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Am niga Puntland, Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasi irka Amniga, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyay Ciidamada Puntland sida ay marwalbo heegan ugu yihiin ka sha qeynta Amniga, Guulaha laga gaaray a dagaalanka Al-Shabaab & Daacish iyo adkaynta Amniga Gud aha iyo dibadda Puntland xilli uu dalku ku jiro marxalad Doorasho.

      Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ciidama da inay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan sug ida amniga Guud ee degaannada Puntland.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maa lmaha soo socda dib ugu laaban dona Magaalada Garoowe, waxaana warar kale oo la helay ay shee gayaan in sidoo kale uu u bixi doono 4 dibadda ah.

Dowladda Somalia & Mareykanka oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

      Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuu madda Soomaaliya Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa la kulmay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka uqaabilsan Soomaaliya Amb. LARRY ANDRÉ.Ugu horeyn, Wasiirka ayaa Safiirka ugu hambalyeeyay shaqadiisa cusub, waxa uuna uga mahadceliyay Taageeradda Dowladda Mareykanka ee hanaanka dib u dhiska gedi socodka Dowladnimada Somaliya.

    Wasiirka ayaa si gaar ah u dul istaagay kaalinta Dowladda Mareykanka ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada , isagoo adkeeyay in la dagaalanka Al-Shabaab uu yahay dagaal caalami ah oo ubaahan in la iska kaashado.

Dhanka kale Amb. LARRY ayaa Wasiirka ku ama anay fahamkiisa sare ee la xiriira kooxaha Argagi xisada sida loo soo afjari karo, Waxa uuna adkeeyay in Dowladda Mareykanka ay sare uqaadi doonto Taageeraddeeda Ku aadan Dowlad dhiska iyo ladag aalanka Al-Shabaab.

Maamulka Garbahaarrey oo shirkadaha diyaarad aha ugu digay iney soo qaadaan guddiga 

qiimeynta

      Mas’uuliyiinta ugu sarreeysa Maamulka degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka gedo ayaa guud ahaan Shirkadaha diyaaradaha waxaa ay uga digeen inay degmada keenaan Xubnaha Guddiga qiimeynta Garbahaareey uu u Magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiye kuxigeenka amniga & Siyaasadda degmada Garbahaareey ayaa sheegay in diyaaradii soo qaada Guddiga wixii ka yimaada mas’uuliyadee da ay iyada qaadeyso.

      Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku darayaan in ka maamul ahaan ay ka hortagayaan waxkasta oo ka hor imaanayaa heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September iyo is-afgaradkii Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

        Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Guddiga uu hoggaaminayo Cumar Dhageey uu yahay mid sharciga baalmarsan, isla markaana aysan aqbaleyn inay Garbahaarey tagaan, wuxuuna sicad u sheegay in Garbahaareey horay loo qiimee yay doorashana lagu qaban karo.

       Arrimaha khilaafka Gobolka Gedo ee u dhax eeya Villa Somalia iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa noqday caqabad, iyada oo Magaalada Garbah aareey ay yaallaan 16 kursi oo la filayo in la qabto doorashadooda

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soo maaliya oo isku soo sharraxay xilka ma daxweynaha Soomaaliya

       Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa Shalay magaalada Gaalkacyo kaga dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka mad axweynaha Soomaaliya.

       Wasiir hore Maxamed Ca bd irisaaq Maxamuud ayaa sheegay Soomaaliya in ay u baah an tahay inay qaado wa ddo cusub oo ka duwan mi dda Shalay lagu maa mulo. Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay dowlad ka shaqeysa dib udhiska dalka iyo dimoqraadiyadda.

       Maxamed Cabdirisaaq waxa uu sheegay madax da haatan haysa talada dalka in ay ku socdaan wad do qar iska xoornimo ah ayna kusii fogaanayaan sharci darro iyo falal dastuurka ka baxsan.

       "Shalay way adag tahay in la helo hoggaamiye ka madax bannaan damaca u adeegsiga dowladni mada in ay ku noqdaan maalqabeenno, iyagoo iska horkeenaya dadka Soomaaliyeed. Waa inaan sidaan iska beddelnaa haddii aan rabno in Soomaaliya hor ey u socoto,” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda. Waa markii labaad oo Maxamed Cabdiris aaq Maxamuud uu iskusoo sharraxo xilka madaxwe yna ha muddo shan sano gudaheed ah.

Sannadkii 2017, siddeedii February, wuxuu kamid ahaa 24 musharrax oo ka qeyb galay doorashada madaxweynaha Soomaaliya,  doorashadaas oo

madaxweyne Farmaajo uu kusoo baxay.


Galmudug oo war ka soo saartay askartii Shalay lagu dilay Dhuusamareeb

       Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay dilkii ay Shalay xubno ka tirsan Ahlu Sunna labo askari oo ka tirsaneyd ciidanka Gor Gor ugu geysteen bartamaha magaalada Dhuu samar eeb.

    Taliyaha booliska Dhuusamareeb Maxamed Mire oo Xalay shir jaraa’id qabtay ayaa kooxda Ahlusunna ku tilmaamay kuwo lamid ah Al-Shaba ab oo caadeystay dhiigga qof kasta oo ka aragti duwan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip