HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA MARSO, 2022

0
Sunday March 06, 2022 - 08:11:37 in Wararka by
  • Visits: 671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA MARSO, 2022

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Dooxa Iyo Soo Dhaweyn Loo Sameeyay

     Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaad ay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar halkaas oo uu ku ta gay safar shaqo oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha oo martiqaad ka helay Amiirka   Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani ayaa kala hadli doona xoojinta xiriirka lab ada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhal ka ah ee dhinacyada maalgashiga, diblumaasi yadda iyo horumarinta Kaabeyaasha Dhaqalaa.

     "Safarka Madaxweynuhu waxa uu daba soco daa kulamadii hore ee ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar, waana mid lagu adkeynayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaa shiga ee miro dhalka ah ee labada dal. Qatar waa dal kaalin mug leh ka qaata dib u dhiska Sooma aliya.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta Madaxt ooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka war bixiyay safarka Madaxweynaha.

     Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa xusay muhiimadda Booqashada Madaxweyne Ma xamed Cabdullaahi Farmaajo ay u  leedahay mus taqbalka iskaashiga dowladaha Soomaaliya & Qatar. Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamm aaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Am iir Tamiim ayaa waxaa ay ka wadahadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

 Guddoomiye Cumar Filish Oo Dhagax Dhigey Waddo Loogu Magac Daray Dr. Kadare

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shalay daahfuray mashr uuca dhismaha wadada DR Kadare, wadadaas oo tagi doonto Xeebta Dahab Mariina Beach.

Dhismaha wadadaan ayaa ah mid ay baahi weyn

u qabaan bulshada Caasimadda iyadoo sidoo kale qeyb ka noqon doonto dalxiiska ay dadw eynaha ku tagi doonaan xeebaha wadadaas saaran.

     Gudoomiyaha Rugta ganacsatada Soomaali yeed Maxamud Cabdikariim Gabeyre ayaa tilm aamay in ganacsatada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin da’daal kaste oo lagu horumarinaayo Caa simadda.

     Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ka hadlay furitaanka mashruucan waxa uu sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii ay bulshada u heli lahaayeen adeegya wax tar leh. Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dib udhiska lagu sameynayo wadada Fagax oo kamid ah wadooyinkii ku bur buray dagaaladii so keeye ee dalka ka dhacay.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay munaasabad gargaar loogu wareejinayay Soomaaliya

       Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daah-furay m unaasabad Dowladda Soomaaliya loogu ware ejinayay ku dhowaad 3-kun tan oo raashiin kala duwan ah, taas oo ay bixineyso Dowladda Sacu udiga.

Munaasibadda waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Mas’uuliyiin ka socday guddiga abaaraha iyo xubno ka tirsan Qaramada Midoobay.

     Mashruucan oo ay ka faa’ideysanayaan dhaw aad 300,000 oo qof oo ah dadka ay abaarahu sa ameeyeen, ayaa waxaa ka mahadceliyay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Max amed Guuleed, wuxuuna ku bogaadiyay dowla dda Sacuudiga kaalmada balaaran ee la garab tahay Soomaaliya.

Magacyada 16-Ka Xildhibaan Ee Shalay Lagu Doortay M/Boosaso

      Doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Sha cabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Shalay ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Kursigii ugu danbeeyay ee 16-aad ayaa Shalay lagu doortay Magaalada Boosaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland.

     Kursiga Hop#157 ayaa loo doortay Maxamuud Axmed Aaden Geesood halka kursiga Hop#227 dib loogu doortay Cabdicasiis Maxamed Maxa muud (Qambi).

     Kursiga#273 ayaa loo doortay Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko halka kursiga Hop#234 loo doortay Marwo Cabdi Bashiir.

Kursiga Hop#076 waxaa Cod gacan taag ah ku guulaystay Muuse Axmed Ismaciil oo helay dham aan 101 Codadka Ergada ka dib markii ay u tana asushay Faaduma Ibraahim Ismaaciil.

      Kursiga Hop#169 waxa ku tartamay Cali Mahdi Maxamed Qalato iyo Xafso Cali Axmed waxaana 97 cod ku guulaystay Cali Mahdi Maxa med Qalato.

      Kursiga Hop#083 axaa ku tartamay Maxamed Bashiir Cali iyo Aamino Maxamed Ciise waxaana ku guulaystay Maxamed Bashiir Cali ka dib markii Tartanka ay isaga hartay Aamino Maxamed Ciise.

Kursiga Hop#220 waxaa ku tartamay Musharaxiin ta kala ah Cali Xaaji daahir Saleebaan iyo Axmed Burhaan Cumar. 101 Ergo ayaa dhamaan codka siiyay Cali Xaaji daahir ka dib markii uu ka haray    Tartanka murrashax Axmed Burhaan.

       Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa ku guul aystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-222 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo Magaalada Bosaaso.

     Maxamed Aadan diini ayaa ku guulaystay Kur siga tirsigiisu Yahay Hop-036oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo M/Bosaaso.

Siciid Cali Muuse ayaa ku guulaystay Kursiga tirs igiisu Yahay Hop-027 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo M/Bosaaso.

      Sadaam Maxamuud Cabdi ayaa ku guulay stay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-158 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo M/Bosaaso.

Faysal Axmed Maxamuud ayaa ku guulaystay Ku rsiga tirsigiisu Yahay Hop-149 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo M/Bosaaso.

     Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa ku    guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-190 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo M/Bosaaso.

Cabdulaahi Faarax Mire ayaa ku guulaystay Kursi ga tirsigiisu Yahay Hop-228 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo M/Bosaaso.

       Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa ku guulayst ay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-222 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo M/Bosaaso.

Ismaaciil shire jaamac ayaa ku guulaystay Kurs iga tirsigiisu Yahay Hop-142 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo M/Bosaaso.

Xildhibaanka ku soo baxay kursiga wasiir Jamaal oo ballan-qaad sameeyey

      Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa Shalay lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlam aanka Federalka Soomaaliya, kuwaas oo ay de egaan doorashoodu tahay Puntland.Kuraasta do orashadooda la qabtay waxaa ku jira kursiga tirs igiisu yahay HOP#169 ee uu horey ugu fadhiyey wasiirka qorsheynta Soomaaliya, Jamaal Max amed Xasan.

     Kursigan oo aad isha loogu hayey, isla-mar kaana ay ka dhalatay dood xoogan ayaa waxaa ku soo baxay Cali Mahdi Maxamed oo aad ugu dhow madaxweynaha Puntland.

      Cali Mahdi oo loo qaaday cod gacan taag ah ayaa helay 97 Cod, kadib markii loo xiray kurs igan, iyadoo loo diiday tartanka Jamaal oo uu khil aaf kala dhexeeyo maamulka Deni.

     Xildhibaanka cusub oo wareysi bixiyey ayaa ka hadlay guushiisa, wuxuuna yiri "Waxaa la mid ah xildhibaanada Soomaaliya laga doortay iyo kuwa Shalay la doortay, kuligeena waxaa na saa ran oo nalaga rabaa dalka Soomaaliya inaan ugu adeegno afarta sano ee soo socota,”.

      Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday hadal heynta     ka dhalatay kursiga HOP#169, wuxu una ballan qaaday inuu u adeegi doono deegaan ka laga soo doorto iyo dadka Soomaaliyeed.

"Kursiga ugu hadal heynta badan ee aan kusoo baxay ma noqon doonaa mid shaqadii looga baa hnaa qabta? Waxan rajeynayaa aniga oo kalsooni badan ku qaba Ummadda isoo dooratay inaan shaqo la taaban karo u qaban doono,” ayuu yiri xildhibaan Cali Mahdi.

      Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyey "Kursi gan dabcan qof ayaa ku guuleysan lahaa anaana ku guuleystay waajibka i saaran waxaa weeye ina an Ummadda isku uruuriyo, isla-markaana aan dadka u shaqeeyo, waana mas’uuliyadda saaran dhamaan xildhibaanada,”.

      Si kastaba, guusha Cali Mahdi ayaa meesha ka saareysa booskii Wasiir Jamaal Maxamed Xas an oo kursigan horey ugu fadhiyey, isla-markaana ka mid ah saaxibada Villa Somalia.

Guddiga uu magacaabay R/W Rooble oo war cusub soo saaray kaddib…

      Guddiga xaqiiqo raadinta ee uu Garbahaarey u magacaabay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa warsaxa afadeed kasoo saaray kulamo wada-tashiyo ah oo uu ka waday ma gaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowladgoboleedka Jubbaland.

     Guddiga ayaa sheegay inuu soo gabag abeeyey wada-tashayadii uu waday, kuwaas oo uu la yeeshay madaxda Jubbaland iyo odayaasha dhaqanka oo ay kala hadleen doorashada Garbahaarey.

    Sidoo kale guddiga ayaa shaaca ka qaaday inuu dib ugu soo laabanayo Muqdisho, si uu wa rbixin ula wadaago ra’iisul wasaaraha, kadibna ay aadi doonaan gobolka Gedo.

Halkan hoose ka aqriso:-

    Guddiga Qiimeynta Xaaladda deegaan door ashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xus een Rooble, ayaa soo gabagabeeyay wadaha dalladii iyo kulammadii wadatashiga ahaa ee ay magaalada Kismaayo kula lahaayeen mas’u uliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jub aland ee ay khuseyso doorashada Garbaha arreey.

     Guddiga ayaa tan iyo Arbacadii oo ay gaareen magaalada Kismaayo waxa ay kulammo la yee sheen madaxweynaha Jubaland Axmed Max amed Islaam, madaxweynen ku-xigeenka Juba land Maxamuud Sayid Aadan,  xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo siya asiyiin reer Jubaland ah, gaar ahaan kuwa ay khuseyso arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, iyagoo ka dhag eystay aragtiyahooda ku aaddan maareynta iyo habka ugu fudud ee ay ku dhici karto doorasha daasi.

    Guddiga Qiimeynta ayaa sidoo kale kulammo wadatashi iyo aragti ururin ah la yeeshay qaar ka mid ah duubabka, ugaasyada, salaadiintaiyo nab adoonada deegaan doorashada Garbahaareey ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

  Guddiga oo uu hoggaaminayo la taliyaha dhina ca sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha Avv.Cumar Maxamed Cabdulle ayna xubno ka yihiin qaar ka mid ah madaxda  guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa la filayaa in ay ku soo noqdaan Muqdisho, si ay warbixinta socdaalkooda ula wadaagaan Ra’iisul Wasaaraha dalka, waxaana qorshuhu yahay in ay sidoo kale tagaan Garbahaarreey, si ay u dhageystaan aragtiyaha dadka deegaanka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada 16 kursi oo Golaha Shacabka ah oo la qoondeeyay in lagu qabto Garbahaarreey.

Xaalka kursiga xildhibaannad Aamino Maxa med Cabdi iyo xujada hortaala Guudlaawe

Kursiga xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi ee yaala M/Beledweyne ayaa dood xooggan ka dhex abuuray Baraha Bulshada kadib markii ay soo xoogeysteen wararka sheegaya in xildhibaan Aamina ay qarka u saaran tahay inay kursiga lu miso.Kursigaan waa HOPP#135, Dadka doonaya inay Aamina kusoo laabato Kursiga waxay daliishanayaan dorokeedii xaq u dirirka ahaa ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo aan weli dhinac u dhicin.

      Inkastoo dadka u doodayo Aamina mucaarad ka u badan yihiin haddana waxaan dood badan ka jirin inay Aamina si aan dhuu masho laheyn u wajahday Kiiska Ikraan Tahliil Faarah.

Culeys xoog leh ayaa saaran dib u doorashada xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi, Laba dhinac ayuu culeyska ka heystaa, mid waa dhanka Villa Somalia midna waa xisaabta qabiilka.

        Maamulka madaxweyne Farmaajo gaar aha an taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Da ahir waxaa lagu eedeenayaa inuu culeys badan saarayo hoggaanka maamulka Hirshabelle, cul eyskaan waa in aysan Aamina ku soo bixin HOPP#135.

      Dadka arrintaan Fahad ku eedeenayo waxay leeyihiin wuxuu Fahad diidan yahay in Aamina kiiska Ikraan Tahliil u soo rarto Golaha Shacabka.

Cilaaqaadka maamulka Hirshabelle iyo Fahad Yaasiin waa mid aad u xooggan. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa soo baxay warar sheegaya in kursigaan laga dhigay kooto Rag oo uu maa mulka meesha ka saaray dib u soo laabashada Aamina waana sababta uu mudaaharaad qoraal ah uga dhex socdo Facebook.

    Culeyska Labaad ee heysta xildhibaan aamina wuxuu la xiriiraa xisaabta qabiilka, Aamina Max amed Cabdi waxay qaraabo dhow yihiin guddoo miyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cabdixakiim Luqmaan, waxayna qeyb Beesha kamid ah ku doodeysaa in jufadaas aysan wada qaadan karin guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle iyo Xildhibaan heer Federaal ah.

      Xisaabtaan qabiilka dhexdiisa ah culeyskeeda ayey leedahay marka la eego dib u soo noqo shada xildhibaan Aamina.

Haddaba yaa loo wadaa kursigaan?

     Waxaa ugu cadcad inuu kursigaan kusoo baxo Cumar Faaruuq Cusmaan oo ah xoghayahan ururka suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ.

Cumar oo waayihii dambe aad ugu dhawaa nida amka Villa Somalia ayaa taageero buuxda ka hel ayo waqtigaan kooxda madaxweyne Farmaajo.

      Xiisadda kursigaan waxay mararka qaar u muuqaneysaa loolan u dhaxeeya mucaaradka iyo muxaafidka. Mid kamid ah madaxda sare ee maamulka Hirsabelle oo aan arrinta kursigaan wax ka waydiinay wuxuu inoo xaqiijiyey in kurs igan HOPP#135 uu Cumar Faaruuq kusoo bixi doono haddii aysan xaaladda wax ka badalin cule yska maalmahaan ka socda warbaahinta ee lagu garab istaagayo xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

     Hoggaamiyaha maamulka Hirshabelle Cali Ca bdullaahi Xuseen Guudlaawe wuxuu kursigaan ku yahay imtixaan gaar ah, dhinac waxaa ka taagan Shacab, siyaasiyiin iyo Dad waxgal ah oo dalban aya in kursiga Aamina lagu soo celiyo, dhinaca kale waxaa ka taagan kooxda madaxweyne Far maajo oo abaal sheegasho badan wata, dhinacna waxaa taagan reerkii Xigasho:-caasimadda.net

Xisbiyada mucaaradka dowlad degaan ka Soomaalida, oo shir uga furmay Shalay maga alada Nayrobi ee dalka Kenya

     Dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nayrobi waxaa galinkii dambe ee Shalay shir uga furmay xisbiyada mucaaradka ah ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya .

      Xisbiyadan Shalay ku shiraya Nayrobi ayaa waxaa kamid ah, Xisbiga sinaanta iyo cadaaladda oo uu ka socdo guddoomiyaha xisbiga Sheekh Ibraahim dheere, Xisbiga ONLF oo isna uu ka so cdo guddoomiyaha xisbiga Cabdiraxmaan maa dey, iyo Golaha danta Soomaaliyeed oo isna uu ka socdo Axmed Xasan Baaje iyo Masuuliyiin kasoo jeeda gobollada waqooyi bari Kenya iyo marti sharaf kale.

      Ujeedka shirkan loo qabanayo ayay xisbiyadu ku sheegeen, in lagaga arrinsanayo xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, xaaladda Abaar ta degaanka ka jirta, iyo midaynta mowqifka siy aasadda ee soomalida, waa siday hadalka u dhigeen xisbiyada mucaaradku.

      Shirkan ayaa ah kii u horreeyay ee noociisa ah ee xisbiyo mucaarad ahi isugu yimaaddaan hal fagaare oo ka baxsan degaanka Soomaalida, iy adoo la xasuusan yahay in shirkii kan ka horee yay ay xisbiyadii isu yimid ahaayeen labo xisbi oo kaliya, Xisbiga ONLF iyo Golaha danta Soomaaliy eed, kaas oo xilligaa ka dhacay isla magaalada Nayrobi.

      Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida ayaa inbadan ku celcelisay inaysan jirin wakhti xa adirkan wax sababaya in meel degaanka Sooma alida ama dalka Itoobiya ka baxsan ay ku shiraan xisbiyada mucaaradka ee degaanku, maadaama dalku iyo degaankuba uu yahay nabad, isla mark aana ay degaanka ka jirto xorriyadda hadalka iyo dhaqdhaqaaqa oo la isku hallayn karo.

       Waxaa xusid mudan in xisbiyada mucaarad ka ah ee Nayrobi ku shiraya qaarkood xafiisyo ku leeyihiin gudaha degaanka Soomaalida iyo mag aalooyinka waawayn ee dalka Itoobiya.

Magacyadda dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku dhimatay bada Lesbos oo la shaaciyay

      Dhalinyaradan oo la la’aa muddo 5 cisho ah ayaa geeridooda la ii xaqiijiyey ka dib markii  la sheegay in ay soo heleen ciidanka booliska dalka Giriiga.

 Dhalinyaradan oo ka koobnaa 9 qof 5 ka mid ahna la hubo iney soomaali yihiin ayaa ku geeriyoodey dooni ku qaracantey bada Lesbos’ ee Giriig, dhalinyaradan ayaa ka baxay Magaalada Izmir ee Dalka Turkiga 28.2.2022.

Dowladda Giriiga ayaa sheegtay in doonida ay quustay markii ay buux dhaaftay ka dib dabeylo xooggan oo badda ka jiray.

Shan kamid ah 9-ka dhalinyarada Soomaaliyeed ee la sheegay inay ku geeriyootay badda u dhexaysa Turkiga & Giriiga.

1- Maxamed Mustafe Xasan

2- Abdalle Mohamed Warsame

3- Ibrahin Axmed Bile

4- Asiya Ciise Aadan

5- Muna Awcabdi Ibrahim.


Maamulka iyo bulshada Garbahaarey oo si adag uga hor yimid qorshaha Rooble

    Maamulka degmada Garebahaarey ee gobolka Gedo iyo waxgaradka magaaladaas ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u xil-saaray qiimeyn ta Garbahaarey aysan imaa Karin magaa ladaas.

     Guddoomiyaha M/Garbahaarey Xasan Sheekh ayaa si toos ah fariin ugu diray ra’iisul wasaare Rooble, isagoo u soo jeediyey in doorashada Garbahaarey uusan ku ceeboobin.

"Qof kasta oo Soomaali ah waxaan u sheege ynaa, anagu waxaan raacnay habraacyadii iyo heshiisyadii doorashada dalka laga gaaray, laakiin waxaan hadda direynaa baaq ah, in guddi aan aheyn kan doorashooyinka federaalka iyo xa linta khilaafaadka aan loo soo dirin Garbahaarey,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Sheekh.

      Sidoo kale war-murtiyeedka ka soo baxay reer Garbahaarey ayaa Ra’iisul wasaaraha looga dalbaday in aan loo soo dirin guddiyo aan aheyn kuwa doorashada ee heer federaal.

      "Bulshada gobolka Gedo waxay soo jeedina yaan in aysan aqbaleyn wax aan ka aheyn heshi isyadii laga gaaray doorashada Garbahaarey,” ayaa lagu yiri bayaankaan wadajirka ah.

Madaxweyne Biixi oo sheegay in dowla da Soomaaliya ay Somaliland ugu hanj abtay dagaal

     Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka jawaabay cambaaraynta ay dowlada Soom aaliya iyo Shiinuhu u jeedinayaan, xidhiidhka Som aliland iyo Taiwan, ayaa sheegay in Somaliland anay cidna ku qasbi karin waxayna doonayn, isa ga oo xukuumada Soomaaliya ku eedeeyay in ay dagaal ku hanjabtay.

     Madaxweynaha ayaa do wlada Soomaaliya ku eedee yay in ay dagaal Somaliland kusoo qaado markasta oo ay Somaliland talaabo hore u qaado.

     "Waad la socotaan qoladaa aynu isku dowlada ahayn ee Xamar ka talisa, marka Somaliland iny ar oo horumar ah gaadhaba dagaalka ugu badan ayay qaadaan" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

      Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay Somaliland ugu hanjabtay in ay dagaal ku qa adayso, xidhiidhka ay Taiwan la samaysay awg eed. "Dorraad waad arkayseen saddexda waraysi ee ay isdaba dhigeen, safiirka Washington u joo ga warbixintu bixiyay waad maqlaysen, ee ah wa anu la dagaalamayna sidaa Ukraine, ayaanu gac an u qaadanynaa waa goosasho" ayuu yidhi mad axweyne Biixi.

      Madaxweynaha oo ka jawaabay isbahaysiga dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, ay ku doon ayaan, in ay ku horistaagaan xidhiidhka Somali land iyo Taiwan, ayaa sheegay in Somaliland anay cidina ku qasbi karin waxanay doonayn.

      "Wasiirkii arrimaha dibada ayaa isna waxaa Shiinaha kala hadlayay, Shiinuhu isago wasiir ku xigeen koodii socdo ayay noo yimaadeen oo aanu ku nidhi hadana ku leenahay cidina luqunta na qa ban mayso, oo waxaanaan doonayn noo tilmaami mayso" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

      Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, oo ah laba ja mhuuriyadood oo aan aqoonsi haysan. Xidhiidhko oda oo soo shaacbaxay sannadkii 2020, ayaa ka cadhaysiiyay Shiinaha iyo Soomaaliya, oo labaduba aaminsanyihiin in Somaliland iyo Tai wan ay dalalkooda ka mid yihiin.

Guddiyada Doorashada K/Galbeed Iyo Galmu dug Oo Shaaciyay Jadwalka Doorasho

      Guddiyada doorashooyinka dowlad Gobole edyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa sha aciyay Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Gol aha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee DFS, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay lab ada maamul.

      Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Koo nfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay qabanay aan doorashada lix kursi, waxaana diiwaan-gel inta Musharaxiinta dooneysa tartanka kuraastaas ay bilaabaneysaa 8-da bishaan Maarso 2022.

      Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in doora shada lixda kursi ee G/hacabka la qaban doono 9-ka bishaan, iyadoona doorashada ay ka dhace yso Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulk aas.   Sidoo kale Guddiga doorashada Maamulka Galmudug ayaa dhankooda Habeen hore soo saaray Ja dwalka doorashada shan kursi oo kamid ah ku raasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

     Guddiga ayaa sheegay in doorashada kuraas ta la qabanayo 6-da bishaan Maarso 2022 oo ku beegan maalinta berri oo Axad ah, isla markaana waxaa doorashadaas lagu qabanayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug.

Dowlad Deegaanka Soomaalida: Askari loo xir ay kufsi uu u gaystay gabadh yar oo ay dha shay xaaskiisu

      Askari ka tirsan ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu Boolis ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inuu kufsi u gaystay gabar yar oo ay dhashay xaa skiisu.    Falkan oo ka dhacay degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Sooma alida, ayaa la sheegay in gaba dhan yari uu kufs aday nin ay wada joogaan hooyada dhashay gabadha la kufsaday, waxaana la sheegay in dhawr jeer uu dhac ay falka kufsigu, isla ma rkaana gabadhan yari ay intii hore cabs anaysay, maadaama ninku ahaa Askari, balse markii uu xanuunku ka batay ay arrinka shaac isay.

      Gaashaanle Qorane Cabdulaahi oo baaraha Booliska gobolka Afdheer ah ayaa dhankiisa wa xa sheegay in Booliska ay arrintani soo gaarsiisay gabadh habeenkii martiday xaafadda gabadhan yar, oo arrinta kufsiga indhaheeda ku arkaysay, si daana gabadhii yarayd booliska ugu soo dha waysay, si iyaduna ay booliska ugu sheegto siday wax u dhaceen.

     Dhanka kale Madaxa Haweenka ee degmada uu falkani ka dhacay ee Hargeelle Nasra Sh Cumar oo arrinta gabadhan yari aad u danaqday ay aa sheegtay inay u taagan tahay sidii ay ga badhan yari caddaalad u heli l



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip