HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH 2-DA MAARSO 2022

0
Wednesday March 02, 2022 - 08:55:16 in Wararka by
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH 2-DA MAARSO 2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

RW Rooble Oo Farriin U Diray Taliyeyaasha Ammaanka Iyo Ciidammada AMISOM

     Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la yeeshay taliyeyaasha hay’adaha ammaanka dalka iyo ciidammada AMISOM, kaas oo diiradda lagu saaray adkeynta amn iga guud ee dalka, gaar ahaanna caasimadda Mu qdisho.

Kulan ayaa intiisi badan waxaa diiradda  lagu saa ray arrimaha ammaanka, waxaana Ra’iisul Wasa are Rooble ayaa faray hay’adaha amnigu inay xo ogga saaraan dardar gelin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee guud ahaan gobollada dalka iyo in si gaar ah loo adkeeyo amniga caasimadda.

Sidoo kale shirka ayaa lagu faaqiday sdiii loo adkayn lahaa ammaanka doorashooyinka gudd oonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Ma daxweynaha Jamhuuriyadda.

DFS oo QM kala hadashay Arrimaha doorasho oyinka & Amniga dalka

     Safiirka Dawladda Soomaaliya ee Itoobiya Ca bdullahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) ayaa ku qaabilay xarunta Safaaradda wafdi uu hoggaaminaayo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Swan.

     Kulanka ayaa la iskula soo qaaday doorashooyinka hadda ka socda Soomaaliya, hawlgal ka cusub ee ciidamada nabad ilaalinta ee kusugan Soomaaliya iyo ammaanka Guud ee dalka.

       Safiirka ayaa la waddaagay Wakiilka Qaram ada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Sw an sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya dhammaystirka doorashooyinka iyo sida ay ciidamada soomaaliyeed ugu diyaar garoobeen kala wareegidda ammaanka dalka ciidamada na bad ilaalinta ujooga Soomaaliya.

    Ugu danbayn Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mudane James Swan ayaa bogga adiyay dadaallada ku aadan qodobada la isla soo qaaday dhammaantood.

Guddiga loo xil-saaray qiimeynta Garbahaar ey oo qaaday tallaabadii u horeysay

    Guddigii uu Ra’iisul Wasaare Rooble u magac aabay inay ka soo talo-bixiyaan xaalada maga alada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa guda-galay shaqadiisa, sida lagu shaaciyey qoraal uu baahiyey xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Guddoomiyaha Guddigaas loo xil-saaray soo qi imeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Cumar Maxamed Cabdulle ayaa Shalay la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Mada sha Wadahadalka Soomaaliyeed (Somali Dail ogue Plattform).

     Guddoomiyaha iyo xubno ka tirsan guddigaas ayaa madashaas u gudbiyey qorshe howleedka guddigaan uu magacaabay R/Wasaare Roble. Gu ddoomiyaha oo Madasha faahfaahin dheer ka si iyay qorshe howleedka guddigiisa ayaa ka cods aday inay ku gacan siiyaan fulinta howshaan qii meynta ah.

    M/Garbahaarey ayaa shaki xoog leh la geliyey in lagu qaban karo doorashada kuraasta taalla, waxaana guddiga uu u xilsaaray Rooble laga do onayaa in ugu dambeyn 5-ta bishaan ay Garbaha arey ka keenaan warbixin dhameystiran.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu balamay in la soo gaba-gabeeyo 15-ka bishaan, waxuuna culeyska ugu weyn ka taagan yahay Garbahaarey oo 16 kursi ay taallo.

     Jubbaland waxay si cad u sheegtay in Garba haarey aan doorasho lagu qaba Karin, maadaa ma aysan ku jirin gacanta maamulkaas oo ay joo gaan ciidamo toos u hoos taga madaxweynihii hore Farmaajo.

Cumar Filish oo sheegay in laga hortegay weeraro ay qorsheeynayeen Al-Shabaab

     Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in doorashooyinkii Golaha Shacab ka ee ka dhacay Muqdisho ay si nabad ah ku billo wdeen kuna soo geba-gaboobeen.

     Guddoomiyaha oo hadal ka jeedinayay mun aasabad loogu mahad celinayay Ciidanka Booli ska waxaa uu sheegay in Al-Shabaab markasta ay maleegayeen qorsho ka dhan ah Goobaha ay

 ka socdeen doorashooyinka, balse Ciidamada oo feejigan ay ka hortageen.

      Waxaa uu u mahad celiyay Ciidamada Boo liska iyo Saraakiishooda oo u fuliyay siduu ahaa qorshihii Amni ee loo dejiyay Arrimaha door ashooyinka, balse ay jireen cabasho ka imaaney say Bulshada oo la xiriirtay waddooyinka la xir ayay, hayeeshee ay Shacabka qanciyeen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Max amed Filish waxaa uu uga mahad celiyay Shacabka Muqdisho sidii ay garab istaaga ugu muujiyeen intii ay socdeen doorashooyinka Golaha Shacabka.

M/Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi iyo Beelaha Banaad iriga, waxaana intii ay doorashada socotay Isgoys ka Ceelgaabta qarax ismiidaamin ahaa lala beeg saday qaar kamid ah ergada doorashada oo waxyeelo ay kasoo gaartay.

Midowga Afrika & Beesha Caalamka oo ka shiray Howlgalka cusub ee AMISOM Somalia

     Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Si yaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Ban kole Adeoye, oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku yimid Soomaaliya maalintii saddexaad, ayaa kulamo istiraatiji ah la yeeshay saaxiibada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.

     Iyada oo todobaadyo gudahood uu ku soo idl aan ayo howlgalka AMISOM, Amb. Bankole Adeo ye ayaa uga mahadceliyey saaxiibada taageer ada ay siiyeen AMISOM 15-kii sano ee la soo dha afay oo ay la wadaageen horumarka iyo meelaha mudnaanta leh ee lagu wajahayo howlgalka cus ub ee ATMIS, iyaga oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

    Waxa uu sidoo kale ku baaqay in taageero ma aliyadeed iyo mid agab ah oo joogto ah oo aan leexleexad lahayn la siiyo howlgalka soo socda ee Somalia, kaas oo la Magac baxay ATMIS, iyo sidoo kale  Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, si loo daboolo jaangoynta iyo waqtiga loo dejiyey.

      Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Ba nkole Adeoye ayaa horay ula kulmay Madaxwey naha Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubno kamid ah Go laha Wasiirada, isaga oo ugu dambeyn Shalay soo geba-gabeeyay booqashadiisii Soomaaliya.

Sarkaal hub, gaadiid iyo ciidan kala goostay Ahlu-Sunna oo gaaray Dhuusamareeb

     Sarkaal firfircoon oo ka tirsanaa ciidanka Ahlu-Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol ee gobolka Galgaduud ayaa Shalay iska dhiibay magaalada Dhuusamareeb. Isagoo ka goostay kooxda Ahlu-Sunna.

     Sarkaalkaas oo lagu magacaabo Sayed-Cali Cabdi Xaashi ayaa hub, ciidan iyo hal gaari oo nooca raaxada ah kala soo goostay Ahlu-Sunna.

    Waxuu isku dhiibay ciidanka booliska Soomaal iya ee Dhuusamareeb ka howlgala, sidoo

 kale waxaa naloo xaqiijiyey in horay uu uga tirsanaa booliska Soomaaliya.

     Sayed-Cali ayaa ka mid ahaa saraakiishii wax ka aas-aastay ciidanka Ahlu-Sunna ee ku sugan deegaanka Bohol, kuwaas oo Galmudug iyo ciid amo ka socday dowladda dhexe dagaal qaraar kula galay degmada Guriceel.

       Ninkaan oo ku jira saraakiisha darajada ho ose ayaa la sheegay in saacadaha soo socda lala kulansiinayo madaxda sare ee Galmudug, si lo ogu dhiira-geliyo go’aanka uu qaatay.

Horay kooxda Ahlu-Sunna waxaa uga goostay saraakiil iyo ciidan dhiira-gelin ka helay madaxda Galmudug, gaar ahaan Madaxweyne Qoor Qoor oo dhab uu ka yahay dagaalka uu kula jiro Ahlu-Sunna.

      Kooxda Ahlu-Sunna ayaa abaabul ciidan oo aan kala joogsi laheyn ka wada deegaanada dha ca waqooyi-galbeed magaalada Dhuusamareeb oo caasimad u ah Galmudug, ilaa hadana ma jirto cid si dhab ah u og qorshaha ama hadafka ras miga ah ee kooxdaas. Xigasho:-Casimadda.net

Beesha Caalamka iyo AU oo ka shiray howl-galka cusub ee Soomaaliya

      Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Ban kole Adeoye, oo maalintii saddexaad booqasho rasmi ah ku jooga Soomaaliya ayaa kulamo la ye eshay saaxiibada Beesha Caalamka ee ku sugan dalka.

     Amb. Bankole ayaa xubnaha Beesha Caalam ka ugu mahad-celiyay taageerada ay siiyeen AMI SOM, taasi oo socotay ku dhawaan 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

     Sidoo kale waxay la wadaageen horumarka iyo meelaha mudnaanta leh ee lagu wajahayo ho wlgalka cusub ee ATMIS, iyaga oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

     Adeoye ayaa ku baaqay in markale taageero maaliyadeed iyo mid agab ah oo joogto ah oo aan leex-leexad lahayn la siiyo howl-galka soo socda ee Soomaaliya, si loo daboolo jaangoynta iyo waqtiga loo dajiyay.

     Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Si yaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Amb. Ban kole Adeoye ayaa horay ula kulmay Madaxweyn aha Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubno kamid ah Gol aha Wasiirada, isaga oo ugu dambeyn Shalay soo geba-gabeeyay booqashadiisii Soomaaliya.

  Si kastaba, arrimahan oo dhan ayaa kusoo aad aya, xilli haatan lagu jiro xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka, oo

 dhowr jeer dib u dhacyo ku

 Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo soo bandhigtay dalalka ay geli karaan Soomaalida ku xayiran Ukraine

     Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS ayaa qor aal soosaaray ku sheegtay marinnada nabadg alyada ah ay mari karaan Muwaadiniinta ku xay iran Dalka Ukraine oo maalintii lixaad ku socota duqeynta Ruushka.

    Qoraalka ayaa lagu mu ujiyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadd a Soomaaliya ay xaqiijisay in ma rin nabadgalyo ah ay u aqoonsat ay Dalalka Xadka la leh Ukraine ee kala ah: Poland, Slovakia, Hungary, Moldova & Romania. "Safaaradaheena Beljamka iyo Berlin ayaa xiriir joogta la sameeyay 280 muwaadiniin ah oo qaarkood ka gudbay Xadka Poland, wax aase jira Dad awoodi waayay in ay ka gudbaan Xuduudaha Medyka-Shehyni & Budomiers-Hru shiv” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arr imaha Dibadda.

    "Waddamada deriska la ah Ukraine waxa aan ku bogaadineynaa in ay u hoggaansamaan shar ciga Caalamiga ah ee Bani aadamnimada iyo in ay marin siiyaan Dhammaan Dadka Afrikaanka ah eek u xanniban Ukraine ee raba in ay ka gud baan Soohdinta” ayaa lasii raaciyay qoraalka Was aaradda Arrimaha Dibadd Soomaaliya.

     Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda So omaaliya ayaa lagu muujiyay in Safaaradaha Bil jamka & Berlin lagu wargeliyay in ay degdeg aqo onsiyo saxan ku siiyaan Muwaadiniinta Soomaal iyeed ee kamidka ah Kumanaanka ka baracay Ukraine.

    Magaalada Kyiv, cabsidu way sii kordhaysaa, kolonyada Ruushku ayaa ku soo wajahan mag aalada waxayna sitaan hub aad u farabadan oo xoogan.

    Qof kasta oo dunida ku nool ayaa isha ku haaya waxa ka soo bixi doono kolonyadan Milit ariga Ruushka ee ku sii socoto Kyiv, shacabka caasimadda UKraine ayay cabsi xoogan soo wajahday,waxayna isu diyaarinayaa sidii ay isaga caabin la haayeen.

    Dad badan oo u dhasahay Dalka Ukraine ayaa ka soo talaabay xadka Pooland si dagaalka qeyb uga nooqdaan. Burbur badan iyo dhimasho bad an ayaa laga cabsi qabaa, sawirradda dayax gac ameedka ayaa muujinayaa in uu Ruushka aad ugu dhawyahay caasimadda Kyiv.   

KARAASH oo shir muhiim u ah amniga Puntland ka furay Garoowe iyo heshiis….

     Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Ggobol eedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Shalay daah-furay shirka nabadaynta Bee laha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex-martay deeg aanka Saax-meygaag.

Shirkaan oo ahaa wejiga labaad ee beelaha u furmay ayaa wax aa lagu gaara is-afgarad, ayada oo lagu saxiixay ogolaanshaha guddiga dhexdhexaadinta oo isla Shalay mada shaas lagu dhaariyay.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa rejo wanaagsan ka muu jiyay shirka wajigiisa labaad galay ee lagu soo afjarayo colaada beelahaas, oo qeyb muhiim ka ciyaaraysa dagaanashaha maamulka.

     Sidoo kale waxa uu garab istaag u muujiyay  Isimada dhaqanka iyo guddiyada kala duwan ee arintan ku hawlan, islamarkaana ay ka maamul ahaan juhdi gelinayaan sidii nabad waarta loo heli lahaa.

     "Waxaanu diyaar u nahay inaan Isimada dhaq anka iyo guddiyada kala duwan kala shaqayno wadiiqo kasta oo lagu gaarayo nabada iyo xasiloo nida deegaanka. Guddiyada beelaha ka socda waxaan kula dar-daarmayaa inay masuuliyad we yn iska saaraan hawsha loo ig maday, waxka stana ay ka eegaan dhinaca nabada iyo horum arka,” ayuu yiri. Madaxweyne ku xigeenka ayaa guddiyada labada dhinac kula dar-daarmay inay masuuliyad iska saaran nabadaynta beelaha wala alaha ah, isaga oo uga mahad-celiyay Isima da dhaqanka iyo guddiga horumarka hordhaca ah ee ka sameeyen xiisadaas.

     "Dowladdu way awooday inay talaabo ka qa ado dhacdooyinkii ka dhacay deegaankan Saax-meygaag balse waxay door biday inay ka marto dhanka isimada dhaqanka loona wajaho xaaladda si nabad gelya ah, kuma ceebaysnin inaan nabad iyo waan waan ku raadino sidii loo dejin lahaa xaa ladda loogana fogaan lahaa wax walba oo keeni kara isku dhac beelaha ah.”

     Maamulka Puntland ayaa inta badan la daala-dhaca colaadaha soo laab-laabtay ee beelaha walaalaha ah, wuxuuna dadaal badan ku bixina yaan sidii loo soo afjari lahaa xiisadahaas, oo wax u dhimay amniga guud ee maamulkaas.

Dowladda Soomaaliya Oo Shir Caalami Ah Uga Qayb Galaysa Nairobi

     Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdixakiin Xasan Ashkir, Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya, agaasimaha deega anka iyo isbeddelka cimillada iyo xubno kale kale ayaa ka qayb galay shir weynaha deegaanka ee QM UNEA 5 oo ka furmay magaalada Nairobi ee caasumadda dalka Kenya.

    Ka soo saartay shirka ayaa lagu sheegay in So omaaliya ay xoojineyso heshiiska waddamada caalamka ay shirkan kasoo saarayaan ee ku aad dan sidii loo joojin lahaa adeegsiga bacaha iyo balaastigga oo dhib weyn ku haya bed qabka deegaanka.

     Shirkan ayaa inta uu socdo ayaa waxay wafd igu kulamo doceedyo la yeelan doonaan hay ’adaha caalamiga iyo waddamada taageera arr imaha deegaanka, si loola tacaalo waxkaqabka isbeddelka cimillada iyo aafooyinka deegaanka ku dhaca.

Wadahadalkii ugu horeeyey oo Boosaaso uga socda Deni iyo Maxamuud Diyaano

     Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyihii uu xilka ka qaaday ee ciidanka PSF-ta Puntland Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa markii ugu horeysay Xalay ku kul ansan mag aalada Boosaaso, tan iyo markii uu qarxay khilaafkooda.

    Wadahadalkii ugu horeeyey oo ay isugu yima adeen labada masuul ayaa Shalay ka furmay Ma daxtooya da Puntland ee magaalada Boosa aso, waxaana kulankaas goobjoog ah Isimada Pun tla nd oo horay ugu ho wlanaa dadaalladii nabadeed ee lagu xali nayay dagaalladii ka dhacay Boosa aso.

    Labada dhinac ayaan wax wadahadal iyo tana asul ah sameyn tan iyo markii uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni xilka ka qaaday taliyihii cii damada PSF Jeneraal Maxamuud Diyaano.

     Jeneraal Diyaano ayaa diiday inuu aqbalo xilka ka qaadistii Saciid Deni, taasi oo keentay da gaal culus oo lagu kala adkaa waayey uu ka dha co magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyay ciidamada PSF-ta oo diidanaa xilka qaadista Taliyahooda iyo kuwo Puntland ee ka amar qaata Madaxweynaha.

      Isimadda gobolka Bari oo horay go’aamo uga soo saaray khilaafka sababay gacan ka hadalka ee labada dhinac ayaa maalmihii la soo dhaafay wadahadal la furay Madaxweyne Deni.

Hadda Isimadu waxay ku guuleysteen inay si ka fool ka fool ah isu soo hor-fariisiyaan Madaxwe yne Deni iyo Jeneraal Maxamuud Diyaano, si loo wadahadashiiyo.

       Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa hadda ka socda kulankii ugu horreeyey ee madaxweynaha iyo taliyiha uu xilka ka qaaday, waxaana la ogeyn waxa rasmiga ah ee labada dhinac ay ka wadahadlayaan.

     Odayaasha dadaalladan garwadeenka ka ah ayaa dadaal xoog leh ku bixinaya in khilaafka an lasoo afjaro, kulanka ayaa ah mid albaabadu u xiran yihiin oo saxaafadu ay dibad-joog ka tahay.

Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka Ukraine

     Xukuumada Somaliland ayaa nabad ugu baa qday dhinacyada dagaalku ku dhexmarayo dalka Ukraine, iyadoo dhinaca kalena u ducaysay dad ka reer Ukraine.

  Wasiirka Arrimaha Dibb ada Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud, ayaa qoraal uu ku qoray bart iisa Twitterka, waxa uu nabad ugu baaqay dhinac yada ku dagaalamaya Uk raine, isagoo sheegay in uu rajaynayo in xal naba deed la gaadho.

    "Iyadoo xaalada Ukraine ay kasii darayso, Ja mhuuriyada Somaliland waxay ku baaqaysaa nab ad, waxaanu wadaynaa in aanu u ducayno dadka reer Ukraine, waxaanu rajaynaynaa in lagaadho xal nabadeed" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

    Wasiir Kayd ayaa dhinaaca kale, ardayda reer Somaliland ee wax ka barata dalka Ukraine ugu baaqay in ay la xidhiidhaan xafiiska Somaliland ee dalka Finland.

Lafta-Gareen Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay

      Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftag areen ayaa Qasriga Madaxtooyada ku-meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Qaramada midoobay.

Madaxweynaha ayaa kulanka la yeeshay Wafdi ay Hogaaminaysay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay Marwo Anita Kiki Gbeho,

Kulanka Madaxweynaha iyo Wafdiga oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada waxaa looga Hadlay Arimaha Abaaraha,Doorashooyinka iyo Amniga.baaraha ayaa si weyn u saaameeyay Dega anada Maamulka Koofur Galbood Soomaa liya, waxaana isi-soo taraya qayla dhaanta kasoo yeeraysa dadka danyarta ah ee dhibaataysan.


Indha Qarshe oo loo diiday kursiga HOP #020 "Waa inaan ka tashano Galmudug”

     Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in loo diiday u tartamida kursi lamar HOP#020 oo laga dhigay qoondo haween.

     Indha Qarshe oo ka mid ah musharixiinta u tartameysa ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa sheegay in maamulka Galmudug ee uu hog gaamiyo Qoor Qoor uu ka hor istaagay inuu u tar tamo kursi ay ku sharaftay beeshiisa, sida uu hadalka u dhigay.

     "Waxaan rabaa inaan u sheego Ummadda So omaaliyeed in maamulka Galmudug uu ii diiday kursigii ay reerkeyga igu maamuuseen ee HOP #020,” ayuu yiri Indha Qarshe.

Musharrax Indha Qarshe ay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip