"Haramcad waa buro foolka uga taalla booliska Soomaaliya ee ha laga jaro" – (Daawo)

0
Saturday February 26, 2022 - 10:11:28 in Wararka by
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Haramcad waa buro foolka uga taalla booliska Soomaaliya ee ha laga jaro" – (Daawo)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Guddoomiyaha WarbaahintaMustaqbalAxmed Ciise Guutaale oo maanta ka hadlay isku soobax ay madaxda warbaahinta Muqdisho ku cambaareeyeen jir-dilkii todobaadkii hore degmada Kaxda loogu geystay weriyaal war doonayaal ah ayaa aad u eedeeyey ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad.

Guutaale ayaa Haramcad ku tilmaamay Buro-foolka uga taalla booliska Soomaaliya, taas wax daawo ah aan laheyn, in laga jaro maahane.

Sidoo kale waxuu aad u eedeeyey taliyaha Haramcad ninka lagu magacaabo Fanax, isagoo ku tilmaamay "Caado-qaate loo adeegsado caburinta saxaafadda iyo guud ahaan dadka reer Muqdisho.”

”Haramacad waa burro foolka kaga taalla Booliiska Soomaaliya, Fanaxow hubka iyo hantida dowladda ee aad heyso waa imtixaane ogaaw, maalin maalmaha kamid ah waa lagaa qaadi doonaa, waliba adigoo eedaysane ah,” ayuu yiri Axmed Guutaale.

Madaxdii warbaahinta madaxa-banaan ee maanta isugu timid Muqdisho ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dhegaha ka fureysatay dalabka cadaalad u raadinta weriyaashii ay dhibaateeyeen ciidanka Haramcad.

Ilaa afar weriye oo ka kala socday warbaahinta madaxa-banaan ee magaalada Muqdisho ayaa jir-dil loogu geystay degmada Kaxda, halkaas oo ay u tageen soo tebinta dhibaatooyinkii ka dhashay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku burburisay saldhigii degmadaas.

Ciidanka Haramcad oo taliyahooda Haramcad uu hoggaaminayo ayaa jir-dilay weriyaashaas, sidoo kale waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyey sawirrada weriyaasha oo xabadka loo dhiga meel qorrax ah, kadibna la xirxiray.

10 maalmood ayaa ka soo wareegtay markii tacadigaas loo geystay weriyaasha illaa hadana ma jiraan wax tallaabo ah oo Taliska booliska Soomaaliya uu qaaday, waxaana warbahinta madaxa-banaan looga baxay balan-qaadkii ahaa in ragii weriyaasha jir-dilay cadaaladda la hor keeni doono.



Hoos ka daawo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip