HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSWKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA FEB. 2022-KA

0
Sunday February 20, 2022 - 08:42:09 in Wararka by
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSWKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH AXAD 20-KA FEB. 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiirka Batroolka oo shaaciyay inuu saxiixay heshiis Shidaal iyo Farmaajo oo iska fogeeyey

Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyay inay la saxiixde en Shirkadda Coastline Exploration LTD (Ex SOMA OIL) 7 xirmood oo shidaalka ah, isa goo sheegay Inuu ku garab siiyay Ma daxweynaha muddo xileedkiisa dham maaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Inkastoo horay Xukuumadda ku dhaw aaqday in aan wax heshiis ah la geli karin inta lagu guda jiro xilli kala guur ah ayaa waxaa muuqata in qorshaha lagu suuq geynayo xirmooyinka shidaalka ee horay loo sahmiyay uu yahay mid dhaqaale lagu raadinayo, gaar ahaan ololaha dib u doorashada Farmaajo.

Dhanka kale madaxweymaha Soomaaliya Ma xamed Cabdullaahi Farmaajo oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu buriyey heshiiska uu galay wa siirka Batroolka.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay Villa Somalia

WARSAXAAFADEED: Burin Heshiiska Xirmooy inka Shiidaalka ee uu galay Wasiirka Batroolka

Muqdisho, 19ka Febraayo 2022: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdan ta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxw eynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweyn uhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu jooji yay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynay naa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dham maan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilli gan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa ’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof wal bana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaran ka. Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaa wici karta sumacadda dowladda iyo hay’adahee da.DHAMMAAD

Villa Soomaaliya oo beenisay warkii wasiirka Batroolka & macdanta Soomaaliya

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka ayaa caddeysay in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batrool ka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeela nin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabul laahi Farmaajo.

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka iyo go’aankii Golaha Wasiirada ee lagu caddeeyay in heshiis kasta uu soo maro Gola ha Wasiirada, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuu san dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxi isay Wasiirka Batroolka.

Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhamaaday wuxuu mar kale faray dhammaan hay’adaha Dowla dda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hant ida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegay nin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takfilka hantida qaranka

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Sharci Darro Ka Dhigay Heshiiska Uu Saxiixay Wasiirka Batroolka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka So omaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka horymid heshiis ku aaddan xirmooyin shi daal ah oo uu saxiixay Wasiirka Was aaradda Batr oolka Xukuumadda xilg aarsiinta C/raahiid Maxamed Axmed

Wasiir C/raahiid Maxamed Axmed ayaa saacad ka hor bartiisa Twitterka ku shaaciyay inay la saxii xdeen Shirkadda Coastli ne Exploration LTD (Ex SO MA OIL) 7 xirmood oo shidaalka ah, isla markaana uu garab ku siiyay Madaxweyne Farmaajo. Qoraal kasoo baxay Xafiis ka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu shee gay in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka ee la xiriira arrimaha Shi daalka Soomaaliya uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah.

"Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas dart eed waxba kama jiraan” ayaa la gu yiri Qoraalka kasoo baxay Rooble xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la caddeeyay inuu qaa di doonaa tallaabooyin sharci ah oo looga jawaaba yo falkaas xadgudubka ku ah hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in heshiis ka uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xuk uumadda xilgaarsiinta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo.

Wararkii ugu dambeeyay Qaraxa Beledweyne

Ugu yaraan 15 qof oo isugu jiro shacab iyo mas uuliyiin heer degmo ah ayaa ku dhintay Qaraxii Ismi idaaminta ahaa ee Dorraad ka dhacay M/Beladwe yne ee xarunta G/ Hiiraan.

In ka badan 20 qof ayaa dhaaw acyadooda la gaarsiiyay isbitaalka Mag aalada Bele dweyne.

Dadka dhintay ayaa la sheegayaa in ay ku jiraan Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka hirshabelle iyo Gudoomiye ku xigeenkii Arimaha Bulshada Dagm ada Beledweyne Waxaa dadka dhintay ku jiray All aha u Naxariistee Maxamed Cabdulaahi Nuur oo u sharaxnaa kursiga HOP03 iyo Musharax Xildhibaan Abtiyow.

Rooble iyo Cali Guudlaawe oo war kasoo saaray qaraxii Beledweyne

Ra,iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa cambaaree yay qaraxii Dorraad ka dhacay magaalada Beledwe yne ee xarunta gobolka Hiiraan. "Waxaan cambaare ynayaa qaraxii argagixisadu Dorraad ka geysteen Bel edw eyne oo ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad aan waxba Shalaysan. Waxaan u tacsiyeynayaa ehe lada dadkii dhibtu gaar tay. All aha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyada na Eebbe ha bogsiiyo” ayuu ku sheegay war uu soo saaray Roob le.

Dhanka kale Mad axweynaha maamulka Hirsha beelle Md. Cali Gu udlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska qaraabada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii bahalnimo ee Shabaab ay la beegsadeen Baar Xasan dhiif ee Magaalada Beledweyn

Madaxweynaha ayaa amray laamaha kala duw an ee amniga inay xaqiijiyaan amaanka Magaalooyi nka Beledweyne iyo Jowhar oo ay ka socdaan doora shooyinka Golaha Shacabka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay Masuuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyoo tay qaraxii argagixiso in uu hoygooda ka yeelo Jann atul Firdowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe u boogo dhayo.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Hakiyey Doorashada Xildhibaanada Banaadiriga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Roo ble ayaa hakiyey qabashada doorashada shanta kur si ee Xildhibaanada Banaadiriga ee Golaha Shacab ka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska R/Wasaare Rooble ay aa waxaa lagu sheegay in Rooble ay soo saar tay ca basho ay u soo gudbiyeen qaar kamid ah Odayaa sha dhaqanka ee Beelaha Banaadiriga, taas oo ku aaddan guddiga odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee soo xulaya ergooyinka dooranaya kuraasta Gol aha Shacabka ee Banaadiriga.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa magacaabay Guddi ka kooban xubno ka mid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee (FEIT) iyo xubno kale oo xafiiskiisa kamid ah, si ay arrintan u baaraan warbixinna uga soo gudbiyaan Ra’iisul Wasaaraha."Si loo xalliyo cabashadaas, waxaan ma gacaabayaa guddi ka kooban xubno ka mid ah Gud diga Doorashooyinka Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xafiiskeyga, si ay arrintan u baaraan warbixinna iigu soo celiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Rooble.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiga doorashada SEIT ee Banaadiriga inay hakiyaan qabashada shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga, inta laga xalliyo caba shada ay soo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka

Madaxweyne Cali Guudlaawe Oo Amar Kusoo Ro gay Laamaha Amniga Hirshabeelle

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Cali Cabdu llaahi Xuseen Guudlaawe ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska qaraabada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii Al-shabaab ay la beegsadeen Baar Xasan dhiif ee Magaalada Beledw eyne ee Xarunta Gobolka Hii raan.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa amray laama ha kala duwan ee amniga inay xaqiijiyaan amaanka Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka Baarla maanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Alle uga baryay Masuuliyiintii iyo shacabkii ku geeriyootay qaraxii Dorraad in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Fir dowsa, inta ku dhaawacantayna uu Eebbe u boogo dhayo.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay qaraxa oo ay ku jiraan Mas’uuliyiin ka tirs anaa Hirshabeelle, Mu sharaxiin Xildhibaano iyo dad kale, halka 30 qof kal ena ay dhaawacyo soo gaar een, waxaana mas’uuliy adiisa sheegtay qaraxaas Al-shabaab, iyagoona til maamay inay la beegsa deen Mas’uuliyiin iyo Sar aakiil ka tirsan Hirsha beelle..

Qaraxaan ka dhacay Baladweyne ayaa waxaa uu kusii aaday, iyada oo maalinta berri ay Magaalad aas ka bilaabaneyso doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, wax aana lagu dooranayaa ilaa lix kursi

Dowlad deegaanka Soomaalida oo xirxiray Siyaa siyiin kasoo horjeeday Madaxweyne Cagjar

Xukumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay siyaasiyiintii damacsa neyd iney deegaanka kacdoomo ka sameeyaan ay dowladdu tallaa bba ka qaadday.

Hoggaanka Nabadgalyada Dee gaanka Soomaalida Mubashir Di bad Raage oo warbaahinta la ha dlay wuxuu sheegay hadafka ay siyaasiyiinta uu qaswadayaasha ku sheegay ay leey ihiinna uu ahaa iney dowladda deegaanka ka jirto meesha laga saaro dadki shacabka hagardaamooyi nka tirada badnaa u geystayna ay xukunka ku soo laabtaan.

Waxayna Siyaasiyiintaasi isugu jiraan ayuu yiri kuwa xil laga qaaday iyo qolyo waddanka dibaddiisa ku sugan oo ay ka mid yihiin xubno xukumaddi hore ka tirsanaa.

Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa horay u beenisay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya oo sheegayay in isku day afgmi lagu sameeyay xukuumadda dowladd deega anka kaas oo ay mas’uliyiinta dowladda deegaanka ku eedeysay ururro argagaxiso.


R/W Rooble oo guddi u magacaabay kursi muran xooggan uu ka taagan yahay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka So omaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magac aabay Guddik ka kooban 7 xubnood oo xilsaaray xal u helista doorashada Banaa diriga. "Ka dib markii uu ku lan wada tashi ah la yeeshay Guddoomiyeyaasha Guddiya da Doorashooyinka Heer Fe deraal (FEIT) iyo Guddiga Doorashada Banaadiriga (SEIT), Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu magacaabay Guddi ka ko oban 7 xubnood oo ka socda FEIT, SEIT Banaadir iga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaare Rooble.

Guddiga uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaa bay ayaa kala ah:

1- Muuse Geelle Yuusuf. Guddoomiyaha FEIT, Gud doomiye

2- Maxamed Aadan Cismaan

3- Cabdi Hiis Udan

SEIT Banaadiriga

4- Sacdiyo Aways Cali Boolaay, Guddoomiyaha SEIT Banaadiriga

5- Saciid Cabdulqaadir Axmed

6- Maxamed Cabdulxamiid Axmed

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

7- Avv. Cumar Maxamed Cabdulle, la-taliyaha Shar ciga ee Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’isulwasaaraha ayaa guddigaan faray inay sida ugu dhaqsiyaha badan baaritaan ugu sameeyaan ca bashada la xiriirta kuraasta Banaadiriga ee Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa la filayaa inay maalmaha soo so cdo warbixin usoo gudbiyaan Ra’isulwasaare Roo ble, waxaana markaas kadib la arki doonaa go’aan ka kasoo baxo Rooble.

WARARKII UGU DAMBEEYAY EE DOORASHA DA GOLAHA SHACABKA IYO TIRADA XILDHIBA ANADA LA DOORTAY

Doorashada xildhibaanada golaha Shacabka ay aa ka socota qaar ka mid ah caasimadda maamul gobooleedyadda, iyadoona sidoo kale Koonfur Galb eed noqotay maamulkii ugu horreeyay ee soo afjara doorashada deegaanka doora shada labaad ee Baraawe.

Sidoo kale gobolada Waqoo yi oo doorashad oodu ka socoto Muqdisho ayaa dhamaad ku dhow halka lagu waddo in doo rashada Banaadiriga la doorto maalinta isniinta ah.

In kastoo tiro wax yar ka badan kala bar 275ka kursi ee Baarlamanka la doortay, hadana marka la eego tirada dhiman iyo caqabdaha qaar waxay u mu uqataa inay dib uga dhacayso wakhtiga loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada ee 25ka bish an. Ilaa hadda waxaa la doortay 156 kursi waxaa dhi man waxaa harsan 119 kursi oo intooda badan ku dhiman Puntland , Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Waxyaabihii lagu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in maamul gobaleed kasta laba deegaan doorasho la gu qabto doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ha se yeeshee waxaa hadda muuqata in caqabadi ka ji rto magaalada Garbahaarey ee gobalka Gedo.

Khilaafka ugu xooggan ayaa hadda ka taagan kuraasta taalla magaalada Garbahaarey oo maamul ka Jubbaland ay si weyn iska diideen in doorashada kuraasta taalla la shaaciyo maadaama dowladda dhexe ay ku eedeeyeen in ay ciidamo badan geysay halkaasi.

Afhayeenka guddiga dorashada heer-federaal Axmed Aadan Safiina waxa uuna sheegay in haddii kooramku buuxsamo ay dooranyaan guddoonka ba arlamanaka iyo madaxweynaha oo aan loo joojineyn khilaafka siyaasadeed ee Garbahaarey.

Shirkadaha isgarsiinta ee ugu waa wayn Somali land oo gaadhay heshiis layskugu furayo khadka

Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Som aliland, ayaa soo gaba gabaysay heshiis layskugu furayo khadadka telefoonada labada shirkadood ee ugu waa wayn dhinaca telefoonada iyo isgaadhsiin ta, ee Telesom iyo Somtel.

Heshiiska ayaa marka la hirgaliyo waxa uu sahli doona, in qofka haysta kaadhka Somtel uu wici karo qof haysta Telesom, halka qofka haysta kaadhka Tel esom na uu awoodi doono in uu waco qofka haysta Kaadhaka Somtel.

Xukuumada Somaliland ayaa ku howlan qorsheyaal ay wax kaga dhaxaysiinayso shirka daha kala duwan ee is gaars iinta, waxaana sidookale maalmo ka hor lagu heshi iyay in la sameeyo khad Internet ah oo ka dhaxayn doona Shirkadaha Somtel, Telesom, Somcable iyo xukuumada oo saami ku yeelanaysa.

Hoos ka akhriso wareegtada heshiiska shirkadaha Somtel iyo Telesom oo dhamaystiran:-

 

Wasiir Jamaal Oo Walaac Darran Ka Muujiyay Ciidanka Sugaya Amniga Doo rashada Boosaaso

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in hannaanka loo marayo doo rashada Boosaaso ay tahay hab khilaafsan habraac yadii lagu heshiiyay Doorashada.

Wasiir Jamaal oo wareysi siiyay BBC-da ayaa u sheegay in doorashada Golaha Shacab ka ee ka dhaceysa Boo saaso lagu qabanayo Teendho laga dhi say gudaha Garoonka Magaaladaas, isla markaana arrintaas ay walaac ka muujinaya sida ay wax u socdaan.

Wuxuu intaas kusii daray Wasiirka Qorsheynta in ammaanka goobta lagu qabanayo doorashada Gol aha Shacabka Boosaaso ay ilaalinayaan Ciidan aan aheyn Ciidanka Soomaalida ee loogu tala galay Am niga doorashada, sida Booliska ama ciidanka kale ee heshiiska lagu ahaa ee AMISOM.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa xusay in Ciidanka sugaya amniga doorashada ay yihiin Ciid anka PMPF oo uu sheegay in meelo kale laga taage ero, taasoo uu sheegay in habraacii ka hor imaane yso, meel dadka tagi karaan oo furan aanay aheyn oo cadaalad ah.

Qaar kamid ah Musharrixiinta Golaha Shacabka ee kuraastooda taallo Magaalada Boosaaso ee Xa runta Gobolka Bari oo Dorraad War-saxaafadeed soo saaray ayaa walaac ka muujiyay sida loo xulayo Ergada doorashada kuraasta ay doonayaan.

Fahad Yaasiin oo la gudoonsiiyey shahaadada musharaxnimada xildhibaan

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa shahaadada musharaxnimada guddoon Fahad Yaasiin oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#086.

Fahad oo hadda ku magacaaban la-taliyaha amni ga Qaranka ayaa Dorraad gaaray magaaladda Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo berri ay ka dhaceyso doorashada lix kursi.

"Gudiga Maamulka Doorashada Dowlada HIR SHABELLE (SEIT) ayaa Shahaadada Mushara xnim ada Gudoonsiiyay dhamaan Murushixiintii u Tartam aysay kusaastii guddigu shaaciyay taariikhdu markii ay ahayd 15/02/2022,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga doorashada HirShabeelle.

Musharixiinta shahaadada lala gudoonsiiyey Fah ad Yaasiin ayaa u kala tartamaya kuraasta kala ah: HOP#008, HOP#015, HOP#074, HOP#086, HOP# 109, HOP#274.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo is ku dayey inuu kursigaan hor istaago ayaa ku guul dareystay, kadib markii ay ka hor yimaadeen inta ba dan xubnaha guddiga doorashada heer Federaal.

Madaxweynaha Puntland Iyo Wafdi Uu Hoggaa minayo Oo Gaaray Qardho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Sic iid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi balaaran oo uu hog gaa minayo ayaa Dorraad siweyn loogu soo dhowe eyay magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Kar kaar ee Puntland…

Madaxweynaha oo dadweynaha reer Qardho ku la hadlay bannaanka magaalada oo ay uga hortag een, wuxuu uga mahadceliyey sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen isagoo ugu baaqay in ay wadajir uga shaqeeyaan Nabadda, horumarka iyo Dowladdnim ada. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Gudd oomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntl and, Md. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Xildhibaanada cusub ee loo doortay Puntland in ay ku metelaan lab ada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Goleyaa sha kala duwan ee Dowladda iyo Saraakiil Madax tooyo.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Mag aalada Qardho kaga sii gudbi doona Magaalada Bo osaaso ee Xarunta Gobolka Bari oo ay ka bilaaba neyso doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baa rlamaanka 11-aad ee DFS Soomaaliya

Qarax ka dhacay Boosaaso + Khasaaraha

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in qarax miino uu goordh ka dhacay magaaladaas. Qaraxa ayaa ka dhashay Miino lagu aasay Marfish (Meel lagu qay ilo), oo ku taalo agagaarka isgo yska Maqas ka ee Magaalada Boosaaso.

Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Magaalada ayaa wuxuu sabab khasaro isugu jiro dhi masho iyo dhaawac. Inta la xaqjiiyey waxaa Qara xa ku dhintay 2 Qof halka uu dhaawaca kor u dhoofayo illaa 5 qof sida ay xaqiijiyen sarakiisha Cafimaadka.

Qaraxyada Miino ee lagu beegsanayo goobaha lagu qayilo ayaa kusoo badanaya magaalada Boos aaso, kuwaas oo lagu beegsanay iyadoo cidna ays an sheegan qaxaasi ayaa waxaa degannada maa mulka Puntlnad inta badan ay ka dhacaan qaraxyo iyadoo qaraxaani uu yahay mid ku soo

aadaya sanadkaan cusub


MAREYKANKA OO SOO SAARAY DIGNIIN CUSUB OO MADAXDA SOOMAALIDA KU SOCOTA

Dowladda Mareykanka ayaa markale luuqad ad ag kula hadashay madaxda Soomaaliyada, ayada oo ku hanjabtay inay si gaar ah tallaabo uga qaadi doonto ciddii caqabada ku noqota dardar-gelinta doo rashada, gaar ahaan midda Golaha Shacabka ee ka socota dalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Saf aarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu dalbaday in madaxda Soo maalida ay ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii ahaa in doorashada Golaha Shacabka la gu soo gaba-gabeeyo 25-ka bishaan, si lagu kalso onaan karo oo daah-furan.

"Dowladda Mareykanka waxay la xisaabtami do ontaa ciddii carqalad ku keenta ama carqaladeysa hanaanka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraalka kooban ee kasoo baxay Safaarada ay aa daba socda war-saxaafadeed ay goor sii hore ysay si wadajir u soo saareen xubnaha Beesh Caal amka, oo ay ku dalbanayeen in si deg-deg ah loo dhameys tiro doorashada.

Xubnaha Beesha Caalamka oo uu qeyb ka ahaa Mareykanka ayaa waxay sheegen inay si dhow ula socdaan doorashada, ayna ka warhayaan in doo rashada kuraasta Golaha Shacabka ay qiyaastii kala bar qabsoomtay.

"Saaxiibada caalamku waxay mar kale hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in sixidda qaladaadka habraaca loo wajaho si dhexdhexaad ah oo daah-fur an si loo dhiso kalsoonida geeddi-socodka doorasha da iyo natiijadeedaba,” ayaa lagu yiri qoraalka ay si da wada-jir ah u soo saareen xubnaha Beesha Caalamka.

Sidoo kale waxay ugu baaqeen dhammaan mad axda Soomaalida inay ka fogaadaan sii baahidda xii sadda siyaasadeed, ayada oo la xaqiijinayo in ciida mada ammaanka aan loo isticmaalin sidii qalab siyaasadeed.

Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dalalka sida dhow isha ugu haya doorashooyinka iyo xaala da kala guurka oo ay Sooamaliya ku daahday, wux uuna cadaadis xoogan ku saaraya madaxda in si dhaqso ah loo dhameeyo doorashada Golaha Shac abka, si loo guda-galo midda madaxweynaha.

IMF Oo Ku Hanjabtay Inay Joojineyso Bixinta Mu shaaraadka Ciidamada Soomaaliya

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa shaaca ka qaaday in haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada ka socota dalka Soomaaliya ay joojin doonaan lacagaha ay ku taageeraan mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo oo u warrantay Wakaalada Reuters ayaa u sheegtay in bisha May ee sanadkaan 2022 uu dib kale ku timaado doora shada dalka ay jojinayaan lacagaha taageerada ah.

Laura Jaramillo ayaa tilmaamtay in tallaabada ay qa adi doonaan ay saameeyn ballaaran ku yeelan doon to shaqaalaha dowladda Federaalka, uuna Barnaam ijka taageerada ah si toos ah uu u dhamaanayo had dii aysan jirin dowlad cusub 17-ka May.

"Waxay saameyn ku yeelan doo ntaa shaqada dowladda waxayna yeelan kartaa saameyn ballaaran,” ayay tiri, iyada oo tixraacaysa khat arta ah in doorashooyinka dib u dhacu ku yimid ay ku dhamaan wa ayaan wakhtiga lagu cusbooneysiinayo heshiiska.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee da lka Soomaaliya Laura Jaramillo ayaa sheegtay inay ku kalsoonaan yihiin in doorashada lagu soo gaba-gabeyn doono waqtigeeda, si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta.

"Waxaan ku kalsoonahay in doorashada lagu soo gabagabeyn doono waqtigeeda si aysan saa meyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta,” ayay tiri. "Ma jiraan caqabado waaweyn oo ku aaddan bu uxinta shuruudaha IMF ilaa hadda, waxna ma fil aynno.”

IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay filaysay 170 milyan oo doolar oo lagu taageerayo miisaaniy adda sannadkii hore balse kaliya ay heshay $38 Milyan. .

IMF ayaa sidoo kale xustya inay hakin doonto deyn cafinta Soomaaliya, Sida ku cad heshiiska 2020 ee ay ansixiyeen Bangiga Adduunka iyo IMF, deynta Soomaaliya waxaa laga dhigay $3.7 bilyan oo u dhiganta 63% GDP, halka ay ka ahayd $5.2 Bil yan ama 89% GDP. Haddii la dhammeeyo sanadka soo socda, deyntu waa inay hoos ugu dhacdo $557 milyan ama 6% wax soo saarka guud ee gudaha.

IMF ayaa tan iyo sanadkii 2017dii ka caawinaysay dowlada Soomaaliya bixinta mushaaraadka ciidama da iyo shaqaalaha dowlada iyadoo miisaaniyada sad exda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dha waad ​​400 oo milyan oo dollar.

QM oo sheegtay in tirada dadka abaaraha ku bar akacay ay labo jibaarmeen Soomaaliya

Tirada dadka ku barokacay abaarta hadda ka jir ta Soomaaliya ayaa laba jibaarmay bishii Jannaayo iyadoo markii hore ahayd 245,000 ilaa 554,500, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay Jimcihii.

Inta badan dadka barakacayaasha ah ayaa ka soo barakacay gobollada Galgaduud, Mudug iyo Baay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aa dantinimada ee OCHA.

Sida lagu sheegay bayaanka 4.3 milyan oo qof ayay abaartu saamaysay, kuwaas oo dalbanaya gargaar bini’aadantin imo oo joogto ah.

"Abaartu waxay sii korortay ee So omaaliya iyadoo in ka badan 4.3 Mil yan oo qof ay saameeyeen, marka loo eego 3.2 Mil yan bishii December 2021,” ayaa lagu yiri bayaanka.

"Wax-soo-saarka dalagyada ayaa laga soo sheegay gobollada dhexe, iyadoo wax-soo-saarkii xilliga-goo sadka uu ka dhacay gobollada Koonfur iyo Waqooyi-galbeed, taasoo keentay in wax-soo-saarkii deyrta saddexaad ee ugu hooseeya (inti u dhexeysa Oktoo bar iyo December) laga soo bilaabo 1995-kii Koonfu rta Somaliya,” ayaa lagu daray war-saxaafadeedka.

Sababo la xiriira saameynta isbiirsaday ee ro obab xumida iyo nabad-gelyo-xumada, ayay tiri QM, ilaa 4.1 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar cunto oo degdeg ah.

Iskahorimaadyada ku saleysan kheyraadka ee bi yaha iyo daaqa, oo ay weheliyaan khataraha xad gudubyada jinsiga, ayaa sidoo kale kor u kacaya inta lagu jiro abaarta, sida ay sheegtay hay’adda gargaar ka bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay.

Abaarta ayaa sidoo kale galaaftay nolosha in ka badan nus malyuun xoolo ah, taas oo baabi’isay ilihii dhaqaalaha ee kumanaan qoys.

Maxaa looga hadlaya kulanka Hogaamiyayaasha Midowga Yurub iyo Afrika ee ka furmaya Brussels?

Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa isugu imaanaya magaalada Brussels shir labo maalmood socon doona si ay dib ugu soo nooleeyaan xiriir k ooda ka dib laba sano oo qala laase ka dhashay oo lagu eedeey ay midab takoor iyo mamnuucista safa rka. Waxaa la filayaa in 40 ka mid ah madaxda Afri kaanka ah ay ku soo wajahan yihiin caasimadda Belgium si ay ula kulmaan 27-ka hoggaamiye ee Mid owga Yurub iyo madaxweynayaasha hay’ad aha Mid owga Yurub.Ururka Midowga Afrika oo la aas aasay 1999-kii, wuxuu ka kooban yahay 55 wad dan oo ka tirsan qaaradda Afrika, afar ka mid ah – Mali, Gui nea, Sudan iyo Burkina Faso — ayaa had da la hakiyay ka dib afgambigii militariga.

 

Ra’Iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka qeyb galaya kulanka isagoo ka soo horjeeda camb aareynta caalamiga ah ee ka dhanka ah xad-gudub yada ka dhanka ah xuquuqul insaanka iyo xad-gudu byadii uu geystay dagaalkii Tigrayga.

Midowga Yurub iyo Midowga Afrika waxaa maa mula ururo wadareed, oo ay ku jiraan Baarlamaanka Pan-African-ka iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Midowga Afrika.

Shir-madaxeedka wadajirka ah ayaa loo arkaa fursad lagu bogaadiyo bogga labadii sano ee la soo dhaafay oo loo furo bog cusub si wax looga qabto caqabadaha guud, sida isbeddelka cimilada, kala-guurka tamarta, horumar waara iyo soo kabashada dhaqaalaha.

Itoobiya oo Berri billaabeysa in ay Koronto ka dhaliso biyo xireenka Abbay (Nile)

Itoobiya ayaa shaaciyay in maalinta barri ah uu biyo xidheenka Abbay si rasmiya u bilaabi doono in koronto laga dhaliyo, kaddib markii uu muddo dheer uu socday mashruucan biyaha looga dhalinayo kor ontada. Mashruucan korontada looga dhalinayo wabiga Abbay ayaa socday muddo11 sano ah, wuxu una billaabmay wakhtigii uu dalka Itoobiya xukumi jiray Ra'iisal wasaarihii hore ee Males zenawi.

Biyo xireenkan loogu ma gac daray Abbay ayaa buu xinta biyahiisa waxaa la dhammaystiray wajiga 1 aad iyo 2aad, iyadoo dalal ka Masar iyo Sudan ay u arkaan hawshan mid ku keenaysa dalalkaas.

Itoobiya ayaa geesteeda u aragta biyo xireenkan korontada laga dhalinayo mid faa'iido u leh Itoobiya, maadaama mashruucan uu dalka Itoobiya wax badan kusoo kordhin doono.

Biyo xireenkan Wabiga Abbay ayaa waxa uu ku yaallaa gobolka Benishangul Gumuzka ee dalka Itoo biya, meel u dhaw xuduuda dalka Sudan.

Hoggaamiyaha TPLF oo ku dhawaaqay arrimo uga sii darayo xaaladda Itoobiya

Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gabremikael, ayaa sheegay in aan wax tanaasul ah laga samayn doonin shanta qodob ee aasaasiga ah ee shacabka Tigray-ga oo aan lagala xaajoon doonin geedi socodka nabada ee socda.

Warsaxaafadeed uu soo saaray sanadguurada 47-aad ee halgankii hubaysnaa ee kooxda TPLF ayuu ku sheegay in wadahadalo ay kula jiraan xuk uumada, balse ay jiraan arimo aan gorgortan laga gali karin.

Wuxuu xusay shan arrimood oo uu ku sheegay inay yihiin su’aalo asaasi ah oo ay qabaan dadka Tigrayga. "Marka hore, wax tanaasul ah ka yeeli ma yno ciidankeenna. Wuxuu kaloo sheegay in aan laga haddli doonin arrinta xuduudka Eritrea, ka bixitaanka ciidamada Eritrea ee Tigrayga, xaqa ay dadka Tigr ayga u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan iyo la xisaabtanka shaqsiyaadka u gefay shacabka Tigra yga.

Waxa uu intaa ku daray in shantan qodob ay yih iin qodobbada ugu muhii msan ee wada xaajoodka socda, "Arrin ta wax-siinta iyo qaadashada halkan ku ma shaqeyso.” ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay inay wa daan dadaalo lagu dhex dhexaadinayo dagaalkaasi oo siyaabo kala duwan loo adeegsanayo.

Dhanka kale Ururka Midowga Afrika, Madaxwe ynihii hore ee Nigeria iyo sidoo kale Madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in ergada Mareykanka iyo Mi dowga Yurub ay kaalintooda ka qaadanayaan wadahadalada socda.


GO’AANKII MAXKAMADA AY SOO SAARTAY KADIB MAX AA KUSOO KORDHAY XAALADA MASJID QUBA EE SOOM AALIDA AMSTERDAM?


Iyada oo 10-kii bisha Febraayo 2022 ay dhageysatay maxkamad ku taal Magaalada Amsterdam ee waddanka Nederland dacwad u dhexeysay maamulka masjid Quba, oo ah masjid Soomaalidu leedahay ayaa waxaa jira guux ku saabsan go’aanka maxkamaddu qaadan doono marka ay soo idlaato 4-ta toddobaad ee loo qabtay xubnaha khilaafku u dhexeeyo inay dhexdooda soo wadahadlaan.

Wararka ku dhowdhow xubnaha khilaafku ka dhexeeyo waxay sheegayaan, in aysan waxba ka qabsoomin talo soo jeedintii maxkamadda ee aheyd; in xubnahaasi dhexdooda soo wadahadlaan, inkastoo dhinac ka mid ahi uu sheegay in go’aanka maxkamaddu aanu aheyn idinka soo wadahadla, lana kala bixi doono fadhiyada soo socda.

Wararka naga soo gaaraya fadhigii 10-kii Febraayo waxay sheegayaan in Sheekh Suldaan dalbaday in dhinaca kale ay soo bandhigaan hantidii ku soo dhacday qasnada masjidka dhowrkii sanno ee u dambeeyay. Sidoo kale, haweeneyda garyaqaanada u ah ragga masjidka ku haray ayaa la leeyahay waxay Sheekh Suldaan u soo jeedisay [intii uu socday fadhigii 1-aad] in dacwada uu joojiyo, lana siiyo magdhow.

Dhinaca kale, Sheekh Suldaan iyo saaxiibadii ayaa ku howlan in ay dib u eegis ku sameeyaan qoddobadii looga hadlay fadhigii 1aad ee maxkamadda. Warar aan la hubin oo na soo gaaray waxay sheegayaan suurtagalnimada qorshe lagu beddelayo garyaqaanka Sheekha; Halka ragga weli haya maamulka masjidka la leeyahay markii ay qiimeeyeen fadhigii ugu horreeyey ee dacwada waxay ictiqaadeen in go’aanka maxkamaddu la mid noqon doono go’aankii Guddiga dhexdhexaadinta Tilburg & Eindhoven ee ahaa; in Sheekh Suldaan laga saxan yahay, ragga masjidka ku haray na yihiin kuwa jidka saxda ah ku taagan.

Si kastaba, walaaca ugu weyni ee ay ka siman yihiin mushtamaca Soomaalida ayaa ah, in ay ula muuqato gef aan garowshiiyo laheyn in khilaaf ka soo billowday 3 xubnood ku soo dhammaado maxkamad, ay dhici karto in go’aankeeda kama dambeysta ahi noqdo in masjidka loo gacan geliyo dad aan muslim aheyn, iyada oo la awoodi karay haddii si xilkasnimo leh loo fikiri lahaa in saddexdaasi xubnood shaqada laga rafci karay, mas’uuliyadda masjidka-na loo dhiibi karay kuwii ka hoos shaqeynayay, balse saddexdii xubnood lala kala saftay taas oo aakhirkii keentay in khilaafka masjidka uu meel kasta gaaro.

Maxay tahay fikirka ay khilaafka ka qabaan Soomaalida ku dhaqan Nederland.?

Shire Maxamed Siyaad oo ka mid ahaa odayaashii iskood isugu xilsaaray dhexdhexaadinta xubnaha is khilaafsan, ayaa ku tilmaamay wax aan la aqbali karin in khilaafkii masjidku maxkamad gaaro, waxaanna isaga oo arrintaasi ka hadlaya uu yiri:

"Aad iyo aad ayaa ugu xuumahay Dorraad iyaga oo khamiisyo wata, kana tegay masjidka Quba in ay gaalo iyo kuwii uu ILLAAHEEY qur’aankiisa ku sheegay ee uu yiri ha u hoos fadhiisanina masiirkiina in ay hoos fadhiistaan.”

Shire, waxaa uu intaasi ku daray in ay ula muuqato nasiib darro in dadkii diinta lagu tuhmayay u tagaan, una qoor-dhiibtaan kufaar aan ALLE aqoon, kuna yiraahdaan, na kala saara, iyaga oo horay na ugu gacan seyray dhexdhexaadintii ay wadeen walaalihii Soomaaliyeed.

"Maxkamadda marka la tago ee qaadigu soo galo waxaa sharci ah in loo istaago, weyneeyn la weyneynayo iyo sharaf loo yeelayo kaafirkaas darteed. Sheekh Suldaan wuxuu na dhihi jiray in qof bini’aadam ah loo istaago ma banaana, waxaa la yaab leh in dadkaasi ay sharci u doonteen” Ayuu yiri Shire Maxamed Siyaad.

Soomaalida ku dhaqan Nederland ayaa ku kala qeybsan arrinta khilaafka masjidka, waxaanna ay kala qabaan 2 aragti.

Aqlabiyadda ugu badan ayaa qabta.

Sheekh Suldaan, waa shaqsi waxaa ka weyn maslaxada masjidka ay ku qabaan Soomaalida & guud ahaan ummadaha muslimiinta. Sheekhu maadaama uu qeyb weyn ku lahaa aasaaskii masjidka waxaa la gudboon in wixii uu dhisay aanu burburin, uuna sabro; Haddii wiilashiisii ay garan waayeen maamuuskii & xurmadii uu ku lahaa waxaa la gudboon in aanu ku dayan oo ALLE dartii u sabro. Masjidku wuxuu kaalin weyn u hayaa mushtamaca Soomaalida, waxaa ku intifaaca ubad Soomaaliyeed oo diinta lagu baro, waxaa lagu dhaqaa, laguna asturaa meytida, waxaa ku cibaadeysta ummadda. Sheekh Suldaan ha eego maslaxada guud, haddii laga qaldanaa ALLE waa caadil, ciddii ka qaldaneyd nabsigu waa uu ka soo bixi ama ha dhowaato ama ha-dheeraato’e.

Aqlabiyadda 2aad waxay leedahay:

Ragga masjidka ku haray [Guuleed Wayrax, Abuu-Khadiija + Xassan Barre] waxeey kala garan la’ yihiin oo isaga qaldan wax ay ummaddi leedahay & wax ay iyagu leeyihiin. Waxay doonayaan in hantidii & mas’uuliyadii ay ummaddu u dhiibatay in ay u maamulaan sida shirkad ay iyagu leeyihiin. Waxaa la yaab ah in aysan waxba kaga talo-gelin mushtamicii Soomaaliyeed ee hantida masjidka lagu dhisay laga soo uruuriyay. Siddeey ku dhici kartaa in 10-10-kii shillin ee masjidka lagu sadaqeystay lagu bixiyo sidii Sheekh Suldaan lagaga taqalusi lahaa.? Tan ugu weyn ee aan la dhakafaarsanahay waxay tahay; Maxaa raggani u diiday in ay ummadda la hadlaan, oo ay ogolaadaan in ay mushtamaca soo hor-fadhiistaan, wixii su’aalo ah ee ay bulshadu qabto-na ay si waadix ah kaga jawaabaan. Waan dhuumanayaa bulshadiina mas’uuliyad ayaan u hayaa ma aha wax meel wada geli karo. Maahmaah Soomaaliyeed oo khadiimi ah baa waxay leedahay. [Nin–Hulaab–Xumi–Inuu–Wax-Qarsanaayo-Ayaa-La–Mooda].

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan

somalinederlandtv@gmail.com



 


OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA



POOM

OGAYSIIS WAXAAN HALKAAN LAGU SOO BAXAY in calaamada-ganacsiga kor ku xusan ay tahay hantida JT INTERNATIONAL S.A., Shirkad abaabulan oo jirta kuna hoos jirta shuruucda Switzerland ee Rue Kazem-Radjavi 8, 1202 Geneva, Switzerland.

 

iyo in calaamad isku mid ah loo isticmaalo badeecadaha soo socda:

 

Fasalka 34: Tubaakada, ha ahaato mid la warshadeeyey ama mid aan la warshadayn; tubaakada sigaarka, tubaakada tubaakada, tubaakada gacanta lagu duubo, tubaakada calalinta, tubaakada snuska; sigaarka, sigaarka elektarooniga ah, dareeraha sigaarka elektarooniga ah, uumiga tubaakada, sigaarka, sigaarka; buuriga; Qodobbada sigaarka cabba ee lagu daray fasalka 34; warqadaha sigaarka, tuubooyinka sigaarka iyo taraqyada. Ulaha tubaakada (ulaha), alaabta tubaakada ee la kululeeyo, bacaha tubaakada ee warshadaysan, qalabka elegtarooniga ah iyo qaybo ka mid ah sigaarka lagu kululeeyo.

 

Waxa kale oo la ogaysiinayaa JT INTERNATIONAL S.A. ay sheegato dhammaan xuquuqaha la xidhiidha astaanta ganacsiga ee aynu kor ku soo xusnay ee Soomaaliya, isla markaana ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto qof kasta ama cid kasta oo lagu helo inay si khiyaano ah ama jahawareer la mid ah u isticmaalayso calaamadda ganacsiga ee aan kor ku soo sheegnay. ku xad gudubta xuquuqdeeda.



OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA

EVO


OGAYSIIS WAXAAN HALKAAN LAGU SOO BAXAY in calaamada-ganacsiga kor ku xusan ay tahay hantida JT INTERNATIONAL S.A., Shirkad abaabulan oo jirta kuna hoos jirta shuruucda Switzerland ee Rue Kazem-Radjavi 8, 1202 Geneva, Switzerland.

 

iyo in calaamad isku mid ah loo isticmaalo badeecadaha soo socda:

 

Fasalka 34: Tubaakada, ha ahaato mid la warshadeeyey ama mid aan la warshadayn; tubaakada sigaarka, tubaakada tubaakada, tubaakada gacanta lagu duubo, tubaakada calalinta, tubaakada snuska; sigaarka, sigaarka elektarooniga ah, dareeraha sigaarka elektarooniga ah, uumiga tubaakada, sigaarka, sigaarka; buuriga; Qodobbada sigaarka cabba ee lagu daray fasalka 34; warqadaha sigaarka, tuubooyinka sigaarka iyo taraqyada. Ulaha tubaakada (ulaha), alaabta tubaakada ee la kululeeyo, bacaha tubaakada ee warshadaysan, qalabka elegtarooniga ah iyo qaybo ka mid ah sigaarka lagu kululeeyo.

 

OGAYSIIS WAXAA KALE OGAYSIIS JT INTERNATIONAL S.A ay sheegato dhammaan xuquuqaha laxiriira calaamada ganacsiga ee kor lagu soo sheegay ee Soomaaliya waxayna bilaabaysaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama qof kasta oo lagu helo inay u isticmaalayaan calaamadda ganacsiga ee aan kor ku soo sheegnay ama calaamad kale oo ganacsi si khiyaano ah ama la mid ah, ama haddii kale ku xad gudubto. xuquuqdeeda.

 


OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA


NAKHLA

OGAYSIIS WAXAAN HALKAN LAGU SIINAYAA in calaamada-ganacsiga ee sare ay tahay hantida NAKHLA TOBACCO CO. S.A.E., Shirkad habaysan oo jirta kuna hoos jirta shuruucda Masar ee3 Soliman Al Xalabi Street, Azbakia, Cairo, Egypt.

 

iyo in calaamad isku mid ah loo isticmaalo badeecadaha soo socda:

 

Fasalka 34: Tubaakada, ha ahaato mid la warshadeeyey ama mid aan la warshadayn; tubaakada sigaarka, tubaakada tubaakada, tubaakada gacanta lagu duubo, tubaakada calalinta, tubaakada snuska; sigaarka, sigaarka elektarooniga ah, dareeraha sigaarka elektarooniga ah, uumiga tubaakada, sigaarka, sigaarka; buuriga; Qodobbada sigaarka cabba ee lagu daray fasalka 34; warqadaha sigaarka, tuubooyinka sigaarka iyo taraqyada.

 

Ogaysiis sidoo kale waxa la siinayaa NAKHLA TOBACCO CO. S.A.E. waxay sheeganaysaa dhammaan xuquuqaha laxiriira calaamadda ganacsiga ee aan kor ku soo sheegnay ee Soomaaliya, waxayna billaabi doontaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama qof kasta oo lagu helo inay u isticmaalayaan calaamadda ganacsiga ee aan kor ku soo sheegnay ama calaamad kale oo ganacsi si khiyaano ah ama la mid ah, ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqdeeda.


OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA


NYALA

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamada-ganacsiga sare ay tahay hantida qaran ee TOBACCO ENTERPRISE SHARE COMPANY (NTE), oo ah Shirkad habaysan oo jirta kuna hoos jirta shuruucda EthiopiaofP.O. Box 522/5658, Addis Ababa, Ethiopia

 

iyo in calaamad isku mid ah loo isticmaalo badeecadaha soo socda:

 

Fasalka 34: Tubaakada, ha ahaato mid la warshadeeyey ama mid aan la warshadayn; tubaakada sigaarka, tubaakada tubaakada, tubaakada gacanta lagu duubo, tubaakada calalinta, tubaakada snuska; sigaarka, sigaarka elektarooniga ah, dareeraha sigaarka elektarooniga ah, uumiga tubaakada, sigaarka, sigaarka; buuriga; Qodobbada sigaarka cabba ee lagu daray fasalka 34; warqadaha sigaarka, tuubooyinka sigaarka iyo taraqyada.

 

Waxa kale oo la Ogaysiisiyaa in Shirkadda Qaran ee NATIONAL TOBACCO ENTERPRISE SHARE COMPANY (NTE) ay sheeganayso dhammaan xuquuqaha la xidhiidha astaanta ganacsiga ee aynu kor ku soo xusnay ee Soomaaliya waxayna ka qaadi doontaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama qof kasta oo lagu helo inay u isticmaalayaan calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan ama calaamad kasta oo kale si khiyaano ah ama jahawareer la mid ah, ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqdeeda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip