HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-FEBRAAYO 2022

0
Monday February 14, 2022 - 08:19:19 in Wararka by
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-FEBRAAYO 2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiye Cabdiweli Muudeey Oo Loo Dii day Inuu Ka Duulo Garoonka Aadan Cadde

     Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Sha cabka Baarlamaankii waqtiga ka dhammaaday ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa loo diiday inuu ka duulo Garoonka diyaaradaha Aad an Cadde ee Magaalada Muqdisho.

    Guddoomiye Muudey ayaa ku sii jeeday, Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, si uu ugu tartamo kursiga uu ku fa dhiyo oo la sheegay in loo xiray Nin lagu magac aabo Maxamedweli Cabdullaahi Sheekh

    Wararka qaar ayaa sheegaya in isku dayga la gu celiyay C/weli Muudey ku lug leeyihiin Saraak iil Ciidan, isla markaana waxaa diyaaradii qaadi la heyd oo ku socotay Magaalada Baraawe lagu Amray in aysan ka bixin karin Garoonka.

     Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Sha cabka Baarlamaankii waqtiga ka dhammaaday ee Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo ciidamo Ilaalo u ah ayaa hadda ku sugan qeybta VIP-da Garoonka diyaaradaha.

    Kursiga uu ku fadhiyo Cabdiweli Muudeey ay aa yaallo Magaalada Baraawe oo ay deegaan do orashadiisa tahay, waxaana kursiga uu ku fadhiyo Muudeey uu kamid yahay 13 kursi oo doorashad ooda ka dhaceysa Magaaladaas maalmaha soo socda…

Abwaan Cabdikariin Jiir oo ku geeriyo oday Muqdisho

     Allaha u naxariistee waxaa Shalay M/ Muqdi sho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday Ab waankii Soomaaliyeed, Cabdikariin Faarax Qa arey (Jiir) oo maalmahan dambe ku xanuunsanaa caasimada.

     Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa xaqii jiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo bahda Fanka, wuxuuna ku dhintay Isbitaalka Erdogan oo horey loo oran jiray Digfeer.

      Cabdikariin Jiir ayaa waxaa uu ahaa Odey Soomaaliyeed iyo Mulaxamiiste ca jiib ah, waxaana ka mid ah Heesa ha uu laxanka saaray heesta Bele dweyn ee Samatar qaado.

    Sidoo kale wuxuu kaalin weyn kasoo qaatay Fankii Bariisamaadka, gaar ahaan xilligii uu dhisnaa Tiyaatarka Qaranka Somaliyeed   

       Dhinaca kale mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa ka hadlay geerida ku timid marxuumka, waxayna tacsi u direen ehelladiisa iyo guud ahaan bahda Fanka.

      Wasaaradda warfaafinta oo qoraal soo saar tay ayaa sidoo kale Abwaanka Alle uga bariday in uu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowsa.

      "Wasiirka, wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsi yeeyay geerida Marxuumka iyagoo allaah uga baryay inuu naxariistiisa ku daboolo,” ayaa lagu yiri qoraal tacsi ah oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinrta Soomaaliya.

      Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Jiir wuxuu sannadkii 1943-dii ku dhashay magaallo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir)  

      Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraaba da iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Maareeye Ku-xig eenkii Tiyaatarka Qaranka Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) oo Shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) uu ahaa abwaan, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan door weyn ka soo qaatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyiga bulshadeenna, isaga oo ka mid ahaa Kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada.

"Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdikariim Faa rax Jiir waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adee gayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fan ka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaa liyeed, waxa uuna ka soo shaqeeyey Wasaarad da Waxbarashada, Wasaaradda Warfaafinta, Dha qanka iyo Dalxiiska iyo Tiyaatarka Qaranka oo uu hadda ka ahaa Maareeye Ku-xigeen”

       Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya      Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiye eyay geerida ku timid Alle ha u naxariistii Mulaxin kii weynaa Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir oo Shalay geeriyooday, wuxuuna si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii uu ka baxay, bahda fanka iyo su ugaanta iyo guud ahaan Ummadda Soomaal iyeed.

       Cabdikariin Jiir waxa uu ka mid ahaa tiirarka fanka Soomaaliyeed, isagoo ahaa hal abuur leh hibo naadir ah, gaar ahaan dhanka laxan sam eynta oo uu caan ku ahaa.Madaxda Qaranka ay aa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan um madda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

CC Shakuur iyo Kulane Jiis oo Shalay la siiyey shahaadada musharaxnimo

     Guddiga Doorashada Galmudug ayaa Shalay shahaadada musharaxnimo guddoon siiyey Cab dullaahi Aadan Kulane oo ka tirsan Hey’adda Na bad-Sugidda Qaranka sidoo kalana kamid ah saraakiishii lagu eedeeyey dilka Ikraan Tahliil.

      Cabdullaahi Kulane oo u sharaxan kursiga HOP#040 ayaa waxaa la tartamayo Xas an Cabdi Jaamac oo la rumeys an yahay inuu yahay musharax malxiis ah, ayada oo la filayo inuu Kulane si fudud ku qaato kursiga.

Sidoo kale, guddiga ayaa shahaadada musharax nimada siiyey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishak uur Warsame oo kamid ah musharixiinta sanad kaan u taagan xilka madaxweynimo ee Sooma aliya.

      Cabdiraxmaan oo raadinayo Kursiga HOP #138 ayaa waxaa booskaas kula tartameysa Nac iimo Xuseen Cali oo iyadana la rumeysan yahay inay tahay malxiis, ayada oo la filayo inuu Cabdir axmaan si fudud ku qaato kursiga..

       Dhanka kale, waxaa shahaadada musharax nimada la siiyey Faarax Cabdi Diini oo kamid ah wasiirada Galmudug kaasoo u taagan Kursiga HOP#007.

     Doorashada kuraastaan ayaa la filayaa inay M/Dhuusamareeb ka dhacdo Maalinta Berri, wa xaana lasii saadaalinayaa inay kusoo bixi doon aan:

1- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

2- Cabdullaahi Aadan Kulane

3- Faarax Cabdi Diini

Cabdullaahi Kulane oo u tartamaya kursi beeshi isa ee HOP#40 ayaa loo xiray kursiga, waxaana la hubaa inuu soo qaadanayo, halka Cabdiraxm aan Cabdishakuur oo u tartamaya kursiga beeshii sa ee HOP#138 la isku dayayey in la hor-istaago, balse lagu fashilmay.

     Sida aan xogta ku helnay, Villa Somalia ayaa waday dadaal xooggan oo kursiga looga dhigayo mid loo qoondeeyo haween, si meesha looga sa aro Cabdiraxmaan Cabdishakuur, balse waxaa hadda muuqata inuu qorshahaas fashilmay.

Guddiga doorashada Hirshabeelle oo shaaciy ay liiska 13 kursi oo doorash ad ooda lagu qabanayo magaalada Baledweyne

      Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shaaciyay liiska 13 kursi oo ka mid ah ku raasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tah ay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

     Kuraasta 13-ka kursi ah ee la shaaciyay qaarkood wa xaa ku jira kuwo ay ku fadhi yaan siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh siyaasa yada Soomaaliya, waxaana jira welwel badan oo ay qabaan Musharaxiinta qaar oo ku aadan in loo boobo kuraasta shaqsiyaad gaar ah oo la wato.

13 kursi ee doorashadooda dhawaan lagu qaban ayo Baledweyne ay kala aha HOP 003, oo uu  hadda ku fadhiyo Maxamuud Cabdiraxmaan Bee nebeene, HOP 006, oo uu ku fadhiyo Maxamuud Cabdullaahi Axmed, HOP 008, oo uu dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Dr Xuseen Cabdi Cilmi, HOP 015, oo ay ku fadhiso Xiis Xa san Aadan, HOP 022, oo uu ku fadhiyo Cusmaan Maxamed Cabdi, HOP 031 oo uu dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Yuusuf Xuseen Ax med Gama'diid.

       HOP 032 oo uu ku fadhiyo wasiirka Wasaa radda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Khaliif Cabdi Cumar, HOP 068, oo ay ku fadhiso Faadumo Faarax Ibraahim, HOP 074, oo uu ku fa dhiyo Cabdullaahi Colaad Rooble, HOP 086, oo uu ku fadhiyo Faarax Sheekh Cabduqaadir, wax uuna kursiga doorashadiisa ka mid yahay kuwa ugu xasaasisan, iyada oo uu u sharaxan yahay   sanadkan la taliyaha Amniga Qaranka ee Farma ajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, HOP 109, oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaa shaandhigga Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, HOP 252, oo uu ku fadhiyo Cabdicasiis Saalax Carmaan iyo HOP 274, oo ah kursiga 13-aad waxaana ku fadhiyo Maxamed C/hi Xasan Nuux.

      Maamulka Hirshabeelle ayaa noqonaya ma amulkii labaad ee shaaciya doorashada kuraasta taala deegaan doorashada 2aad ee doorashoyin ka Golaha Shacabka, waxaana maamulkii ugu horeeyay noqday Koonfur Galbeed oo Baraawe ku qabatay doorashada13 kursi, waxaana la filay aa in maalmaha soo socda la qabto doorashada 13-ka kursi ay shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle.

Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa Hay’ad da UNICEF ee Soomaaliya

     Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee XFS

 Md. Asad Yusuf Qanyare, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa ma daxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Mudane Najmudin Bilal.

    Agaasimaha & Mudane Najmudin Bilal ayaa ka wada hadlay xoojinta adkeysiga iyo horumarinta isticmaalka nidaamyada dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in la dar dargaliyo mashaariicda horumarineed.

Booliska oo faah faahiyay dagaalkii Dhuusamareeb una digay musharraxiinta

      Kadib dagaal la sheegay in Magaalada Dhu usamareeb ee Caasimadda Galmudug uu ku dhe xmaray Ciidamo kala taabacsan Siyaasiga Cabsi raxmaan Cabdishakuur & Cabdullaahi Kulane oo kamid ah Saraakiisha oo labaduba u sharraxan kuraas Xildhibaan ayaa waxaa ka hadlay Booliska Magaalada Dhuusamareeb.

      Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Dhuusama reeb ay tahay mid degan kadib dagaalkii ka dha cay, isla markaana Ciidamada dagaalamay ay ka wada tirsan yihiin kuwa dowladda Soomaaliya.

     Taliyaha oo Shir jaraa’id Warbaahinta u qabtay wuxii sheegay in dagaalka uu salka ku haayay rag kamid ah Ciidamada oo taleefoono kala qa aday, hayeeshee ma shaacin khasaaraha dhima sho & midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidama dii labada dhinac ee dagaalamay ay hadda ku xi ran yihiin Saldhiga Booliska M/Dhuusamareeb, isla markaana Askartii dambi yeelata Maxkamad ay u gudbin doonaan.

      Ugu dambeyn Taliyaha Booliska M/ Dhuusam areeb ayaa waxaa uu u digay musharrixiinta Gola ha Shacabka ee Ciidamada faraga badan halka asi la tefay, isaga oo sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in la khalqal geliyo niga Caasimadda Galmudug.

      M/Dhuusamareeb ayaa hadda waxaa ku sug an musharrixiin farabadan oo Golaha Shacabka ah, waxaana mid kasta uu wataa Ciidamo farabad an oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan, waxaana siweyn looga dareemaya Maga alada.

Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo ka shiray Amniga Beledweyne & Abaaraha

   Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshab eelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Shalay shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada Hirshab eelle, kaas oo ka qabsoomay M/Beled weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

      Shirka Golaha Wasiirada ee Shalay ayaa looga hadlay Arri maha Amniga gaar ahaan xasil inta M/Beledweyne iyo abaara ha baahsan ee ka jira deegaa nada Hirshabeelle.

      Madaxweynaha ayaa Wasiirka Amniga Guda ha ka dhageystay qorshaha sugan ee amaanka lo oga shaqeynayo iyo howlgalada ka dhanka ah  Ururka Al-Shabaab oo ay hay’adaha amaanka qorsheeyeen.

      Shirka Golaha Xukuumada ayaa sidoo kale lo oga hadlay abaaraha ka jira deegaanada Hirshab eelle iyadoo goluhu la wadaagay Madaxweynaha baaxada ay gaarsiisan tahay abaarta xiligaan ka jirta Gobolka Hiiraan, waxaana ay tilmaameen in deegaano badan ay ka jirto biyo la’aan daran.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada, Dib u Heshiisinta, Biyaha ,Howlaha Guud iyo Shaqada iyo Arrimaha bulshada ka dha geystay Mashaariicda taagan xiligaan ee u baah an in deg deg loo fuliyo.

       Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inay xiligaan ay jirto abaar xoogan, deegaanada qaarna looga barakacay biyo la’aan, waxa uuna til maamay in deegaanada abaarta ka jirto la gaarsi in doono biyo dhaamin iyo gargaar deg deg ah.

Madaxweynaha Puntland oo deg deg kusoo laabanaya si doorashada loo bilaabo

      Shalay oo ayaa Madaxweynaha Puntland, Si ciid Cabdullaahi Deni uu dib ugu soo laabtay Gar oowe M/Garoowe ee Caasimadda Puntland, kadib safar todobaadyadii la soo dhaafay uu ugu maqnaa dalka Kenya.

     Madaxweyne Deni ayaa Mag aalada Nayrobi ka waday kulamo hoosaadyo ku saabsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo kuwo ku saabsan Arrimaha Maamulka Puntland.

Markii uu dib ugu soo laabto Maga alada Garo owe Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa la filayaa in dib loo bilaabo doorashada Go laha Shacabka ee hakadka kujirta tan iyo markii dalka Kenya uu aaday Madaxweynaha Puntland.

      Wararka la helayo ayaa sheefaya in Puntland ay haatan diyaarineyso sidii loo bilaabi lahaa deg aan doorashada labaad ee Magaalada Boosaaso , sidoo kalena la dhameystirayoixda kursi ee ka hartay kuraasta taalla Magaalada Garoowe.

Qaar kamid ah Madax-waynayaashii ho re ee degaanka Soomaalida oo dhaliilay xukuumadda Mustafe cagjar

     Qaar kamid ah Madaxwaynayaashii hore ee dowlad degaanka Soomaalida soo maray, oo ay kamid yihiin Cabdulaahi Xasan Lugbuur, Khadar Macalin iyo Axmed Makaahiil, ayaa xukuumadda Mustafe cagjar ku dhaliilay inaysan siin ixtiraamkii ay mudnaayeen madaxdaasi hore.

      Haddaba Khadar macallin oo kamid ahaa Madaxwaynay aashii hore ee degaanka soo martay ayaa sheegay in guryo horey looga dumiyay ay dowla dda Mustafe cagjar ku tiri mag dhow ayaa la idiin siinayaa, balse aan wali taa la fulin.

      Waxa kale oo uu sheegay in isagu dhul beere ed uu lahaa laga burburiyay, shaqaalihii ka sha qaynayayna laga kala cayriyay, waxa uuna arri ntan masuuliyadeeda dusha ka saaray maamulka degmada uu degganaa.

      Arrintan ayuu Khadar macalin ku tilmaamay in la rabo in lagu cabsi galiyo sidii aysan fikirkooda si xor ah aysan u dhiiban, waxa uuna sheegay ina an marna lagu cabsi galin karin inay fikirkooda si xor ah u dhiibtaan.

     Geesta kale Madaxwaynayshan hore ayaa xuk uumadda Mustafe cagjar ugu baaqay inay hoos u eegto xaaladda Abaarta, oo ay sheegeen inaysan dowladdu wali sidii la rabay uga jawaabin, sidoo kalena fiiro gaar ah loo yeesho arrimaha ku saa bsan wada hadalka heer qaran ee dhawaan la fil ayo inuu dalka Itoobiya ka dhaco.

     Ugu dambayn waxay Madaxwaynayaashii ho re ee degaanka Soomaalida sheegeen inaysan rabin Kursi iyo xil, sidoo kalena aysan kamid ah ayn xisbi, balse ay yihiin un Madaxwaynayaal ho re oo Odayaal ah, tusaalena u noqda dadka oo beerahooda iska qota.

Ciidanka Gorgor oo degaano la wareegay deegaano ka tirsan degmada aw-dheegle

       Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soo maaliyeed ee Gor-Gor ayaa howlgallo culus ka sameeyay degaano katirsan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

     Ciidamada oo ka baxay deg mada Awdheegle ayaa howlgal kula wareegay degaanka Sha am-garre, oo hoostaga deg mada Awdheegle kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab oo gacanta ku haayay dega ankaas.

      Saraakiil katirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa waxaa ay sheegeen inay xaqiijiyeen Amniga degaanka Shaam-garre, isla markaana weli degaanka ay ka wadaan howlgalka ay ka wadaan degaankaas.

      Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaa liya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay howlgall ada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka fulinaya an degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoo se, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay.

Somaliland miyay xidhiidhka u jari doon ta Taiwan haddii China maal gashado?

      Wasiirka Maalliyada Somalil and Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Somaliland ay u furan tahay maalgashi kasta, oo xataa China maal gash an karo, laakin ay xaq u leedah ay in ay x

Idhiidh la samaysato cida ay rabto.

Muuqbaahiyaha laga leeyahay Taiwan ee TVBSNews, oo waray si gaar ah ka qaaday wasiir Shi re, ayaa waydiiy waxa ay Somal iland samayn lahayd hadii uu China Somal iland maalgashado, lakiin uu ku xidho in ay xidhiidhka u jarto Taiwan.

      Wasiir Shire ayaa ku jaw aabay in Somaliland ay u furantahay maalgashi kasta, oo xataa China maalgashan karo, laakiin ay iyadu leedahay go' aanka cida ay rabto in ay xidhiidh la samaysato.

"Somaliland way u furan tahay cidkasta oo maal gashanaysa oo uu China ku jiro, laakiinse marka ay noqoto go'aamada yada iyo siyaasada yada ci da aanu doonayno in aanu xidhiidh la yeelano, wa xan filayaa in ay tahay xuquuq gaar ah oo aanu leenahay" ayuu yidhi wasiir Shire.

      Xukuumada Somaliland ayaa hore dowlada China uga diiday in ay xidhiidhka Taiwan dhaafs ato maalgashi uu China ku sameeyo Somaliland.

Dowladda Imaaraadka oo sheegtay inay hawlo gargaar oo dheeri ah u soo dirayso Soomaaliya

      heikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan, Wakiilka Gobolka Al Dhafra, ahna Guddoomiyaha Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta (ERC), ayaa amray xoojinta howlaha gargaarka ee loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saame eyeen.

     Arrrintaan waxay ka dambeysay xidhiidh uu la yeeshay weftiga bi sha cas ee haatan ku sugan Soo maaliya si ay barnaamijyo bini’aa danimo uga fuliyaan gobollada ay aafeeyeen abaaruhu.

Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan ayaa wa axa uu warbixin ka dhageystay madaxa bisha cas Mohamed Khamis Al Kaabi, isagoo uga warbixi yay xaalada bini’aadantinimo ee Soomaaliya gu ud ahaan iyo faah faahinta barnaamijka gurmad ka ay ka wadaan gudaha dalka.

       "Imaaraadku wax dadaal ah lama haridoono si ay u daboolaan baahiyaha bini'aadantinimo ee Soomaaliya iyo horumarinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee dhammaan dhinacyada gar gaarka," ayuu yidhi. Zayed Al Nahyan.

       Soomaaliya waxaaa xilligan ka taagan abaar tii ugu xumayd ee dalka soo marta muddo toban sano ah. Sannadkii 2011 ayay ahayd markii ay Soomaaliya ka dhacday abaartii ugu xumayd, taa soo sababtay in boqolaal qof ugu geeriyoodeen gaajo iyo haraad.


Golaha muslimiinta Maraykanka oo furay dac wad nin Soomali ah oo lagu toogtay Maraykanka

     Golaha Xidhiidhka Islaamka iyo Maraykanka (CAIR), oo ah hay’adda u doodda xuquuqda ma daniga ah ee Muslimiinta, ayaa ugu baaqday Waa xda Caddaaladda Maraykanka in ay bilaabaan baadhitaan oo lagu ogaanayo toogashadii 2019-kii booliisku u geysteen nin Soomaali-Maraykan ah oo maskaxda ka bukay.

      Muuqaal fiidiyow ah oo dhawaan booliisku sii daayay ayaa muujinayay toogashada Bishaar Xa san, oo 31 jir ah, Abriil 1, 2019. Ka dib markii ay askarta booliisku u ta geen isaga oo waddo mar ayey.

     Booliiska ayaa ka shakiyay ka dib markii ay sheegeen inuu gun tigiisa kalasoo baxay hub. Sidaasna ay ku dhac day toogashada lagu dilay.

      Saddex bilayska kamid ah ayaa ku furay rasa as, iyaga oo dhawr jeer toogtay. Labo daqiiqo ka hor inta uusan helin gargaar caafimaad ayuu geer iyooday.

      Qareenka u doodayey qoyska Bishaar Xasan ayaa sheegay in Bishaar markii hore aysan ahayn in booliska ay joojiyaan. Xubnaha qoysku waxay sheegeen in Bishaar uu qabay arrimo caafimaa dka maskaxda ah.

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika

      Alle ha u Naxariistee waxaa dalka Koonfur Afr ika dhaawac ay Burcad hubeysan ugu geysteen u geeriyooday Aadan Nuur Afrax oo kamid ahaa So omaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.

     Kooxaha Burcadda ah ayaa muwaadinka Soo maaliyeed ugu tegay Goobtiisa Ganacsi oo kuta alla Xaafadda Kraaifontein gaar ahaan qeybta Xa afadda Midabka, iyada oo dhaawicii soo gaaray u gu Geeriyooday Isbitaalka Tygerberg oo ku yaalla Magaalada Cape Town ee dalkaasi Konfur Afrika.

"Dukaankiisa ayey ugu Tageen Tuugada, iyagoo waxba waydiin ayeyna Rasaasta qeybaha kore ee jirka uga fureen, ma na naqaano sababta❓ is lamarkiiba dhaawac aha an ayaan Isbitaalka ula cararnay, balse tiisaa mee shaan ku ekeyd oo waa uu Geeriyooday” Waxaa sidaasi Saxaafadda u sheegay Aadan Amin Xas an Nur oo ay ehel-wadaag ahaayeen Marxuumka la dilay.

       Muwaadinka Soomaaliyeed ee lagu dilay dal ka Koonfur Afrika ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheegeen in muddo ka badan 15 sano ah oo ku sugnaa dalka Koonfur Afrika.

Sharma'arke Dhuubow: Waa kuma Soo maal iga sida heerka sare ah looga maamuusay Canada?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip