HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH AXAMD 13-KA FEBARAAYO 2022-KA

0
Sunday February 13, 2022 - 08:55:08 in Wararka by
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH AXAMD 13-KA FEBARAAYO 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Shalay Kulan La Yeeshay Safiirka Cusub Ee Mareykanka

Ra’iisul Wasaararaha Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka cusub ee dowladda Mareyk anka ee dhawaan u soo magaXalayday Soom aaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Mareykan ka ee Larry Adre oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal, dhammeystirka doorashooyinka dalka gaar ahaan doora shada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo u muhiimsan tan Mad axweynaha dalka.

Kulanka dhexmaray labada Mas’uul ayaa waxaa sidoo kale looga wada arrinsaday inta uu socday Arrimaha amniga iyo la dagaallanka wax loogu ye ero argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.R/Wasaararaha FS ee xilgaarsiinta Maxamed Xus een Rooble ayaa Safiirka Mareykanka Larry Adre ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, sidoo kalena uu Safiirka u mahadceliyay. Kulanka uu R/Wasaare Rooble la yeeshay Safiir Larry Adre ayaa waxaa ku wehlinaay ay Wasiirka amn iga xil gaarsiinta Cabdullaahi Max amed Nuur iyo xubno kale oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaara ha…

Korneyl Nuur Dheere ‘oo raali-geliyey’ Guudlaawe

Madaxtooyada HirShabeelle ayaa sheegtay in Korneyl Nuur Dheer oo ka mid ahaa saraakiishii sida weyn u macaaradsanaa maamulka Hir Shabelle uu Shalay raali-geliyey madaxw eyne Cali Guudlaawe.

Madaxweyne Cali Gu udlaawe Xuseen oo uu wehliyo Mad axweyne ku-xigee nka HirShabelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa Shalay M/ Beledweyne kula kulmay Korneyl Nuur Dheer, xil dhibaano iyo saraakiil kale. "Kor neylka oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Boolii ska Dowladda Hir Shabeelle ayaa Madaxweyna ha ka raali galiyay qadafkii ka dhacay waxaa uu na balan qaaday inuu diyaar u yahay inuu la sha qeeyo Madaxweyn aha,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxto oyada HirShabeelle.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Guudlaawe uu isna bogaadiyay imaanshaha uu u yimid Korn eyl Nuur Dheere, islamarkaana uu aqbalay raali galintiisa.

"Madaxweynaha ayaa xaliyay dhamaan taba shooyinkii jiray waxa uuna sii wadi doona la kul anka bulshada iyo inuu qanciyo cidwalba oo taba sho qabto,” ayey tiri madaxtooyada HirShabeelle.

Korneyl Nuur Dheere ayaa ka mid ah saraaki isha hoggaamisa kooxda la baxday Kacdoonka Hiiraan, wuxuuna dhowr jeer isaga oo wata ciida mo badan qabsaday magalaada Beledweyne, isaga oo kasoo horjeeda in Guudlaawe uu yimaa do magaalada.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay imaansha uu u yimid waxa uuna aqbalay raali galinta. Madaxweynaha ayaa xaliyay dhamaan ta bashooyinkii jiray waxa uuna sii wadi doona la ku lanka bulshada iyo inuu qanciyo cidwalba oo ta basho qabto.

Si kastaba Guudlaawe ayaa ugu dambeyn xo og lagu geeyey magaalada kadib markii Villa Som alia ay magaalada gaysay ciidamo laga qaaday Muqdisho oo muquuniyey xoogaggii magaalada ku sugnaa ee kasoo horjeeday maamulka Hir --Shabelle.

Digniin laga soo saaray nabadoon la sheegay inuu u xareysan yahay Fahad Yaasiin

Odayaasha iyo nabadoonnada beesha reer Aw-Xasan ayaa digniin kasoo saaray Nabadoon beeshaas ka tirsan oo u xareysay Fahad Yaasiin oo hadda u sharxan kursiga xildhibaan ee bee shaasa.

Qoraal ay soo saareen 10 odayaal iyo Nabadd oon isugu jira ayay cabasho uga muujiyeen kur siga HOP086 ee yaalla magaalada Beledwe yne, waxayna cadde eyeen in Maxamed Xuseen Axmed aanu ahayn Suldaan, Nabadoon ama Uga as qabiil oo la doortey, balse uu ahaa wakiil sax iixe doorashadii 2016.

Odayaasha ayaa Nabaddoon Maxamed Xus een Axmed ayey ku eedee ye en inuu ku kacay arrimo ay ka mid yihiin:

1- Isagoo ahaa wakill saxiixihii doorashadil 2016, uuna hadda ku nool yahay goob qarsoon oon la garanaynin, is la markaana diiday codsiyo badan oo uga yimid odayaasha dhaqanka inuu la kulmo ama ka soo qaybgalo shirarkooda si looga tashado arrimaha kursiga HOP086

2- Inuu muddo 6 bilood ah u xareysan yahay murashax ka mid ah musharrixiinta u taagan kur sigaas (Fahad Yaasiin), si uu ugu qoro ergo isaga u gaar ah oo aan lagala tashan Odayaasha Dhaq anka Beesha iyo Jifooyinka kursiga wada leh.

3- Shirar isdaba joog ah oo ay yeesheen Oday aasha Dhaqanka ee Beesha waxaa u soo baxday in Maxamed Xuseen Axmed aan lagu aamini Ka rin masiirka beesha, maddaama uu isaga doortay inuu isu dhiibo hal musharax, xaqna uusan ulah ayn Inuu qaado tallaabo uusan fasax uga haysan Golaha Dhaqanka ee beesha, isla markaana uu san dhexdhexaad ka abayn xulidda ergada kur siga Hop086, sidoo kale uu u gacan galay hal mu sharrax oo rabo in asaga kursiga loo xiro cid kalana aynan kula tartamin.

4 – Odoyaasha Dhaqanka Reer Ow Xasan wa xaa ka go’an in si waafaqsan habraaca Doora shada dalka loo madax baneeyo Hoggaanka Dha qanka ee Beesha Reer Ow Xasan soo xulidda 5 ta xubnood ee Guddiga Farsamada, sidaasna ay 5 taas xubnood kusoo xulaan ergada 101da ah iy adoo laga talo galinaayo Odoyaasha Dhaqanka lyo guud ahaan xubnaha beesha.

Odayaasha waxay waxay Guddiga Doorasha da ee heer Federaal FEIT, Guddiga Doorashada ee Dowlad goboleedka Hirshabeelle SEIT iyo Gu ddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, ka cods adeen inay gacan nalagu siiyaan ka hortagga boobka abaabulan ee baalmarsan habraacyada doorashada dalka ee lala maagan yahay masiirka kursiga HOP086

1- Nabadoon Axmed Muxumed Xaaji Maxamuud

2- Nabadoon Xasan Cumar Abuukar

3- Nabadoon Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Khalilf

4- Suldaan Sheekh Ibraahim Sheekh Cabduqa adir Sheekh Cabdulle

5- Nabadoon Amiin Sheekh Cabdullaahl Sheekh C/deer

6- Nabadoon Sh. Maxamed Cabdullaahi Goosaar

7- Nabadoon Raage Sheekh Cumardaahir Sh. Cabdullaahi

8- Nabadoon Sheekh Cumar Caagane Xaaji Cab disamad

9- Nabadoon Xaaji Maxamed Axmed Xaamud

10 -Sheekh Cismaan Macallin Cabdullaahi Cali 

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Jadwalka Doorashada Kuraas Ay U Sharax an Yihiin C.C Shakuur Iyo C/Llaa i Kulane Oo La Shaaciyey 

Guddiga doorashooyinka Maamulka Galmu dug ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada kur aas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorasha doodu tahay Galmu dug.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu sheegay in diiwaan-gel inta Musharaxiinta u tartamaya saddex kursi oo Guddiga soo saaray ay bilaabaneyso 13-ka bi shaan Febraayo, kuna beegan maalinta berri oo Axad ah.

Saddexda kursi ee Golaha Shacabka ee la soo saaray ayaa waxaa ay tirsigoodu kala yih iin #HOP138 oo kamid yahay Musharaxiinta u tartamaya kursigaas hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame, kursi ga HOP#40 uu isna Musharaxiintiisa ku jiro Cabdullaahi Kulane oo ahaa ku-xigeenkii Aga asimaha NISA iyo kursiga #HOP007.

Doorashada kuraastan ayaa waxaa la qab an doonaa sida ku Cad Jadwalka 13-ka bish aan Febraayo, isla markaana waxaa doorasha da kuraasta ka dhaceysaa Magaalada Dhuus amareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana socda diyaar garoowga doorashada.

Guddiga doorashooyinka Maamulka Galmu dug ayaa Shalay oo sabti ah qabtay doo a shada laba kursi oo kamid kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya..

Madaxweyne Qoor Qoor oo soo saaray liiska musharaxiin cusub

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaar iye Qoor Qoor ayaa Xalay soo saaray liiska mu sharixiinta u tartamaya kursiga u dambeeya doora shada golaha Aqalka Sare ee BFS.

Kursigaan oo horay loo doortay wa xaa 18-kii bishii November iska casi lay Senator Yuusuf Dhegey oo had da ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciima Yuusuf Max amed ayaa lagu shaaciyey warqad ka soo baxday xafiiska Qoor Qoor inay ku tartami doonaan kur iga Aqalka Sare ee beesha Duduble, Farxaan waa wasiirka Maaliyadda Galmudug, waxana la sheegay in Qoor Qoor uu asaga la rabo kursi gaas.

12-kii bishii Agoosto 2021 ayaa Yuusuf Geelle Ugaas (Yuusuf Dhegey) loo doortay kursigaan, balse 18-kii November ayuu iska casilay.

Yuusuf Dhegey ayaa xilligaas shaaciyey in sa babta uu isku casilay ay tahay in cidiisa uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta, balse mar kale ayuu soo qaatay kursiga isla beesha ee golaha shacabka. Waa kursigii u dambeeyey ee doorashada gol aha Aqalka Sare ee dalka, waxaana horay loo do ortay dhamaan kuraasta kale ee Aqalka Sare, dhawaan waxaa lagu wadaa in guddiga doora shada Galmudug uu soo saaro jadwalka door ashada kursigaas.


Qoor Qoor oo looga digay qorshe uu ka rabo kursiga xildhibaan ee ay isku hay aan Mahad Salaad iyo Cali Yare

Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Galmu dug ay aa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qo or uga digay in shakhsi gaar ah uu u xiro kursiga uu tirsigiisu yahay #HOP147.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu yahay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa soo baxaya war ar sheegaya in loo xir ay Ma had Max amed Salaad, oo ah Xildhibaanka hadda ku fadh iya kursigaasi.

"Waxaan rabaa xaqiiqo jirto oo run ah inaan ka hadlo, kurisgan #HOP147 maamulkiisa iyo tal adiisa waxaa iska leh jufada la yiraahdo bah Ina Xasan, markii hoos loo sii degana jufooyin ka koo ban ayaa iska leh maamulkiisa. Ninka la yiraahdo Qoor Qoor oo Madaxweynaha Galmudug ah as agu malahan, mana maamuli karo, shaqana ku ma laha,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Ca bdirisaaq.

Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq ayaa tilm aamay in 16-kii sano sano ee la soo dhaafay ay kursigaasi isku bedbedelayeen qoyska Maxam uud Salaad Tarabi iyo Mahad Maxamed Salaad, oo wiil iyo adeerkiis ah.

"Kursiga #HOP147, mar waxaa 8 sano haayay oo ku fadhiyay Maxamuud Salaad Tarabi, mudd adaasi uu joogay si kasta haku jooggo waa laga soo gudbay, 8-dii sano ee ku xigtayna waxaan isla ognahay in 4-tii sano ee hore ay niman ganac sato ah ka boobeen dadkii iska lahaa, ayadoo da dka oo dhan ay taagan yihiin oo la leeyahay haloo tartamo ayay habeen madow la guureeyeen, 4-tii sano ee xigtayna markii aan Cadaado tagnay Dowaddii Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisii ayaa dhaqaale iyo farsamo, xoog iyo xeeladba ugu qaaday Mahad Maxamed Salaad,” ayuu yiri Suldaan Mahdi.

Waxa kaloo uu yiri "16-kaasi sano kursigaasi sooma dhaafin raaska ama qoyska Maxamuud Salaad Tarabi iyo Mahad Maxamed Salaad Tar abi, dadka uu kurisga ka dhaxeeyana waxay xaq u leeyihiin inay kurisga u tartamaan, waxay xaq u leeyihiin inay wax doortaan iyo in la doorto. Marka caafimaadka ummadana wuxuu ku jiraa inuu kursiga wareego oo lagu tartamo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri "Waad ogtihiin kursigan wuxuu ka dhaxeeyaa Ba baanshe, Suubiye iyo Ayaanle, bahdaas Ina Xas an la yiraahdo ayuu ka dhaxeeyaa, Cayr kaloo ta lo iyo tusaale ku leh ayaa jiro oo xaqna u leh inuu ku metelo. Marka kursigaas asaga ah in hebelaa loo xiray, Qoorqooraa xiray iyo Mahad Salaad baa loo xiray la yiraahdo waa dulmi, cid laga yeel anayana iyo cid laga aqbalaayana malaha.”

Suldaan Mahdi ayaa Madaxweyne Qoor Qoor uga digay inuu iska horkeeno dadka wada dhash ay, shakhsi gaar ah oo kursigaasi uu u xirana aysan hadhow ka saari doonin.

"Waxaan rabaa in marka hore Ilaahay laga cab sado, dadkana aan fidno laga dhex abuurin. Mad axweyne Qoorqoor-na waxaan leenahay ganacs ataa ii timid iyo hebelaa kursigaasi kula saaxiibay makaa bixinayso eeddiisa. Nin Muslim ah hadd aad tahay ummadda ha isku dirin, dan dhaqaal ena haka dhex raadinin,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq.

Suldaan Mahdi ayaa hoosta ka xariiqay inay magacyadooda sheegi doonaan ganacsatada uu sheegay inay kursigaasi u xaglinayaan dhanka Mahad Salaad, haddii aysan ka waan-toobin boob ka ay ku hayaan. "Ganacsatadaasi aan hadda ka hadlaynana haddii ayaga laftigoodu Ilaahay iyo ummaddiisa ka xishoon waayaan, waxay noqon doontaa inaan si toos ah uga hadalno oo maga cyadooda Warbaahinta ka sheegno. Waxaan leen ahay is qarinta aad is qarinaysaan ka joogga, dha barkiina muuqdo waa loo jeedaa, waxaan aad ku jirtaana Ilaahay uga baqa. Guud ahaan ummadda kursigaasi iska lehna waxaan leeyahay kursigaasi haloo tartamo oo si cadaalad ah haloogu tarta mo,” ayuu sii raaciyay Suldaan Mahdi.

Si kastaba ha-ahaatee Warbaahinta ayaa faha msan in Guddiga Doorashada Galmudug ay doon ayaan inay ka fogaadaan wax kasta oo eedeymo uga imaan kara maamulka kursigaasi, ha yee shee uu cadaadis ka haysto dhanka Madaxtooya da Galmudug, taas oo liddi ku ah habraacyadii do orasho ee horaan lagu heshiiyay. Kursigan ayaa na doorashadiisa la qaban doonnaa Axadda ina soo aaddan.

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada had lay ba arista muwaadiniin Somaliyeed oo ku geeriyo oday xadka Turkiga iyo Giriiga

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabd isaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga Me vlut Cavusoglu, iyaga oo ka wada hadlay adkayn ta cilaaqaadka dhow ee Labada Dowladood iyo Labada Shacab ee walaalaha ah.

Labada wasiir ayaa wa da hadalkooda ku lafo-gu ray sidii loo horumarin lah aa xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xoojinta iskaashiga dhinacy ada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo xoojinta taageerada dowladda Turkiga ee qorshaha ay So omaaliya kula wareegayso masuuliyadda sugidda amniga dalka.

Dhanka kale, Labada Wasiir ayaa isla gartay in baaris lagu sameeyo sababaha keenay iyo xaa ladaha ku xeeran geerida muwaadiniin Soomaaliy eed, kuwaas oo ku geeriyoodey xuduudda u dhe xaysaTurkiga iyo Giriigga.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda Turkiga taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo la wadaagay dareenka ay ka muujiyeen bogsasha da Madaxweyne Recep Dayyip Erdogan iyo Mar wadiisa Koowaad Marwo Emine Erdogan oo dho waan ka soo kabsaday xanuunka COVID-19.

Farmaajo iyo kooxdiisa oo xeelad cusub uda gay sidii ay kursiga u dhaafin lahaayeen CC Shakuur

Laba cisho kadib markii Cabdiraxmaan Cab dishakuur Warsame toos ugu dhawaaqay inuu u tartamayo kursiga xildhibaaimo ee Beeshiisa, ma daxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay iyadana toos u bilowday duulaankeeda kursiga HOPP #138.

Wixii Arbacadii hore ka horreeyey dad badan u kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa u heystay doonista Cabdiraxmaan mid war suuqeed ah, balse Arbacadii ayuu tagay Dhuu samareeb markaas oo uu toos u shaaciyey musharaxnimadiisa Kursiga HOPP#138, wixii ma rkaas ka dambeeyeyna waxaa la xaqiijiyey inay madaxtooyada u xirxiratay sidii Ca bdiraxmaan lagu dhaafin lahaa kursiga.

Habeen hore kursiga doorashada ee heer federaal ayaa soo saaray warqad ay toos ugu abaareen kur aasta HOPP#138 iyo HOPP#71 oo ay sheegeen in loo baahan yahay in Labadaas Kursi laga dhigo kooto Dumar.

Guddigii doorashada waa ay isku khilaafeen wa rqaddaas oo la sheegay in y ka shaqeeyeen koox guddiga kamid ah oo weli gacan saar la leh Villa Somalia.

Xubno guddiga kamid ah oo aan la hadalnay waxay sheegen in lagu heshiiyey in warqadda la badalo oo hab qoraalka laga dhigo mid guud oo la hadlayo Beesha Dhexe ee kuraastaas iska leh.

Mar kale warqad ay Dorraad Shalay sii daayeen gud diga doorashada ee heer Federaal ayey ku she egeen in la rabo in beesha heysato hoggaanka maamulka Galmudug inay saxdo qoondada ha weenka ee ah in qoladii 3 kursi heysataba inay 1 kursi Gabar ka dhigaan, weliba warqadda gudd iga waxaa lagu yiri lama aqoonsan doono doora shadaas lamana siin doono shahaada xildhibaa nada illaa ay Galmudug kasoo saxeyso qoondada Dumarka.

Guddiga si loo fahmo ujeedkooda iyo Kuraas ta ay u socdaan waxay Qoor Qoor iyo guddiga do orashada Galmudug waydiisteen in kuraasta ha dda jadwaleysan ee Beeshaas in la caddeeyo ku wa ay dumarka gooni ugu tartami karaan.

Kuraasta hadda jadwaleysan oo ay beeshaasi leedahay kuwaas oo uu guddiga rabo in Laba kamid ah laga dhigo Dumar waa Kursiga HOPP #138 , kursiga HOPP#147 iyo HOPP#71.

Kuraastaas mid waxaa ku fadhiya Xildhibaan Mahad Salaad, mid waxaa ku fadhiya xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye, midna waxaa u tartamaya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Guddiga doorashada ee heer Federaal gab adha madaxda uga ah xaqiijinta kootada Du marka dalka waa ka maqan tahay. Xubin kamid ah guddiga doorashada ee heer Federaal oo aan la hadalnay wuxuu noo xaqiijiyey in arrintaani ay gacan weyn ku leedahay madaxtooyada Sooma aliya oo weli xubno badan ku leh guddiga dhex diisa.

"Qofka loo socda waa Cabdiraxmaan Cabdish akuur oo la rabo in Kursigiisa Dumar laga dhigo ama inuu noqdo kursi dacwo ku furan tahay oo il laa doorashada la is daba socdo,” ayuu yiri xub intaas.

"In guddigii doorashada ee heer Federaal uu beegsi sameeyo oo la isticmaalo waa fadeexad weyn oo doorashada Soomaaliya dhex taalo,” ay ey leeyihii dadweynuhu.

"Waxaa ka dhallan karta arrintaan in qof kasta oo Villa Somalia rabin in loo adeesado inay kursig iisa ku dhagaan, guddiga doorashada haddii ay uj eedo sax ah xambaarsan yihiin waxay aheyd inay arrintaan ka hadlaan inta aan la jadwaleyn Kur aasta, maadaama xilliga asi lasoo saaro nooca uu kursiga noqonayo rag iyo dumar,” ayey leeyihiin Dadkii ka falceliyey isku daygaan.By :-Abdullahi Osman Faarah

Xigasho:-caasimadda.net

Haweeney xaamilo aheyd oo si arxan darro loogu dilay Galgaduud + sababta

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxa ya dil haweeney xaamilo aheyd loogu geystay gu daha deegaanka Kaxandhaale oo ka tirsan gobo lka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale la dhaawacay mid kale.

Falkan arxan darrada ah ayaa waxaa la sheeg ay inay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo ka baxsaday goobta, kadib dhacdadaasi.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jir ay, Hodan Cabdi Jaamac waxaana ay ka mid ah eyd qoysaska xoolo dha qatada ah ee ku sugan halkaasi.

AUN Meydka marxuumadda ayaa waxaa go obta kasoo qaaday ehelladeeda, waxaana isla Shalay la geeyey magaalada Gelinsoor, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka

Sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Onlinefalkan ayaa saka ku haya dilal la xiriira aanno Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan go bolka Galgaduud oo dhaca bartamaha Soom aaliya.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gob oleedka oo ka hadlay dilka haweeneydan ayaa ku tilmaamay inuu yahay wax laga xumaado, waxa ana ay fareen saraakiisha laamaha ammaanka in ay sameeyaan baaris dheeraad ah si loo soo qab to maleeshiyaadka.

Galgaduud ayaa waxaa inta badan kusoo noq-noqda colaad beeleedyada, waxaana maalmihii u dambeeyey dagaallo qaraar ay ka dhaceen qaybo ka mid ah gobolkaasi.

Xubin Ka Tirsanaa Al-Shabaab Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Dowladda Federaalka

Dagaalame ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Booliska dowladda Fede raalka Soomaaliya gaar ah aan qeybta 60-aad ka howl gasha Koonfur Galbeed, ka dib markii uu xiriiro lasoo sa meeyay Saraakiisha Ciidan ka.

Ninka isa soo dhiibay oo lagu magacaabo Cismaan Abiibakar Maadey oo loo yaqaano Cabdullaahi ay aa sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaalo dhowr ah oo ka dhacay Gob olka Bakool, wuxuuna sa babta ku kaliftay inuu ka soo baxo Al-Shabaab ku sheegay dhibaato uu la kulmay.

Sidoo kale, Cismaan Abii Bakar ayaa baaq u diray saaxiibadiisa wali ku jira Shabaabka in ay ka soo baxaan oo qeyb ka noqdaan ciidamada Xo ogga, isagoona Warbixino kala duwan ku bixiyey wareysi ay la yeesheen Saraakiisha Ciidamada 60-aad ka ee xoogga.

Si kastaba Saraakiisha dowladda ayaa horey u soo bandhigay Saraakiil iyo xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan Gobolada dalka, halka Shabaabka dhank ooda ay soo bandhigeen Ciidamo ay sheegeen inay goosteen dowladda.

Laba Xildhibaan Oo Shalay Lagu Doortay Magaalada Dhuusamareeb

Waxaa Shalay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ka dhac

day doorashada laba kamid ah kuraasta Xil dhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#025 ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Abuukar Cali Jacfar oo ah Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir, waxaana loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa Xasan Cali Cismaan.

Guddoomiye Maxamed Jacfar ayaa waxaa uu helay 100 oo ah Codad kii gacanta taaga ahaa ee ergada wax dooran eysay, waxaana doora shada diiday hal ergo, mana jirin wax ka aam usay, sida Natiijada ku dhawaaqeen Guddiga doorashada Maamulka Galmudug.

Doorashada kursiga labaad HOP#081 ee Shalay ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo baxday Cadar Cali Maxamed oo loogu coddeeyay Cod gacan taag ah, iyada oo heshay 71 Cod, isla markaana ma jirin wax diiday ama ka aamusay doorashada.

Musharax Xildhibaan Nasro Maxamed Dalabeey ayaa u tanaasushay, Cadar Cali Maxamed (shal aqbeen ), iyadoona sidaas loogu doortay Xildhib aan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashada gobolada Waq ooyi oo shaaciyay jadwalka qabashada doora shada 7 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

Guddiga maamulaya doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa soo saaray jad walka qabashada doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan door ashadoodu tahay gobolada Waqooyi ee Sooma aliland.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayay ku shaaciyeen in diiwaan gelinta 7 kursi inay bil aabaneyso 15-ka bishan Febraayo oo ku beegan maalinta Talaadada ee soo socota.

Kuraasta guddiga uu shaaciyay qabashada doorashadooda ayaa kala ah HOP 212, HOP 207, HOP 246, HOP 258, HOP259, HOP 243, HOP 206, waxaana doorashada kuraastan ay dhaci doonta 16-ka bishaan Febraayo oo ku bee gan Arbacada soo socota.

Hoos ka akhriso Jadwalka ay shaaciyeen guddiga doorashada gobolada Waqooyi.

Doorashada Soomaaliya: Maxay ka dhigan tahay in askar badan ay noqdaan xubno baarlamaan?

Waxaa soo badanaya tirada shaqsiyaadka ciidanka ah ee ku soo baxaya doorashada Golaha Shacabka ee ka socota Soomaaliya.

Waxaa u dambeeyay Maxamed Abuukar Jacfar oo Shalay ku soo baxay kursiga astaantiisu tahay HOP025 ee ay doorashadiisa ka dhacday Dhuusamareeb.

Jacfar oo ah guddoomiyaha degmada Dayniile ee Muqdisho ayaa ka mid ahaa ragga ku caan baxay abaabulka ciidankii la magac baxay Badbaado Qaran ee diiday muddo kordhintii uu ansixiyay Golaha Shacabka uu muddo xileedkiisa dhamma aday.

Waxaa sidoo kale kuraas xildhibaannimo soo helay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), taliy ihii hore ee booliska gobolka Banaadir, kaasoo lagu xusuusto dowrkii uu ku lahaa dagaalkii April 2021 ka dhacay.

Waa kuma Saadaq Joon?

Ma heshiis ayay gaareen Saadaq Johhn iyo dowladda Soomaaliya?

Waa kuma Yaasiin Farey: Seddax Arrimood ka ogow 'xildhibaanka' NISA hogga amiya

Yaasin Cabdullaahi Farey, taliy aha kumeelgaarka ah ee hay' adda NISA, ayaa horay ugu soo baxay kursiga 067 ee doorash adiisa ay ka dhacday Dhuusamareeb, inkastoo la hakiyay natiijada kursigaas, balse markii dambe la fasaxay.

Cabdullaahi Aadan Kulane, madaxii shaqaala ha ee NISA kana mid ah saraakiisha ugu awo odda badan hay'addaas, ayaa isna u sharaxan mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee taala Galmudug.

Saadaq John

Saadaq John

Galmudug ayaa noqotay deegaanka ay sara akiisha ugu badan ee ciidanka ah ka soo galaan Golaha Shacabka.

Hadaba maxaa ka dhalan kara in saraakiil u badan da' dhexaad inay ku biiraan Golaha Sharci dejinta dalka? Waxaan su'aashaas u bandhignay Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee NISA, ahna falanqeeye arrimaha amniga.

'Khatar weyn ayay leedahay ciidameynta Gola ha Shacabka Soomaaliya. Welibana waa kala yihiin ee nooca ciidan ee Shalay ku biiray baarl amanka iyo qaabka ay ugu uga mid noqdeen ay aa ah mid hoos u dhigi doonta awoodda metelaad ee kuraasta ay ku fadhiyaan," ayuu yiri Cab disalaan.

Waxa uu intaa raaciyay in khibradooda ciidan iyo da'da ay tahay arrin muhiim u ah shaqada loo igmaday.

'Haddii askarta ay ahaan lahaayeen kuwo khibrad badan leh oo da' ah, dhib kama imaan lah ayn oo waxaan filayaa in ay xitaa ka damqasho wanaagsanaan lahaayeen xildhibaannada rayidka ah, balse ragga aan hadda ka hadleyno labaduba ma laha waana kuwo si aan daah-furnayn ku soo qaatay kuraasta," ayuu hadalkiisa raaciyay Cab disalaan Guuleed.

Waxaa jirta dood ah in saraakiisha doonaya xildhibaannimada ay rabaan inay sidaa ku helaan xasaanad baarlamaan, maadaama ay dhici karto in lagu soo oogo dacwado ku aaddan falal dhacay sanadihii la soo dhaafay.

Qodobka 70-aad ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xasaanadda xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka. Wa xaa ku xusan iin xildhibaanka aan la xiri karin iya doo aan oggolaansho laga haysan golaha shacab ka, marka laga reebo in la qabto isaga oo gac maha kula jira fal dembiyeed.

Doorashada xildhibaanadan iyo kuwa kale ee sharaxan ayaa hadal hayn badan ka dhalisay bul shada dhexdeeda iyo waliba saxaafadda, iyada oo xitaa uu jiro kaftan maad ah oo caan ah oo laga sameeyay dadka baarlamaanka soo galaya sanadkan.Gole Ka Hadalka

Inta badan ragga kusoo ciidanka ahaan jirey ee ku soo baxay xildhibaanada ma ahayn kuwa gole ka hadalka lagu yaqiinay, balse sidaas oo ay tah ay waxa ay caan ku noqdeen doorkooda arrimaha ciidanka iyo amniga. Lama oga doorka ay ka ciy aari doonaan baarlamaanka soo socda, iyada oo la ogyahay in baarlamaanku yahay gole shaqa diisa inta badan tahay Gole Ka Hadal iyo dooddo mararka qaar kul kulul.XIGASHO:BBC


Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadal ka soo yeeray Shiinaha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ca alamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Ma xamuud, ayaa sheegay in aanay dawladda Shi inuhu u yeedhin karin dalkiisa cidda ay la yeel anayaan xidhiidh diblomaasiyadeed ka dib markii warbaahinta kula hadlay Twain.

wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo ku gudo jira booqasho rasmi ah oo wefti uu hoggaam inayey ay ku tageen Taiwan, waxa uu jawaab ka bixiyey dawladda Shiinaha oo naqdiday socda alka ay ku tageen Magaalada Taipei ee dalka Taiwan.

Wasiir Ciise Keyd ayaa caddeeyey in Somali land ay dal ahaan dhalatay iyadoo xor ah isla markaana ay xor u tahay cidda ay la yeelanayso iskaashi ganacsi iyo mid diblomaasiyadeed.

Wasiirka Arrimaha dibaddu wuxuu intaas ku daray inay Somaliland la macaamilayso cid kasta oo xushmaysa madax-bannaanida dalkiisa oo do onaysa inay xidhiidh ganacsi yeeshaan iyadoo aan lagu xidhaynin wax shuruud ah.

Muxuu yahay dalabka ay Ilhaan Cumar ho dhigtay Biden ee la xiriira Somalia?

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka Mareynka ayaa qoraal xasaasi ah u dirtay ma amulka Madaxweyne Joe Biden, kaas oo la xiriira xaaladda Soomaaliya, ga ar ahaan cunaqabateyn ta saaran.

Ilhaan ayaa ka dalba tay Joe Biden inuu dib u eegis ku sameeyo cunaq ab teynta la saaray Soo maaliya 2010 iyo 2012-kii.

"Tan iyo markii la saaray cunaqabateyntan, xa aladda Soomaaliya ayaa si weyn isu beddashay,” ayey ku tiri qoraalkeeda Ilhaan Cumar.

Sidoo kale waxay maamul Biden qoraalkan ku weydiisay 5 su’aalood oo la xiriira sida siyaasa dda cunaqabateynta ay u ciyaareyso istiratiijiyad da ballaaran ee Soomaaliya.

Bishii April 13, 2010-kii Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama ayaa soo saaray amar fulineed oo cunaqaba tayn dhaqaale ku soo rogaya dadka ka qayb qaadanaya xaaladda sii xu maanaysa ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan falalka burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Maraykanka ayaa oggolaaday adeegsiga xe erka Awoodaha Dhaqaale ee Degdegga ah ee Caalamiga ah (IEEPA) iyada oo laga jawaabayo khatarta amniga qaranka Mareykanka iyo siyaas adda arrimaha dibadda. Cunaqabateynta ayaa isla markiiba dhaqan gashay.

Cunaqabataynta waxaa kamid ah in shakhsi yaadka ama hay’adaha ku hawlan yahay falal si toos ah ama si dadban u khatar gelinaya nabad da, amniga, ama xasilloonida Soomaaliya, in la gu soo rogo xanibaad ka dhan ah hantidooda Maraykanka u taala.

Imaaraadka Carabta oo soo saaraya mar cu sub oo la xiriira Soomaaliya (Warbixin)

Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan oo ah guddoomiyaha hay’adda Bisha Cas ee Ima araadka ayaa amray in la xoojiyo howlgallada lagu caawinayo dadka ay abaa raha saameeyeen ee Soo maaliya.Amarkan ayaa yi mid kadib markii Sheikh Hamdan uu taleefonka kula had lay ergada hay’adda Bisha Cas ee Im aaraadka ee ku sugan Soomaaliya si ay bar naamijyo ban i’aadaminimo uga fuliyaan gob ollada ay sida darran u saameysay abaarta.

Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda bani’a adaminimo ee Soomaaliya siiyey madaxa erga da Bisha Cas ee Imaaraadka ee ku sugan Soo maaliya Mohamed Khamis Al Kaabi, kaasi oo sidoo kale faah-faahin ka siiyey sida ay howsha gargaarka u socoto illaa hadda.

"Imaaraadka Carabta wax dadaal ah kala ma hari doono caawinta dadka u baahan ee Soomaaliyeed iyo sidii loo horumarin lahaa ade egyadooda iyo noloshooda,” ayuu yiri.

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa illaa hadda ah kan kaliya ee gargaarka soo gaarsiiyey dadka ay abaartu saameysay ee Soomaaliya, ayada oo laba goor ay magaalada Muqdisho yimaade en diyaarado gargaar sida.

Imaaraadka ayaa garga arka billaabay kadib markii uu sidaas ka codsaday ra’ iisul wasaare Maxamed Xu seen Rooble, oo ka raali-geliyey sidii ka baxsaneyd nidaamka diblomaasiyadda ee dowladda federaalka ay ula dhaqantay 2018-kii kadib markii ay garoonka Muqdisho ku la wareegtay lacag ay leeda hay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Rooble ayaa raali-gelintaas kadib tegay dal ka Imaaraadka, waxaana wixii markaas ka dam beeyey soo hagaagayey xiriirka labada dal ee walaalaha ah, oo uu ka dhaxeeyo xiriiri taariikhi ah oo ku dhisan ganacsi iyo dano kale.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ruushka iyo Ukraine

La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykan ka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda diyaar u yihiin "duulaan milateri oo ballaaran” hadalkaas oo u muuqda in Maraykanka uu ka quustay xal laga gaaro xiisadda taagan.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa tilmaamay in duulaanka Ruushka uu dhici karo ka hor 20-ka bishan.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa uusan Ukraine u diri do onin ciidan soo ba dbaadiya muwaadini in ta Maraykanka, had dii uu Ruushka qaado duulaanka.

Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaad ini intooda inay ka baxaan Ukraine, waxaana ka mid ah UK, Canada, Netherlands, Latvia, Jap an iyo Kuuriyada Koonfureed.

Jimcihii, Madaxweynaha Maraykanka ayaa kulan qaab muuqaal ah la yeeshay hogaamiy ayaasha NATO, waxaana ay isla garteen in cu naqabateyn dhaqaale oo baahsan lagu beegs ado Ruushka haddii uu weerarro Ukraine.

Dhanka kale Maraykanka ayaa sheegay in 3,000 oo ciidan dheeraad ah uu u diri doono Poland, kuwaas oo lagu wado inay halkaa gaa raan todobaadka soo socda. Kama dagaallami doonaan Ukraine, balse waxa ay difaaci doon aan dalalka xulafada la ah Maraykanka.

Madaxweyne Biden iyo hogaamiyaha Far ansiiska, Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa in Shalay ay telefoonka kula hadlaan Madaxw eyne Putin.

Xukuumadda Moscow ayaa dalka Belarus ka bilowday dhoolatus milateri oo ballaaran, iya doo Ukraine ay ku eedaysay Ruushka inoo ka xiran dhanka badda. BBC

Apple: Shirkadda Apple oo lagu eedee yey in qalab ay samaysay la isku basaaso

ShirkaddaApple waxa ay qorshaynaysaa in ay soo bandhigto tiro isbedelo ah si ay u ad keyso in aan si khaldan loo isticmaalin ade egga AirTags oo la sheegay in dadka qaar lagu basaaso.

Aaladdan oo cabb irka badhanka oo kale ah waxaa loo gu talagalay inay la shaqeeyaan aala daha shirkadda Appke si loo helo walxaha lumay.

Shirkaddu waxay sheegtay in isbeddellada ay ku samaysay aaladda ay fududayn doonto in la helo calaamadaha shakiga leh, isla marka ana ay hore uga digtoonaadaan isticmaaleyaa sha in AirTag uu la socdo.Bishii Janaayo, tiro haween ah ayaa BBC-da u sheegay in lagu soo raacay isticmaalka AirTags.

Apple ayaa bilaabay barnaamijak AirTags bi shii Abriil ee sannadkii hore. Aaladdan yar wa xaa lagu dhejin karaa shandadda ama furayaa sha - wax kasta oo aad waayi karto.

Laakin aaladaha waxaa si khaldan loogu istic maali karaa in dadka loogu qariyo baabuurta, ama shay gaar ah sida boorsadooda.

Iyada oo qayb ka ah isbeddelada lagaga hor tegayo si xun u isticmaalka, Apple ayaa la she egay in isticmaale kasta oo dejisanaya adeeg ga AirTag markii ugu horeysay uu arki doono fa riin digniin ah, taas oo ah in isticmaalka aaladd an lagula socdo dadka ogolaansho la'aan in ay dambi ka tahay gobolo badan oo adduunka ah.

Hadda, isticmaalayaasha iPhone (iyo isticmaal ayaasha Android ee soo dejisanaya app) wax ay helayaan digniin haddii AirTag aan la garan ayn uu la socdo.Apple ayaa ku dhawaaqday in dadka la ogeysiin doono goor hore in AirTag aan la garanayn ay uu ka ag dhaw yahay, si lo oga hor tago in la isku basaaso.

Marka dadka looga digayo "raadinta aan loo baahnayn" ee AirTag, isticmaalayaasha iPhone 11, iPhone 12, iyo iPhone 13 waxay awoodi doonaan inay isticmaalaan "helitaanka saxda ah", si ay u arkaan masaafada iyo jihada AirTag aan la garanayn marka ay ku jirto kala duwan. Markii hore milkiilaha AirTag kaliya ayaa sameyn kara tan.


OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA



                    VOLVO

OGAYSIIS WAXAAN HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamada-ganacsiga kor ku xusan ay tahay hantida Volvo Trademark Holding AB,A Swedish company, of405 08 Göteborg, SWEDEN.

iyo in calaamad isku mid ah loo isticmaalo badeecadaha soo socda:

Fasalka 12: Baabuurta iyo rarida; Qalabka loogu talagalay in lagu maro dhulka, hawada ama biyaha; Gaadiidka hawada iyo hawada; Gaadiidka dhulka; Gaadiidka biyaha; Qaybaha iyo qalabyada baabuurta; Baabuurta, oo ay ku jiraan baabuurta, basaska, baabuurta isboortiga (oo ay ku jiraan gawaarida golfka), basaska, baabuurta waaweyn, cutubyada cagafyada / kuwa raqiiska ah, gawaarida wadada ka baxda iyo kuwa ka baxa, oo ay ku jiraan qaybaha, iyo qalabka alaabtan aan khuseyn fasalada kale, oo ay ku jiraan chassis baabuurka, maydadka baabuurka, rakibaadaha bireega, calipers-ka bireega, baararka sawir-qaadista, baararka bamper, xajin, mishiinnada, mishiinnada korontada; qaybaha, qaybaha, iyo agabka loogu talagalay baabuurta dhulka, kuwaas oo ah matoorada, mishiinnada korontada, marawaxadaha, matoorada bilowga, matoorada gubashada, qalabka bilowga ee matoorada gubashada gudaha; Sanduuqyada Gearbox/ Gudbinta Gaadiidka Dhulka, Isgaadhsiinta Gaadiidka Dhulka, Gawaarida Kala Duwan ee Gaadiidka Dhulka, Kaxaynta Gawaadhida Dhulka, Kaxaynta Baabuurta Dhulka, Taayirada Baabuurta Dhulka ; faashado loogu talagalay baabuurta dhulka, shafka loogu talagalay baabuurta dhulka iyo isku xirka gaadiidka dhulka, isku xirka mishiinka iyo qaybaha gudbinta ee baabuurta dhulka, qalabka gacanta iyo korantada ee baabuurta dhulka, nidaamka isteerinka korontada ee baabuurta dhulka, Haydarooliga isteerinka baabuurta dhulka, iyo sidoo kale qaybaha walxahan; Qaybaha, oo ay ku jiraan qaybaha, iyo agabyada alaabtan oo aan khusayn fasalada kale, oo ay ku jiraan bambooyinka hawada, aaladaha ka-hortagga dawas-ka-hortagga, aaladaha ka-hortagga tuuganimada iyo alaarmiga, qufullada isteerinka, cutubyada dhaqaajinta baabuurta, is-jiidhyada gawaarida, korantada ka-qaadista, ilo-biyoodyada , nuugayaasha shoogga, marawaxadaha, suunka marawaxada, jaangooyayaasha heerka, xadhkaha, kala goysyada kubbadda; Taayirrada, qaybo ka mid ah, oo ay ku jiraan qaybaha, iyo qalabka alaabtan oo aan khusayn fasallada kale, oo ay ku jiraan giraangiraha taayirrada, gooynta taayirrada, miisaanka dheelitirka taayirrada, rakibidda mishiinka, taangiyada iyo haamaha shidaalka, gaashaammada qaylada injiinka, daboolayaasha ilaalinta, radiatoorrada grilles, solay hore, kaydad dareere ah, qaybo, oo ay ku jiraan qaybaha, iyo qalabyada baabuurta, kuwaas oo kala leexiya, tilmaamayaasha jihada, dillaacsan, dahaarka, gacanta albaabbada, koofiyadaha, geesaha, hubs, koofiyadaha xudunta, wareegyada Haydarooliga, taayirada, qalabka aan skid ee taayirada .

Nidaamyada bareegga ee qufulka, suufka bireega iyo dahaarka bireega, boomaatada, dhoobada/difaacyada, kaabsyada, hababka taabashadu u janjeerto, rogida alaarmiga, qaybo, ay ku jiraan qaybaha, iyo agabka baabuurta, kuwaas oo kala ah kontaroolada makaanikada, fadhiga madaxa ee kuraasta, cududda, albaabada, kuraasta , Kuraasta badbaadada, kuraasta badbaadada shakhsi ahaaneed, kuraasta badbaadada carruurta, miisaska kuraasta, daboolka kursiga, daboolka madaxa, suumanka, qalabka ilaalinta isku dhaca, hababka gargaarka baarkinka, saqafyada silmiya, saqafyada qorraxda, tiirarka isteerinka baabuurta, isteerinka, isku xirka isteerinka, baararka xasilinta, ka joojinta; Qaybaha, oo ay ku jiraan qaybaha, iyo qalabka lagu xidho baabuurta, kuwaas oo kala ah struts, ilaha caleenta, ilaha gariiradda, ilaha hawo ee qaybaha hakinta baabuurka ee barkinta kuraasta darawalka iyo kaabsiyada, labbiska hoos u dhigista, baararka toogashada, baararka jiidaya, daaqadaha, hababka dabaylaha dariishadaha, koronto , muraayadaha hore ee muraayadaha / muraayadaha (sidoo kale muraayadaha badbaadada), muraayadaha / muraayadaha hore ee muraayadaha, hababka qaboojinta ee muraayadaha, masaradaha, muraayadaha daaqadaha baabuurta, muraayadaha darawalnimada, muraayadaha (dib-u-celinta), koofiyada taangiga, qaybaha, qaybaha iyo qalabka baabuurta oo kala ah daboolka koofiyadaha loogu talagalay nalka hore ee dheeraadka ah, xakamaynta shandadaha ee baabuurta, shabaqyada shandadaha, kuwa xamuulka qaada, kuwa taayirrada qaada, kuwa baaskiilka qaada, qaybaha, qaybaha iyo qalabka baabuurta sida kuwa surfboard, kuwa doonyaha qaada, dhoobada-ilaalinta, silsiladaha barafka, muraayadaha xayawaanka, muraayadaha dhagaxyada, kaydinta shaashooyin, saqafyada saqafka iyo barafka barafka, sanaadiiqda qashinka, sanaadiiqda dhigaalka, qolalka qashinka, saqafka gooya, qaswadayaasha, goonnada dhinac iyo gadaal, barkimaha badbaadada, bacaha hawada, Kiisaska burburay, kuwa muraayadaha lagu xidho, hadh cadceedda, kuwa taayirrada taayirrada leh, daboolka taayirrada dheeraadka ah, haashyada baabuurta, qalabka lagu rakibo taleefanka gacanta; Nidaamyada xakamaynta ee lagu rakibo baabuurta, kuwaas oo ah kuwa suunka kiciya, barkinta shilka iyo dareemayaasha; Taayirada, taayirada pneumatic; Xirmooyinka caagga ah ee lagu hagaajinayo tuubooyinka gudaha; Gawaarida carruurta; Dabool qaadista ilmaha; Kuraasta taayirada leh ee loogu talagalay dadka aan shaqayn; Kuraasta ilmaha, dhallaanka iyo ilmaha ee baabuurta; Baaskiiladaha; Rudders, propellers, vanes-ka-goynta, qaybaha isteerinka, isteerinka iyo qalabka lagu xidho doonyaha iyo sidoo kale qaybaha alaabtan.

        Ogaysiis sidoo kale waxa la siinayaa Volvo Trademark Holding AB ay sheeganayso dhammaan xuquuqaha la xidhiidha calaamada ganacsiga ee aynu kor ku soo xusnay ee Soomaaliya, waxaanay qaadi doontaa tallaabo sharci ah oo ku habboon qof kasta ama qof kasta oo lagu helo iyaga oo isticmaalaya calaamadda ganacsiga ee aan kor ku soo sheegnay ama calaamad kasta oo kale oo si khiyaano ah ama la mid ah, ama haddii kale ku xad gudubto. xuquuqdeeda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip