Falaanqeynta Kulanka Southampton Vs Manchester City, Citizens Oo Kulankaan Ciyaareysa Iyagoo Maanka Ku Haya Soo Ceshasada Kaalinat Sadexaad

0
Sunday May 01, 2016 - 11:22:58 in Sports News by
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falaanqeynta Kulanka Southampton Vs Manchester City, Citizens Oo Kulankaan Ciyaareysa Iyagoo Maanka Ku Haya Soo Ceshasada Kaalinat Sadexaad

    Kadib kulan mudnaa in daawashadiisa laga xishooda oo ay Champions league ay soo bandhigeen Manchester City vs Real Madrid, kooxda Citizens ayaa si toos ah ugu laabaneysa kulan muhiim ah oo horyaalka ah iyagoo maanka ku haya in Arsenal ay kaalinta sed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan mudnaa in daawashadiisa laga xishooda oo ay Champions league ay soo bandhigeen Manchester City vs Real Madrid, kooxda Citizens ayaa si toos ah ugu laabaneysa kulan muhiim ah oo horyaalka ah iyagoo maanka ku haya in Arsenal ay kaalinta sedaxaad kala baxday sidoo kalena ay dariskooda Man United ay cadaadis ba'an ku heyso booska ugu danbeeya ee loogu soo baxo Champions League.

Kulanka:Southampton Vs Man City

Garoonka:Etihad

Saacada Geeska Afrika:6:45 daqiiqo

Wararka Labada Koox

Saints oo u tartameysa boosaska loogu soo baxo tartamada yurub ayaa soo dhaweyneysa kooxda kaalinta sadexaad u tartameysa ee Man City kulan muhiim u ah oo go’aamin kara tartanka afarta sare ee horyaalka ingiriiska.

Kubad sameeyaha Man City ee David Silva ayaa dhaawac ku seegi doona kulankaan kadib markii uu dhaawac ku soo gaaray kulankii Madrid, sidoo kaleYaya Toure ayaa tababarka kooxdiisa ku soo laabtay halka Samir Nasri ayaa diyaar u ah kulankaan laakin waxaa la filayaa in Iheanacho inuu ku bilowdo afka hore ku bilowdo kulankii Stoke.

Raheem Sterling ayaa shan gool ka dhaliyay afartiisii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League uu ka horymid Southampton.

Southampton weeraryahankeedaGraziano Pelle ayaa la filayaa inuu kasoo kaco keydka kuna bilowdo kulankaansidoo kale waxaa diyaar ahCharlie Austin, daafacaFlorin Gardosayaa taam ahaansho buuxda ku soo laabtaydiyaarna u ah kulankaan.

southampton-manchester-city-super-sunday_3454854

Ma Ogtahay:

Southampton ayaa adkaatay kaliya hal kamid ah sagaalkii kulan ee u danbeysay ee Premier League ay ka horyimaadeen Man City, waxayna guuldareysteen afartii kulan ee ugu danbeysay waxaana laga dhaliyay 12 mudadaas.

Kulankii hore ee Etihad ee November ayaa ku dhamaaday 31 waxayna City ugu dhaqaaqday kulankaas kaalinta koowaad ee horyaalka

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Southampton:Forster; Martina, Van Dijk, Fonte, Bertrand; Clasie, Wanyama; Mane, Long, Tadic; Pelle

Man City:Hart; Zabaleta, Otamendi, Mangala, Kolarov; Delph, Fernando; Navas, Iheanacho, Sterling; Aguero




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip