Faaqidaada kulanka Ugu Horeeya Horyaalka Ingiriiska Ee Swansea City vs Liverpool, Reds Oo Ciyaareysa Kulan Ay Caro Ka Muujisay Jadwalkiisa

0
Sunday May 01, 2016 - 11:19:44 in Sports News by
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faaqidaada kulanka Ugu Horeeya Horyaalka Ingiriiska Ee Swansea City vs Liverpool, Reds Oo Ciyaareysa Kulan Ay Caro Ka Muujisay Jadwalkiisa

    Swansea City ayaa marti gelineysa naadiga Liverpool kulankii ugu horeyay ee bisha May, Kooxda martida ayaa sagaal dhibcood u jirta kaalinta afaraad iyadoo weli isha ku heysa inay ka sii qayb ahaato loolanka loogu jiro booska Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Swansea City ayaa marti gelineysa naadiga Liverpool kulankii ugu horeyay ee bisha May, Kooxda martida ayaa sagaal dhibcood u jirta kaalinta afaraad iyadoo weli isha ku heysa inay ka sii qayb ahaato loolanka loogu jiro booska Yurub.

Kulanka:Swansea vs Liverpool

Garoonka:Liberty Stadium

Saacada Geeska Afrika:2:00 duhurnimo

Wararka labada Kooxda

Daniel Sturridge ayaa u dabaaldagay goolkii furitaanka kulankii Premier League ka tirsanaa ee u dhaxeeyay labada naadi Liverpool iyo Newcastle United 23-kii April 2016.

Daniel Sturridge ayaa mar kale laga soo tagay kulankii Liverpool ee bartamihii isbuuca, laakiin weeraryahanka ayaa la filayaa inuu shaxda kooxdiisa ku soo laabto Isbuucaan.

Sturridge ayaa dhaliyay afar gool afartii kulan ee u danbeysay ee oo uu ka horyimid Swansea, halka uu sidoo kale dhaliyay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka, oo ay ku jiraan afartii kulan ee la soo dhaafay.

Christian Benteke waxaa uu fadhiyay kursiga keydka ciyaartii Villarreal oo hadana la filayaa inuu keydka kusoo noqon mar kale, halka Philippe Coutinho uu shaki ku jiro.

Mamadou Sakho mar kale ma ciyaari doono xilli ciyaareedkan ka dib markii ay ganaax kusoo rogtay Uefa, halka Divock Origi, Jordan Henderson, Emre Can, Danny Ings iyo Joe Gomez dhamaantood dhaawac ku maqan yihiin.

Swansea, ayaa dhanka kale, waxaa ka maqan labada xidig Leroy Fer iyo Alberto Paloschi oo sabab la xiriira dhaawac muruqa ah ku maqan, iyadoo labaduba la badalay xilligii nasashada kulankii guuldarrada ka soo gaartay isbuucii hore Leicester.

Ciyaartoyda sida Jefferson Montero iyo Ki Sung-Yueng ayaa kursiga keydka laga keenay kulankaas waxaana ay iminka albaabka u soo garaacayaan in lagu soo bilaabo safka hore todobaadkan.

Liverpool-news-vs-Swansea-b

Ma Ogtahay:

Liverpool ayaa badisay shantii kulan ee ugu danbeysay ee labadan kooxood is arkaan, oo lagama badin sideed kulan ay ka horyinaadaan Swansea , iyagoo badiyey lix ka mid ah laba kulanna barbaro galeen.

Swansea ayaa hal mar un ka badisay kulan Premier League ah, guushaas oo ay ku gaareen Liberty Stadium bishii May sannadii 2013 xiligaas oo goolka kaliya ee ciyaarta uu dhaliyay Danny Graham.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Koox:

Swansea:Fabianski; Rangel, Fernandez, Williams, Taylor; Cork, Britton, Ki, Sigurdsson, Montero; Ayew

Liverpool:Mignolet; Randall, Skrtel, Toure, Moreno; Stewart, Allen, Lucas; Ibe, Sturridge, Lallana




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip