Suuqa Kale Iibsiga: Claudio Ranieri Oo William Carvalho U Arka Bedelka Xidiga La Isku Heysto Ee N'Golo Kante

0
Sunday May 01, 2016 - 11:18:45 in Sports News by
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuqa Kale Iibsiga: Claudio Ranieri Oo William Carvalho U Arka Bedelka Xidiga La Isku Heysto Ee N'Golo Kante

    Leicester ayaa isha ku hayso in ay soo qaadato xidiga cajiibka ah ee William Carvalho haddii N'Golo Kante uu ka tago kooxda xagaagan, sida ay qortay jariirada The sun ee kasoo baxda dalka ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Leicester ayaa isha ku hayso in ay soo qaadato xidiga cajiibka ah ee William Carvalho haddii N'Golo Kante uu ka tago kooxda xagaagan, sida ay qortay jariirada The sun ee kasoo baxda dalka ingiriiska.

Kante oo 25-sanno jir ah, ayaa fure u ahaa naadiga Foxes xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League duufaanta ku soo galay.

Burburiyaha khadka dhexe ayaa kaliya £5.4 milayan oo pound kaga soo dhaqaaqay kooxda Caen bishii August ee la soo dhaafay waxaana u imaanayay dalabyo weyn dhowr koox oo ka dhisan Yurub xagaagan.

Tababaraha King Power ee Claudio Ranieri ayaa isku diyaarinaya inuu u dhaqaaqo xiddiga kooxda Sporting Lisbon ee Carvalho isagoo u arka bedelka ugu macquulsan ee Kante.

Willam carvalho

Xiddiga reer Portugal ayaa si joogta ah loola xiriirinayay Arsenal iyo Manchester United xilli ciyaareedyadii u danbeeyay laakiin uma aysan hirgalin inuu u dhaqaaqo, isla labadaan dhinac ayaana la rumeysan yahay inay isha ku hayaan Kante, xiddiga reer France ayaa lagu heli karaa wax ka yar £ 20m ka hor xilli ciyaareedka soo socda.

United ayaa sidoo kale qarka u saaran inay u dhaqaaqo xidiga Benfica Renato Sanches, halka Gunners ay ku jiraan naadiyada ugu cadcad ee doonaya xiddiga Borussia Moenchengladbach Granit Xhaka.

Ranieri ayaa diyaar u ah inuu ka faa’iideysato fursadii uu ugu dambeyntii ku keeni lahaa 24-sano jirkaan ree Portugal dhanka kooxdiisa Leicester.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip