Daalka Ciyaartooyda Barcelona Oo Halkeeda Ka Sii Socda Iyo Sadex Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Barcelona Guusha Ka Gaartay Real Betis

0
Sunday May 01, 2016 - 11:17:34 in Sports News by
  • Visits: 615
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daalka Ciyaartooyda Barcelona Oo Halkeeda Ka Sii Socda Iyo Sadex Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Ay Barcelona Guusha Ka Gaartay Real Betis

    Barcelona ayaa dib uga soo ceshastay Atletico de Madrid hogaanka horyaalka La Liga kadib markii ay guul ka gaareen kooxda Real Bets oo ay marti u ahaayeen waxyana ku soo garaaceen labo gool oo aan jawaab laheyn waxaana u dhaliyay Rakitic iyo Suarez,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa dib uga soo ceshastay Atletico de Madrid hogaanka horyaalka La Liga kadib markii ay guul ka gaareen kooxda Real Bets oo ay marti u ahaayeen waxyana ku soo garaaceen labo gool oo aan jawaab laheyn waxaana u dhaliyay Rakitic iyo Suarez, hadaba nala wadaag waxyaabihii aan ka baranay kulankaas.

Luis Enrique Wuxuu Wali Ciyaarsiinayaan Koox Daalan:

Waxaa garoonka ku jiray xidigihii ugu fiicnaa ee kooxda, ma jirin xidig ganaax, dhaawac ama nasiino ku maqnaan kulankaan, mana jirin sabab uu ciyaartooyda kooxda ee waa weyn uu ka soo tago maadaama aysan jirin wax kale oo ay dagaalamayaan taas badalkeedana ay horyaalka tartan adag ugu jiraan oo hadi ay sibxadaan hubaal tahay iney seegaan, hadana Barca ma aysan aheyn Barca, waxaa jirtay kala daadsanaan sidoo kale waxaa ka muuqatay kooxda daal, macalinka ka soo jeeda jasiirada Austras ayaa u baahan inuu ka taxadaro taam ahaanshaha ciyaartooydiisa.

Luis-Enrique

CasaankiiHeiko WestermannWuxuu Badalay Ciyaarta.

Marka xaqiiqi laga hadlo, Betis waxay ciyaarta ku bilaabatay si wanaagsan, waxay awood u yeesheen iney dagaalamaan, laakinHeiko Westermannayaa si nacasnimo ah oo aan loo baahneyn u dilay Ivan Rakitic, ma jirin fursad gool aheyd uu ka badbaadinayay mana jirin darbo halis aheyd uu ridi rabay mana jirin sabab keentay in xidiga khadka dhexe ee Barca dhulka soo dhigo,Heiko Westermannoo intaas dhanba aan eegin ayaa miraheeda gurtay lagana saaray ciyaarta bartamihii qeybtii koowaad ee ciyaarta, kooxdiisa ayaana dareentay dhibaatada ay leedahay in lala ciyaaro koox kamid ah kuwii ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta isakaba daa adinkoo 10 nin kaliya ah oo ay qof ku dheer yihiin.

Dhibaatada Qeybta Koowaad Heysata Barcelona Oo Sii Socota

Barcelona waa kooxda ugu cadcad hanashada horyaalka La Liga, hubaal xaq ayeey u leeyihiin maadaama aysan ku duceysaneyn in koox heblo ay dhibco qasaariso si ay hogaanka u qabato, hadana wali waxay dhibtoonayaan qeybta koowaad, hadii kulan waliba oo horyaalka ah uu ku dhamaan lahaa sida uu ugu dhamaaday qeybta koowaad waxay SAGAAL dhibcood ka danbeyn lahaayeen Real Madrid, waxyaabaha tan lagu eedeyn karo ma aha kaliya qaab ciyaareed xumada Barca laakin sidoo kale waxaa lagu aaneyn karaa qorshe ciyaareedka iyo tamarta kooxaha kasoo horjeeds Barcelona oo adag ilaa daqiiqada 60aad kadibna ku daala is adkeynta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip