HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA FEB. 2022-KA

0
Thursday February 10, 2022 - 09:17:05 in Wararka by
  • Visits: 599
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA FEB. 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Rooble oo dalab hordhigay safiirka SACU UDIGA oo uu Shalay la kulmay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay da njiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Ca rabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Mux amed Saalix Almuwalad.

Kulanka Rooble iyo Safiirka Sacuudiga ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba da dal iyo sidii Abaaraha wax loogu qaban lahaa.

"Ra’isul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Roob le ayaa xafiiskiisa ku qaa bilay safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Mu xamed Saalix Almuwalad oo ay ka wada hadl een xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wa siirka koowaad ee Xukuumadda.

Dhinaca kale, kale Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Muwalad ayaa ka wada hadlay xaalad da abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowlad da Sacuudigu uga qeyb qaadan lahayd gurmad lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, sida lagu yiri qoraalka ka soo bax ay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka uu Rooble uu la yeeshay Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumad da Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuse en Rooble uu kulamo looga hadlayo gurmadka ab aaraha uu la yeeshay qaar ka mid ah Gana csa tada, Culumada iyo Safiirada waddamada Caa lamka ee u fadhiya Soomaaliya.

Shan sano kadib arrinta ugu weyn ‘ee lagu xusuusto’ madaxweyne FARMAAJO

Danjire Maxamed Caalim oo kamid ah dad ka ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaa liya oo ka hadlay 5-ta sano ee u buuxsantay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, ayaa sheegay in Farmaa jo uu ku tuntay dowladn ima dii Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ar rinta u weyn ee lagu xa suusan doono intii uu jog ay Villa Somalia ay tahay dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF, loona dhiibay dowladda Itoobiya.

"Shan sano ee uu joogay Maxamed Cabdul laahi Farmaajo kiiskii ugu xumaa wuxuu ahaa dhiibistii muwaadin Qalbi-Dhagax, wuxuuna ga cantiisa ku burburiyay siyaasadii arrimaha dib edda, golihii garsoorka, ururadii bulshada iyo dowladnimadii,” ayuu yiri.

Tallabada uu Farmaajo xiligaas ku dhiibay Qalbi Dhagax waxaa dhawaan khalad ku tilm aamay Golaha Wasiirada uu hogaamiyo Ro oble, ayaga oo meesha ka saarayna in ururkii ONLF ee uu ka tirsanaa loo aqoonsado arga gixiso.

Sidoo kale waxa uu ku eedeyay madaxweyn aha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu ku fa shilmay wada-hadaladii Somaliland ee Somal iya, uuna qaaday tallaabooyin sii fogeyna ya maamulkaas.

"Waqti la yiraahdo shan sano iyo afar sano kale ayaa la dooranaya (Farmaa jo) meesha ka ma banaana. Shantaas sano ee aheyd 8-dii Fe braayo ee 2017-ka farxxadii iyo soo dhaweyntii la soo dhaweeyay illa Shalay waxaa dhex ta ala dadka Soomaaliyeed colaad iyo dhaqaale xumo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in rabi taanada madaxweynaha muddo xileedkiisu dha maaday ay dalka galiyeen xaalado halis ah, isa ga oo ku guul-darreystay dhammaan nidaamkii dowladnimada.

Farmaajo ayaa muddo xileedkiisa wuxuu dhamaaday sanad ka hor, muddadaas Sooma aliya ma aheyn dal xasilan, saddex jeer waxaa uu ka kacay heshiisyo doorasho, labo jeer ayuu inqilaab isku dayey, mar uu 2 sano ku darsad ay iyo mar uu ra’iisul wasaare Rooble u diiday xafiiska.

Heshiiska uu Guudlaawe la galay beesha Xa waadle oo la sheegay inaanu aheyn sida loo yiri

Caaqil Muumin Gariig oo la hadlay warbaa hinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay he shiiskii Dorraad la shaaciyay inay wada gar een Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Gu udlaawe Xuseen iyo Beesha Xawaadle.

Caaqilka ayaa sheegay in Odayaasha he shiiska la galay Cali Guudlaawe ay yihiin kuwa hore u taageersanaa oo uu Dorraad la kulm ay, ha se yeeshe ays an aheyn kuwii tabash ada ka qabay maamul kiisa.

"Qofka marka uu mas’uul yahay waa laga fiican yahay in uu xoog adeegsado oo meel ku tago, xoogna meel fog tagi maayo, Dorraad wax aa maqlayay Odayaal inta la xareeyay kuwii ta ageerayaasha ahaana la reebtay, markaa kuwii laga reebtay iyaga ayaa war laga rabaa,” ayuu yiri.

"Awood ayaa ku sheeganaya ma shaqeynay so taas ogaada, Nin rag ah gadaashada laga ma dayo ee garabkaga laga daya. Dadkana wa xaa u hormaray dad jaahiliin ah ee ha iska qab taan.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay in uu rabo in xiisada taagan si daah-furan loo wada-hadlo, oo aysan dhibaato dhicin, islamarkaana aan aw ood la isku maquunin.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in doora shooyinka ka socda dalka ay noqdaan kuwa musharaxiinta lagu dooranayo waxqabad, oo aan lagu soo saareyn laalush, sida inta badan ka dhacday doorashooyinka.

"Hala tashto oo Soomaalinimo ha la muuj iyo oo dagaalada ha la joojiyo oo ha la wa da-hadalo, hala wada-heshiiyo ma dooneyno daga al iyo bur, qofkii la qaban waayana ha la yiraah do qofkaas qabta.”

Hadalka Caaqil Muumin ayaa imanaya xilli ay Dorraad madaxtooyada HirShabelle shaacis ay inay heshiiyeen Odayaasha dhaqanka bee sha Xawaadle iyo madaxweyne Guudlaawe oo in ka badan sanad ay u diidanaayeen inuu tago magaaladaas."Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tab ashadii iyo diidmadii ay ka qabeen Dowladda, iyagoona ku balamay in Shalay wixii ka dam beeyo laga sha qeeyo midnimada iyo wadajirka Dowladnima da,”ayaa lagu yiri qoraalka Madax toyada Hir Shabelle.

Qarax xoogan oo ka dhacay Boosaaso iyo dhimasho iyo dhaawac badan oo jira

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegay in halkaas uu ka dhacay qarax xooggan oo sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Qaraxa ayaa lala beegsaday meherad nooca loo yaqaano Merfish ay fariistan dadka qayila, taasi oo ku taalla bartamaha magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay fadhiyeen dad isugu jira shacab iyo askar.

Inta la xaqiijiyay illaa hadda waxaa ku geeriyooday qaraxaas saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen 10 qof oo kale.

Mas’uuliyada qaraxa ayaa durtadiiba waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab, oo ayadu inta badan qaraxyada ka fulisa dalka.

Boosaaso ayaa amnigeeda uu sii xumaanayay, tan iyo markii ay soo bilaabay xiisadii ka dhaxeysay xukuumadda Saciid Deni iyo saraakiisha sar-sare ee hay’adda PSF-ta ee maamulkaas.

17-ka bishii hore ayay aheyd markii labo qarax lagu weeraray laba shirkadood oo ku yaalla bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad goboleedka Puntland.

Weerarka koowaad oo ahaa bam ayaa xiligaas waxaa lagu tuuray xarunta shirkad lagu magcaabo Al-Najax, waxaana ku dhaawacmay hal ruux, halka qaraxa labaad lagu weeraray xarun ay leedahay shirkad kale oo la yiraahdo Muwaafaq.Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga magaaladaas oo ka mid ah goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacdo doorashada.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Amray in gurmad la gaarsiiyo dadka abaarta saameysay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirsha beelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaas Yuusuf Ax med Hagar ayaa Shalay kulan la qaatay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaa sha Degmooyin ka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kul ankaan warbixin uga dhagey stay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyin ka iyagoo ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga barxiyay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolka si gurmad deg deg ah loogu sameeyo deegaan ada ugu daran ee abaaruhu ka jiraan.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in gurm ad biyo dhaamin iyo gargaar la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka ay abaaraha ka jiraan.Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn faray Maamulka Gobolka in si deg deg ah uga shaq eeyaan amniga iyo xasilinta Magaalada Beledw eyne si looga hortago kuwa geysanaya fallaka

amni darro.

Akhriso:-Magacyada Xildhibaanada Cusub Ee Shalay Lagu Doortay Magaalada Baraawe

Waxaa Shalay Magaalada Baraawe ee Caa simadda rasmiga ee Maamulka Koonfur Gal beed ka dhacday doorashada kuraastii ugu hor reeysay ee doorashada Golaha Shacabka Baa rlamaanka 11-aad ee deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas.

Doorashada kursiga Hop-165 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Saalim Cal iyoow Ibrow iyo Aadan Cismaan Xasan, waxaa na doorashada kusoo baxay Saalim Caliyoow oo helay 70 Cod, halka Musharaxiin kale ee Aadan Cismaan uu helay 15 Cod.

Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ku guuleys tay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-161 ee Xu binnimada Golaha Shacabka Baarlamaanka, isagoo helay Codad gaaraya 80Cod, halka Musharaxii la tartamayay Cabdullaahi Xuseen Faarax uu isna heley 7 Cod.

Doorashada kursiga tirsgiisu yahay Hop-044 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta Ma ryan Maxamed Cali iyo Faadumo Xasan Cum ar, isla markaana waxaa doorashada kusoo ba xday Maryan Maxamed oo heshay 73 Cod, halka Faadumo Xasan ay heshay 10 Cod.

Kursiga Hop-016 ayaa waxaa kusoo ba xay Xuseen Cali Xaaji oo helay 81 Cod, wa xaana doorashada kula tartamay Ismaciil Xus een Axmed oo isna helay 10 Cod, Doorasha da kursiga Hop-152 ayaa waxaa ku guuleys tay Cabdullaahi Cumar Abshirow oo helay 83 Cod halka Musharaxii la tartamaysay Axmed Xasan Geedi uu isna heley 16-cod.

Doorashada kursiga Hop-153 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Farxiya Ma xamed Cabdi iyo Anisa Maxamed Xasan, isla markaana waxaa kusoo baxday kursigaas Far xiya Maxamed oo heshay 88 Cod, halka Anisa ay heshay 12 Cod.

Kursiga Hop-151 ee ugu dambeeyay doora shadiisa Shalay ka dhacday Magaalada Bar aawe ayaa waxaa ku guuleystay Cabdullaahi Xuseen Cali oo helay 78 Cod, halka Mushara xii la tart amayey Mahad Ali Ahmed uu isna he ley 17 Cod.

Maxaa kasoo baxay kulankii madaxweynaha Taiwan iyo wafdiga ka socda Somaliland?

Taiwan iyo Somaliland ayaa ballaarinaya xir iirkooda dhaqaale iyo midka siyaasadeed, inka sta oo ay yihiin labada dowl adood ee ugu go’doon dibl omaasiyadeedka badan caa lamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Ciise Kayd ayaa Shalay la kulmay madaxwe ynaha Taiwan Tsai Ing-wen, wuxuuna sheegay in booqa shadiisa Taipei "ay muujiney so go’aanka iyo adkeysiga aan wadaagno ee aan ku ballaari neyno kuna dheereyneyo saaxi ibtinima deena, iskaashige ena oo aan ku gaa rsiineyso heer sare oo faa’I ido u wada leh laba deena dal.”

Madaxweyne Tsai ayaa ku tilShalayy xiriirka mid ka mid ah guulihii diblomaasiyadeed ee u gu weynaa ee maamulkeeda. Somaliland oo sheegtay inay Soomaaliya ka go’aday 1991-kii ayaan wax xiriir diblom aasiy adeed ah la lah eyn dal kale. Taiwan oo si iskeed ah isku maa musha, bal se China ay sheegtao inay ka mid tahay, ayaa xiriir diblomaasi la leh 14 dal, balse waxay xi riiro aan toos aheyn oo xooggan la leedahay Mareykanka iyo inta badan dalalka caalamka.

Waxay xiriir rasmi ah la leedahay kaliya hal dal oo African ah oo ah boqortooyada Eswatini, oo horey loogu yaqiin magaca Swaziland.

Jubaland oo magacowday guddi uu hogga aminayo wasiir Cabdirashiid JananJub aland oo magacowday guddi uu hoggaaminayo wasiir Cabdirashiid Janan

Taiwan ayaa safaarad ka furatay caasima dda Somaliland ee Hargeysa bishii August 2020, halka Somaliland ay xafiis matalaad ka furatay Taipei 9-kii September ee isla sanadk aas.

Taiwan iyo Somaliland-ba aqoonsi kama ha ystaan QM, balse Ciise Kayd wuxuu she egay in taasi aanay meesha ka saareyn xuqu uqda ay Somaliland u leedahay inay hesho siyaasad arrimo dibadadeed oo madax-ban aan.

"Qaran madax-banaan ahaan, xuquuqda So maliland ay u leedahay xiriir dibadeed nabad ah oo saaxiibtinimo oo ay la yeelato dhamma an dalalka caalamka waxaa lagu ilaaliyey xeer ka caalamiga ah,” ayuu Kayd u sheegay wa ka aladda wararka Taiwan ee CNA.

Kayd ayaa hoggaaminaya wafti wasiiro ah oo ka socda Somaliland oo ku sugan Taipei, waxeyna labada dhinac amaaneyn iskaashig ooda sii koraya ee arrimaha beeraha, kalluum eysiga, waxbarashada iyo tamarta.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibed da Shiinaha Zhao Lijian oo ku sugan Bei jing ayaa dowladda xisbiga DPP ee Taiwan ku eedeeyey "dab hurin iyo waxyeeleynta madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee dalalka kale.”

"Tani cidna kama faa’iideyso waxayna dhalin doontaa un inay ayada un is dhaawacdo,” ayuu yiri Zhao. AP + VOA

Madaxweynayaasha Jabuuti & Masar oo ka wada hadlay Arrinta Wabiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa la kulmay dhig giisa Jabuuti, taas oo qayb ka ah dadaallada Masar ay ku doonaysay in ay ku dhisato isba haysi Afrikaan ah iyadoo uu weli socdo muranka biy aha ee kala dhexeeya Ito obiya.

Wadahadallada oo ka dhacay Magaalada Qaahira ayaa Abdel Fattah el-Sissi iyo Ismail Omar Geelle ka wada had leen biyo-xireenka muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ka dhiseyso marinka ugu weyn ee we biga Niil, kaas oo Masar u aragto inay tahay khatar jirta.

Shir jaraa’id oo uu qabtau hogaamiyaha Masar ayaa ku celiyay dalabka dowladiisa ee ah in la gaaro "heshiis sharci ah oo ku saabsan buuxinta iyo ka shaqeyntaWabiga, sida uu qa bo xeerarka sharciga caalamiga ah iyo go’aa mada Golaha Ammaanka.”Geelle waxa uu she egay in isaga iyo dhiggiisa Masar ay sidoo kale ka wadahadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labadooda dowladood "heer kasta ayna wadaa geen aragti ku saabsan labada dal, sidoo kale na isla garteen muhiimadda ay leedahay in xi riirka labada dal uu ye esho waji cusub.

Booqashada Geelle ee Qaahira ayaa ku soo beegantay in ka badan siddeed bilood ka dib markii el-Sissi uu booqasho ku tagay dalka Jab uuti, isaga oo noqdayhoggaamiyihii ugu horre eyay ee Masar ee ka degay Jabuuti tan iyo ma rkii ay ku dhawaaqday madaxbannaa nida 1977-kii.

Mareykanka oo xayiraado kusoo rogay qaar ka mid ah madaxda Soomaalida

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhowaaqay soo saar ista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa ho rey uga soo qabtay Soomaal iya, oo lagu ee deeyey inay mas ’uul ka yihiin waxyeeleynta hana anka dimoq raadiyadda So omaaliya.Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri "Shalay, ayada oo ay ku beegan tahay san ad-guuradii 1aad ee marka uu muddo xile ed ka ka dhammaa day madaxweynaha Soomaali ya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qar anka qeybtiisa 212(a)(3)(C), ka asi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Sooma ali ya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’ uul ka yihiin waxy eeleynta hanaanka dimoqraa diyadda Sooma aliya.”

Blinken ayaa sheegaya in shakhsiyaadkaas ay rabshado u adeegsanayaan dibad-baxayaa sha, ay xirayaan ama cabsi gelinayaan suxufiyii nta iyo xubnaha mucaaradka, ayna boobayaan hanaanka doorashada dalka.

Waxa uu intaas ku daray in xubnaha qoysaska shakhsiyaadkaas ay sidoo kale saameyn karto xanibaaddan.

"Siyaasaddan ayaa lagu dabaqi doonaa xubno kaalin firfircoon ka qaatay hanaan khiyaameyn ku dhisan oo lagu sameeyey hanaanka doorashada Soomaaliya ama ku guuldarrey stay inay gutaan waajibaadkooda ah inay doo rasho hufan ku fuliyaan waqtigeeda, ama beeg saday suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ay aga oo handadaya, cabsi gelinaya, xiraya ama la beegsanaya rabshado kale,” ayuu yiri.

Blinken ma shaacin magcayada shakhsiy aadkan iyo goorta ay hirgaleyso siyaasadda la gu beegsaday. "Hoggaamiyayaasha qaranka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya waa inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkooda ah inay doo rashada Golaha Shacabka dhameeyaan kahor 25-ka Febraayo, taasi oo dhabbaha u xaari ka rta hanaan dowladeed firfircoon oo ay Sooma aliya yeelato,” ayuu yiri Blinken.

"Dowladda Mareykanka waxay si buuxda u taageereysa shacabka Soomaaliya, waxaana naga go’an inaan kala shaqeyno sare u qaadi dda dimoqraadiyadda iyo barwaaqada labadee na dal.” Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marey kan ka ayaa sheegay in waddada ugu wanaag san ee Soomaaliya ay ku joogteyn karto nabad ay tahay in si deg deg loo soo geba-gebeeyo

hanaanka doorashooyinka.

Ciidanka dowladda oo looga digay inay taageeraan musharrax gaar ah

Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka dhulka xooga dalka Soomaaliyeed Janeraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedisho ayaa Shalay Dardaaran ujeediyay Ciidamada Guutada 5aad Qeybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka, wax aana Taliyihu uga digay Ciidamada qalabka sida si gaar ah Qeybta 27 aad inay kumilmaan saaxa da siyaasadda Soomaaliya.

Taliyaha Qeybta ayaa Cii da mada u sheegay inay u sha qeeyaan Qaranka Soomaaliyeed islamar kaa na ay ka fogaadaan wax walba oo wax u dhim aya qaranimada iyo Dowladnimada Dalka.

Sidoo kale waxaa Ciidamada la faray inay ka Digtoonaadaan inay taageeraan Musharax gaar ah, gaar ahaan Xubnaha xildoonka ah ee imaanaya Gobalka Hiiraan iyagoo isticmaalaya diriiska Ciidamada Qalabka sida

Kormeerkaan iyo Kulankaan wacya-galinta ah ee Taliyaha Qeybta 27aad ee Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed uu Shalay ugu tegay Ciidamadaan ka Tirsan Guutada 5aad ee Qeybta 27aad waxaa Ku wahlinayay Taliyaha Guutada 5aad Korneel Baakay iyo Saraakiil ka Tirsan Qeybta 27aad ee XDS.

Qorshaha uu Cabdullaahi Kulane u tagay Dhuusamareeb

Cabdullaahi Aadan Kulane oo kamid ah sar aakiisha sare ee NISA ayaa Shalay gaaray ma gaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gob oleedka Galmudug.

Kulane oo ka yimid dhanka Caabudwaaq oo maalmihii dambe uu ku sugna ayaa waxaa Dhuusam areeb ku soo dhaweeyay ciida mo iyo gaadiid fara badan oo ay ku jira an kuwa dagaalka, waxaana la dejiyay gudaha magaalada Cabdullaahi Kulane oo kamid xulafada Farmaajo Fahad Yaasiin, Agaa simihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sir doonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amn iga Qaranka ee Farmaajo ayaa magaalada Dhuusamareeb u tagay doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka.

Kulane ayaa u sharaxan kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#040, kaasi oo ay hadda ku fadhido Xildhibaanad Nafiiso Faarax Jaamac.

Musharaxnimada Kulane ayaa waxaa la fahamsan yahay inay qeyb ka tahay qorshe uje edkiisu yahay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo saaro saraakiil ka tirsan NISA, si ay ku helaan xasaanad, kaasi oo uu qeyb ka yah ay Fahad Yaasiin.

Taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA Yaas iin Cabdullaahi Farey ayaa horey xulafada Far maajo iyo Fahad ugu guuleysteen inay u boob aan kursiga HOP#067, arrintaasi oo mar dhali say xaalada hubanti la’aan ah.

Si kastaba, Kursiga uu isku soo taagayo Ku lane ayaa waxa uu kamid yahay kuraas uu gud diga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug uu shaaciyay 5-tii bishaan, waxaana lagu wadaa in doorashadiisu qabsoomto toddo baadka soo socda.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Amray in gurmad la gaarsiiyo dadka abaarta saameysay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu weh liyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaas Yu usuf Axmed Hagar ayaa Shalay kulan la qa atay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Gudoomiyaasha Degmooyin ka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulan kaan warbixin uga dhageystay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan de gmooyinka iyagoo ka warbixiyay xaaladaha nol oleed ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.

gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga barxiyay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolka si gurmad deg deg ah loogu sameeyo deegaa nada ugu daran ee abaaruhu ka jiraan.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in gurm ad biyo dhaamin iyo gargaar la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka ay abaaraha ka jiraan.Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn faray Maamulka Gobolka in si deg deg ah uga sha qeeyaan amniga iyo xasilinta Magaalada Beled weyne si looga hortago kuwa geysanaya falla ka amni darro.

CC Shakuur oo si rasmi ah u xaqiijiyey arrin muddo la hadal hayey

Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee So omaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan kursi kamid ah Gol aha Shacabka.C/raxmaan Cabdishakuur ayaa galankii dambe ee Shalay gaaray ma gaala da Dhuusama reeb ee xarunta ma amul ka Dhuusamar eeb, halkaasi oo si weyn ugu soo dhaw eeyen Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaa sha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ay uu Cabdiraxmaan ku shaaciyay musharaxnima diisa, wuxuuna ku yiri "Waxaan u tartamayaa mid ka mid kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Waxaan rajaynayaa doora sho hufnaan iyo daahfurnaan leh.”

Waxa kale oo qoraalkiisa ku yiri "Waxaan si mug leh ugu mahadcelinayaa wasiirrada, xildhi baannada heer Federaal iyo dowlad goboleed, masuuliyiinta degmada, qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha iyo odayaasha dhaq anka ee sida miisaanka iyo milgaha leh ii soo dhoweeyey.”

Inkasta oo uu sheegin Cabdiraxmaan tirsiga kursiga uu isku soo taagay ee Golaha Shacab ka, ayaa haddana waxaa ogaanay in kursigaas uu tirsigiisu yahay HOP#138, kaasi oo uu had da ku fadhiyo Xildhibaan Saciid Nuur Qayliye (Siciid Giriish). HOP#138 ayaa kamid ah kuraas uu guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Ga lmudug uu shaaciyay 5-tii bishaan, waxaana la gu wadaa in doorashadiisa la qabto toddobaad ka soo socda.

Cabdiraxmaan oo ah siyaasi si weyn uga soo horjeeda madaxweynaha muddo xileedkii su dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaa jo ayaa waxa uu cadaadis badan kala kulma yaa Villa Somalia oo rabta inay dhaafiso kursig aas, inkasta oo uu kalsooni ka haysto beesha.

Qoor-Qoor oo si toos ah ugu xiran Villa So malia ayaa la sheegay in lagu qasbayo inuu sa meeyo dariiq walba oo Cabdiraxmaan Cabdis hakuur lagu dhaafin karo kursigaan, balse ar rinta aan la dhaafi karin waa inaan kursigaan loo sameyn karin Ergo been ah oo aan la boobi karin.

Kursigaan ayaa wuxuu ku jiraa kuraasta dab ka ku ah madaxweyne Qoor-Qoor ee dhallin ka ra xiisadaha Amni, haddii la isku dayo in la bo obo.

Inkastoo la sheegay in reerka isku raaceen in kursigaan la siiyo Cabdiraxmaan, haddana musharixiinta kale ee kursigaan raadinayo wax aa kamid ah Xasan Cadde, Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde, Nin wasiir ka ah Koonfur Galbeed iyo xildhibaanka hadda ku fadhiya kur siga Saciid Nuur Giriish.

Maxaa Looga Hadlay Kulan Xalay Golaha Wadatashiga Qaran Ay Yeesheen?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaa lka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xus een Rooble ayaa xalay guddoomiyay kulan Gol aha Wadatashiga Qaranka ku yeesheen aala da fogaan arraga ah ee ZOOM-ka.

Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaas adda dalka gaar ahaan tan amniga iyo dhamm eystirka howlaha doorashooyinka Golaha Sha cabka Baarlamaanka 11-aad oo ka socota maa mul Goboleedyada.

Waxaa kaloo kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka looga arrinsaday wax ka qabashada xaaladda abaaraha baahsan iyo biyo la’aanta jirta, kuwaasi oo saameeyn ballaaran ku yeesh ay qoysas farabadan oo kunool deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka.

Golaha Wadatashiga ayaa isla gartay dard ar-gelinta howlaha doorashooyinka Golaha Sha cabka, maadaama maalmo kooban ay ka hars an yihiin waqtigii lagu heshiiyay in lagu soo ga ba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aheyd 25-ka bishaan Febraayo.

Kulanka xalay ayaa ku soo beegmay, saac ado kaddib markii Xoghayaha Arrimaha Dibad da Mareykanka uu soo saaray qarar xayiraado safar dal ku galka ah lagu soo rogay shaqsiya adka mas’uulka ka ahaa tallaabooyinka ka dha nka ah Geeddi socodka dimoqraadiyadda oo ay ku jiraan xarig aan caddaalad ahayn, caga-jugleyn loo geysto suxufiyiinta iyo xubnaha muc aaradka, iyo ku-takri-falka iyo isdaba-marinta doorashada.


General Odowaa Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Qadar

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sooma aliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Xaf iiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dowlada Qa tar u jooga Soomaaliya Danjire Xasan Xamza Assad.

Kulankan ayay labada mas’uul waxa ay ug aga wadahadleen xoojinka xiriirka labada dhi nac iyo dardargelinta taageerada ciidanka xoog ga dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saa ray xoojinta iyo tayeynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.d

Taliye Odowaa ayaa safiirrka la wadaagay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in la dhiso awood ciidan oo tayo leh si buuxdana ula wareega sugida amniga guud ee dalka Soo maaliya.

Wasaarada Waxbarashada K/G oo war la yaableh kasoo saartay doorashada Baraawe

Wasaaradda waxbarashada dowlad gobo leedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war la yaableh oo lama filaan noqday kasoo saar tay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shac abka oo Shalay ka dhaceyso magaalada Bar aawe ee gobolka Sh/Hoose.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa waxaa sii gaar ah looga hadlay kursiga tirsigi isa uu yahay HOP#160 oo ay u sharraxan yihi in Maxamed Yuusuf Xasan oo ah wasiirka wax barashada dowlad gobaleed Koonfur Galbeed iyo Mudane Cali Abuubakar Maxamed.

Wasaaradda ayaa hambalyo horudhac ah usii dirtay wasiir Maxamed Yuusuf oo Shalay u tartamaya kursigan, kaas oo lasoo warinayo in si gaar ah loogu xiray.

"Dhamaan masuuliyiinta, Agaasimayaasha iyo Howl wadeenada Wasaaradda Waxbarasha da Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soo maaliya waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dir ayaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mohamed Yusuf Hassan, oo Shalay la gadoonsiiyay shahaada diisa musharaxnimo isaga oo utartamayo kur siga HOP# 160 deegaan doorashadiisu tahay Baraawe.” ayaa lagu yiri qoraalka.

dhacdadan ayaa ah mid dhif iyo naadir ah, kuna cusub siyaasadda, gaar ahaan doorasha da Soomaaliya oo ah mid dadban, isla-mar kaana laga soo calaameeyey khaladaad fara badan.

Si kastaba kursigaan la filayo inuu ku soo baxo wasiirka waxbarashada dowlad goboleed ka Koonfur Galbeed waxaa horey ugu fadhiyey, gaar ahaan Baarlamaankii 10-aad Xildhibaan Nuur Siidow Baaba, kaas oo gebi ahaan laga reebay tartanka, loona diiday doorashada.

Hoobiyeyaal

Khasaaro Geystay Oo Lagu Garaacay Baraawe

Tiro madaafiic ah ayaa waxaa Shalay lagu garaacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada ee degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasnoo ay ka socoto doorashada Golaha Shacabka, waxaana ka dhashay khas aaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaafiicda ayaa ku dhac day goobo ay ku sugnaayeen dad Shacab ah, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal Ruux halka Saddex Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

wariyeyaal ku sugan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Risaala u sheegay in khalqal Amni siweyn looga daree may degmada Baraawe, isla markaana ay saameyn ku yeesheen hoobiyeyaasha.

Xaaladda degmada Baraawe ayaa gashay muddo saacado ah jawi kale xilli halkaasi Shalay ay ka socoto doorashada 7 kamid ah

Wararkii ugu dambeeyey ee ciidamada Itoo biya oo duqeyn culus ku billaabay Mekelle

Wararka ka imaanaya magaalada Mekelle ee degaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa she egaya in duqaymo dhanka cirka ah oo ay ay fuliyeen ciidamada cirka ee Itoobiya ay ka dha ceen magaalada Mekelle.

Duqayntan ayay ciidamada cirku u adeegsa deen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, wax aana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare badan.

Duqayntan Shalay ka dhacday magaalada Mekelle ayaa kusoo hagaagtay iyadoo Afh ayeenka TPLF Getachow Reda uu Shalay she egay in haddii xal kama dambays ah la helin ay qaadi doonaan hawlgallo adag.

Wali waxaan joogsan dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, iyadoo haatan uu dagaalku u badan yahay dhanka de gaanka Canfarta, oo ay ka barakaceen shacab aad u tiro badan, kuwaas oo ka cararaya daga alada u dhaxeeya TPLF iyo ciidanka gaarka ah ee degaanka Canfarta.

Dagaalka Itoobiya oo socdo ku dhawaad hal sano ayaan weli wax natiijo ah laga gaarin, waxaana muuqata hadda inuu fashilmay wada-hadaladii u dhaxeeyey dhinacyada is haya.

Xiisadda udhaxeysa dowladda Federaalka iyo gobolka Tigrayga ee ay hogaamiso kooxda TPLF ayaa bilaabatay kadib markii raiisul was aare Abiy uu xukunka qabtay bishii April 2018.

TPLF oo mar awood badneed oo maamuli jirtay dowlada in kabadan 27 sannadood, wax aa booska ka saaray Abiy Axmed.

Saddexdii bishii Nofember 2020 ayay ciid amada amniga ee gobolka Tigray ay weerar een saldhigyada ciidammada qaranka ee Tig ray Abiy wuxuu ku dhawaaqay khilaafka daba ya aqadii bishii Nofeembar, balse dagaalka wuxuu socday tan iyo markii la qabtay doorashooyinka qaran ee 21 Juun.

Dunida Oo Ku Jahwareersan Tallaabada Uu Qaadi Doono Putin

Tobanaan kun oo ciidamada Ruushka ah ay aa la geeyay meel u dhow xudduudda Ukraine; iyadoo ay sii kordhayaan hadallada lidka ku ah reer galbeedka ee Moscow, mi yaa loo fasiran karaa in tralla abadani ay tahay horudhac dag aal.

Si la mid ah inta badan saxafi yiinta ajnabiga ah ee ku sugan Moscow, waxaan haystaa taleef oon lambarka xafiiska warbaahinta ee Aqalka Kremlin-ka ba lse waxa aan haysan ayaa ah kha dtoos ah oo ku xiran maskaxda Vladimir Putin oo aan ka og aan kara qorshahiisa dhabta ah.

Malaha isaga oo kaliya ayaa garanaya waxa qorshihiisu yahay. Haatan gudaha iyo dibadda ba, qof kastaaba waa uu qiyaasayaa qorshihii sa, balse waxyaabaha qaar waa ay cad yihiin.

Waddooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran & doorasho dhaceysa

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka xiran qaar kamid ah wa ddooyinka ugu muhiimsan ee Caas imadda Sooma aliya ee Muqdisho.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadi isa kala duwan ayaa xiray dhinaca wadada Jubba laga soo bilaabo agagaarka Guriga Max amed Dhee re ilaa Isgoyska Ceelgaabta.

Ciidamada ayaa u diidaya Gaadiidka noocy adiisa kala duwan inay u soo gudbaan dhama an waddooyinka gala dugsiga tababarka Jane raal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab ee Go bolka Banaadir.

Sababaha waddooyinka saaka loo xiray ayaa lagu sheegay in Maanta Guddiga hirgeli nta doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland in Dugsiga tababarka Booliska ee Janeraal Kaahiye ku qabanayaan doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa maalmihii la soo dhaafay ku how lanaa diiwaangelinta musharrixiinta Shanta ku rsi ee doorashadooda Maanta dhaceyso, kuwa as oo kala ah.

1. Hop#240 oo ay ku fadhiso Suri Diiriye Carab.

2. Hop#241 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdiris aaq Daahir Maxamuud.

3. Hop#263 oo dhowrkii sano ee la soo dhaa fay uu ku fadhiyo Muuse Saciid Jaamac

4. Hop#271 oo uu ku fadhiyo Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye

5. Hop#205 oo ay ku fadhiso Sahro Cabduqa adir Cabdiraxmaan

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobola da Waqooyi ee Somaliland ayaa horay Muqdi sho ugu qabtay doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka, sidoo kalena dhawaan ay qaban soonaan doorashada kuraas kale


MALXIIS, XAL MIYAA MISE XARAASH?


Soomaaliya waxaa haatan ka socota do orasho loogu magac daray mid Dadban, taas oo lagu soo xulayo xubnaha Golaha Shacabka, ayada oo ay jiraan khaladaad laga soo wariyey hanaanka doorashada.

Warbixintan waxaan ku eegi doonaa Sheeko laga diyaariyey doorashada oo laga sii day eyTelefishin ka Universal, gaar ahaan Ruwaay adda Guuxa Dadweynaha oo ay ku jiraan jila yaal caan ah oo si dhab ah u metalay qaabka ay u socoto doorashada baarlamaanka federal ka ah ee Somalia.

Sheekadan ayaa soo koobeysa nuxurka doo rashada, waxayna faham badan ka bixineysaa, sida ay u socota doorashada, gaar ahaan boo bka lagu hayo kuraasta Golaha Shacabka.

Inta badan waxa ay jilayaashu diiraadda saar een tartanka musharixiinta, ergada iyo waxa xiiso beelka ku ridday doorashada socota.

Cabduqaadir Abahaa oo ka mid ah jilaayaasha caanka ah, isla-markaana door weyn ku leh Ru waayadda, kuna metalaya dhanka isku daba ridka ergada, isaga oo u dhexeeya musharixiin ta iyo odayaasha dhaqanka ee soo xulaya er gada ayaa ku gor-gor tamaya inuu keenayo er go aanan aheyn tan beesha kursiga, kuna rabo qiimo aad u jaban.

"Malxiis lacag la’aan yaa rabo? Qiimo jaban soo baxa, yaa doonaayo? xildhibaan aad lacag la’aan ku heleyso, laakiin qiimo jaban lacag yar ayaa dhiibeysaa,” ayuu yiri Cabduqaadir Aba haa oo ka mid ah jilayeyaasha Sheekada.

Sidoo kale Ruwaayadda ayaa waxaa kasoo muuqday koox kale oo isugu jirto Gabdho iyo Wiilal metalayey ergada wax dooraneyso, kuwa as oo hal goob la’isugu keenay, si ay u code yaan, waxaana ay qariyeen magacyadooda sa xda ah, ayada oo loogu yeerayey magacyo kale oo been abuur ah, sida Xuseen Abdow Is aaq, Buuxow Balaq Xuseen, Khadiijo Cabdiyow Buruudle, Safiyo IdilJawaan iyo Xasan Baroodo Muruq, taas oo loogala jeedo sida ay ergada doorashada u bedashaan magacyadooda, una qariyaan wejiyadooda.

Dhinaca kale waxaa Ruwaayaddan ka dha shay falcelin xoog leh, ayada oo dadweyne fara badan ay ka aragti dhiibteen, ayaga oo is bar bar dhigaya Sheekada iyo Doorashada.

"Waa tan hadda ina haysata wayaan allow Nab ad caadil keen,” ayuu yiri Cabduqaadir Xasan Barrow oo ka mid ah dhalinyarada isticmaasha Facebook ee ka falceliyey Sheekada.

Sharmaa’arke Axmed oo sidoo kale ka mid ah dhalinyarada ka aragti dhiibtay Sheekadaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, sida ay haatan wax u socdaan iyo doorashada, wux uuna sheegay in tani ay dhaawaceyso mustaq balka dalkeena iyo jiilka dambe.

"Waa wax laga xumaado runtii waayo waa xaqiiqada dalkeena kajirta… mustaqbalka dalk eena iyo jiilka dambe sidaan lagu afduubaya. Allow wadanka noo hagaaji oo aduunka kale nala tartan sii,” ayuu ku yiri Sharmaa’arke qora al uu soo dhigay qaybta Commentiga.


BOGGA CAYAARAHA


MAXAY HELAYAAN XULKA KU GUULEYSTA KOOBKA AFRIKA ?

Abaalmarinadan ayaa waxaa gudoonsiiyay madaxwaynaha SenegalDowlad da Senegal ayaa abaal-marin lacageed iyo mid dhul gudoonsiisay cayaartooyda xulka qaranka ee dalkaasi u soo hoyiyay ko obka qaranada qaaradda Afrika.

Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtoo yada ayaa ciyaaryahan kasta waxaa la gud oonsiiyay abaal-marin lacageed oo dhan in ka badan 87,000 oo dollar .

Waxaa sidoo kale ciyaartooyda dhul laga siiyay caasimadda Dakar iyo deegaanka Dianiyadiyo oo daris la ah caasimadda.

Madaxweyne Mackie Sal waxa uu kooxdaasi guddoonsiiyey abaal-marintii ugu sarraysay ee uu dalku bixiyo.

Madaxweynaha ayaa mar sii horeysay uga mahadceliyey kooxda sharafta ay dalka u soo hoyiyeen iyo in ay noqdeen horyaalka Afrika.

Waxaa uu sidoo kale madaxwaynaha ammaanay tababaraha xulka qaranka Senegal Aliou Cissé. Tababaraha Senegal, Aliou Cissé, waxay guul u tah ay isku daygii saddexaad ee finalka Koobka Qaramada Midoobay.

45-jirkan ayaa kabtanka u ahaa kooxda Teranga Lions markii ay ku dhameys teen kaalinta labaad sanadkii 2002-dii, wuxuuna xilligaa uu qasaariyey rigoore tu uristii Cameroon waxa uuna kursiga keydka ku jiray 2019-kii.

Sadio Mane muxuu ka yiri guusha Senegal?

Buundo fududeysay isu gudubka Gambia iyo Senegal

SADIO MANE: Cayaaryahanka xulka Senegal iyo kooxda Liverpool

Waxa uu guusha u hibeeyey asxaabtiisa ka hor intii aanu shirkiisa jaraa'id qaban ciyaarta ka dib oo ay kooxdiisu joojin dabbaaldegga.

Xulka Senegal ayaa rigoorayaal 4-2 uga adkaaday xulka Masar, iyagoo noqday markii ugu horreysay taariikhda hantay koobka Afrika. Xulka qaranka Senegal

Xigashada Sawirka,Anadolu Agency

Qoraalka sawirka, Xulka qaranka Senegal Dadka ree Senegal ayaa farxad iyo reynreyn ku soo dhaweeyay kooxda markii ay dalka dib ugu soo laabteen iyga oo sida koobka kubadda cagta ee Afrika.

Waxaa dalkaasi iyo guud ahaan caalamkaba si aad ah looga hadal hayaa laacibka wayn ee reer Senegal Sadio Mane

Xiddiggan wuxuu shabaqa uu ku hubsaday rigooraha guusha u horseeday dalkiisa uu ka dhaliyey Masar, isaga oo qaybti hore ee ciy aarta laga diiday rigoore iyada oo marki da mbana ay ciyaarti Axadda oo wakhti dheeri ah lagu daray ay ku dhammaatay 0-0.

Dalka Senegal ee Galbeedka Afrika ku yaalla waxay ku guul darreysteen laba koob oo kubadda cagta ah, iyada oo seddex sano ka hor ay Algeria isku soo har een ugu dambeyntina 1-0 looga guuleystay.

Qiimaha lacageed ee la siinayo kooxda ku guuleysata koobka Afrika

Qiimaha lacageed ee la siinayo kooxda dalka ku guleysta koobka kubadda cagta ee qaranada qaaradda Afrika ayaa sii kordhayay sanad-ba sanadka ka dambeeya. Sanadkan dalka Senegaal oo koobka ku guuleystay waxa ay helayaan lacag dhan 5 milyan oo doolar.

Kooxdii ay ciyaartii kama dambeysta ahaa wada dheeleen ee Masar ayaan qudhooda qadi doonin oo waxaa ay helayaan abaalmarin lacageed oo dhan 2.75 milyan oo doolar.

Sidoo kale labadii kooxood ee soo gaaray nus-dhamaadka oo kala ahaa Burkina Faso iyo Cameroon ayaa waxaa ay helayaan 2.2 milyan midkiiba.

Kooxihii soo gaaray rubac dhamaadka tartanka koobka qaramada qaaradda Afrika oo kala ahaa Gambia, Tunisia, Morocco and Equatorial Guinea ayaa wa xaa ay helayaan abaal-marin lacageed oo dhan 1.8 milyan oo doola XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip