MUSAARICO: Hordhaca WWE Payback 2016: Wax Kasta Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Bandhiggaan Caawa Dhici Doona

0
Sunday May 01, 2016 - 11:07:42 in Sports News by
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUSAARICO: Hordhaca WWE Payback 2016: Wax Kasta Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Bandhiggaan Caawa Dhici Doona

    Bandhigga loogu magac darayWWE Paybackayaa la qaban doonaa 1da bisha soo aadan ee May oo ku beegan habeen Axad ah, iyadoo taageereyaashu ciyaaraha musaaricadu ay sugayaan inay arkaan dhacdo ka duwan kuwii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bandhigga loogu magac darayWWE Paybackayaa la qaban doonaa 1da bisha soo aadan ee May oo ku beegan habeen Axad ah, iyadoo taageereyaashu ciyaaraha musaaricadu ay sugayaan inay arkaan dhacdo ka duwan kuwii hore.

Bandhiggaan ayaa si hordhaca ah u bilaaban doona 2am (sideed saac oo habeennimo) xilliga geeska Africa, waxaana lagu furi doonaa ciyaar u dhexeysa Dean Ambrose iyo Chris Jericho.

3

Waxaana xusid mudan inuu bandhigga weyn bilaaban doono 3am xilliga geeska Africa.BandhiggaWWE Payback 2016ayaa waxaa lagu qaban doonaa garoonka Allstate Arena, oo dhaca magaalada Chicago ee dalka Mareykanka.

Dhacdadaan ayaa soo raaceysa bandhiggii ugu weyn ee musaaricadaWrestleMania 32, oo la qabtay horraantii bishaan April, sidaas darteed waa muhiim dhacdadaani maadaama ay shirkaddaani ku jirto marxalad khaatiyaan ah.

Ciyaarta ugu weyn ee lagu madalsan yahay waxay u dhexeysaa legdanyahanka aadka loo jecel yahay AJ Styles oo suunkaWWE World Heavyweight Championshipkula tartami doona ninka heysta horyaalka ee Roman Reigns. Waxaana intaas sii dheer inay Enzo Amore iyo Colin Cassady ay laba guul u jiraan inay qaadaan ciyaaraha isla jirka eeWwe Tag Team Champions.

Cesaro oo dhaawac kasoo laabtay ayaana u tartami doona koobka Intercontinental Championship oo uu heysto The Miz, kaasoo suunkaan kusoo qaadayWrestleMania 32.

Dhammaan ciyaarahaani waxay dhacayaan hal habeen iyadoo taageereyaashu ay sugayaan inay arkaan kooxdii ugu shacbiyadda badneyd ciyaaraha New Japan Pro Wrestling ee The Bullet Club, oo markoodii ugu horreysay kasoo muuqan doona bandhig WWE ah.

Maalin cusub ayey u tahay WWE. Taasoo la micno ah in wacdaro laga sugayo ciyaarahaPayback.Iyadoo shirkaddu ay u caddeyneyso taageereyaasheeda inay weli soo saari karaan xirfadleyaal cajiib ah oo intooda badan kasoo qalin jebiyey akadeemiyadaNXT.

Sidoo kale waa xilligii ayWWEmuujin lahaayeen inay shirkaddu hore u socon karto la’aanta John Cena.

Cena malaha weji aad loo jecel yahay ayuu ka yahay shirkaddaan, balse ma ahan shaqsiga keliya ee loo soo daawasho tago, waxaana kusoo hoos baxaya tayo aan indhaha laga qarsan karin sida Roman Reigns, oo haatan ah guriga awoodda isla markaana ah shaqsi ay jecel yihiin taageereyaashu, balse waxaa markasta kasoo horjeeda qoyska isla leh shirkaddaan ahna maamulka WWE (The Authority) iyadoo ay xusid mudan tahay inuu suunka ka qaaday Triple H bandhiggii ugu weynaa taariikhdaWWE ee WrestleMania 32.

KULAMADA UGU XIISAHA BADAN WWE PAYBACK 2016

Sami Zayn vs. Kevin Owens– Waa ciyaar kala reebto ah iyadoo labadaan legdan yahan ay iskula soo dheceen bandhiggii WrestleMania 32, ka dib markii uu Zayn sabab u noqday inuu Owens waayo suunkii horyaaka qaaradaha ee WWE.Zayn-Owens

Charlotte vs. Natalya –*Labadaan hablood waxay ku dagaalami doonaan suunka WWE Women’s Championship, waxaana xusid mudan inuu Charlotte garab istaagi doono sidii ay aalaaba aheyd aabaheed ahna halyeeyga musaaricada Ric Flair, halka Natalya uu garab istaagi doono aabaheed oo isna halyeey la ixtiraamo ka ah WWE oo lagu magacaabo Bret Hart.

2

Enzo Amore iyo Colin Cassady vs. The Vaudevillains (Aiden English iyo Simon Gotch)– Ciyaartaan iskooxeysiga ah ayaa waxaa kooxdii badisa loo aqoonsan doonaa kooxda u sharaxan suunankaWWE Tag TeamChampionship oo ay haatan heystaan kooxda New Day.

1

AJ Styles vs. Roman Reigns– Ciyaarta ugu kulul bandhiggaan waxay dhexmari doontaa tartame AJ iyo horyaalka WWE ee waqtigaan Reigns.

4





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip