HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 9-KA FEBRAYO 2022-KA

0
Wednesday February 09, 2022 - 08:55:35 in Wararka by
  • Visits: 543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 9-KA FEBRAYO 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo guddoo miyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xus een Rooble ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddo omiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooy inka heer Federaal Maxamed Cawil Warsame.

Kulanka ayaa waxay uga wada-hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa habsami u socodka doorashooyin ka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo ka soco ta magaalada Muqdisho iyo maamulada dalka.

Sidoo kale waxaa kulank aan diirada lagu saaray sidii ay guddi ga qeyb uga noqon la haayeen huf naanta doorasha da, maadama ay qabtaan dac wadaha iyo cabasho oyinka ka dhasha doorashada.

"Kulanka wuxuu ku saabsanaa is xog-waraysi ku saabsan arrimaha doorashada iyo sidii loo dardarg elin lahaa habsami u socodka, huf naanta iyo daahf urnaanta doorashada,” ayaa lagu yrii qoraal ka soo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaad ka Doorashooyin ka heer Federaal

Guddiga Xalinta Khilaafaad ka Doorashooyin ka ayaa ah gu ddi laf dhabar u ah doora shada waana guddiga ugu dambeeya ee go’aan ka gaaraya Natii jada doorashada Xildhibaanada la doortay.

Guddiga ayaa dhawaan doortay guddoon cusub, ayada oo Maxamed loo doortay guddoomiye, wuxuu na ka mid ahaa xubnihii uu Rooble ku beddalay tod obadii xubnood ee uu horay uga saaray Guddiga Xallinta.

Doorashada Goloha Shacabka oo weli kasii soc ota dalka ayaa lagu wadaa in la soo gabo-gabeeyo 25 Febraayo 2022, oo ay shirkii u dambeeyay ee do orashada ku go’aamiyeen madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Xasan oo shaaciyay arrin keentay inuu mark ale u tartamayo xilka madaxweyne

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Goob joog ayaa sheegay in markale uu iskugu soo taagay xilka u sareeya dalka, si meeshii uu Dorraad soo ga arsiiyay uu uga sii wado.

Waxa uu sheegay in dowladdii

ka dambeysay ee uu ho gaaminay ay madaxweyn aha muddo xileed kiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka gaabisay waxyaabo badan oo u baahna in ho re loo sii wado.

"Marka arkay meeshii aan ka tagay iyo siday tah ay waa qaba in markale aan dadka Soomaaliyeed aan weydiisto in aan qabto waxa ii muuqdo, Dorraad waxba qabtay meel ayaa dowladnimada soo gaarsi iyay, meeshii in laga sii wado oo meel kale la gaarsi iyo ayaa rabnay, waxaa aamisanahayna meeshii la ma gaarsiin,” ayuu yiri.

"Qori iyo xoog ma wato dadka Soomaaliyeed ay ay u taalla, aniga oo Madaxweyne ah ayaa laguma dooran la igu yiri ayaa xilka si nadiif ah u wareejiyay, marka aniga oo Madaxweyne aheyn haddii la i yir aahdo laguma dooran inta ayaa ka baxa inta dhaho waa Mahadsan-tihiin.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladii ka dambeysay ku dhaliilay inaysan dowladnimada kasii amba-qaadin halkii uu u ga tagay, ayna ku mashquuleen dano gaar ah iyo xi faaltamo siyaasadeed.

Waxa uu sheegayna in doorashada madaxtinim ada ee la filayo inay qabsoomto ay halbeeg u noqon doonto middii hore ee uu qabtay, taasi oo lagaga guuleystay, uuna kusoo baxay Maxamed C/hi Far maajo.

Ugu dambeyntiina waxa uu bulshada Soomaaliy eed ka dalbaday inay ku kadsoomin maran habaa binta ay xulafada Farmaajo ka wadaan baraha bul shada, midaasi oo ay ku bixiso dhaqaale badan. Sidoo kale waxuu dilkaan dhacay iyadoo Shalay ay odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle la heshiiy een madaxweyne Cali Guudlaawe oo in ka badan sanad ay u diidanaayeen inuu tago magaaladaas.

Xukuumadda Somaliya oo Hay’adda IOM kala hadashay xal u helida Abaaraha

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xuk uumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ug aas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa Shalay xafiiska ku qaabbilay wafdi ka socday hay’adda caalamiga ah ee Socdaalka IOM,iyadoo wafdigaa uu hoggaamina yay Agaasi maha Bariga iyo Geeska Afrika ee IOM, Mudane Maxamed Abdikheer.

Wasiirka iyo wafdiga ay aa wada-hadal ay yeesheen, waxaa diirrada lagu sa aray xal u helida caqabadaha shaqo iyo socdaal ee ay wajahayaan dhallinyada Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale kullanka baaq loogu diray ganacsatada iyo qurba-joogta si looga mira-dhaliyo dadaallada la gu gaarayo fursado horumarin.

Waxaa kalo laga hadlay taageerrada, xaaladaha abaaraha ee dalka ka jira, dadka ku barakacay gud aha dalka iyo qaxootiga ku soo guryo noqonaya dalka.

" IOM waxay ka mid tahay hay’adaha wada shaqayn ta aan la leenahay, doorka horumarinta ee bulshada oo ay uga horreeyaan dhallinyarada in la dardargal iyo ayaa muhiimad inoo leh.” ayuu yiri Wasiir Cab diwahaab.

Md.Maxamed Abdikheer, Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda IOM ayaa ka mahad cel iyay wada shaqaynta iyo dadaallada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu sidoo kale la wadaagay wasiirka marti-qaad shir heer wasiirro ah oo looga hadlayo arrimaha socdaalka iyo wax ka qabashada xaaladaha shaqo yari ee waddamada gobolka.

"Waxaan sidoo kale ka wada-hadalnay inaan xo ojinno xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumar inta fulinta qorshaha qaranka.” ayuu ku daray Maxa med Abdikheer.

Kulanka waxaa goobjoog u ahaa Agaasimaha Gu ud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. C/hi Maxamed Cali, Wakiilka Hay’ada IOM u qa abilsan arimaha Soomaaliya iyo saraakiil kale oo hay’adda ka tirsan.

Diyaarad sida gargaar kala duwan oo soo gaart ay Muqdisho

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Diyaarad si day Agab gar gaar oo loogu talagalay dadka ay sa ameysay abaarta ka soo dajisay garoonka diy aaraha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdi sho.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo ay horkaceysay Wasiirka Gargaarka, maareynta & mu siibooyinka Khadiijo Diiriye ayaa tegay Garoonka diy aaradaha Aadan-Cadde, iyaga oo halkaasi kula war eegay deeqda ka timid Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Gargaarka, maareynta & musiibooyinka Khadiijo Diiriye ayaa uga mahad celisay gurmadka gargaarka ah oo ay soo gaaraiisay Soomaaliya dowl adda Imaaraadka Carabta, iyada oo sheegtay in ay kusoo beegantay xilli loo baahnaa.

Waxaa ay hadalkeeda ay intaasi ku dartay in weli dalka meelo badan oo kamid ah ay ka jirto aba arta, waxaayna ugu baaqday cid kasta oo caawin karta Soomaaliya gudaha iyo dibadda inay gurmad la soo gaaraan.

Waa deeqdii labaad oo dowladda Imaaraadka Carabta ay keento Soomaaliya, waxaana 7-dii Bishii la soo dhaafay ee Janaayo Imaaraadka Carabta ay Muqdisho keentay deeq gargaar ah, iyada oo xilli gaas Ra’iisul Wasaare Rooble uu sheefay in imaa raadka loo celinayo lacagtii Garoonka Aadan-Cadde loogala wareegay sanadkii 2018-kii.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Waxgarad ka Beesha Xawaadle oo heshiis horudhac ah ku gaaray magaalada Baledweyne

Waxaa Shalay heshiis horudhac ah ku gaaray magaalada Baledweyne Waxgaradka Beesha Xa waadle iyo madaxda ugu sareysa maamulka Hirsh abeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Madaxweyne Guudlaawe oo maamulkiisa taba sho balaaran ay ka qabeen Beesha Xawaadle mudo 13 bilood ah, islamarkaana ay u diidanayeen inuu Baledweyne tago ayaa Shalay heshiis hordhac ah la gaaray Beesha Xawaadle, isagoona balan qaaday in maamulkiisa uu diyaar la yahay wax walba oo ay tabaneysay beesha in la siiyo.

"Waxaan Shalay kulan qiimo badan la qaatay odayaasha nabadoonada iyo waxgaradka beesha xawaadle oo aan kala hadlay tabasha ay ka qabeen Dowladda Hirshabeelle. Waxaan heshiis rasmi ah ka gaarnay tabashii ay qabeen anigoo ka aqbalay dha maan qodobadii ay iisoo jeediyeen, waxaana ku bal anay in Shalay kadib aan ka wada shaqeyno mid nimada iyo wadajirka Dowladda Hirshabeelle" ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Inkastoo Hirshabeelle ay sheegtay iney heshiis horudhac ah la gaartay Beesha Xawaadle hadana ma jirto qodobo rasmi ah oo cadeynaya heshiiska ay wada gaareen Waxgaradka Beesha Xawaadle iyo madaxda aare ee maamulka Hirshabeelle, hayee shee waxay shaaciyeen in madaxweyne Guudlaawe uu aqbalay wax walba oo ay tabasho ka aheyd Bee sha Xawaadle.

Laba maalin ka hor ayay aheyd markii madaxw eyne Guudlaawe si awood ciidan ah lagu geeyay Bal edweyne, waxaana kulankaan uu ahaa kii ugu horeeyay ee si fool ka fool ah u dhexmara madaxw eynaha Hirshabeelle iyo Waxgaradka Beesha Xaw aadle.

Kooxo hubeysan oo Nabadoon ku dilay Beledw eyne

Allaha u Naxariistee waxaa Shalay Magaa lada Baladweyne lagu dilay Nabadoon Cabdi Xus een Coloow oo kamid ahaa Odayaasha dhaqanka Baladweyne.

Nabadoonka ayaa lagu dilay Xaafada Buundo we yn ee Magaalada Balad weyne.

Dilka Nabadoonka ayaa waxaa fuliyay koox bas too lado ku hubeysnaa ku waas oo dilka kadib goo bta iskaga baxsaday.

Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu dil ku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.


PROF DHALXA:- intii aan qof dulmin lahaa, aniga ha la i dulmiyo"

Guddiga hirgelinta doorashada heer dawlad gob olleed SEIT Ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray liiska musharaxiinta u tartamaysa 13 kursi oo door ashadooda lagu wado inay ka dhacdo magaalada Baraawe.

13 kursi ayaa waxaa ku tartami doona 26 mur ashax oo u taagan in ay ka mid noqdaan baarlam aanka 11-aad ee federaalka.

Kursiga sumadiisu tahay Hop080 ayaa waxa sida ay guddiga shaa ciyeen waxaa isu diinwaan geli yey Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaan Jibriil, wax aana sidaas meesha uga baxay Prof, Dalxa.

ursiga tirsigiisu yahay Hop#080 waxaa muddo ka badan 15 sano ku soo fadhiyay Prof Maxamed Cum ar Dhalxa.

Muxuu ka yiri Prof Dhalxa

Prof Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in hab-raacii loo baahnaa aaan loo marin tartanka kursigii uu isaga horey ugu fadhiyay.

Waxaa uu intaa ku daray in odeyaashii saxda ah aa ee beeshiisa aan talada laga qayb galin isalmark ana ay dad kale howsha wataan.

"Odayashii sharciga ahaa ee beeshu ay lahayd si da suldaanka iyo nabad doonka guud iyo labadii bu lshada rayidka kuwiiba lama aqbalin," ayuu yiri Prof Dhalxa.

Xildhibaan Dhalxa ayaa xusay in ergada kursiga imika dooranaysa ay yihiin kuwa uu soo gudbiyay musharaxa sida uu sheegay "kursiga loo xiray".

"Ninka meesha loo waday ee ah nimanka mee sha loo xiray ayaa rag uu gudbistay ayaa loo shaaci yay oona lagu tilmaamay dadkii soo xuli lahaa erg ada dooranaysa xildhibaankooda," ayuu intaa diray Prof Dhalxa.

Prof Dhalxa ayaa farta ku fiiqay in uu musharax yahay iyo in kale aanba la isla gaarin oo kursigii be ehsiisa horey-ba go'aan looga gaaray oo uu jiro "qof gaar ah oo lala doonayay".

"La islama gaarin aniga ama aan is sharaxo ama aan ka baaqdo, ninkaas ayay messhu u shidnayd isaga ayaana lala jeclaa, qofkii la jeclaaday iyo dad kii ay isku afgarteen sidii ay iyaga la ahayd ayay wax u sameeyn tii ilaahy-na waa halkeda, qof in la ma gacaabo ay ka go'nayd ayuu ahaa waan magaca awdeen," ayuu yiri.

Prof Maxamed Cumar Dhalxa ayaa xusay in uusan isaga doonayn in u noqdo qofkii wax dulmin la haa islamarkana uu ku faraxsan yahay in uu dul mane noqdo.

"Aniga waxaan ku faraxsanahay in la i dulmiyo , hadiiba ay dhaceyso kii wax dulmiyay in aanan no qon oo barito aan ilaah subxaanahu watacaalaa la hortageyn oo markaas aan qofkii la dumiyay aan noqdo," ayuu yiri Prof Dhalxa.

Taariikh kooban Prof Dhalxa

Prof Maxamed Cumar Dhalxa waxaa uu 15 sano ee ugu dambeysay ku soo jiray siyaasadda Sooma aliya.

Waxaa uu mar soo noqoday gudoomiya ku xige enkii 1-aad ee baarlamaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Prof Dhalxa ayaa waxaa uu ku dhashay maga lada Walaweyn ee gobolka Shabeelada hoose, halk aasi oo waxbarashadiisii dugsiga hoose dhexe uu ku soo qaatay.

Prof Dhalxa ayaa waxbarashadiisii dugsiga sare uu ku qaatay magaalada Muqdisho.

Markii uu dhameeyay waxbarshadiisii dugsiga sare waxaa uu ku biiray jaamacadda Umadda isaga oo ka qalinjabiyay kulliyada luuqadaha, halkaasi oo markii dambe uu sidoo kale macalin ka noday.

Prof Dhalxa ayaa sidoo kale waxaa uu wax ku soo bartay jaamacadaha dalka Sudan. Marka laga soo ta go dhanka siyaasadda iyo waxbarshada Prof Dhalxa waxaa uu sidoo kale ka mid yahay fanaaniinta Soo maaliyeed saga oo qaaday dhowr hees oo ay ka mid tahay heesta uu caanka ku yahay ee Shankaroon.

Diiwaangelinta musharrixiinta kuraasta Golaha Shacabka oo ka bilaabaneysa Baraawe

Shalay ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Baraawe oo ah Caasimadda dowlad Goboleedka Ko onfur Galbeed ka billaawdaan diiwaangelinta mush arrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shac abka ee Ba arlam aan ka Soomaaliya.

Musharixiinta ayaa ka qe yb galeysa doorashada 7 kursi ee ugu horreeyay ee doorashadooda lagu qabanayo degmada Baraawe, kuwaas oo kamid ah 13-ka Kursi oo guddiga doorashooyinka Koonfur Gal beed ay shaaciyeen in doorashadooda la qabanayo.

Magaalada Baraawe ayaa waxaa kusii qul qulaya madax kala duwan iyo mushar rixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo Shalay kamid noqon doona xubnaha is diiwaangelin doo na.

Maalinta Berito oo Arbaco ah ayaa dehmada Ba raawe lagu qabanayaa doorashada 7 kursi halka Ma alinta xigta ee khamiista la qabanayo doorashada lix kursi oo kamid ah 13-ka kursi ee guddiga doorashoo yinka Koonfur Galbeed horay u shaaciyeen.

Puntland oo Amartay in la toogto qofkii lagu qabto Maandooriyaha Khamriga

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Musug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Sanyare ayaa sheegay inay ka maamul ahaan qaati ka taagan yihiin maan dooriyaha khamriga oo siweyn loogu iibinayo meelo kamid ah Gobolka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta ku la hadlay Magaalada Gaalkacyo wux uu sheegay in Khamriga ugu badan uu Gobolka Mudug kasoo galo dhinaca dowlad degaanka Soomalida Itoobiya, wuxuuna ku baaqay labada Shacab ee Gobolka Mu dug & dowlad degaanka inay ka hortagaan kham rigaas.

Wuxuu uga digay dadka kunool degaannada Gobolka Mudug isticmaalka iyo ka Ganacsiga maandooriyaha Khamriga, isaga oo amray in la toogto qofkii lagu qabto khamriga.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ee ka arrimiya Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay dagaal kula jiraan maandooriyaha khamriga, iyaga oo howlgallo ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen khamri farabadan iyo dad ka Ganacsanayay.

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Nairobi

Kooxo Burcad ah kuna hubeysnaa bustoolado ayaa muwaadin Soomaaliyeed waxaa ay ku dileen xaafadda Pumwani ee deegaanka Kamkunji ee magaalada Nairobi ee dalkaasi Kenya.

Dilka muwaadinka Soomaaliyeed ayaa ka dambeey ay kadib markii ay wada murmeen Muwaadinka Soo maaliyeed & Kooxaha Burcadda ah oo doonayau inay dhacaan.

Kooxdii Burcadda aheyd ee ka dambeeyay falkaasi dilka ah ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goo bta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Kenya luwaas oo doonayay inay qabtaan Burcadda balse aysan ku guuleysan.

Saraakiil katirsan Booliska Kenya ayaa Warbaa hinta u sheegay in ay wadaan baaritaano dheeri ah oo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Koo xda Burcadda aheyd ee ka dambeeyay falkaasi dilka ah. Degaannada hoostaga M/Nayrobi ee Caasimad da dalka Kenya ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku soo batay falalka Amni darro, iyada oo Bulshada ay ka cabanayaan Kooxaha Burcadda ah ee dhaca u geeysanaya.

Sidoo kale waxuu dilkaan dhacay iyadoo Shalay ay odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle la he shiiyeen madaxweyne Cali Guudlaawe oo in ka bad an sanad ay u diidanaayeen inuu tago magaaladas.

Maamulka Jubbaland oo Amar dul-dhigay Shaqaalaha Ajaanibta

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowl ad Goboleedka Jubbaland ayaa ku amartay dha maan Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka howlgalla degaannada Maamulkaas in ay si deg deg ah isku soo diiwaan geliyaan.

Qoraal kasoo baxay Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Jubbaland Maxamed Axm ed Cali ayaa lagu amray Shaqaalaha Ajaanibta in la ga bilaabo Shalay oo taariikhdu tahay 8-da Bisha Febaraayo ilaa 28 Bishaan inay isa soo diiwange liyaan.

” Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee do wlad goboleedka Jubaland waxay fareysa dhamaan Shaqaalaha ajaanibta ah ee ka shaqeeya dowlad goboleedka Jubaland inay iska soo diiwaan galiyaan wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha laga bilaabo 08-02-2022 ilaa 28da bishan si ay uqaataan ogol aanshaha ruqso shaqo.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sheegay in Wasaar ada oo gudaneysa wajibaadkeda Shaqo ay amrayso in dhamaan Shaqaalaha ajaanibta ah u hogaan sam aan sharciga iyo Amarka Wasaaradda.

Shaqaalo farabadan oo Ajaanib ah ayaa ka Shaq ewya degaannada Jubbaland, kuwaas oo Maamulka uu doonayo in la diiwaangeliyo si Canshuur looga qaado.

Somaliland: Wasiir diiday in uu hortago golaha wakiilada iyo sababta

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa diiday in uu horyimaado golaha wakiilada oo looga yeedhay, wuxuuna ku sababeeyay in uu hayo sir ciidan oo aanu ka sheegi karin gole furan, balse lagula balamo meel madal xidhan.

Wasiir Caateeye ayaa she egay in wasaaradiisu ay tah ay mid xasaasi ah "Waa wasa arad xasaasi ah kuna abuu ran xeerka kala xadaynta xukuumada, qodobka 44 aad oo sheegaya in shaqadeedu tahay mid xasaasi ah oo la xidhiidha arrimaha ciidanka qaranka".

Wasiirka ayaa sheegay in uu hayo sir ciidan si daa darteedna, aanu golaha waxba kula wadaagi ka rin madal furan oo la baahinayo, isagoo codsaday in lagula balamo madal xidhan oo anay warbaahintu goob joog ka ahayn.

"Sida ku xusan qodobka 253 ee xeerka ciqaabta guud oo dhigaya, in aan daboolka laga qaadi karin si raha rasmiga ah ee ciidamada awoodna anaaan u lahayn ka wasiir ahaan in xogtaa aan ku bixiyo meel furan oo la baahinayo, waxay iiga yeedheen gole wa ynaha ana waxan hayaa waa sir ciidan" ayuu yidhi wasiir Caateeye.

Wasiirka ayaa ku andacooday in hadii uu golaha ka hadlo ay suuragaltahay in uu faafiyo sir ciidan oo anay haboonayn in la baahiyo "Hadii ay gole wayna ha iigu yeedhaan mar walba waxa afkayga kasoo ba xaya waa sir ciidan, markaa sidaa darteed ayaanu uga joognay oo aanu nidhi waar halayskugu yima ado madal xidhan".

Xildhibaan Guruuje oo ah madaxa guddida difa aca ee golaha wakiilada, oo wasiirka u jawaabay ay aa sheegay in markii hore ay rabeen in ay guddi ahaan ula kulmaan wasiirka, lakin markii uu diiday ti raba 2 baaq oo loo diray, uu guddoomiyaha goluhu gole waynaha uga yeedhay.

Caateeye ayaa noqonaya wasiirkii labaad ee dii da in uu soo ajiibo yeedhmada golaha, waxaana horay u diiday sida goluhu sheegay wasiirka qorsha ynta, oo aan kasoo jawaabin tiraba 5 waraaqood oo loo diray.

In ka badan boqol guri oo ku gubatay dab ka kac ay Deegaanka Dirgooys ee gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya deegaanka Dirgooys ee oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Jalala qsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dab xoo gan oo ka kacay deegaankaasi uu baabi'iyay dham aan guryahii ku yaalay deegaankaasi.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahin ta ayaa sheegay in guud ahaan guryahii ku yaalay tuulada uu baabi'iyay dabka kacay oo aan ilaa had si rasmi ah loo xaqiijin karin waxa uu ka dhashay dabka, inkastoo wararka hordhaca ay sheegayaan inuu ka kacay goob qashin lagu gubaayay, dabadeedna uu dabka si deg deg ah ugu faafay dhamaan tuulada.

Gurmadyo kala duwan oo ka baxay degmada Jalalaqsi iyo deegaanada kale ee ku dhaw dhaw deegaanka Dirgooys ayaa la sheegay in halkaasi ay gaareen, lama sheegin ilaa hada khasaare dhimasho ah oo la xaqiijiyay marka laga soo tago guryo kor u dhaafaya 100 guri oo uu dabka baaba'shay.

Waa dabkii ugu xoogana inta la ogyahay waayadii dambe ka kaca deegaanka Dirgooys iyo guud ahaan nawaaxiga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qarama Midoobay Oo War Ka Soo Saartay Xaaladda Abaaraha

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegtay in 13 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ay soo food saartay gaajo daran, taasi oo ay sababta abaaraha ba’an ee ka jira deegaanka.

In kabadan 10 milyan oo qof oo ku nool dallalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ayaa wajahaya Gaajo daran, xili gobolka Geeska Afrika laga diiwaan galiyay roob la’aantii ugu darnayd tan 1981.

Soomaaliya oo kaliya dad ka badan 5 milyan oo qof ayay saameeyeen abaarraha ku dhuftay, waxana laga dayrinyaa xaaladda dadka ku barakacay waxyeelada ay geysatay.

Hay’adda WFP ayaa codsanaysa $327m oo doollar si wax looga qabto abaarta ka jira gobolka. Gargaar degdeg ah haddii aan la helin, hay’adda WFP waxay ka digtay in dhibaato bini’aadantinimo ay lama huraan noqon doonto

Faah Faahin: Weerar Khasaaro Dhaliyey Oo Ka Dhacay Masjid Ku Yaalla Degmada Afgooye

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dabley hu beysan oo xalay weerar sababay dhimasho iyo dha awac ka geysatay gudaha Masaajid ku yaalla deg mada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in weerarka uu ka dhex dhacay Masjidka Raqayle ee degmada Afgooye, xili lagu dilay Salaadii Cishaha ee xalay, isla markaana waxaa goobta durbadii ka baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas.

Inta la xaqiijiyay qof ayaa ku geeriyooday weerarka, halka saddex qof kalena ay dhaawacyo soo gaaree, waxaana la sheegay in qofka dhintay la toogtay, xili la wada Sujuud-sanyahay oo lagu jiray Salaadii Cisha ha.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa loo soo qaaday dhan ka M/Muqdisho oo la dhigay mid kamid ah Isbitaalka ku yaalla Caasimadda, si xaaladdooda Caafimaad lo ogu dabiibiyo, waxaana sidaas u sheegay warbaahin ta qof ku sugan Afgooye.

Ciidanka DFS & kuwa maamulka degmada ayaa xalay ilaa iyo saaka wada howlgalo lagu baadi goob ayo dadkii ka dambeeyay weerarkii khasaaraha dhal iyey ee ka dhacay Masjidka Raqayle ee degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose

Kuraasta Beledweyne, Baraawe iyo Gar bahaaree y oo gacanta usii galaya Farmaajo

16-ka kursi ee Garbahaarey, 25-ka Beledweyne iyo 26-ka Baraawe macno weyn ayey ka dhex goynay aan halka ay aadi doonto natiijada doorashada Soo maaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo durgaya in uu qaato inta bad an ku raasta deegaan doorash ada labaad, taas oo ah eyd aragti iyo qorsho uu ku dagaalamayey in mu ddo ah.

Waxaa jirta 5 deegaan doorasho oo ka baxsan caasimadaha maamul goboleedyada, xaaladaha si yaasadeed ee magaalooyinkaas, duru ufaha amm aanka iyo cidda awoodda ku leh ayaa ku tusineysa xisaab ka duwan midda doorashada ee u sawiran dhinacyada qaar.

BELEDWEYNE

Beledweyne waa magaalo siyaasad ahaan cabursan, laakiin dadkeeda ay badi ogol yihiin in 25-ka kursi ee golaha shacabka lagu doorto halkaas.

Ciriirigii siyaasadeed ee magaaladiisa ka jiray iyo kasoo daahistii dhinacyada qaar ayaa fursad lama filaan ah siisay kooxda madaxweyne Farmaajo. Wa xay magaalada kasoo saareen General Xuud, waxay geeyeen ciidan ayaga si gooni ah uga amar qaata, waxay la heshiiyeen Yuusuf Dabageed, shal ayna waxay magaalada xoog ku geeyeen Cali Guu dlaawe. Ra’isulwasaare Rooble iyo xukuumadiisa waxay dalbadeen in ciidankaas laga soo saaro mag aalada Beledweyne, laakiin warkiisa meel lag ama soo qaadin. Waxay xukuumadda Ergo wasiiro ah u dirtay Cali Guudlaawe, balse iyagiina natiijo la’ aan ayey soo laabteen.

12 beelood ayey ka dhexeeyaan 25ka kursi ee taa lla magaalada Beledweyne. Doorashada dalka si bo ob ah ayey ku socotaa, meel walba cidda gacanta ku heysa ayaana boobi karta kuraasta.

Shaxda Farmaajo iyo kooxdiisa ay dageen, sida ay u wajahayaan qorshaha iyo isfahamka maamulka kala dhaxeeya ayaa kuraastaas u jiidinaya hal dhinac, ha ddii aysan xaalad cusub soo kordhin. Cali Guudlaa we ayaa la filayaa inuu shaaciyo kuraasta Beledwey ne maalmaha soo socda.

BARAAWE

Magaalada Baraawe waxaa la hadal hayaa inuu ka jiro heshiis xooggan oo Farmaajo iyo Laftagareen ah. Ciidan taabacsan madaxweyne Farmaajo ayaa jooga iyo ciidan ka tirsan AMISOM.

Magaalada Baraawe waxaa Dorraad tagay taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi oo isagu kamid ah sar aakiisha hor boodeysa dib u doorashada Farmaajo, waxaana la filayaa in ciidan dheeri ah halkaas la ge eyo, kuwaas oo aan u baahneyn in diyaarad lagu qa ado.

Kuraasta taalla Baraawe xubnihii horay ugu fadhi yey inta badan waxay ahaayeen kuwa Farmaajo taabacsan, laakiin waxaa jira liiska cusub oo dad ba dan ka takhalusaya, sida ay noo xaqiijiyeen illo mu hiim ah.Inkastoo Farmaajo uu guud ahaan shaqo culus ka qabsaday kuraasta Koonfur Galbeed, had ana Baraawe waa aag gaar ah oo kooxdiisa ay gac anta kula jirto.

26 Kursi ayaa taalla magaaladaas. Koofur Galbe ed tan iyo markii uu Laftagareen madaxweyne ka no qday ciidan ahaan Farmaajo ayaa kor ka ilaashada, waana sida Galmudug iyo Hirshabelle.

Waa adag tahay in kooxda madaxweyne Farma ajo lala qeybsado kuraasta Baraawe taalla, marka la isku daro awoodooda ciidanka iyo ogolaanshaha ma amulka.

GARBAHAAREY

Halkaan oo 16 kursi ay taallo maalmo badan ayey u xiran tahay Farmaajo, wuxuu ka bixiyey gacanta Jubbaland. Hoggaanka uu Farmaajo u dhisay maamulka Gobolka Gedo waxaa dhawaan la keenay magaalada Muqdisho, si loo cabsiiyo farsamada shaqada iyo sida la rabo inay doorashada u dhacdo.

Halkaan waxaa ka jirta caqabad ka duwan Baraawe iyo Beledweyne, waana inuu guddiga doorashada heysto Axmed Madoobe, kuwaas oo laga rabo shaacinta liiska, qabashada doorashada iyo xaqiijinta guuleystaha.

Waa adag tahay in kuraastaan laga soo celiyo magaalada Garbahaarey, sidoo kalena waa adag tahay in Farmaajo looga adkaado haddii ay kuraasta halkaas sii yaalaan. Sida hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe loogu qancin karo inuu 16-kaas kursi Farmaajo uga samrana ma fududa.

Seddexdaan magaalo ee Beledweyne, Baraawe iyo Garbahaarey guud ahaan waxaa taalla 67 kursi oo Golaha Shacabka ka tirsan, marka la fiiriyo xaaladaha magaalooyinkaas ee xagga amniga iyo siyaasadaba waxaa ku gacan sareeya Farmaajo, waxaana aad u yar tirada xubnaha la aaminsan yahay inay ka fakan karaan.

Waa codad miisaan leh oo badali kara saadaasha doorashada haddii aysan waxba iska badalin sida ay hadda wax ku socdaan.Xigasho:Caasimadda.Net

QM oo qeylo dhaan kasoo saartay Abaarta kajira SoomaaliyaHay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ar rimaha bini’aadantinimada ayaa sheegtay in dad la gu qiyaasay 4.3 milyan oo qof ay saameeyeen abaar ta ba’an ee ka jirta qeybo badan oo ka mid ah Soo maaliya, halka ay bil ka hor ahayd 3.2 milyan oo qof.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa sheegtay in abaarta sii kordhaysa ay keentay in ilaa 271,000 oo qof ay ka tageen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo baad.

"Iyadoo xilli roobaadka soo socda aan la fileynin illaa iyo Abriil 2022, Soomaaliya waxay ku dhayga gaysaa masiibo dhici karta,” UNOCHA ayaa ka dig tay warkii ugu dambeysay ay kasoo saartay abaarta kajirta Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in Sanduuqa Dhexe ee Gur madka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay uu 25 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah u qoondeeyay wax ka qabashada Abaaraha, waxaana Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya uu dhaqaalahan ku kabay 6 Milyan oo Doollar.

UNOCHA waxay sheegtay in maalgelin dheeri ah si degdeg ah loogu baahan yahay, taas oo loogu talagalay Qorshaha Ka jawaabidda Bani’aadamnima da ee Soomaaliya 2022.

UNOCHA waxay ka digtay in abaartu ay sii xoo geysato iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso khatarta ah in xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah uu baaqsado horraanta sanadka 2022-ka.

Magacyada Musharrixiinta 13 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo la soo ban dhicay

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Shalay oo Talaado ah soo bandhigay Musharixiinta isu soo sharaxay 13 kii kursi dee gaan doorashadoodu ta hay Baraawe ee Gobolka Shab eell aha Hoose. Mu sharrixiinta Mahacyadooda la soo bandhigay ayaa gaaraya 26 musharrax, kuwaas oo ku tartami doona doorashada kuraasta Gola ha Shacabka ee beri ka bilaabaneysa degmada Baraawe oo ah Xarunta Maamulka Koonfur Galb eed.

Ilaa 7 kursi ayaa beri doorashado oda lagu qabayaa degmada Bar aawe halka Maalinta xigta la qab an do ono doorashada 6 kursi.


TAIWAN oo toddobaadkan marti-gelinaysa wafti heer sare oo Somaliland ah

Dowladda Taiwan ayaa sheegtay in todobaadkan ay martigelin doonto wafdi heer sare ah oo ka socda maamulka Somaliland, ayada oo jasiiraddaasi ay Africa ka wado howlo diblomaasiyadeed xilli ay waja heyso cadaadiska Shiinaha ee ah inuu xaddido raa dkeeda caalamiga ah.

Somaliland ayaa ka go’day So omaaliya 1991-kii, balse ma helin aqoonsi ballaaran oo caal ami ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda, deegaanada So maliland ayaa inta badan ahaa nabad halka Soom aaliya ay la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye oo soddon sano ah.

Taiwan iyo Somaliland waxay xafiisyo wakiilo ka samaysteen Hargeysa iyo Taipei sanadkii 2020, wa xayna labada dhinac sameysteen xiriir diblomaasi yadeed.

Shiinaha oo ku andacooneysa in Taiwan ay ka mid tahay iyo Soomaaliya oo diidan inay Somaliland dal noqoto ayaa labadaba muujiyey sida ay uga soo horjeedaan inay Taiwan iyo Somaliland sameysteen xiriir.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa sheegtay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyad da, Horumarinta iyo Kalluumaysiga iyo Beeraha So maliland ay booqasho ku iman doonaan Taiwan Tala adada Shalay ah illaa Sabtida, islamarkaana ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen iyo sidoo kale madax kale oo sarsare.

Waxa kale oo ay la kulmi doonaan madaxda shir kadda shidaalka ee CPC oo ay dawladdu leedahay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda.

"Somaliland waxa ay Taiwan la wadaagtaa qiyamka caalamiga ah ee xorriyadda iyo dimoqraadiyadda, waxayna raacdaa ku dhaqanka sharciga, waxayna muhiimad gaar ah siisaa xuquuqal insaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrima ha Dibadda ee Taiwan.

Taiwan waxaa Afrika ka saaray diblumaasiyad ah aan Shiinaha sannadihii la soo dhaafay, waxaana ha dda kaliya xiriir la leh dowladda Eswatini.

Shiinaha ayaa cadaadis ku saaray dalalka in ay san la xiriirin Taiwan xilli ay dooneyso in ay sheegto madax-banaanideeda.

Taiwan oo muujineysay xiriirka kala dhaxeeyo Som aliland ayaa bishii hore ku deeqday 150,000 xirmo oo ah talaalka Medigen COVID-19 oo ay iyada soo saartay.

Somaliland oo ku taal Geeska Afrika, waxa ay xud uud la leedahay Jabuuti, halkaas oo Shiinuhu ku lee yahay saldhig milatari oo uu markii ugu horreysay ku yeesho dibadda.

Macron Oo Booqasho Ku Jooga Ukraine Xilli La ga Cabsi Qabo Duulaanka Ruushka

Madaxweynaha Faransiiska ayaa Shalay boo qasho ku jooga dalka Ukraine, waxa uuna noqona yaa hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee reer galbeed ah oo taageero u muujiyo xukuumadda Kyiev.

Kulanka Emmanuel Macron uu la yeelanayo dhig giisa dalka Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto cabsi ah in Ruushku uu qorsheynayo in uu weeraro dalka deriska la ah ee Ukraine.

Dhanka kale, wasaarad da gaashaan-dhigga Ruu shka ayaa xaqiijisay in lix markab oo kuwa ay diy aar adaha xambaara ah ay ba dda Black Sea ka soo galayaan dhanka badda Med iterranean-ka.

Isniintii Dorraadto ahayd ayaa madaxweyne Mac ron waxa uu magaalada Moscow kulan muddo shan saacadood ah socday kula qaatay dhigiisa Ruushka, waxaana shir jaraa’id oo ay wada qabteen uu mada xweyne Putin ku sheegay in hindisa arrimaha amn iga ee Yurub ee uu soo bandhigay Macron ay yihiin kuwa macquul ah oo mustaqbalka wax ku ool noqon karaya.

Qaraxyo lala eegtay Askar Kenyan ah & khas aaro ka dhashay

Ilaa laba qarax ayaa Ciidamo katirsan kuwa Ke nya ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM wax aa saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay Aaga dee gaanka Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ay aa Gaadiid ay saarnaaye en Ciidamada Ke nya oo Biyo dhaamin ugu socday dee gaanka Kam booni lala beegsaday, waxaana warar ka la helay ay sheegayaan in qaraxyada ay ku dhaa wacmeen ilaa 5 Askari.

Qaraxyada kadib Ciidamada Kenya ayaa furay rasaas farabadan taas oo aan wax khasaaro ah u geysan dadka Shacabka ah, waxaana la sheegay in Ciidamada Kenya ay sii wateen socdaalkooda.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxy adaas ayaa sheegtay inay gubeen mid kamid ah Ga adiidka Ciidamada Kenya, hayeeshee waxaan weli qaraxyada ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ka howlgalla Gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada Kenya ee katirsan AMISOM ee ka ho wlgalla Gobolada Jubbooyinka ayaa mararka qaar lala eegtaa qaraxyada halka dhankooda ay fuliyaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyaga oo degaano dhowr ah kula wareegay.

SHANTA HAY’ADAHA SIRDOON EE UGU AWODDA BADAN CAALAMKA

hubarada dhanka ammaanka marka ay ka ha dlayaan sugidda ammaanka dal ayaa waxa ugu ho reeya ee ay ku taliyaan waxay tahay helidda hay’ad sirdoon oo awood leh. Sababtaas ayay dalalka dun ida dhaqaalaha ugu badan ugu bixiyaan casriyenta iyo horumarinta awoodahooda sirdoon iyo xog-helid.

Sirdoonka waxaa uu ka mid yahay waxyab aha udub dhaxaadka u ah dal walba islamarkaasna xogaha dibadda iyo gudaha ee ay keenaan ayaa la gu saleeyaa danaha qaranka iyo sugidda amniga.

Hay’adda sirdoonka qaranka waa difaaca ugu hor eeya ee qaran uu leeyahay, waana hay’adda u qaa bilsan helista xogaha qarsoon, iyo hagarmaadooyin ka loo maleygayo dal, laakiin dalalka oo dhan ma no qon karaan isku-awood dhaqaale iyo sirdoon. Hadd aba, waayo shanta hay’adood ee ka mid ah kuwa ugu awoodda iyo saameynta badan dhanka sirdo onka caalamka.

1. SIRDOONKA MAREYKANKA EE CIA

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa wa xaa la asaasay sanaddii 1947. Waxa ay hay’addan sirdoon xirfad ahaan si aad ah uga sareeysa hay’a do badan oo caalamka ah islamarkana waxaa ay wax badan ka og yihiin dhacdooyiinka caalamka ka dhaca.

Hay’adda CIA ayaa dowlad Mareynkanka u qaa bilsan ururinta xogaha sirdoon ee dibada, iyo mar arka qaar gudaha. Si rasmi ah looma shaacin tirada shaqaalaha sirdoon ee hay’addan, laakiin waxaa la rumeysan yahay inay ka mid yihiin kuwa ugu awood da badan, uguna dhaqaalaha sareeya sirdoonka caa lamka. Hay’adda Sirdoonka CIA waxaa agaasime ka ah William J. Burns.

2. HAY’ADDA SIRDOONKA ISRAEL, MOSSAD

Hay’adda Mussaad waa hay’adda sirdoonka Isra a’iil waana hay’ad aad u awood badan.

Mossad ayaa waxaa la aasaasay 1949, sannad kaddib markii la sameeyay Israa’iil. Israa’iil waa dal ay leeyihiin Yuhuudda ku nool bartamaha shan dal oo Carab ah. Caadiyan, waxa ay u baahnaayeen ha y’ad sida Mossad oo kale ah oo indhaha ku haysa cadawga xuduudaheeda.

Hay’addan waa hay’ad muhiim gaar ah u leh Isra a’iil islamarkana howlgalo badan ka fulisa meel ba dan oo caalamka ka mid ah.

Dhaqanka Mossad ayaa ah in ay u diyaargar oobaan halisaha waa wayn, dhaqankaas oo ka iman aya xaalado adag oo jiray waqtigaas la aasaasayay hay’addan.

Taariikhda Israa’iil ama dagaal ayay kula jiraan dalalka Carabta ama xaalad colaad ah ayuu ku jiray. Shalay, Israa’iil waa quwad wayn, hasayeeshee dha qanka Mossad waxba iskama badelin.

3. HAY’ADDA SIRDOONKA BRITAIN EE MI6

MI6 waa hay’adda sirdoonka ee dalka Britain, waa na hay’ad aad u awood badan.

Hay’adani ayaa waxaa xarun u ah magaalada Lon don, waxaana la asaasay 4 bishii July 1909.

Hay’adan ayaa waxay uruurisaa oo xuuraantaa macluumaadka la xiriira amniga qaranka ee dalka iyo dibadaba.

Waxay MI6 ay ka mdi yihiin hay’addaha sirdoonka ee ugu awodda badan caalamka, waxaana imika ma dax ka ah Richard Moore.

4: ISI PAKISTAN

Hay’adda ISI waa hay’adda sirdoonka qaranka Pakistaan islamarkana waa udub dhaxaadka amniga qaranka dalkaasi.

Hay’adda ISI waxaa xarun u ah magaalada Islam abad waxaana la asaasay sanaddii 1948, islamark ana waxaa hadda madax ka ah Nadeem Anjum.

Hay’adan ayaa lagu tilmaamaa mid awood badan ku leh dalka Pakistaan, waana hay’adda ay ku tasha daan shacabka iyo madaxda dalkaasi.

5. GRU-RUUSHKA

GRU waa hay’adda sirdoonka Ruushka islama rkana waxaa la asaasay sanaddii 1992.

Waxaa hay’adan la asaasay ka dib burburkii mid owgii sofiyeet 1990 waxa ayna badashay hay’addii awoodda badnayd ee KGB. Hay’adan ayaa wax aa ays ii xoogeysatay markii uu xilka madaxnimada Ruushka uu la wareegay madaxwayne Purin.

Xigasho:- BBC SOMALI

Koox fallaago ah oo 160 Ruux ku dishay Itoobiya

Maamulka gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ay aa ku eedeeyay koox fallaago ah inay dileen in ka badan 160 qof oo rayid ah islamarkaana 87 meyd ay ku aaseen xabaal wadareedyo ku yaalla galbeedka gobolka.

Ciidamada Xoraynta Oromada (OLA) oo inta ba dan ay dawladu ku eedayso inay ka dambeeyaan dil alka loo geysanayo dadka laga tirada badan yahay ee ku nool gobolka ayaan ka jawaabin eedaymahan u dambeeyay.

Ururka ayaa horey u be eniyay inay weerareen dad rayid ah. Sida uu sheegay guddomiyaha deegaanka galbeedka Oromia, Ibsa Basha, ayaa sheegay in me ydadka laga helay degmada Gidami kadib markii ciid amada dowladdu ay jabhadda ka saareen deegaan nadii ay maamulayeen.

OLA, oo sanadkii hore isbahaysi la samaysatay ciidamada Tigreega ee dagaalka kula jira maamulka Raysal wasaare Abiy Axmed, ayaa ka hawlgala ga lbeedka iyo koonfurta Gooblka Oromiiya halkaas oo dhawaanahan dhacayeen isku hor imaadyo dhe xmarayay ciidamada dawladda iyo fallaagada.

Weerarada ay dowladdu ku qaadday kooxdan ayaa lagu soo waramayaa inay ka qeyb qaateen diyaara daha aan duuliyaha lahayn. Warbixinta dilka lagu eedeeyay kooxda ayaa dhalisay caro dadweyne oo dhanka baraha bulshada ah.

 



5 SANO KADIB: QIIMEE WAXQABADKA MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO!


5 sano ayaa u go’day inta Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qaab sharci ah iyo mid sharci darro ahba ku joogay Villada Somalia, in kasta oo wasiirkiisa maa liyadda uu qirtay in maaliyadda ay sagxadda gaartay, haddana waxaa muuqata inuu sidoo kale jiro farqi weyn oo u dhaxeeya xagga am niga, federaaleynta, dhaqaalaha iyo xataa arrimaha diba dda, marka la qiimeeyo halkii uu 2016-kii ugu yimid iyo halka uu Shalay 2022-ka uga tagayo.

Haddaba, Goobjoog News ayaa sameysay isbar-bar dhig ballaaran iyo qiimeyn lagu sameeyey muddo xilee dkan Farmaajo (2017-2022) iyo midkii madaxweyne Xas an Sheekh (2012-2016), iyada oo aan dul istaagi doonno qodobbo muhiim u ah dowlad dhiska Soomaaliya, isla markaana lagu ogaan karo cidda wax qabatay la bada mas’uul, oo ugu dambeyntii lagu cabbiri doono mid weliba meesha uu ugu yimid iyo halka uu wax uga tagay.

AMNIGA:-

September 10, 2012 markii madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay madaxti nnimada, Al-shabaab waxay heysteen 80% koofurta iyo bartamaha Soomaali ya, keliya waxaa xor aheyd caasimadda iyo magaalooyinka ku teedsan sida Balcad iyo Afgooye, si dowladnimada iyo amniga loo baahiyo inta uu Xasan Sheekh joo gay xafiiska waxaa uu Shabaab ku qaaday saddex hawlgal oo kala ahaa: Shabe el oo xor looga dhigay Muqdisho illaa Jowhar, Hawgalka Gorgor oo lagu xoreey ey 10 magaalo sida Xuddur, Buulo-burde, Jalalaqsi, illaa Beledweyn, Ceelbuur iyo hawlgalka Badweynta Hindiya oo lagu qabtay 8 degmo oo u badan xeebta oo ay ku jireen Cadale, Marka illaa Baraawe.

5-tii sano ee Farmaajo xafiiska joogay, waxaa isbeddelay istaraatiijiyadda da gaalka ee ciidanka iyo caqiidadooda. Kooxda Farmaajo waxaa ay xoogga saare en sidii ay u heli lahaayeen ciidan iyaga daacad u ah, iyada oo dib u habeyn loo gu marmarsiyoonayo waxaa ay shaqada ka direen illaa 3 kun, heshiis-ka keliya ay galeen waa mid ay dhallinyaro qafaal ah ugu kaxeeyeen Eritrea, kuwaas oo qaarkood ku dhintay dagaallada sokeeye ee gudaha Itoobiya. Hoggaanka ciidan ka oo aqoon iyo khibrad lagu xulan jiray waxaa laga dhigay dhallinyaro aan hor ay loo tijaabin, dhulna aqoon, waxayna xoogga saareen in ciidan-ka loo adeegsa do u xoog-sheegadka beelaha, maamullada federaalka ah iyo shacabka, waxaa ay dowladdu ciidan ku afgambisay Baydhabo, Beledweyn, Guriceel iyo Dhuusa marreeb halka ay isku deyday Kismaayo, taasi waxay keentay in xoogga dalka iyo Al-shabaab ay 5-tii sano ee tagtay isku heystaan Shabeellada Hoose sida Af gooye, Bariirre iyo Jannaale, ayna go’doomaan, dhulna aan lagu tagi karin deg mooyinkii uu xoreeyey maamulkii ka horreerey sida Baraawe, Baydhabo, Xud dur, Jowhar, Jalalaqsi, Buula-burte halka goobo kale ay ka baxeen gacanta dowl adda sida Ceelbuur.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waxaa uu Al-shaba ab siiyey fursad ay qeyb uga noqdaan nidaamka dowladda, waxaa isa soo dhii bay illaa 70 saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jireen Xasan Daahir, Zakariye iyo Atam. Dowladdan Farmaajo waxaa isku soo dhiibay oo keliya Abuu Mansuur Roobow, isna inta heshiiska looga baxay, 15 oo taageerayaashiisa ahna dishay ayuu iminka ku xanuunsanayaa xabsiyadeeda, taasi oo muujineysa istaraatiijiyad da kooxdan maamulka heysa.

FEDERAALKA IYO DIB U HESHIISIINTA:-

Madaxweyne Xasan Sheekh 2012 kii, waxaa uu dalka u yimid dastuur ay ku qoran tahay inuu dalka federaal yahay balse aanu maamul dhisan jirin marka la ga reebo Puntland iyo Somaliland oo 1991-dii madax-bannaani ku dhawaaqay, isaga oo go’aansaday in 4 sano gudaheed uu dalka ka hirgeliyo nidaam federaal ah, lagu kalsoon yahay oo shaqeeya, markii uu xilka wareejinayey waxaa uu san nad walba dhisay hal maamul sida Jubbaland(2013), Koofur Galbeed(2014), Gal mudug(2015) iyo Hirshabelle(2016).

Dhanka dib u heshiisiinta: Xasan Sheekh waxaa uu dhismaha maamulladaas ku bixiyey waqti, iyo dhego-nuglaan, tusaale ahaan Jubbaland dowladda Xasan waxay adeegsatay dib u heshiisiinta IGAD illaa markii ay aqoonsatay bishii Aug usto 2013-ka, heshiis ka dhacay magaalada Addis Ababa, Koofur Galbeed oo 3 maamul kala dhisatay waxaa uu madaxweyne Xasan ku tagay socdaallo, isaga oo heshiisiiyey 44 beel oo degta, hal maamulna u dhisay, Galmudug oo sidoo ka le 3 maamul ay ka jirtay Madaxweyne Xasan si uu u qanciyo 11-ka beel waxaa uu 5 jeer u safray Galmudug,halka Hirshabeelle oo is diiddaneyd, gaar ahaan re er Hiiraan oo cabasho qabay si beelahaasi iyo labada gobol loogu qanciyo hal maamul, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu gobolka tagay 6 jeer, isaga oo muddo joogay magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyn, lana kulmay dhammaan hoggaanka dhaqanka ee dhammaan beelaha, heshiisna la gaaray.

5-tii sano ee tagtay, Farmaajo iyo maamulkiisa waxaaa caddaatay iney kasoo ho rjeedaan federaal, oo ay rabaan dowlad dhexe oo lagu koobo awoodda, taasi oo horseeday in laga aamin baxo nidaamkooda, oo ay soo baxaan codad inta ka ca rooday dalbanaya nidaam confederal ah, waxaa kale oo ay muddadaas ku dham meysteen weerarro ka dhan ah maamullada waxayna xiriirka u jareen, weliba cu nnaqabateeyeen Puntland iyo Jubbaland halka ay xoog ciidan ku qabsadeen Ko ofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galamudug, ciidamada todobaadkan lagula ware egay Beledweyn ayaa ah raadkii ugu dambeeyey, iyada oo horay sidaasi loogu sameeyey Guriceel, xoogna lagu dhisay maamullada hadda ka jira Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamarreeb. Farmaajo waxaa uu xafiiska ka tagayaa iyada oo ba ahi loo qabo in la isu doono maamullada federaalka ah, waxaa intaa dheer beela ha uu isku hubeeyey, iskuna diray oo iyadana qaadan doonta dib u heshiisiintoo da waqti dheer.

DHAQAALAHA:-

Xilligii madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu yimid iyada oo dakhliga dowl adda soo gala uu ka yaraa 40 milyan oo doollar, balse kalsoonida lagu qabay wa xay keentay in canshuurta noqoto inta ugu badan ee miisaaniyadda, waxaa uuna sameeyey miisaaniyaddii ugu horreeysay burburkii kaddib, isaga oo ka qaaday $35 million ee 2012, waxaa uu uga tagay $246 million 2016, oo weliba ay la soc oto dhammaan wixii xisaabxir ahaa, Madaxweyne Xasan markii uu yimid wuxuu GDP Soomaaliya ahaa 2012-kii 1.2% waxaa uu uga tagay 4.4%, shaqaalaha ray idka oo ka yaraa 1,000 waxaa ay gareen 4-tiisa sano 6,000, waxaa intaas dhee raa heshiiskii uu la galay bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta ee SMP, qeyb aha horena ay xukuumadda ka gudubtay ayaa Shalay lagu gaaray marxaladda go’aanka.

Maal-Gashiga iyo dowladdii Xasan Sheikh: Si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo wada-shaqeynta hey’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay do wladda Soomaaliya sameysay xilligii madaxweyne Xasan Sheekh waxay billowd ay qorshe wada shaqeyn hey’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka oo oggolaan aya iney kala saxiixdaan heshiisyada dheef-wadaagta ah (PPP).

Dowladda Xasan Sheikh waxay albaabada u furtay shirkadaha maalgashada ta ah si ay dalka maal-gashi ugu sameeyaan dadweynaha Soomaaliyeedna u hel aan kobac dhaqaale iyo shaqo abuur, iyada oo taa laga duulayo ayay dowladda Soomaaliya waxay heshiis la saxiixatay shirkadda Favouri ee laga leeyahay dal ka Turkiga taa oo dib u dhis ku sameysay Airportiga Muqdisho. iyo Shirkadda Albeyrak ee iyana maalgashiga ku sameysay Dekadda Muqdisho taasi oo kobc isay daqliga ka soo xaroon jiray dekedda, Shalay dakhliga ugu weyn oo 60% ah miisaaniyadda dowladda uu ka yimaado dekedda, iyada oo 2014-kii, Soomaaliya ay dhoofisay 5 million oo xoolo ah iyo arrimo kale.

5-tii sano ee uu Farmaajo xafiiska joogay inkasta uu miisaaniyadda gaarsiiy ey $700 oo milyan oo doollar halkii ay ka aheyd $246 million haddana lacagtaas waa mid beesha caalamka laga helay, oo waxaa hoos u dhacay middii gudaha la ga heli jiray, waxaa xusid mudan 4-tii sano ee ugu dambeysay lagama hayo xisa abxirka in ka badan hal bilyan iyo bar oo doollar meesha ay mareen, dakhli uruur inta korortay ayaa noqotay intii maamulkii hore canshuuri jiray oo la labo-jibbaaro halkii la ballaarin lahaa, taasina ay keentay sicir-barar iyo in ganacsatada ay sha cabka ka jaraan lacagta ay qaadaan dowladda, Al-shabaab iyo Daacish, GDP halkii 2016-kii ahaa 4.4% hadda waa 2.4%

Inta uu joogay Farmaajo, Musuqa halkii ay Soomaaliya ka joogtay 176(2016) waxaa ay gaartay 180(2021) oo ah heer aan waxba laga qaban karin, dadka ka ho oseeya xarriiqda faqriga halkii 2016-kii aha ayeen 62% hadda waa 70%, hal qof lagu ma darin shaqaalaha rasmiga ah ee dowl adda taasi oo niyadda ka dish ay shaqo-abuurkii ay filayeen dhallinyarada Sooma aliyeed, kana dhigtay da’ yar ta shaqo la’a anta ah 67%, mana jirin maalgelin shacab ka loo sheegay taa bed delkeeda waxaa hanti-dhowrka qaranka uu baabi’iyey heshiisyo sharci darro ah oo ay maamulka Farmaajo la galeen shirkado kalluu meysi, isaga oo soo bandhi gay musuqii ugu badnaa.

ARRIMAHA DIBADDA:-

Inta uu joogay madaxweyne Xasan Sheekh, soo noqoshada xiriirka Mareykan ka ee January 17, 2013 waa xigay Soomaaliya oo u furfurantay caalamka, isaga oo booqasho ku tagay Yurub, kana qeybgalay shirarka Mareykanka iyo madaxda Afrika, Shiinaha iyo madaxda Afrika, Japan iyo madaxda Afrika iyo xataa India iyo madaxda Afrika halka siyaasaddiisa arrimaha dibadda lagu yaqaannay wala alnimo iyo iskaashi (zero enemy) mana jirin dal uu colleystay halka xiriirka Turk iga uu gaaray heerkii ugu sarreysay.

Khaliij-ka: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Khaliijka u arkayey dalal saxiibbo la ah Soomaaliya, iyaguna waxa ay Soomaaliya u fureen albaabbo ba dan.

Marka laga soo tago xiriirka walaalnimo iyo inay sannad walba kabi jireen miisaaniyadda sida Sacuudiga iyo Imaaraadka, Gacanka waxaa uu ka mid ahaa meelaha uu ku tiirsanaa ganacsiga Soomaaliya, waxaa sannadkii loo dhoofin jiray 5 Milyan oo xoolo ah.

Afrika: Soomaaliya waxay xiriir fiican la laheyd dalalka Afrika waxaa ayna So omaaliya marti gelisay oo shir guddoomisay Shirka Midowga Afrika.

Isku furnaanta Soomaaliya iyo dalalka geeska Afrika waxay keentay in Soo maali ya marti geliso shirka IGAD: Muqdisho waxaa ka dhacay shirka wasiirrada arrima ha dibadda IGAD iyo midka madaxweyneyaasha, waxaa Muqdisho soo booqday Madaxweynaha: Burundi, Djibout, Kenya, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Nabil Al carabi.

5-tii sano ee uu Farmaajo joogay, Soomaaliya waxaa keliya ee ay isla socd een keligood taliyeyaal sida Itoobiya, Eritera iyo Qatar, isaga oo colaadiyey dalal badan oo gobolka ah sida Kenya, Djibouti, Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo da lal kale, waxayna taasi keentay kala aragti duwanaanshiyo xafiiska furinta ah, oo waxaa la arkay ra’isul wasaare uu magacaabay oo waxba kama jiraan ku tilmaa may go’aannadiisa qar iska tuurka ah, qaarkoodna ka raalligeliyey.

MAAMULKA DOORASHADA:-

Inkasta oo labada doorasho ay isku nooc, oo dadban ahaayeen hadana, mada xweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay loo dhiibay doorasho ceynkaa ah, meelna uguma dhicin heshiiskii siyaasadeed, waqtigiisa dastuuriga ah waxaa uu ku ekaa September 2016, laakin doorashada baarlamaanka waa uu dhamee yey labo bil kadib December 2016-kii halka February 8, 2017 la doortay madax weynihii badali lahaa iyada oo dalku xasilan yahay.

Farmaajo, muddo xileedkiisa waxaa uu dhamaaday sanad kahor, muddada as Soomaaliya ma aheyn dal xasilan, saddex jeer waxaa uu ka kacay heshiisyo doorasho, labo jeer ayuu inqilaab isku dayey, mar uu 2 sano ku darsaday iyo mar uu ra’susl wasaare Rooble u diiday xafiiska, waxaa intaa dheer dagaallada Xamar dartii uga dhacay, barakac, xarig, xasuuq iyo weerar uu ka geystay Guric eel, Gedo, Baladweyn iyo meelo kale, waxaana hadda mugdi weyn ku jirta sida uu xilka ku wareejin doono isaga oo bed-qaba.

Ugu dambeyntii, Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ku guul-darreys tay dhammaan nidaamkii dowladnimada, marka laga soo tago inuu ku fashilmay amni, federaaleyn, dhaqaale iyo arrimo dibad, ma dhisin hal hey’ad dastuuri ah, sida uu wasiirkiisa maaliyadda ee Beyle heegay wax walba waa sagxadda, taasi oo muhiim u ah marka la qiimeynayo haddii ay rajo ka gasho dib usoo noqosho dambe.Xigasho:-Goobjoog News


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip