Luke Shaw Oo Cadeeyay Inuu CIYAARI DOONO Qeyb Kamid Ah Kulamada Ka Haray Xili Ciyaareedkaan ! Waxaa Qoray: Abdirahman Qoslaaye

0
Sunday May 01, 2016 - 11:06:14 in Sports News by
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Luke Shaw Oo Cadeeyay Inuu CIYAARI DOONO Qeyb Kamid Ah Kulamada Ka Haray Xili Ciyaareedkaan ! Waxaa Qoray: Abdirahman Qoslaaye

    V

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

V

Luke Shaw oo wareysi siinayay tv-ga Manchester ee MUTV ayaa la weydiyay inuu ka warbixiyo xaaladiisa ayaa yiri "Farxad bey ii tahay inaan ugu danbeyn cagta soo dhigay garoonka, waxaan wali garoonka la soo galaa dhaqtarka lafaha, haatan wax xanuun ah ma dareemo laakin markii hore wazaan dareemayay xanuun, lugteyda waxay daremeysaa wanaag haatan”.

"Waxaan u xiisay wax badan qolka labiska kooxda, wax badan ayaa u xiisay inaan cagta soo dhigo garoon lana tababarto kooxda, mararka qaar wey adkeyd inaan daawado kubada cagta laakin hadana haatan waxaan dareemayaa farxad, waxaan rajeynayaa inaan mardhaw garoomada ku soo laabto sidoo kalena aan ciyaaro qeyb kamid ah kulamada ka haray xili ciyaareedkaan”.

Luke Shaw

"Shaqaalaha caafimaadka kooxda ayaa iila dhaqmay si aanan caadi aheyn, waxaan ugu mahadcelinayaa si aan caadi aheyn, waa ay ku adkeyd iney ila macaamilan mararka qaar laakin haatan waxaan dareemayaa farxad, si weyn ayaa ugu mahadcelinayaa”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip