HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER MAATA OO AH AXAD 6-DA FEB-2022

0
Sunday February 06, 2022 - 08:51:15 in Wararka by
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER MAATA OO AH AXAD 6-DA FEB-2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

CARRUUR WALAALO AH OO KU GEERIYOODAY DAB KA KACAY GURIGOODA

Dabka ayaa waxaa uu ka kacay Guri Jiingad ah oo kuyaalla Xaafada Sheekh Cismaan ee Galbedka Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolla Awdal ee degaannada Somaliland.

Inta la xaqiijiyay waxaa dabkaasi ku geeriyooday Saddex Caruur Walaalo ah oo lagu kala Magaca abi jiray Deeqsan Sheekh Muuse Maxamed oo Saddex Sano jir ah, Aragsan Sheekh Muuse Maxam ed oo 9 Bilood jira ah & Muxumed Sheekh Muuse halka uu dhaawac culus gaaray Khaalid Sheekh Muuse.

Dadka deriska la ah Carruurta geeriyootay ayaa sheegay in aysan helin gurmadkii loo baahnaa taasi oo keentay in Car ruurta ay Guriga ku gubtaan.

Ciidamada dam demiska Somaliland ayaa markii dambe tegay Guriga uu dabka ka kacay, iyaga oo ku guuleystay inay demiyaan, waxaana sidoo kale ku burburay qaar kamid ah Agabkii yaallay Guriga.

 

Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka oo bil aabay wajigii 2aad ee doodaha howl galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Midowga Afrika, Dowladda Federaalka Soomaal iya (DFS) iyo saaxiibada beesha caalamka ayaa ku shirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soo maaliya, iyagoo ka wada hadlaya waajibaadka sha qo ee howlgalka cus ub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Hawlgalka Midow ga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), ayaa beddeli do ona Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMI SOM) oo waqtigiisu uu dhammaanayo 31-ka Maarso 2022.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/dir Max amed Nuur ayaa sheegay in qorshaha la soo jeedi yay uu diirrada saari doono sidii loo hirgelin lahaa mudnaanta Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya ee loosoo gaabiyo STP.

STP waa istaraatiijiyad dhameystiran oo ay dejiy een DFS iyo la-hawlgalayaasheeda si ay ugu jiheey aan in si tartiib-tartiib ah mas'uuliyadda amniga Soo maaliya loogu wareejinayo ciidamada amniga ee Soomaaliya.

"Sida ay soo jeedinayaan kooxaha farsamada ee DFS iyo AU, waajibaadka howlgalka cusub ee M/ Afr ika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya wuxuu noq on doonaa in la taageero dowladda Federaalka ah si ay u fuliso ujeedooyinkeeda istiraatijiyadeed iyo mud naanta ee STP," ayuu yiri Wasiirka gaashaadhigga.

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay, Anita Kiki Gbeho, ayaa shee gtay in QM ay ka go’an tahay in si guul leh dib u hab eyn loogu sameeyo AMISOM iyadoo loo marayo wadatashi, wadashaqeyn iyo isku dubarid.

"Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya, ayaa diir adda saaraya sidii Soomaaliya loogu gaarsiin lahaa isbedel amni oo dhameystiran, Q/Midooba yna wax aa ka go'an in ay taageerto hannaankan ay Sooma alidu hormuudka ka tahay. Waxaan rabaa in aan ho osta ka xariiqo in dib-u-habaynta AMISOM ee hawlg al cusub ay qayb muhiim ah ka tahay dadaalkan,” ay ay tiri Gbeho.

20kii Febraayo 2007, Golaha Ammaanka ee Q/M. ayaa u fasaxay M/Afrika in Soomaaliya la geeyo ha wlgal nabad ilaalin ah oo qaadanaya muddo lix bilo od ah, si loo taageero dowladda. Balse howlgalkaas ayaa dheraaday oo qaatay muddo ku dhow 15 sano.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Iyo Dhiggiisa Dalka Rwanda Oo Kala Saxiixday Heshiis Is-Afgarad Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga ah, Md.Cabdisaciid Muuse Cali, ayaamaan ta dhiggiisa dalka Rwanda Md.Vincent Biruta, la sax iixday Heshiis Is-afgarad ah oo dhi nac socday Shirweynaha M/Afrika ee ka dhacaya M/Addis Ababa.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa ku saabsan horumarinta iskaashiga 2da dowladood iyo xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacs iga, sayniska, farsamada iyo iskaashiga dhaqanka.

Saxiixa Heshiiskan Is-afgaradka ah ee cusub ayaa saldhig u noqon doona xiriir qotodheer oo dhex mara Soomaaliya iyo Rwanda, kaas oo ku qotoma wax wada qabsiga iyo danaha labada shacab iyo labada dowladood ee saaxiibbada ah.

Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo Shalay lagu doortay magaalada Muqdisho

Waxaa Shalay M/Muqdisho lagu qabtay doora shada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobol ada Waqooyi ee Soomaaliland.

Kursiga 1aad ee doorashadii Shalay ka dhacday Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 226, waxaana ku guuleysatay doorashada kursiga Maryan Maxamuud Ciise, kadib markii ay tanaasushay Khadiijo Cali War same oo aheyd Musharaxii la tartami laheyd Maryan Maxamuud, waxaana cod gacan taag ah oo loogu codeeyay Mary an M/mud Ciise ay ku heshay 98 cod. Kursi ga 2aad ee Shalay lagu doortay M/Muqdisho oo tirsigiisu yahay HOP 218, waxaa kusoo baxay Maxamed Cilmi Ibraahim oo helay 92 cod, kadib markii loogu codeeyay hab gacan taag ah, markuu tanaasulay Musharaxii la tart ami lahaa oo ahaa Cabdiraxmaan Cismaan Xuseen.

Kursiga 3aad oo sumadiisu tahay HOP 270, oo ka mid ahaa kuraasta Shalay lagu doortay magaalada Muqdisho, waxaa ku guuleystay Cabdiwahaab Ca bdi Cumar oo helay 97 cod oo ahaa gacan taag, ka dib markii ay tanaasushay Muna Axmed Diiriye.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa gud diyada doorashada waxay ku wadaan si dardar leh, iyagoona sheegay iney kusoo gabagabeyn doonaan waqtiga loo qabtay in lagu soo dhameystiro doorash ada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Xaalada M/Baledweyne oo Xalay aad u Kacsan iyo Cali Guudlaawe oo maanta ku wajahan

Waxaa Xalay mar qura isbadalay xaalada Maga alada Baledweyne oo laga dareemayo jawi aad u ka csan kadib markii dadweyne careysan iyo ciidamo ka soo horjeeda maamulka Hirshabeelle ay xirteen wadada laamiga ah ee isku xirta garoonka Baledw eyne iyo xerada Lamagalaay.

Ciidamada hubeysan ee Xalay lagu dhex arkaa yo wadada laamiga ee halbowlaha u ah isku socod ka Baledweyne ayaa ah ciidamo ka amar qaata Ko rneyl Nuur Dheere, kuwaas oo si weyn u diidan in Baledweyne uu tago madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

rrintaan ayaa timid kadib markii ay fiidnimadii hore ee Xalay ay soo baxeen warar sheegaya in maalinta berito ah la doonayo in Baledweyne tagaan madaxweyna ha Hirshabeelle iyo guddi wasiiro ah oo uu dhawaan Raysal wasaare Rooble u xilsaaray xalinta xiisada Baledweyne.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamo aad u farabadan oo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwii dhawaan dowladda geysay Baledweyne ee Gorgor iyo Haramcad ay doonayaan iney isku fidin ayaan wadooyinka gudaha magaalada Baledweyne, waxaana dadka ay ka cabsi qabaan isku dhacyo dhe xmari kara ciidamada dowladda iyo kuwa Kacdoon ka Hiiraan ee kasoo horjeeda imaasha Cali Guudla awe ee magaalada Baledweyne.

Waxaa marar badan fashilmay isku dayo awoode ed oo la doonayay in magaalada Baledweyne lagu geeyo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo mudo sanad ka badan loo diidan yahay inuu tago M/ Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyey ee xarigga wasiir kii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya

Magaalada Baydhabo ee xarunta G/Baay waxaa muddo saacado ah lagu xiray wasiirkii hore ee Ga ashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Md.Cabdi rashiid Cabdullaahi Maxamed, kaas oo hoteelkii uu deganaa lagala baxay.

Wararka ayaa sheegaya in saacado kadib lasii da ayey wasiir Cabdirashiid oo ay hoteelkii uu deganaa ay kasoo wateen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Koonfur Galbeed.

Sii deynta wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ay aa timid, kadib cadaadis la saaray maamulka Lafta Gatreen iyo sidoo kale dadaallada ay sameeyeen odayaasha dhaqanka.

Cabdirashiid Maxamed Cabdullahi ayaa Dorraad te gay Baydhabo, isaga oo u sharraxan kursiga HOP#197, si uu ololihiisa doorasho uga bilaabo halk aasi. xariggiisa ayaa loo sababeeyey inay ka damb eyso siyaasad, maadaama uu ka mid yahay siyaasi yiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee mucaaradka ku ah Lafta Gareen.

Dhinacakale ma jiro wax hadal ah oo kasoo bax ay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlad gobo leedka Koonfur Galbeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Sidoo kale weli dhankiisa kama uusan hadlin wasiir ku xarigga laoo geystay, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo aaday uu la hadlayo wariyeyaasha, si uusiiyo warbixin dhameystiran.

Si kastaba, Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed ay aa bilihii bilihii u dambeeyey ka maqnaa dalka, wuxuuna ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasi mada waddanka Kenya, isaga oo haatan dib ugu soo laabtay dalka, si uu qayb uga noqdo loolanka lo ogu jiro doorashada.

Guudlaawe oo soo diiday qorshe ay Jowhar u tageen xubno wakiil ka ah Fahad

Sida ay Sheegtay inay ogaatay Caasimada Onl ine, waxaa guul-darro ku soo dhamaaday safar maa lmo qaatay oo Jowhar ay ku tageen xubno uu dirsad ay oo wakiil ka ahaa Taliyihii hore NISA Fahad Yaa siin. Xubnahaas oo ay hoggaaminayeen wasiiru dowladaha gaadiid ee XFS Ca bdiraxmaan Dheere iyo wiil gacan ya re u ah Fahad Yaasiin oo lagu magacaabo Anas ay aa ku soo guul-dareystay qorshe ay doonayeen inuu u fuliyo Madaxweynaha HirShabeelle C. Guudlaa we

Sida aan xogta ku helnay xubnahaan oo wakiil ka ahaa Fahad ayaa Cali Guudlaawe ka dalbaday in si hor maris ah loogu soo saaro doorashada shan ka mid ah kursasta golaha shacabka ee taalla Beledwe yne, kuwaas oo uu ku jiro kursiga Fahad Yaasiin uu u tartamayo ee haatan uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Fahad ayaa sheegay in qorshihiisa uu yahay in sanadkaan uu u tartamo kuriga guddoomiye ku xige enka koowaad ee golaha shacabka.

Ilo xog ogaal ah oo aad ugu dhow xafiiska Madaxwe ynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa Caasima da Online u xaqiijiyey in Madaxweynuhu uu diiday qorshaha ay ula tageen xubnihii ka socday Fahad Yaasiin. Cali Guudlaawe ayaa la sheegay inuu ku do oday in qorshahaas uusan fuli karin isagoo aan tegin Beledweyne, sidoo kalena aysan dhammaan doora shada kuraasta golaha shacabka ee taalla Maga alada Jowhar.

Xogaha ugu dambeeya ee aan ka heleyno Jowh ar waxay sheegayaan in xubnihii uu soo wakiishay Fahad Yaasiin ay dib ugu laabteen Muqdisho, iya goo wax natiijo ah aan ka sidin Cali Guudlaawe.

Dhinaca kale xubno ka tirsan kooxda ololaha Mad axweynihii hore Sheekh Shariif Axmed ayaa Jimcihii Dorraad tegay M/Jowhar, kuwaas oo qorshe ynaya in Madaxweynaha HirShabeelle ay kala hadlaan kuraa s dhowr ah oo ay rajo ka qabaan saaxibadood ku soo baxaan.

Fadumiina Shiiq Hilowle oo dhaliilsan xildhi baanada Jareer weyne

Fannaanada caanka ah Fadumiina Shiiq Hilowle ayaa dhawaan barteyda Facebook ku ba ahisay in ay dhaliilsan tahay xildhibana da besha Jareer weyne. Waxaa kaloo ay sheegtay inay marna la dhacsaneen qaa bka ay be esha ay ma talaan iyo sida ay wax u ma arenayaan.

Beesha Jareer weyne waxaa ay ka mid yihiin. Be elaha ku dulman dalka soomaliya ayagoona deeg aan ahaane daga labada wabi Juba iyo Shabeele.

Fanaanada Fadumiina ayaa si caro leh ugu hada shay waxtar la’aanta xildhibanada beesha Jareerwe yne, ayadoona dalbatay in la doorto, waxbadane ay u qabandoonto beesha dulman ee jareer weyne.

Hadalkaasi ayaa waxaa uu ku soo aadeysaa xi lal kala guur ah ee Beesha Jareer weyne xildhabada matalaan ay marna dooneynin isbadal ayagoona kuraasta ay ku fadhiyaan dhaxaltooyo u qaateen.

Duqa Kismaayo oo ka hadlay dad shacab ah oo lagu laayay qarax miino oo lala eegtay gaari bas ah oo ay la socdeen

Ugu yaraan 9-ruux ayaa ku geeriyootay labo kal ena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari bas ah oo ay la socdeen uu la kacday Miino dhulka lagu aasay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Ju bbaland. Dadka dhintay ayaa ku sii jeeday M/ Kis maayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, waxaa na qaraxa lala eegtay gaari Bas ah oo ay la socde en, sida uu sheegay duqa magaalada Kismaayo, Cumar Faraweyne.

"Tani waxay ahayd dhacdo aad u xun, 9 qof oo dhamaantood ah aa dad rayid ah oo aan waxba ga labsan ayaa ku dhintay laba ka lena way ku dhaawacmeen qaraxa oo burburiyay bas yar oo ay la socdeen dadkani," ayuu yidhi Cum ar Faraweyne oo ka qeyb galayay aas wadareed ma rxuumiinta loogu sameeyay Kismaayo.

Duqa Kismaayo ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo lagula dagaalamayo Alshabaab iyo cid wal ba la shaqeysa. Wuxuuna sheegay in aysan u dulqa adan doonin daadinta dhiigga shacabka ee maalin walba qubanaya.

Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) ayaa tacsi tiranyo leh u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadka ku geeriyooday qaraxa, wuxuuna fal kaan ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kooxda alshabaab.

Bishii December 2021 ayay ahayd markii 4 Wiil oo dhallinyaro ah ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay tuulada Buula Xaaji ee galbeedka M/Kisma ayo, dhallinyaradaas oo xilligu qaraxu haleeyay ku howlanaa gurmadka biyo dhaamiska dadka abaar aha saameeyeen.

Maxaa ka dhalan kara inuu Lafta Gareen tirtiray jiilkii 1-aad ee siyaasadda K/Galbeed?

Koonfur Galbeed waa meesha ugu badan oo illaa hadda la beegsaday siyaasiyiintii waqtiga dheer saa rnaa Kuraasta Baarlamaanka Fede raalka ah.

Hoggaamiyaha K/Galbeed Cabd icasiis Laftagareen oo fulinayo dooq siyaasadeedka madaxweyne Farma ajo iyo danihiisa gaarka ah ayaa ca gta marinaya inta badan siyaasiyiintii loo yaqaanay Remote-ka siyaasadeed ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Dooda ka taagan isbadalkaan waa laba nooc, mid waa sida u uu dhacayo isbadalka, midna waa dadka uu keenayo Laftagareen.

Inkastoo uu Kuraas soo siiyey dhowr qof oo kamid ah siyaasiyiintii cabqariga ahaa ee deegaanka, had dana inta uu gacantiisa ku jaray ayaa badan, welina waxaa la sheegayaa inuu rabo inuu qaar kale bixiyo.

Xubnahaan qaarkood si toos ah ayaa loogu diiday tartanka, danta laga leeyahay in la bixiyo waxaa loo arkaa inaysan aheyn aragti deegaan, balse ay tahay rabitaanka Farmaajo iyo damac gaar ah oo uu Lafta gareen leeyahay kaasoo aan weli kor loo sheegin.

Waxaa jiro dad badan oo reer Koonfur Galbeed oo taageersan in la bixiyo siyaasiyiinta waqtiga dhe er saarnaa kuraasta, laakiin doodda dadkaas waxay tahay yaa lagu badalayaa?

Da’da siyaasaddu waa saddex jiil, Lafta Gareen wuxuu bixinayaa siyaasiyiinta da’ isku xirkoodu tah ay 60 Illaa 80. Kooxdaan waxaa loo arkaa inuu qaar kood ku saxan yahay inuu bixiyo, laakiin in siyaasi 60 Jir ah lagu badalo mid 25 Jir ah waa dood dha qaaqi la’.

Jiilka 60-ka ka weyn ee Koonfur Galbeed waxaa sugayey in muddo ah oo qaarkood ay siyaasadda ku jiraan hadda Jiilka afartameeyada. Cabdicasiis inuu badalo Jiilka Koowaad dad badan waa ugu garaa been oo waxaa muuqata in lagu caajisay kooxdaas, laakiin inuu Jiilkii Dhexe ka booday isagoo baqdin ka qaba uuna u booday jiilka 25 jirada ma caawineyso siyaasadda deegaanka, ayey leeyihiin siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Koonfur Galbeed. Inaad diido wasiir Cabdirashiid LLC, Wasiir Fargeeti, Wasiir Xa amud, Senator Xuseen, Senator Ilyaas, Wasiir Jaa mac, Wasiir Hoosow iyo ragga la midka ah oo aad aado 25 jiro aan waligood fadhi siyaasadeed tagin uma daneeneyso dadka iyo deegaanka, waana ab uuridda is eryasho siyaasadeed ayey leeyihiin dadka diidan jiilka uu Laftagareen doortay, isagoo mararka qaar sheegaya inuu raadinayo isbadal wanaagsan.

Haddaba maxaa ka dhallan kara in jiilkii Koowaad ee siyaasadda Koonfur Galbeed lagu badalo Jiilka Seddexaad iyadoo la inkirayo Jiilka Labaad ee ha dda dhex taagan siyaasadda?

Dadka reer Koonfur Galbeed oo aan wax ka weydii nay doodaan waxay leeyihiin arrintaan waxay abuur eysaa in Jiilkii Labaad ee la inkiray inay beegsadaan hoggaanka Deegaanka, abuuraan dodo iyo halgan ay ku xaqiijinayaan xaqooda oo si weyn la isku erya do. Tani waxay bixineysaa Cabdicasiis laftirkiisa, dhallinayarada hadda lasoo xaabiyeyna waxay ku keeneysaa inay deg deg siyaasadda uga baxaan, maadaama aan la gaarin saacadoodii.

Doorashada hadda ka socoto dalka oo dhan Koo nfur Galbeed waa meesha qura oo 60-jiradii badalay aan 25 jiro, balse maamulada kale waxaa jirta xis aab ku socota habka saxda ah ee waafaqsan cimri siyaasadeedka, mana jiro maamul kale oo barakina ya jiilkiisii Koowaad kuna badalayo midka Sedexaad isagoo ka boodaya Jiilka Labaad oo ay siyaasaddu u bilaaban tahay.

Doodaan way xoogan tahay hadda, weli doora shadii Dalka waa socotaa, Dad badan waxay kula tal inayaan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed inuusan qaldin da’ siyaasadeedka si aysan Dadka deegaan ka ugu fashilmin fagaaraha wax qeybsiga Soomaali da oo uu inta dhiman ku saleeyo Jiilka Koowaad oo lagu badalayo Jiilka Labaad.

4 Soomaali ah oo kamid noqday muhaajiriin qabow ugu geeriyooday xadka Turkiga iyo Giriiga

4 qof oo Soomaali ah ayaa ka mid noqday 19 qof oo maydadkooda laga helay xadka u dhaxeeya Tu rkiga iyo Giriigga, kaddib markii dadkaasi ay u dhin teen qabow daran oo halka as ka dhacayay.

Soomaalida maydadkoo da la helay iyo kuwa kale aja anibta ah ayaa doonayay in ay gaaraan dalka Giriiga, iy agoo markii hore qaab tahriib ah uga tagay dalka Turkiga, oo ay ku noolaayeen.

Turkiga ayaa Giriigga ku eedeeyay in si xoog ah ay dib ugu soo celiyeen dadkan, sidaasna ay ku ti mid dhimashadooda, halka Giriiggu uu arrintaasi ga ashaanka u daruuray.

Dowladda Turkiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ay maydadka dadkan ka heshay meel u dhow xadka Giriiga, kadibna usoo qaadeen dalkooda, si loogu wareejiyo qoysaskooda.

Soomaalida maydadkoodii hore la helay oo ahaa labo dhallinyaro ayaa saacaddo kadib la xaqiijiyay maydka labo kale, waxaana weli socda baaritaanka loogu jiro in ay jiraan kuwo kale oo la ogayn.

Turkiga ayaa sheegay in meydadkaan la helay ka dib dadaalladii baadi goobka iyo samatabbixinta ah aa ee ay sameeyeen saraakiisha ka howlgasha xad kaTurkiga iyo Giriiga, kuwaas oo Arbacadii helay laba iyo toban meyd oo kale.

Soomaalida ku sugan Turkiga ayaa horey looga digay xadka Giriiga, halkaas oo laga sheegay in Gir iiga uu adkeeyay xaduudkiisa islamarkaana uusan oggolaanayn in loosoo gudbo.

Tirada kuraasta Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay

Ka dib Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 9-kii bishii January lagu soo geba-gabeeyay M/Muq disho ayaa waxaa si dardar leh Magaalooyinka D G/dyada iyo Caasimadda Muqdisho uga socda Doo rashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baa rlamaanka Federaalka.

Doorashada oo gaabis badan uu hareeyay bill ihii November iyo December ayaa mashquulkeeda la dareemay wixii ka dambeeyay 15-kii bishii January, ka dib markii la muddeeyay in doorashada lagu soo geba-gabeeyo inta u dhaxeyso 15-ka January illaa 25-ka bishan February.

Shalay oo ugu dambeysay waxaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada 3 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doora shadoodu tahay Gobolada Waqooyi.

Tani ayaa kuraasta Golaha Shacabka ee illaa iyo hadda la doortay ka dhigeysa 105 kursi, oo lagu kala doortay Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Muqdi sho, Jowhar, Dhuusamareeb iyo Garoowe.

Kuraasta ugu badan ayaa lagu kala doortay Magaal ooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, halka Puntland iyo Jubbaland min 15 kursi lagu doortay.

Golaha Shacabka oo 275 xubnood ka kooban ay aa waxaa la filayaa in kuraasta harsan doorashadoo da lagu soo geba-gabeeyo muddadii lagu heshiiyay.

Dhanka kale marka aad fiiriso qoondada haweenka (Boqolkiiba soddon) ee Golaha Shacabka waxaa muuqata in gaabis uu ka jiro. 105 kursi oo la doortay waxaa dumar ka ah 22 oo keliya.

Afhayeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safi ina) ayaa toddobaadkii hore qiray in caqabad ka jirto dhanka qoondada haweenka, isaga oo sababtana ku sheegay odayaasha beelaha oo doonaya in rag oo keliya ku metelaan Baarlamaanka Federaalka.

Guddiga xaqiijinta ee qoondada haweenka ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada ku cadaadinaya meelmarinta ballanqaadkoodii ahaa inay xaqiijin doonaan qoondada haweenka daneynaya inay iska dhex arkaan siyaasadda dalka.

Caasha Geelle Diiriye oo xubin ka ah Guddiga xaqiiinta ee qoondada haweenka ayaa mar sii horey say sheegtay in arrinta qoondada haweenka ay door ashadan ka cuslaan doonto middii 2016, xilligaa oo sida ay sheegtay ay fursado badan jireen.

Doorashadii sanadkii 2016 ayay haweenka 2da Aqal ee Baarlamaanka ka heleen qoondo dhan boqolkiiba afar iyo labaatan.

Saamiga haweenka ee Golaha Shacabka ayaa la bilaabay xilligii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, markaas oo la dejiyay siyaasadda ah in haweenku ay kuraas go’an ku yeeshaan golahaasi.

Ka hadalka qoondada haweenka ee Baarlamaanka Federaalka waa mid sanadahaanba ku soo badane ysay dhegaha dadka Soomaaliyeed, taa oo doodo ka dhex dhalisay bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo ka hor yimid caymis xukuumadu soo rogtay

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ca bdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa she egay in xukuumadu anay awood u lahayn in ay caymis kusoo rogto gaadiidka.

Khaliif ayaa sharci daro ku tilm aamay amar ay xukuumada Somali land caymis ugu waajibisay gaadiidlayda reer Soma liland, waxa uu sheegay in xukuumadu anay jidayn karin caymiska.

"Xildhibaano ayaa hada ila wadaagayay in was iiro yidhaahdeen in arrintaasi dhaqangal tahay, lana fulinayo caymiska noocaas iyo noocaas ah ee khas ab ka ah, taasi oo sharci daro ah, cida wax jidaynays a iyaga maaha, sharcina ma jidayn karaan, dhaqaa laha la jideeyayna ma qaadi karaan, waana sharci daro" ayuu yidhi Khaliif.

Xeerka caymiska ayaa wali horyaala golaha wakii lada, oo ka doodaya meel marin tiisa.

Abiy Ahmed iyo Ethiopia oo dhabarka xijiyey Farmaajo iyo Soomaaliya (Warbixin)

Soomaaliya ayaa Khamiistii looga adkaaday tart an ay u gashay inay xubin ka noqoto Golaha Amma an ka iyo Nabadda ee Midowga Afrika kadib doora sho ka dhacday magaalada Addis Ababa ee xarunta ururka.

Soomaaliya ayaa kursigan kula loolantay Jabuuti oo heshay 19 cod halka Soomaaliya ay ka heshay 13 cod. Jabuuti ayaa kursigan ku fadhin doonta illaa sanadda 2025.

Hase yeeshee, codeynta ayaa waxaa kasoo bax day arrin yaab leh kadib markii Ethiopia ay u codey say Jabuuti. Ma ahan kaliya in Ethiopia ay u codey say Jabuuti, ee waxay sidoo kale u gashay olole xo oggan oo ay dalalka kale taageero uga raadisay.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya ayaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed wuxuu ugu yeeraa "walaalkey” waxayna do wladda federaalka ay marar badan Ethiopia ku gar ab istaagtay masraxyo caalami ah.

Waxaa ugu dambeeyey oo ay Soomaaliya kasoo horjeesatay codeyn uu Golaha Xuquuqda Aadanaha QM u qaaday ku anisixiyey abuuritaanka guddi khu baro ah oo caalami ah oo baaritaan ku sameeya tac addiyada xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya, ta asi oo Farmaajo uu ku garab istaagay "walaalkiis” Abiy Ahmed.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Max amed Cabdirisaaq ayaa sidoo kale dhowaan sheegay in Fa rmaajo uu diiday in diyaarad militari oo Masar ay leedahay ay gargaar caafimaad usoo qa ado Soomaaliya, isaga oo ka cabsi qaba in Abiy Ah med u arko inuu xulufo la yahay Masar.

Haddii Farmaajo uu gaaray in xitaa gargaarkii So omaaliya uu u diido cabsi uu ka qabo Abiy iyo inuu lumiyo saaxiibtinimadiisa, Abiy kama gaban inuu eego danta dalkiisa uuna taageero Jabuuti.

Jabuuti iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhaxeeya xir iir wanaagsan ayada oo inta badan badeecadaha dalka Ethiopia la geeyo ay kasoo degaan Jabuuti, si daas darteedna Abiy wuxuu Jabuuti u arkaa inay uga muhiimsan tahay Soomaaliya. Sidaas darteed Abiy Ahmed wuxuu eegtay dantiisa.

Balse su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah dan ta ay Abiy iyo Ethiopia u hayaan Soomaaliya ee Far maajo mar walba u garab taagan yahay, marka laga reebo inuu doonayey in ciidanka Ethiopia ay ka caa wiyaan inuu dalka ku qabsado balse ku fashilmay.

Abiy wuxuu Farmaajo tusay qiimahiisa, Farmaajo ma leeyahay indho kuu arko.

Guddi Uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Roole Oo Shalay Gaaray Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee Xarunta G/Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulka Hirshabe elle ayaa waxaa Shalay gaaray Guddiga Wasiirada ah ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xu kuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdiga Guddiga Wasiira da ah oo uu hoggaamina yey Wasiirka Arrimaha gud aha xilgaarsiinta Jen. Mu khtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa Garoonka diyaara daha Jowhar kusoo dha weeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabe elle iyo xubno kale.

Guddiga ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaare Maxa med Xuseen Rooble u magacaabay inay Maamulka Hirshabeelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala sha qeeyaan dajinta xiisadda iyo xal u helista khilaafka taagan oo ay qeyb ka tahay in Cali Guudlaawe tego Baladweyne. Guddiga Wasiirada ah ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amni ga, Wasiirka Ganacsiga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaar aha, iyaga oo la kulmi doona Madaxweynaha Hirsha beelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo waxgaradka ku sugan Jowhar.

Tan iyo markii Madaxweynaha Hirshabeelle loo doortay Cali Guudlaawe ayaa waxaa dhismaha Maa mulkaas kasoo horjeeda qeybo kamid ah Bulshada Baladweyne iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku su gan halkaas, isla markaana diidan in Madaxweyne Guudlaawe tego M/Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyadoo jana xuud uu ku sugan yahay m. muqdisho haddan la diidan yahay in uu tago cali guudlaawe magaalada hiiraan, waxaan la fialayaa inuu tagoaxadda haatan ah iyadoo ciidmao nuur dheere uu hoggaaminayo diimo ka muujinayaan jan an xuudna uu dhawaaq culus ka soo saaray muqd isho

Ciidamada Puntland iyo rag ku dagaalamay Garoowe

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga hel ayaa khasaaraha ka dhashay dagaal Habeen hore saq-dhe xe ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobol ka Nugaal, kaas oo u dhexeeyey ciidamada amma anka ee dowlad goboleedka Puntland & rag hubey san oo ka ganacsada maan dooriyaha, gaar ahaan Khamriga.

Is-rasaaseynta ayaa xoogeeda waxa ay ka dhac day agagaarka Buundada dhinaca Bari ka xigta mga alada Garoowe, taas oo laga maqlay meelo kala du wan oo ka mid ah Garoowe.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogan, maadaama ay saameyn ku yeelatay is-rasaaseynta labada dhinac oo ku soo aaday xilli habeen ah.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Nugaal G/le Sare Ilyaas Isaaq Maxamuud ayaa ka warbixi yey iska hor imaadka dhex-maray ciidamada amma anka iyo ragga hubeysan, wuxuuna shaaciyey in cii damada Booliska oo howlgal ku jiray ay rasaas ku bil aabeen ragga hubeysan, ayna kadib ciidamada iska caabiyeen rasaasta, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in wax khas aare ah uusan geysan iska hor imaadka ka dhacay Garoowe, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen qa ar ka mid ah raggii hubeysnaa.

Ugu dambeyn taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in ay tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaadi do onaan kooxaha ka ganacsada Khamriga ee ku sug an halkaasi.

Puntland ayaa waxaa kusoo noq-noqday iska hor Imaadyada hubeysan ee u dhexeeya ciidamada am maanka ee maamulkaasi iyo maleeshiyaadka hubey san ee ganacsada waxyaabaha maanka dooriyaha, kuna sugan magaalooyinka waa weyn ee maam ulkaasi.

Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug oo Shalay Shaaciyay qabashada doora shada sideed kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay qabashada doorashada sideed kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan dooras hadoodu tahay Galmudug.

War qoraal ah oo Shalay ka soo baxay guddiga doorashada Galmudug ayaa lagu sheegay in diiwaan gelinta Musharaxiinta side eda kursi ay bilaabaneyso 12-ka bishaan Febraayo, waxaana xusid mudan in sadax kursi oo ka mid ah sideeda kursi ay ku tartami doonaan dumar kaliya.

Sideeda kursi ee Shalay la shaaciyay ayaa doorash adooda waxay dhici doonta todobaadka dambe maal maha Axad iyo Isniinta oo ay taariiqda ku beegan ta hay 13-14 ee bishaan Febraayo 2022.

Hoos ka akhriso Jadwalka dorashada 8 Kursi.

Maraykanka Oo Ugu Baaqay Dowlada Uga nda Inay Joojiso Jirdilka Ay Ku Sameyso Muwaadiniinteda

Hawlgalka Maraykanka ee Uganda ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku cambaareeyey dadkala waayo, xarig aan sharciga waafaqsanayn iyo jirdilka ay muwaadiniinta ay u geystaan ​​ciidamada amma anku.

"Waxay si liidata uga tarjumays aa dawladda waxayna wiiqaysaa da stuurka Jamhuuriyadda Uganda, ka as oo dhigaya qodobka 24-aad ina an qofna loo geysan karin nooc kas ta oo jir dil, naxariis darro ah, si bini’aadantinimo ka baxsan loola dhaqmo ama ciqaab,” ayaa lagu yiri ba yaankan.

War saxaafadeedka ayaa lagu bogaadiyay dadka la jirdilo iyo warbaahinta oo arrintan soo bandhigtay.

"Waxaan aqoonsannahay geesinimada dhibanayaa sha si ay khibradahooda ula wadaagaan dadweyna ha, iyo muwaadiniinta daneynaya inay si buuxda u muujiyaan xuquuqdooda iyo ilaalintooda dastuuriga ah,” ayaa lagu yiri.

Ergadu waxay ka codsatay Uganda in ay cadaal adda horkeento dadkii ka dambeeyay jirdil loo geys tay mid ka mid ah qoraayaasha dalka Uganda oo ciidamadu ay jirdileen.

"Waxaan u soo jeedineynaa Dowladda Uganda, anagoo dhinac ah Axdiga Afrika ee Xuquuqda Aada naha iyo Axdiga ka dhanka ah Jirdilka iyo Ciqaabta kale, si ay u ilaaliso Xuquuqda Muwaadiniinta iyo in ay la xisaabtanto cid kasta oo ku kacda. ku xad-gud bi xuquuqahaas,” ayay raacisay.

Hadalkan ayaa imaanaya ka dib markii uu soo ba xay muuqaal muujinaya xariga iyo jirdilka loo gey sanayo qoraaga abaalmarinta ku guu leystay ee Kak wenza Rukirabashaija, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay wiil uu dhalay madaxweynaha, Lt. Gen. Muhoozi Kainerugaba, oo sidoo kale ah tal iyaha ciidamada dhulka.

Fiidiyowga dhowaan soo baxay ayaa muujinaya Rukirabashaija oo feeraha nabarro ay ka muuqdaan iyo lafta canqowga oo jab ka soo gaaray intii uu xir naa. Xildhibaanada mucaaradka ayaa Khamiistii isaga baxay baarlamaanka si ay uga mudaaharaada an cadaalad darro ay ku eedeeyeen oo ay ka mid yi hiin dil, jir dil iyo xarig sharci darro ah oo lagu hayo muwaadiniinta.

Morocoo: Rayan oo laga soo saaray godkii uu shan maalmood ku jiray

Waxaa lagu guuleystay in godka laga soo saaro wiilka yar ee reer Morocco, Rayaan, oo dhowr maalmood ku jiray meel ceel ah.

Markii ceelka laga soo saaray ayaa waxaa durbadiiba lagu qaaday ambalaans ama gaari nooca gurmadka degdega ah kaas oo loo malaynayo in lagu gaynayo isbitaalka.

Boqollaal qof oo goobta isugu soo uruuray ayaa markii wiilka yar laga soo saaray ceelka waxa ay ku qaylinayeen Allaahu Akbar - Allaah ayaa wayn, farxad iyo rayn rayn ayuuna jawigu isu badalay.

Xaaladdiisa caafimaad oo aan xog badan laga heynin waxaa la tacaalaya dhakhaatiir ilaa Shalay oo dhan ku jiray godka.

Daqiiqado ka hor inta aan lasoo bixinin ayay warbaahinta Morocco soo tabiyeen in soo bixinta Ryan Saalim ay aad usoo dhawaatay kaddib markii uu shan maalmood ku xayirnaa ceelka dhexdiisa.

Wax yar ka hor soo saaristiisa waxaa la maqlayay codadka dad qaadaya anaashiid ducooyin ah iyo erayo muujinaya weyneynta Alle iyo mahad celinta Alle. Shaqaalaha gurmadka ayaa god weyn ka qo day ceelka dhiniciisa, si ay u gaaraan halka uu wiilka yar ku jiro.

Ceelka uu ku dhacay Rayan ayaa ku yaalla dulee dka magaalada Chefchaouen ee waddanka Morocco.

Xiili hore oo Shalay ah ayay howl wadeennada gurmadka u suurtagashay inay gaaraan wiilka, inka stoo ay ku adkaatay inay gacanta kusoo dhigaan.

Waxaa aad looga walwalsanaa sida uu ku helayo neefta Oxygen-ta ilaa inta laga soo bixinayo.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa laga dhur sugayay kooxda badbaadinta oo godka galay islamarkaana wiilka usoo saarayay dibadda. Qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa godka la

galay kooxda badbaadada si ay ula tacaalaan haddii uu halis caafimaad ku sugan yahay.

Waxaa lasoo tabiyay in wiilka yar uusan wax cunin waxna cabin muddo shan maalmood ah. Sidoo kale khubarada caafimaadka ayaa ka walwa lsan in maadaama ceelka uu ku dhacay uu aad u dheeryahay ay dhaawacyo gaadheen.

Heer kulka gobolka ayaa gaadha heer aad u sarreeya oo noqon kara 40 digrii ilaa 50 digrii, taa soo dhibaato weyn ku noqoneysa qof god ku jira.

Ceelkan ayaa u sameysan god aad u dhuuban oo qof caadi ah uusan gali karin, wuxuuna ka duwan yahay qaabka loo qodo ceelashada Soomaalida. Dhulka oo buuraley ah ayaa adkeeyay shaqada gurmadka.

Maxay dhaheen shaqaalaha gurmadka qaarkood oo kasoo baxay godka uu ku jiro Rayan?

Qaxootiga Manus Island oo gacmahooda ceel ku qodanaya

God weyn ayaa laga garab qoday ceelka

Warbaahinta Morocco ayaa goor sii horreysay soo tabiyay in qodista la joojiyay kaddib markii ay koox gurmad ah gudaha u galeen godka, iyagoo howlgalkoodu ahaa inay soo bixiyaan wiilka yar.

Waxaa go obta dho wr saacado od tag naa gaari ambalaas ah oo la gu qaaday wiilka si deg deg isbit aalka loogu gee yo.

Goor dambena waxaa la geeyay gaadhi kale oo ambalaas ah. Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay la socdeen waalidiinta wiilka ayaa Shalay gaartay goo bta. sidoo kalena waxay wadday sha qaale caafim aad. Dad aad u badan ayaa dhoobnaa godka hareerihiisa tan iyo markii uu gurmadka bill owday.

Madaxweyne Erdoğan oo laga helay COVID-19 iyo wararkii ugu dambeeyey xaaladdiisa

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa Shalay sheegay in laga he lay cudurka COVID-19, balse uusan dareemeyn wax xanuun darran ah. "Kadib markii aan dareemay astaamo fudud, xaaskeyga iyo aniga waxaa nalaga helay COVID-19. Waxaan qabnaa oo kaliya caabuq ko oban Allah mahadiis, waxaana ogaanay inuu yahay nooca Omicron,” ayuu Erdogan ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Erdoğan ayaa lagu waday inuu Shalay ka qeyb-galo munaasabad ka dhaceysa gobolka ku yaalla waqooyiga Turkey ee Zonguldak hase yeeshe waxa uu hadda kaga qeyb-geli doonaa hab fogaan arag ah.

"Waxaan gudaneynaa waajibaadkeena, waxaana shaqadeena kasii wadi doonnaa guriga. Waxana idinka codsaneynaa inaad noo duceysaan,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.Erdoğan ayaa toddobaadkan aad u mashquul badnaa, wuxuuna ka qeyb-gal ay kulamo badan, taasi oo loo badinayo inuu cudurka ka qaaday.

Waxa uu ka qeyb-galay kulan ku saabsan shaqada macallimiinta Turkey, shirka gol aha wasiirada iyo kulanka ganacsatada ee magaalada Ankara.

Erdoğan ayaa sidoo kale Talaadadii la kulmay wafti ka socday dalka Lebanon oo uu hoggaaminayey ra’iisul wasaaraha dalkaas Najib Mikati, wuxuuna sidoo kale booqday dalka Ukraine isaga oo ay wehliyaan xaaskiisa, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo suxufiyiin.

Erdogan ayaa Kyiv kula so kulmay dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy iyo xu bno kale oo ka mid ah saraakiisha dowladda, isaga oo isku dayaya inuu xal u helo xiis adda Ukraine iyo Russia.

Ka hor inta aanu kasoo bixin Ukraine, Erdoğan ayaa waxaa ka muuqday daal xooggan, waxaana codkiisa laga dareemayey inaanu caadi aheyn, isaga oo sidoo kale dhowr mar hindhisay xilli uu suxufiyiinta kula hadlayey shir jaraa’id.

Dacwad Lagu Soo Oogay Haweeney Soomaali Oo Canug Ay Dhashay Uga Tagtay Goob Ganacsi

Haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Faaduma Maxamed Nuuriye ay aa Ca nug yar oo ay dhashay oo jira sannad iyo saddex bilood uga tagtay dukaan ku yaalla M/ Columb us ee dalka Mareykanka, waxaana Haweeyneyda lagu soo ooga dacwad. Ciidanka Booliska M/Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegay inay Faaduma Max amed oo 20 sanno jir ah ku soo oogeen dacwad ah in ay halis gel isay nolosha wiilke eda yar oo ay dukaan uga dhaqaaqday.

Booliska Gobolka Ohio ayaa abaaro 7:45 habeenimo Habeen hore ga canta kusoo dhi gay Haweeneyda Soomaalida ah ee dukaanka uga dhaqaaqday Canugeeda, ka dibna waxaa la geeyay Saldhiga Boo liska Columbus.

Laamaha amniga ayaa su’aalo weydiiyay Faaduma Maxamed Nuuriye oo ku eedee yeen inay wiilkeeda yar ka tagtay, isla markaana waxaa Booliska ay Faadu ma kusoo oogeen dacwad la xiriirta khatarta ay gelisay wiilka yar.

Sababta ku kaliftay Faaduma Maxamed inay wiilkeeda goob dukaan ah oo ga ask ana laga gato uga takto weli lama shaacinin, Ciidamada Booliska ayaana Dorraad baa di-goob ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen waalidka wiilka yar.

Maxkamad Yurub ku taalla oo xukun ku ridday basaasiin Sucuudiga u shaqeeya

Maxkamad ku taala dalka Denmark ayaa 3 xubnood oo ka tirsan ko oxda muc aaradka Iran ku heshay danbi ah inay u basaasayeen Sucu udiga. Bishii February 2020-kii Saddexda nin waxa xidh ay booliis ku waxayna ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa halgan ka Carabta ee xor aynta Ahvaz ee Sucuudigu taageero.

Waxaa sidoo kale lagu helay dambi ah "maal gilinta kooxda lagu mag acaabo Mohiuddin Nasser” iyagoo taageerayay ga rabkeeda hubaysan ee dalka Iran ka dagaalanto. 3dan nin ayaa Waxaa laxukumi doonaa bisha soo socota, iyadoo ay suurtagal tah ay in lagu xukumo xabsi ilaa 12 sano ah iyo in la musaafuriyo.

Dacwada oo ka dhacday maxkamadda degmada Roskilde ee dalka Deenmaak, ayaa waxaa la sheegay intii u dhaxeysay 2012 iyo 2020 ay saddexda nin u gud biy een xog ku saabsan shaqsiyaad iyo hay’ado kala duwan oo Danish ah, iyo si doo kale arrimaha ciidamada Iran, iyagoo xoga haasi lacago kubadalanayay.

Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in lacagtaasi ay ku maal geli na yeen dhaqdhaqaaqyada garabka hubaysan ee ASMLA ee Iran, oo lagu maga caabo Mohiuddin Nasser. Kooxdan ayaa maamulka Iran u arkaan urur argagix iso oo huba ysan waxayna fuliyeen dhowr weerar oo rabshado wata oo uu ka mid yahay weerar ay ku qaadeen dhoolatus militari oo ka dhacayay magaalada Ah vaz ee koofurta galb eed sanadkii 2018 kaasoo ay ku dhinteen 24 qof.

Midowga Yurub oo cunaqabatayn ku soo rogay shan hoggaamiye oo ka tirsan milatariga Mali

Midwga Yurub ayaa sheegay in ay xayiraad dhanka socdaalka ah iyo xayiraad dhanka hantida ah ku soo rogeen shan sarkaal oo Mali ka tirsan, oo ay ku jiraan taliyayaal sare oo militari oo qaaday afgambiga sannadkii hore – kuwaas oo qayb ka ah hoggaamiyihii milatariga Assimi Goïta ee gudaha.

Arrintan ayaa lagu dhawaaqay kadib markii ciidamada milateriga ay ka baxeen balan qaad ahaa in bishan la qaban doono doorasho, taas bedelkeedana ay dib u dhac ku yimid afar sano. Shantu waa: Choguel Kokalla Maïga, ra’iisul wasaaraha ku meel gaarka ah Col Malick Diaw, madaxweynaha golaha ku meel gaadhka

Col Ismaël Wagué, wasiirka dib u heshiisiinta – iyo ninkii ku dhawaaqay afgamb iga Ogosto 2020

Adama Ben Diarra, oo sidoo kale loo yaqaan "Ben le Cerveau”

Ibrahim Ikassa Maïga, oo ah xubin rayid ah oo ka tirsan dowladda ku meel gaa rka ah. Xidhiidhka u dhexeeya EU iyo Mali ayaa hoos u dhacay, waxaana qayb ahaan sabab u ah afgambigii labaad ee dalkaas ka dhacay tan iyo 2020 iyo go’ aanka Mali ay ku shaqaalaysiisay qandaraasleyaal amni oo Ruush ah.

Waddamada Yurub oo uu ku jiro Faransiiska ayaa ka fikiraya in ay kala bax aan ciidamada ku jira cutubka dagaalka kula jira kooxaha Islaamiyiinta ah.

Bishii hore, ururka Ecowas ee gobolka ayaa cunaqabatayn kusoo rogay Mali, ku wa as oo ay ka mid yihiin in la xayiro hantida dalkaas ee bangiyada ganacsiga ee dalalka xubnaha ka ah iyo in la joojiyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee aan muhiimka ahayn.

Madaxweyne Ku-Xigeen Hore Ee Mareykanka Oo Jawaab Adeg Siiyay Donald Trump

Mike Pence, ayaa sheegay in Donald Trump uu ku khaldanaa inuu isku dayo inuu hor istaago guushii Madaxweyne Joe Biden uu ka gaaray doorashadii mad axtinim ada ee 2020-kii. Mr Trump ayaa dhawaan ku celiyay eeda ha aanay waxba ka jirin ee uu hore u sheegi jiray, ee ahaa in do orashada lagu shubtay.

Afar qof ayaa ku dhintay intii ay rabshaduhu socdeen, waxa ana maalintii xigtay ku dhintay askari boolis ah isagoo difaacaya dhis maha. Pence ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne ku xi geenka haatan aysan xaq u yeelan doonin inay natiijada doorashada ka hor tim aaddo marka aan ka badino doorashada soo socota ee sannadka 2024-ka. Isa goo ka haday ay magaalada Orlando ee gobolka Florida, Pence ayaa ka jawaab ayay hadaladii Mr.Trump ee Axadii ee ahaa inuu ka hor istaagi karay doorasha da hadii uu rabo. Trump ayaa sheegay in doorashada uu xaday madaxwey ne Biden. Dhanka kale Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa dhaleeceeyay laba xubnood oo ka tirs an Congress-ka ka dib markii ay ka qaybqaateen baaritaanka weerarkii dhism aha Capitolee ay sannadkii hore ee ay ku keceen taageeraysha Trump


 



UNOPS JOBS


ICT (Information Management) Associate

Job categories IT

Vacancy code VA/2022/B5001/23293

Department/office NYSC, Peace and Security Cluster

Duty station Nairobi, Kenya

Contract type Local ICA Support

Contract level LICA-6

Duration Ongoing contract (Open-ended, subject to organizational requirements,

availability of funds and satisfactory performance)

Application period 28-Jan-2022 to 11-Feb-2022



Applications to vacancies must be received before midnight Copenhagen time (CET) on the closing date of the announcement.

 

Background Information - PSC

Peace and Security Cluster

The UNOPS Peace and Security Cluster (PSC) is a principal service provider in the field of mine action with the United Nations Mine Action Service (UNMAS), UNDP, UNICEF, Governments of mine-affected countries and other mine action partners. It is led by the Director, who has overall authority and accountability for the performance PSC on behalf of its clients. TheDirector is responsible for administering and providing oversight of the day-to-day management of the Project Field offices, both according to the client requirements and in line with UNOPS rules and regulations.

UNMAS

United Nations Mine Action Service (UNMAS) is a division of the Office of Rule of Law and Security Institutions (OROLSI) in the Department of Peacekeeping Operations (DPKO). UNMAS is mandated by the United Nations General Assembly (RES/68/72) to ensure an effective, proactive and coordinated response to the problem posed by a wide range of explosive hazards. Legislative mandates also recognize UNMAS technical expertise in responding to threats posed by unsecured and unsafe conventional weapons and ammunition stockpiles. As an office within DPKO, UNMAS supports peacekeeping and special political missions in accordance with Security Council mandates.

UNMAS as a component of the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) provides explosive hazard management capacities, including mitigation, to AMISOM as part of a logistical support package. Non-lethal tactical advice and analysis are delivered by UNMAS technical advisors located in each AMISOM Sector Headquarters and at AMISOM Force Headquarters, who support AMISOM planning and operations. UNMAS support includes both enabling ("operate in spite of IEDs”) and response ("defeat the device”).As a component of the UN Mission in Somalia (UNSOM) UNMAS also supports the Federal Government of Somalia, including the Somali Police Force, Somali Explosive Management Authority and National Security Advisor.

Functional Responsibilities

 

*CANDIDATES WITH NO UN OR UNOPS EXPERIENCE ARE ENCOURAGED TO APPLY


*Qualified female candidates are strongly encouraged to apply

Under the guidance and supervision of the Senior Information Management Officer, the Information Management (IM) Associate will work closely with UNMAS Somalia projects, involved sections and key stakeholders to enable and enhance IM processes, systems and assist with data visualization and analytical insight through standardized tools, dashboards and processes – the end goal being better, data-driven decisions. This is a cross-disciplinary role with a primary focus on IM processes and systems, but which will also support other initiatives related to IM, including (but not limited to) knowledge management and the standardization of IM processes and systems.
The IM Associate will be responsible for the following duties:

·Perform regular audit of mine action information to ensure data completeness, integrity and quality;

·Ensure collected data quality, accuracy and consistency for accurate comparability based on established standards and procedures (SOP);

·Assist efforts in the identification of data sources, ensures the processing of collected data is in line with programme planning, monitoring, decision making and reporting needs;

·Support in leading the maintenance and updates of the programme databases and archives;

·Ensure the security and integrity of all programme’s Information Management Systems (IMS) and repositories is in place and in compliance with SOP;

·Oversee the qualitative and quantitative IMS data clean-up processes;

·Support in managing and updating datasets linked to related dashboards to enable quick and efficient visual analysis;

·Assist with the maintenance of spatial baseline and operational datasets by following relevant standards;

·Assist with the production and updating of high-quality map products and maintain a repository of spatial data and geodatabases;

·Provide remote support to UNMAS Somalia IMS Portal users;

·Support in preparation and printing of informative maps and other printing products;

·Update Geodatabases and use updated themes on produced maps;

·Perform other tasks assigned by the line manager.

·Competencies

Treats all individuals with respect; responds sensitively to differences and enc

Education/Experience/Language requirements


Education

A first level University degree (Bachelor’s Degree or equivalent) with two years of relevant experience, OR

High School (Secondary or equivalent) with six years of relevant experience is required.

Experience.

·Relevant experience is defined as experience in information management, information systems, data management, data analysis or data visualization, Geographic Information System (GIS), GIS mapping, or related field.

·Experience in GIS project design, data modelling, visualization or presentation is desired.


Language Requirements

·Fluency in English (writing, speaking and reading) is required

·Fluency in Swahili (writing, speaking and reading) is required

Contract type, level and duration


Contract type: Local Individual Contractor Agreement (LICA) Contract level: LICA...

Additional Considerations


Please note that the closing date is midnight Copenhagen time Applications ...

Background Information - UNOPS


UNOPS is an operational arm of the United Nations, supporting the successful implementation of its partners’ peacebuilding, humanitarian and development projects around the world. Our mission is to help people build better lives and countries achieve sustainable development.

UNOPS areas of expertise cover infrastructure, procurement, project management, financial management and human resources.

Working with us

UNOPS offers short- and long-term work opportunities in diverse and challenging environments across the globe. We are looking for creative, results-focused professionals with skills in a range of disciplines.

Diversity

With over 4,000 UNOPS personnel and approximately 7,000 personnel recruited on behalf of UNOPS partners spread across 80 countries, our workforce represents a wide range of nationalities and cultures. We promote a balanced, diverse workforce — a strength that helps us better understand and address our partners’ needs, and continually strive to improve our gender balance through initiatives and policies that encourage recruitment of qualified female candidates.

Work life harmonization

UNOPS values its people and recognizes the importance of balancing professional and personal demands.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip