HALKAN KA AkhRISO Wararka WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER ISNIIN 31-JAN. 2022

0
Monday January 31, 2022 - 07:20:19 in Wararka by
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AkhRISO Wararka WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER ISNIIN 31-JAN. 2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Rooble oo si weyn loogu soo dhoweeyey dalka Imaaraadka Carabta

       Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Md.Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Ima araadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yee lan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.

     Rooble ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey gar oonka diyaaradaha magaalada Abu Dhabi, halkaasi oo ay ku qaabileen madax sare oo ka tirsan dalkaas.

     Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa, booqasha da R/Wasaaraha ee dalka Imaa raadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya lab ada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

      Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay haatan is hayaan madaxweyn aha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo dowladdiisu xiriirka u jartay Imaaraadka, isaga oo dhinaca kale garab ka helay Qatar.

     Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dhowaan raali-gel in siiyey dowladda Imaaraadka Carabta, taas oo la xi riirta lacagtii 2018-kii looga qabtay garoonka Aadan Cadde, isaga oo u ballan qaaday in dib loogu celin doono, waxayna tallaabadaas dhabaha u xaartay dib u soo nooleynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi.

     Rooble ayaa sidoo kale shirka Golaha Wasiirada ka shaaciyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan, islamarkaana aysan si gaar ula macaamilin dal gaar ah, kuwa kalena aysan fogeyn, ayada oo xu kuumaddiisu ay ku dhaqmeyso sida uu sheegay siya asad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jir to maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.




    Wixii markaas ka dambeeyey, waxaa muuqata in xiriirka 2da dal uu soo wanaagsanaanayo, si gaar ah na in dowladda federaalka ay qaadeyso tallaabooy inay Imaaraadka Carabta ugu muujineysa inuu dhab ka yahay isbeddelka ay ballan-qaaday.


Maxkamadda gobolka Banaadir oo go’aan cusub kasoo saartay lacagta Imaaraadka

     Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo    saar tay amar culus oo lagu hakinayo bix inta lacagta Im aaraadka ee uu horey u shee gay ra’iisul wasaaraha Somalia in lagu wareejinayo xukuumada Abu Dhabi, kadib raali-gelin uu siiyey.

     Warqad ka soo baxday maxkamadda gobolka Ba naadir, isla-markaana lagu soo aadiyey safarka Ro oble uu ku aaday Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu faray guddoomiyaha bangiga dhexe iyo was iirka maaliyadda in lacagtaas aan laga bixin karin qasnadda dowlada.

      Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in weli ay socoto baaris lagu hayo lacagtan, isla-markaana aan la saari karin bangiga dhexe, illaa inta laga gaar ayo go’aanka u dambeeya.

      "Sidaas daraadeed lacagtaas lagama saari karo qasanadda dowladda illaa laga soo dhameynayayo baaritaanka iyo go’aan gaariska kiiska lacagtaas ee horyaalla xafiiska xeer ilaaliyo iyo hay’adaha baaris ta,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maxkamada

     Maxakamadda ayaa shaaca ka qaaday in lacagt aas oo dhan 9,600,000 inay si sharci darro ah kusoo gashay dalka, isla-markaana ay weli hortaallo xafiis ka xeer ilaaliyaha qaranka. Amarka maxkamadda go bolka Banaadir ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ra’iisul wasaare Rooble uu amb a-ba xay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay, isaga oo la kul mi doono madaxda sare ee dalkaasi.

     Horey madaxweynaha waqtigu ka dhamm aaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay aa u soo sa aray wareegto ka dhan ah tallaab ada ra’iisul wasaa raha, wuxuuna amar ku bixiyey in lacagtaasi aan la ga saari karin bangiga dhexe, isaga oo sheegay in go’aanka Rooble uu yahay mid uu gaaray hal nin, si daaas daraadeedna aan lagu bixin karin lagacaataa si oo la qabtay bishii April ee sanadkii 2018-kii, xilli la ga soo dajiyey garoonka Aadan Cadde.

 

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Dorraad Kulan La Yeeshay Midowga Yurub

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gudd oomiyaha Midowga Musharaxiita Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Dorraad M/Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb. Tina  Intelmann.

       Kulanka dhexmaray Sh.Shariif iyo Safiir Tina Int elmann ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladdihii ugu dambeey ay ee siyaasadda dalka Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka socda.

Sidoo kale inta uu socday kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga arrinsaday Arrimaha ammaanka da lka, Abaaraha baahsan ee xiligaan jira iyo kaalmada ay Midowga Yurub ku bixiyaan So omaaliya, iyo taageerada ay siiyaan DFS. 

      Md Sh.Shariif Sh Axmed ayaa Midowga Yurub uga mahad celiyay taageerada ay siiyaan DFS, taasi oo ku saleysan dhinacyo kala duw an

Dowladda Soomaaliya Iyo Kuwait Oo Ka Wa da Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal

     Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos ayaa kulan la qa atay Wasiirka Arrimaha Dibad da ee Dowladda Kuw ait, Sheikh Ax med Nasser Mohamed Al-sabah.

      2da Wasiir ayaa ka wada had lay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga qotadadheer ee ka dhexeeya laba da Dowlad ood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuw ait, kaas oo taabanaya dhinacy ada amniga, siy aasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulsha da.

    Wasiir Maxamuud ayaa la wadaagay wasiirk a Arr imaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, sida ay DFS u ga go’ antay in ay ku garab istaagto dowladda aan saaxiibbada nahay ee Kuwait gudashada waaji ba adka hoggaamineed ee Ururka Jaamacadda Carab ta iyo dhinacyada kale ee iskaashiga wadar geesood ka ah.

    Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Is kaa shiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilga arsiinta ayaa Dalka Kuwait uga qayb galaya Shirka Wadata shiga Wasiirrada Arrimaha Dib adda

Raysal wasaare Rooble: Ma jirto Musharrax goo ni oo aan wato Welwelka hala joojiyo

     Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa odayaasha dhaqanka iyo guddiga doorashada bee laha Banaadiriga la yeeshay kulan ku saabsan u diy aar garowga doorash ada kuraasta Banaadiriga.

    Raysal wasaare Rooble ayaa kulanka ka sheeg ay in aysan jirin wax musharrax ah oo isaga uu wato oo uu la doonayo in ay kusoo baxdo doorashada 5-ta kursi ee beelaha banaadiriga.

    "Aniga shakhsi ma wati, waan idi in sheegayaa, kursina idin kama ra bo, in la idin dulmiyana ma rabi. Wa xaan  u sheegayaa dad ka Banaad riga gudo iyo dibadba inay welwelka iska joojiyaan.   Waan dadaalaynaa," ayuu yiri Raysal waaaaruhu.

         Dhinaca Kale Raysal wasaaraha ayaa u shee gay beelaha banaadiriga in aanay ka welwelin in wax faro galin ah lagu sameeyo doorashada ku raas too da.Wuxuu raysal wasaaruhu she egay in guddo omiyaha guddiga xallinta khilaafaadka iyo ku xigeen kiisa uu u xilsaaray in ay xalliyaan cabasho kasta oo ka timaada doorashadooda beelaha Banaadiriga.

Al-Shabaab oo oo fal yaab leh ka sameysay deegaano ku dhow magaalada Muqdisho

     Kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirto ciida mada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afri ca ee AMISOM ayaa dab qabad siiyey tuulooyin ku dhow caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

      Tuulooyinka ay Al-Shabaab dabka qabad siiyeen ayaa kala ah Mareerey iyo Mukay Dheere ee dule edka degmada Balcad kadib markii uu halkaas dag aal ku dhex maray Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowl adda.

      Wararka laga helayo halkaas ayaa sheega ya in Dadkii daganaa tuulooyinkaas ay isaga barakaceen ka dib markii la gubay guryihii ay daganaayeen isla markaasna la dilay qaar ka mid ah dadkiii halkaas ku noolaa.

      Mareerrey oo qiyaastii 5 km Waqooyi Bari ka xig ta degmada Balcad ayaa Dorraad galinkii dam be dab la qabad siiyay, halka Mukey Dheere la gubay Jimc ihii

      Boqollaalka qoys ee tuulooyinkaasi ka baraka cay, ayaa hadda waxa duruufo nololeed oo aad u adag, ku haystaan degmada Balcad oo ay ku soo qaxeen.

  Gudoomiyaha magaaladaasi Qaasim Cali Nuur ayaa sheegay in sababta loo gubay tullo oyinkaas ay tahay inay soo dhaweey een ciid amada dowladda Soomaaliya ee

Ururrada Bulshada Rayidka Oo Sheeg ay In Aan La Fulin Qodobada Heshiiskii Doorashada

     Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soo maaliyeed Tahliil Muxuddiin Macallin Shaatax ayaa sheegay in Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay san fulin oo ay hirgelin heshiiskii ay ku gaareen Shir kii uga qabsoomay Magaalada Muqdisho ee socday 7-da maalin.

     Md.Shaatax oo la hadlay mid ka mid ah telefashinada Afka Soomaali ga ku hadla ayaa tilmaamay in Madax da Golaha sidii loo baahnaa oo uu qo rnaa heshiiska doorashada aan loo fulin oo ay weli sii socoto in kuraasta doorashada qaar la xiro, isla markaana la xakameynayo ergada wax dooraneysa.

     Guddoomiye Tahliil Shaatax ayaa Carrabka ku dhuftay inay rajo wanaagsan ka qabeen in Golaha ay qaadan doonaan tallooyinkii ku aaddanaa doora shada oo ay siiyeen Midowga Musharaxiinta, Bee sha Caalamka iyo Ururrada Bulshada Rayidka, bal se aysan qaadan, horeyna shaki uga qabeen.

     Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka ayuu sheegay inay dhacdooyin ka la duwan ka diiwaan-geliyeen doorashada Golaha Shacabka ee socota, isla markaana ay soo saari do onaan Warbixino ay ku caddeynayaan qalalaadkii dhacay.

    Ugu dambeyn Madaxda Golaha Wadatashiga Qar an ayuu Guddoomiye Tahliil Shaatax ugu baaqay inay fuliyaan heshiiskii ay ka gaareen doorashada oo ahaa in doorashada noqon doonto mid daah-fur an oo waqtigii lagu heshiisyay doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo.

Madaxweynaha Puntland Oo Kulamo Ka Bilaabay M/Nayrobi Oo Uu Gaaray

     Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland oo Dorraad ka ambabaxay M/Garoowe ayaa Habeen hore gaar ay M/Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, halkaas oo uu ka bilaabay kulamo kala duwan oo uu la yeel anayo Mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas.

     Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Saciid Deni uu Nairobi kula kulmi doo no  Madaxweyn aha Kenya Uhuru Kenyatta iyo xu bno kale oo ka tirsan Wakiilada Beesha Caalamka oo ku sugan Magaaladaas.

    Madaxweynaha Puntland ayaa la tilmaamay in Mas’uuliyiinta dowladda Kenya ee uu la kulmayo ka la hadli doono Arrimo kala duwan oo ku aaddan door ashooyinka ka socda dalka Soomaaliya iyo qodobo kale oo qorsheysan.

     Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Madaxwey ne Saciid Deni inta uu joogo M/Nayrobi ay halkaas isku arki doonaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Isla am Axmed Madoobe oo isna kusii jeeda Kenya.Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ah Isbaheysi siyaasadeed oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku wajahayeen Madaxweynaha muddo xile ed kiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir ka tirsan K/Galbeed oo geeriyooday & laftagareen oo ka hadlay

      Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftag areen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaali yeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, marxuum Abba awow Xaaji Suufi.

                Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii muuqday ee Marxuumka naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galbeed isaga oo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed xilliyo kala duwan isagoo hada ahaa Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha DGKGS wuxuu kale uu ka mid ahaa Xildhibaanadii 1aad ee Baarlamaanka KGS. "Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u di rayaa qoyska, ehelada iyo guud aha an shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxa riistee, Marxuum Abba awow Xaaji Suufi oo ahaa Wasiir ku xig eenka Wasaarad da Dhalinyarada iyo Ciyaara ha DGKGS.

     Madaxweyne Cabdicasiis ayaa Marxuumka Alle u ga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardow sa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabad a iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Golaha Shacabka Hirshabelle

        Guddiga Hirgelinta Doorashoo yinka Dowlad Goboleedka HIRSHABELLE (SEIT) ayaa Shahaada da Musharaxnimada Gudoonsiiyey Murushixiinta u Tartamaysa lix kursi oo lagu wado in doorashadooda ay ka dhacdo magaalada Jowhar berri oo ku beegan 31ka bisha Janaayo 2022.

      Musharaxiinta ay guddiga siiyeen shahaadoo yin ka ayaa waxaa ka mid ah lixdii xildh ibaan oo afartii sa no ee la soo dhaa fay ku fa dhiyay kuraasta lagu do oranayo berri mag aalada Jowhar.

      Hase yeeshee doorashada lixda kursi ee ugu hor eysa ee lagu dooranayo magaalada Jowhar ayaa u muuqda inay tahay doorasho aan lagu tartami doon in oo dhammaan lixda xildhibaan ee hore kuraasta u gu fadhiday ay soo qorteen Malxiis ama loo tanaas uli doono.  Waxaa magaalada Jowhar isaga tagay musharaxiin dooneysay inay tartama an iyadoo war arka qaar ay sheegaya an in ergada qaabka lagu soo xulay ay tahay mid ay horboodayaan lixda xildh ibaan ee hore kuraasta ugu fa dhiday.

      Maamulka Hirshabelle ayaa doora shadii kuraas ta Aqalka Sare ku helay ammaan badan kadib markii si weyn loogu tartamay kuraastaas.

Halkan hoose ka Akhriso kuraasta magacy ada ixda kursi ee lagu tartamayo

1- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#052 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay

1) Farxiyo Axmed Dhaqane iyo

2) Faadumo Yuusuf Cumar

2- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#088 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay

1) Dahabo Suusow Maxamuud iyo

2) Jamiilo Maslax Bulow

3- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP #098 ayaa wax aa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay

1) Maxamuud Maxamed Jimcaale (SEESEEY)

2) Ubax Haashim Odowaa.

4- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#097 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay

1) Khadiijo Maxamed Diiriye

2) Hodon Maxamed Xirsi

5- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#005 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay

1) Maxamed Cumar Ceymoy

2) Maxamed Cumar Cali.

6- Kursiga Tirsigiisa uu yahay HOP#033 ayaa waxaa ku tartamaya oo shahaadada la siiyay

1) Yuusuf Ibrahim Afrah

2) Maxamed Xuseen Sabriye

Jubbaland oo Amar kusoo rogtay Shirkada ha Shidaalka keena Kismaayo

    Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ammar dul dhi gay ganacsatada Shid aalka keena magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jub baland.  Qoraal kasoo baxay Xafiis ka Wasiirka Bartoolka Jubbaland Axmed Cab diris aaq Maxamed (HAN DAL) oo la ogeeysiiyay Ma are eyaha Dekadda Kismaayo iyo Ganacsatada ayaa waxaa lagu sheegay si loo badbaadiyo caafim aadka bulshada iyo hantid ooda, loogana hortago khatar ku timaada

  deegaanka laga bilaabo 01-02-2022 ay wasaarad du joojisay shidaalka lagu keeno

  fuustooyinka, isla markaana Dareere-hoosaadka Shidaalka  lagu keeni kara oo kaliya maraakiibta

 shidaalka qaada..

 Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in Shidaal ka la keenayo Dowlad Gobaledka Jubbaland uu aha adaa mid waafaqsan

      heerka tayada loo qorsheeyay, isla markaana cid dii shidaal ku keenta fuustooyin ama keenta shidaal tayadiisu hooseyso ay mutaysan doonto ganaax iyo in ogolaanshiya ha ka ganacsiga shidaalka lagala no qdo.

Khadiija Diiriye oo farsamo yaab leh kurs iga loogu xiray iyo Baarliin Biin oo war soo saartay

      Baarliin Biin oo dooneysay in wasiir Khadiija Ma xamed Daariye ay kula tartanto kursiga golaha shac abka ay ku leedahay beesha Yaxar ee Hop097, ay aa Habeen hore shaacisay in tartanka laga reebay oo Kha diija Diiriye kursigaas loo xiray.

Baarliin oo Habeen hore warbaahinta la hadashay ay aa sheegtay in guddiga doorashada heer dowlad go boleed ee HirShabeelle ay toos uga reebeen tartan ka, kadib markii ay hor dhigeen dhowr jid-gooyo.

Caqabada ugu weyn oo ay sheegtay in guddiga as ay hor dhigeen waxay tahay in lagu xujeeyey inay keensato ID-kaar cadeynaya inay tahay beesha ay kursigeeda u tartameyso ee Yaxar.

Waxay sheegtay in markii la weydiiyey ID-kaarka ay guddiga hor geysay odayaashii dhaqanka beeshe eda, halka Khadiija Diiriye ay la timid odayaal kale oo isla beesha ah, halkaasna lagu cadeeyey in Baar iin ay u dhalatay beesha Yaxar.

Odayaasha ka socday garabka Khadiijo iyo ku wa ka socday garabkeeda, Baarliin waxay sheegtay inay ku jireen labo oday oo wada dhalatay, taas oo guddiga u cadeysay in beesha ay u dhalatay.

Hase yeeshee waxay sheegtay in ugu dambeyntii guddoonka guddiga doorashada HirShabeelle ay si cad ugu sheegeen in doorashada aysan ka qeyb geli doonin oo aysan u diiwaan geli doonin inay u tartanto kursiga beesheeda.

Xaqdarada ay sheegtay in doorashada kursigaas ay ka jirto waxay tusaale ugu soo qaadatay, xubin ka mid ah guddiga soo xulaya ergada oo aan beesha kursiga leh ee Yaxar aan u dhalan, halka iyadoo beesha u dhalatay shaki la geliyey.

Khadiijo Diiriye ayaa hadda ka hor fagaare ka sheegtay in Baarliin Biin aysan u dhalan beesha Yax ar, isla markaana aysan kula tartami doonin kursiga beesheeda, taas oo sida muuqata ay hadda ka dhab eysay Khadiijo.

Sidoo kale Baarliin waxay sheegtay in Madaxw eyne Cali Guudlaawe ay kol hore u tagtay, isla mar kaana uu ka balan qaaday in tartan furan loo geli do ono kursigaas oo ayada iyo Khadiijo uusan u kala xa gli doonin.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya waxay kursigaas ku soo fadhisay tan iyo dowladdii lagu soo dhisay Carta – Jabuuti, 21-sano ka hor.

Khadiijo ayaa Dorraad Jowhar lagu gudoonsiiyey shahaadada musharaxnimada, Baarliin waxay ah eyd halka qof ee beesha u dhalatay oo ku hamisay inay sanadkaan la tartanto Khadiijo Diiriye, balse wa xaa loo cadeeyey in tartanka laga reebay.

AJENDAHA R/W ROOBLE EE IMAARAADKA: 7 QODOB OO AY TAHAY INUU HORDHIGO ABU DHABI

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dorraad u kicitimay dalka Imaaraad ka halkaas oo ku tagayo booqasho tii ugu horeysay ee uu ra’isul wasaare Soomaaliyeed sameeyo 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Safarkan Rooble ayaa ku soo aadaya iyada oo uu aad xu maa xiriirka labada dal tan iyo April-2018 kolkaas oo Muq disho ay la wareegtay $9.6 milyan ah oo ay leedah ay Abu Dhabi taas oo uu ra’isul wasaare Rooble naf tiisu raaligelin ka bixiyey, waxaa kale oo hadda isb adalay xiisaddii gobolka Khaliijka iyada oo ay heshiis gaareen Qatar iyo dalal kale oo uu Imaaraadka ku jiro, waxaa kale oo xusid mudan in Sacuudiga oo xul ufo la ah UAE uu safiir usoo diray Muqdisho, arrimha as oo lagu daro doorashada xilligan ka socota dalk eena ayaa xiisad gaar ah u yeeleysa booqashada.

Haddaba, Waxaan halkan kusoo gudbin doonaa 7 qodob oo ay ka tahay in Rooble Kala Hadlo Abu Dhabi:

1. Fududeynta Ganacsiga iyo Fiisaha: 4-tii sano ee tagtay, ganacsatada Soomaaliyeed ayaa culeys kala kulmay Imaaraadka, oo marriin muhiim ah u ahaa ganacsiga, fiiseyaasha iyo tashiilaadkii kale ay aa meesha ka baxay, oo adkaaday, waxaana la joo gaa in Rooble uu safarkan uga faa’ideysto arrintaas, kalana hadlo madaxda dalkaas sidii Imaaraadka ay albaabada ugu furi lahaayeen ganacsatada Soomaa liyeed.

2. Fududeynta Ganacsiga: Soomaaliya waxaa ay Imaaraadka u dhoofin jirtay xoolo, dahab iyo alaabo kale oo qiimo badan, oo ku kacayey ilaa 200 milyan oo doolar sanadkii, Rooble waa inuu safarkan kala hadlo Imaaraadka sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay suuqyo cusub uga heli lahaayeen UAE.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip