HALKAN KA AKHRISO WARARKA W.MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 26-KA JAN. 2022

0
Wednesday January 26, 2022 - 08:24:26 in Wararka by
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA W.MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 26-KA JAN. 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Cabdi Xaashi oo sheegay ballan uu uga baxay madaxweyne FARMAAJO

    Guddoomiyihii Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi oo ka hadlay go’aankii ka soo ba xay xukuumadda Rooble ee la xiriiray ONLF iyo Qal bi-Dhagax ayaa sheegay in Farmaajo uu markii la dhiibayey Qalbi-Dhagax u ga baxay ballan uu ka qaad ay oo aheyd inaanu dhiibi doonin.

    Cabdi Xaashi ayaa shee gay inuu aad ugu farxay go’aanka xukuumadda Rooble, kaas oo sida uu she egay uu mudo dheer ku taamaayey, marar badana uu kula taliyey madaxdii hore.

     Cabdi Xaashi ayaa aad ugu mahad celiyey Ra ’iisul Wasaare Rooble iyo golihiisa wasiirrada, "Wax aad saxdeen dembi horay u dhacay oo dowladdii Farmaajo madaxda ka ahaa ay gashay, kaas oo ahaa in la dhiibo Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax oo aan dalkiisa ka gelin wax dembi ah, ururka ON LF oo u dagaalama xorriyada Soomaalida dulman ee la heystana ku sifeysay urur argagixiso ah,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

       Sidoo kale Cabdi Xaashi waxa uu sheegay in go’aankii xilligaas ay dowladda Soomaaliya ka qa adatay Qalbi-Dhagax iyo ururka ONLF uu aad uga naxay, "Wixii tabarteyda ahaa waan ka geystay, wa xaan soo jeediyey talooyin badan, laakiin cidina iga ma hoos qaadin,” ayuu yiri.

   Guddoomiye Cabdi Xaashi waxuu intaas ku sii da ray in go’aankii Dorraad ka soo baxay xukuumadda uu farxad weyn geliyey, kaas oo meesha ka saaray gefkii ay geysatay dowladii Farmaajo, "Waa ku mah adsanyihiin Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xukuuma diisa,” ayuu yiri Cabdi Xaashi Cabdullahi.

    Waxaa xusid mudan in maalmo ka hor Cabdi Xa ashi uu ka mid ahaa xubno ka soo jeeda gobollada waqooyi oo si adag u eedeeyey Ra’iisul wasaare Rooble oo sida ay sheegeen ay doorasho isku ha yaan, balse sida muuqata taasi kama hor istaagin Rooble iyo xukuumadiisa uu uga mahad celiyo go ’aankii ay ku saxeen qaladkii laga Qalbi-Dhagax iyo ONLF.

     Horay Guddoomiye Cabdi Xaashi waxuu u shee gay in madaxweyne Farmaajo uu ka balan qaaday in Qalbi-Dhagax aan loo dhiibi doonin Itoobiya hab eenkii ka horeeyey maalinkii la dhiibay, balse ay soo baxday in muwaadinkaas la dhiibay Cabdi Xaa shi waxa  cuu sheegay in wixii maalinkaas ka dam beeyey uu aad u nacay Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo laga dalbaday inuu raali-gelin ka bixiyo saddex dhacdo

      Gudoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda Yuusuf Xasan Mursal oo ka hadlay go’aankii ay dha waan gaartay Xukuumadda Rooble, kaasi oo looga laabtay qaraarkii ONLF loogu daray liiska argagixis ada, ayaa dalbaday in Ra’iisul Wasaaraha uu raali-gelin iyo garawshiyo ka bixiyo weeraradii ay qaaday xukuumaddii ka horeysay ee Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu si gaar ah u carabaabay weerarkii 2017-kii lagu qaaday hoyga Siyaasi Cabdiraxmaan Cab dishakuur, Senator Cabdi Qeybdiid iyo dadkii lagu laayay Koonfuur Ga lbeed, xiligii weerarka lagu qaaday Mukhtaar Roo bow.

     "Waxaa leenahay Faanoole far kama qodna, wax walba oo Farmaajo looga soo horjeedo waa ku jirna haddaan nahay reer Koonfur Galbeed dhibaato badan ayaa ka dhacday, waxaa rabnaa in Ra’iisul   Wasaaraha uu wax ka qabto arrintaas,” ayuu yiri.

     Sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay dadaalada uu Ra’iisul Wasaare Rooble dib ugu saxayo qalad aadka ay gashay xukuumadii Kheyre oo xiligaas si weyn iskugu dhawaayeen madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

     "Haddaan dhaho waan tirinaya gabood falada iyo tacadiyada ay dowladda gashay runtii wax dhow ma ah, waxaa rabaa inaan ku soo gaba-gabeeyo waa soo dhaweynayna dadaalka Ra’iisul Wasaara ha iyo xukuumadiisa.”

      Yuusuf ayaa ugu dambeyntiina waxa uu si gaar ah u dalbaday in arrinta Mukhtaar Roobow uu wax ka qabto, maadama uu si sharci darro ah muddo ugu xiran yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

     Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dhawaan xukuu madda Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku dhawaaqday in ONLF laga saaray liiskii argagixisada ee hore loo gu daray, tallaabo qaldana ku tilmaamtay dhiibistii Qalbi Dhagax.

Magacyadda Sagaalka Xildhibaan ee Shalay lagu doortay Muqdisho

      Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Gobola da Waqooyi ee Somaliland ayaa Shalay waxaa ay Xarunta dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Ma gaalada Muqdisho ku qabteen doorashada Sagaal kamid ah kuraasta Go bolada Shacabka ee Gobolads Waqooyi.

Sagaalka Kursi waxaa lagu tartamay  labo kur si oo kaliyah, waxaana inta kale ay u badnaayeen kuwo si gaar ah loogu xi ray shaqsiyaad gaar ah.

    Sagaalka Xildhibaan ee ku soo baxay doorashadii Shalay ee Gobolada Waqooyi

1- Ayuub Ismaacil Yuusuf

                2- Dr C/llaahi Abiib

                3- Dr Cilmi Maxamed Nuur

                4- Mohamed Xuseen Haadi

                5- Caasha Koos

                6- Abdirahman Ahmed Suge

                7- Khadra Maxamud Raage

                8- Nadra Saalax Cabdi

                9- Suleyman Cali Xusen

                Hoos ka daawo

Wasiir Beyle: Kursigayga xildhibaan ayaan uga tagayaa si aan maaliyadda dalka uga ilaaliyo carqaladayn

    Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya, Cab diraxmaan Ducaale Beyle, ayaa sheegay in difaa cashada kursigii xildhibaani mo uu uga tagay sidii uu maal iyadda dalka uga ilaalin lahaa carqadalayn.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in xildhibaanim adi isa iyo arrimaha maaliyadda ay is taabanayaan, isagoo sheegay inuu iska diiday wax kaste oo isaga iyo dalka carqalad u keenaya.

    "Waxaan dareemay in kurs iga doorashadeyda iyo maali yadda ay istaabanayaan,ani ga waxaan doortay maaliyad da. Shalayna shaqaalaha dowladda oo dhan lacagtoodda ayaan bixineynaa,” ayuu yiri wasiir Beyle.

      Wasiir Beyle wuxuu tilmaamay inuu saaxiibo ba dan ku waayay inuu iska diiday inuu saxiixo ama cid gaar ah loo weeciyo qandaraas aan loo tartamin, wuxuuna hadalkiisa ku sheegay inuu maqsuud ku yahay maaliyadda iyo arrimaheeda.

      "Qofkii alle u calfay unbaa heli doona. Waxaan filayaa odayaashii kursiga lahaa in ay u madax ba nnaan doonaan oo cid kale lasoo dooran doono,” ayuu yiri wasiir Beyle.

     Beyle oo barlamaanka Soomaaliya kamid ahaa afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaa hadda kursig iisa uu u muuqdaa mid dhexda u galay loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweyne Farma ajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Magaalada Baledweyne iyo Taliye Nuur Dheere oo ka hadlay

       Xaalada magaalada Baledweyne ayaa duhu ni madii Shalay si caadi ah kusoo laabtay kadib markii ciidamo aad u hubeysanaa oo watay gaadiid ka dagaalka  Shalay aroornimadii hore la wareegeen inta badan magaalada Baledweyne ay dib ugu laa bteen xarumahii ay ku lahayeen gudaha magaalada Baledweyne.

         Ciidamadaan oo diidana safar la sheegay in Shalay lagu waday in Baledweyne lagu geeyo mad axweynaha maamulka Hirshabeelle oo ay diidan yihiin shacabka reer Hiiraan oo si weyn uga horyi mid hab dhismeedka labaad ee maamulka Hirsha beelle. Taliyaha hoggaaminaayay ciidamada hube ysnaa ee fashiliyay qorshaha lagu doonayay in Cali Guudlaawe si awood ah loogu keeno magaalada Baledweyne Korneyl Nuur Dheere oo warbaahinta kula hadlay bartamaha magaalada Baledweyne ayaa   sheegay inaysan jirin cid keeni karta Cali Gu udlaawe gudaha magaalada Baledweyne inta ay diidan yihiin shacabka reer Hiiraan.

      "Waxaan u mahadcelinaya dhamaan bulshada reer Hiiraan ka hortagii Shalay ay ku muujiyeen shacuurtooda ku aadan ninka cadawga ah ee 24,ka saac Baledweyne usoo hanqal taagaya, Baledwe yne waxa uu leeyahay rag iyo alle, waxaana horay u sheegnay inaan laga ogoleyn Baledweyne Cali Guudlaawe iyo Hirshabeelle kuwa meeshan joo gana ma keeni karaan Baledweyne, anaga iska leh anaga u dhimabeyno dadaana horay ugu soo dhin tay ee yaaanan lagu sirin cid ku keeni karta Bale dweyne majirte" ayuu yiri Korneyl Nuur Dheere.

      Ciidamadaan hubeysan mudadii ay ku sugna ayeen wadooyinka Baledweyne majirin wax dhaq dhaqaaq ah oo ay sameyeen ciidamada Militariga iyo Booliiska ku sugan magaalada baledweyne, ku waas oo ku xareysnaa xarumahooda Saldhiga Boo liiska iyo Xerada Lamagalaay.

     Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo hubey san oo diidan imaasha Cali Guudlaawe ee magaal ada baledweyne ay fashiliyaan safarka madaxwey naha Hirshabeelle, iyadoo dhowr jeer oo hore sida an oo kale ay u fashiliyeen ciidamo iyo shacab dii dan inuu Cali Guudlaawe tago magaalada Baledw eyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ONLF iyo Cabdikariin Qalbi Dha gax oo Muqdisho ku wajahan

     Guddoomiyaha ururka ONLF, Dr. Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Mahdi (Maaddeey) iyo halgamaa Cabdikariin Sheikh Muuse (Qalbi dhagax) ayaa maalmaha soo socda booqasho rasmi ah ku tegid oona magaalada Muqdisho.

Sida uu HOL xogta ku helayo, dowladda Soomaal iya ayaa martiqaad rasmi ah u fidisay masuuliyiinta ONLF, arrintaas oo daba socota raalli galintii golaha wasiiraddu ka bixiyeen dhiibistii Qalbi dhagax.

     Raysal wasaare Rooble iyo xukuumadiisa ayaa wada abaabulka munaasabad ballaaran oo lagu ma amuusayso masuuliyiinta ONLF, waxaana ujeedadu tahay in golaha wasiiradda hortooda lagu raalli gal iyo Cabdikariin Qalbi dhagax iyo ONLF.

      Xukuumadii raysal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sannadkii 2017, Qalbi dhagax u dhiibtay dowl addda Ethiopia oo markaas ugaarsi ku haysay cid kasta oo katirsanayd jamhadda ONLF.

      Xukuumadaas waxay sidoo kale qaaday tallaa bo ay ONLF ugu aqoonsatay urur Argigixiso, arrinta as oo dhalisay cambaarayn iyo mudaharaadyo loogasoo horjeeday oo ka dhacay qeybo kamid ah dalka.  Sannad kadib isbedelkii Ethiopia, Cabdika riin Muuse Qalbi dhagax ayaa dib xoriyadiisa u hel ay, waxayna dowladda Soomaaliya ku noqotay bar madow.Xigasho:hiiraan.com

Xuseen Macalin oo soo jeediyey in Farmaajo iyo Kheyre la maxkamadeeyo

    La-taliyihii hore ee amniga qaranka Xuseen Mac alin Maxamuud oo hadda ah Agaasimaha Machad ka Daraasaadka Amniga ee Hiraal, ayaa soo jeediy ey in kiiska ONLF iyo Qalbi-Dhagax aan intaan lo oga gudbin.

    Xuseen Macalin ayaa ku taliyey in lagu maxka made eyo ragii hoggaaminayey Dowladii Qalbi-Dhagax u gacan gelisay Itoobiya, sid oo kalena u geftay ururka xaq u dirirka ah ee ONLF.

     "Xukuumadii go’aankaas gaartay iyo madaxwe ynaheedii xilligaas waa waayeen wax qiil ah oo ay la soo shir tagaan, sababta dadkii howshaas ka da mbeeyey ay ilaa hadda dadka u hor imaan la’yihiin waa culeyska ficilkii ay geysteen,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

     Agaasime Xuseen ayaa Farmaajo, Kheyre iyo ra gii kale ee howshaas kula jiray waxuu kula taliyey in ay towbad keenaan oo u hoydaan muwaadiniintii ay ku dhibaateeyeen shaatiga dowladnimada Soomaal iya.

     "Dadka Soomaaliyeed ku dhawaad shan sano ayey arrintaan la murugsanaayeen, marka hada wa xay daneynayaan inay ogaadaan sababtii idinku qa sabtay go’aankaas, waxaadna ogaataan in qof xad gudub geystay uusan ku faka doonin, waxaan ku tal inayaa in howshaan aysan intaan ku dhamaan,” ay uu hadalkiisa ku sii daray Agaasimaha Machadka Hiraal.

      Xuseen ayaa soo jeediyey in ragii dhiibay Qalbi-Dhagax ee ONLF argagixisada ku shaabadeeyey aan laga harin ilaa inta ay cafis ka dalbanayaan ama sharciga laga hor geeynayo oo lagu maxkama deynayo qaladkaas.

       "Tallaabada Rooble qaaday, waxaan rajeynaa in kiiskaan aysan soo xirin, si jariimooyinka soo soc da aan uga ammaan helno, cashirna ay noogu noq oto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Agaasimaha Mac hadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal Xuseen Macalin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Iyo Dhig giisa Norway Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dal

      Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Ca alamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Shalay oo Talaado ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Norway Marwo Anniken Huitfeldt.

    Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xir iirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Norway, iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, dib lomaasiyadda, horumarinta iyo guud ahaan arrim aha muhiimka u ah danaha Labada Dal.

    Sidoo kale, waxaa wada hadalka diirradda lagu saaray arrimaha Gobolka Geeska Afrika iyo adkay nta xiriirka wadar geesoodka ah ee Labada Dowlad ood. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyey dowladda Norway taageerada ay u fidiso Soomaaliya.

Guudlaawe oo kormeeray goobta lagu qaba nayo Doorashada Golaha Shacabka

       Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Shalay kormeeray goobta Magaalada Jow har looga asteeyay in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacab ka, ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

   Madaxweynaha ayaa soo kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xaruntan, sida xafiisyada ay Gudd iga Doorashada Hirshabelle ku shaqeeyan iyo hoolka loogu talagalay in doorashadu ka qabso omto.

     "Madaxweynaha ayaa soo indha-indheeyay xafii syada ay ku shaqeeyan guddiga iyo hoolka ay ka dhici doonto Doorashada Xildhibaanada Baarlama anka 11aad ee Jahmhuuriyadda Federaalka Soma liya.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabelle.

    Qoraalka ayaa lagu she egay in Madaxweyne Guu dlaawe uu la kulmay Gudd oo ka Guddiga Doorasha da, isla-markaana uu kula dardaarmay dardargelinta howlaha doorashooyinka.

          Hirshabelle waa maamulka keliya ee aysan weli ka bilaaban Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Somaliland Oo Soo Saartey Xeerka Xakameynta Tahriibka

     Golaha wakiillada Somaliland, ayaa meel mariyey xeerka xakameynta iyo la dagaallanka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.

       Axmed Nuur Guruuje, oo ah guddoomiyaha guddiga xildhibaannada ee xeerkan soo diyaariyey, ayaa carabka ku dhu ftey in uu sharcigan qabana yo hey’ad iyo shaqsiba.

    Guruuje, ayaa tilm aam ey tahriibinta iyo ka gana csiga dadka bani’ aadamka iney yihiin laba dambi oo weyn, oo haatan wixii ka danbeeya aaney Somali land u dulqaadan doonin dadka ku kaca dambiy adan.

    Wuxuu xusey Guruuje in haddii dadka wax tahrii binaya ay dilaan qof kamid ah dadka ay tahriibinay aan, in iyaguna la toogan doono, sida uu dhigayo xeerka lasoo saarey.

     Xeerka ayaa loo gudbinayaa madaxweyne Mu use biixi, si uu qalinka ugu duugo.

Galmudug oo shaacisay doorashada 4 kursi oo mid muran uu ka taagan yahay

      Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Gobal eed ee Galmudug (SEIT) ayaa waxa uu Shalay sha aciyay jadwalka qabashada doorashada 4 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee maa mulkaas.

      Afarta kursi ee la shaaciyey ayaa waxay kala yihiin; HOP#248, HOP#064, HOP#089 iyo HOP096, kuwaasi oo doorashadoodu qabsoomeyso maalinta Khamiista ee ku taariikheysan 27 Janaayo 2022-ka.

         Guddiga ayaa sidoo kale Shalay bilaabaya tababarista iyo diiwaan-gelinta guddiga xulista, diiwaan-gelinta ergada iyo tababaridooda, ayada oo maalinta berri ah ay bilaabaneyso qabashada araa jida iyo diiwaan-gelinta musharaxiinta.

       Kuraasta uu Shalay shaaciyay guddiga ayaa waxa ku jira kursiga HOP#064 oo ay ka taagan tah ay cabasho xoogan, islamarkaana ay dacwo kasoo gudbiyeen Odayaasha dhaqanka beesha iska leh.

      Qoraal dacwo ahaa oo kasoo baxay odayaasha ayaa waxaa lagu yiri "Kursiga HOP#064 waxa uu ka mid yahay kuraas lasoo dhajiyay ee la doonayo in lagu doorto Dhuusamareeb, Galmudug, ayadoo la iska indha tirayo cabashada dadka xaqa u leh oo ah beelaha Maxamed Cadde iyo Laba Bahood.”       "Waxaa guddiyada sharafta leh si xushmad leh uga codsaneynaa in kursiga HOP#064 loo madax-baneeyo beelaha iska leh ee Maxamed Cadde iyo Laba Bahood, islamarkaana la hakiyo doorashada kursiga inta laga xalinayo dacwadda ka taagan.”

       Kursiga ay ka taagan tahay cabashada, islamar kaa na laga gudbiyay dacwada ayaa waxaa hadda ku fadhisa Xildhibaanad Sahra Cumar Maalin.

Ciidamada dowladda oo degaano kala waree gay Al-Shabaab

     Ciidanka kumaandooska xoogga dalka Soom aaliyeed ee DANAB ayaa howlgal qorsheeysan ku gaaray Tuulooyinka Xawaadleey, iyo Jameeco oo hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe, halkaasi oo muddooyinkii dambe ay ku sug naayeen Xubno katirsan Al-Shababa.

      Saraakiil katirsan Ciidanka DANAB ayaa sheeg ay in howlgalka lagu dilay 10 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay burburiyeen Maxkam ad ay lahaayeen sida uu sheegay Taliyaha Ururka 7-aad Guutada 16-aad kumaandooska xoogga Dal ka ee DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Cusm aan (Xasan Tuure) wuxuuna tilmaamay in howlga lka uu sii socdo.

     Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidama da dowladda ay weerarka ku qaadeen tuulooyinka Xawaadkeey iyo Jameeco, isla markaana dagaal in ka badan laba saacadood socday uu halkaasi ka dhacay.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa tuulooyinka Xawa adleey iyo Jameeco waxaa ku sugnaa dsgaalya hano ka tirsan Ururka Al-Shabaab, iyaga oo marar ka qaar ay weerar ku qaadayay degaanka Qalimo ow oo ay ku sugan yihiin oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Millateriga Soomaaliya.

Hirshabeelle oo shaacisay qabashada doorasha da Lix Kursi

        Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowl ad Goboleed ee Hirshabeelle ayaa Shalay oo Tala ado ah shaaciyay Qabashada Doorashada Lix kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu soo banshigay xilliga rasmiga ah ee la diiwaangelinayo Ergada lana tababarayo, isla markaana Doorasha da ay dhaceyso 31-ka Bishaan.

Kuraasta Hirshabeelle ay shaacisay waqtiga la qab anaayo doorashadooda ayaa guddiga doorashooy inka ay horay u soo gudbiyeen.

Faahfaahin khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Galg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip