Somtel Oo Soo Af-Jartay Ololaha Ku Shubo Oo Guuleyso 10000 Hadiyadood (Sawirro)

0
Saturday January 22, 2022 - 13:43:47 in Wararka by
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somtel Oo Soo Af-Jartay Ololaha Ku Shubo Oo Guuleyso 10000 Hadiyadood (Sawirro)

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....
     Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa si rasmi ah u soo af-jartay Ololaha Ku Shubo oo guuleyso 10000 Hadiyadood kaasoo socday Muddo 6 bilood ah Waxa ay sidoo kale shirkaddu abalmarisay’ macaamii-kii ku guuleystay Todobaadkii (24aad) Munaasabad Lagu qabtay beerta nabada ee Magaalada Muqdisho..

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho, Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Ururka Haweenka qaranka Gudoomiyaha Gobalka banaadir & Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel, & Dhabshil Group intaba.

Ugu horeyntii Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Waaxda Ganacsiga shirkadda isgaarsiinta somtel Mudane: C/laahi Cali Caamir Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid Wax tar u leh bulshada soomaaliyeed macamiil walba oo ku guuleystay Nasiibka ayaa u saamaxay & dadaalkii uu la yimid isticmaala adeegyda somtel ku hadal, internet & adeegga eDahab & Ku Shubashada karaka ku hadalka

" Waxaan u mahad celinayaa marti -Sharafta ka soo qeyb-gashay Munaasabada Sida Gudoomiyaha Gobalka Xildhibaanada Wasiirada Rugta ganacsiga Madaxda Jaamacadaha Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga, Bajaajyada, Dahab-ka I.w.M Waxaan balan qaadeeynaa inan haliisa ka sii wadno waliba si rasmi ah U daah-furno horaanta sanadka Cusub 2022 Waxaana lagu guuleysan doonaa 15’000 hadiyadood oo uu ka mid yahay Appartment ka mid ah Dahab Tower Dhismaha ugu dheer Soomaaliya Waxaa Xusid Mudan in ololahaan ay ka Faa’ideysteen dad aad u dan -yar Sida Maamo beeraleey Dan-yar oo ku nool gobalka hiiraan oo ku guuleystay gaarigii Hyundai-ga 1aad Waxaa sidoo kale bajaaj ku guuleysatay gabar jaariyad ah oo u shaqeeysa qoys soomaaliyeed waxa ay ka hesho ehelkeeda ku maareyn jirtay & Dad-ka baahiyaha gaarka qaba ooku guuleystay hadiyado dhowr ah”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay Xildhibaan:Prof Maxamed Cumar Dhalxa oo horay Loogu Sharfay Inuu Generate-gareeyo Gaariga Hyundai-ga Sedexaad Isagoo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso & hadiyadaha qiimaha leh ay bulshada ku Celineeyso

" Waxaan si diiran u bogaadinayaa Maamulka sare ee Somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bulshadu wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo qabaneeysa barnamijkaan daah-furnaanta leh iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah Waxaa Xusid Mudan in Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo la timid Istaraatijiad Suuq-geyn dhaxal gal ah kaasoo aan ka jirin suuqa soomaliya waxa Hubal ah in Dahabshil Group Maal-gelin balaaran ka sameeysay guud ahaan Soomaaliya Waa shirkadda Kaliya ee ka qeyb-qaadata Had & jeer Taakuleynta dadka danyarta ah Waxaan goobjoog U ahaa Xafladii Gaariga 1ad lagu gudoonsiiyay Maamo beeraleey Dan-yar ah oo ku Nool Deegaanada Hir-Shabelele Waxaan Maanta Xaadir u ahay munaasabada Lagu abaalmarinayo Marwo: Xaliimo Cumar Karaani oo aan aniga Gacanteyda U generate gareeyay Waxaa Abaal-marinta lagu Maamuusay inuu gudoonsiiyo Duqa Caasimada Muqdisho Mudane; Cumar finish Maadaama xaliimo ay dagantahay Degmada kaaraan ee Gobalka banaadir Guul balaaran U soo hooysay Magaalada Caasimada ah ee Muqdishio”

Ugu dambeyntii Waxaa munaasabada ka hadlay Mudane: Xildhibaan Idiris C/ Dhaktar oo bogaadiyay wax-qabadka muuqda ee shirkadda Somtel & Hormarka balaaran ay ku talaabsatay

"waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah ugu generate gareyno macaamiisha u tartantay hadiyadaha ‘10’000 todobaadkii Dhowr ah Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta si gaar ah uga soo qeyb-galo Marka Dib loo daah-furo sanadka Cusub 2022 Si dhow ayan ula socdaa ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh hadiyado wax ku ool ah sida: gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab, Laptop-yo I.w.m waxa ay dahabshil Group ka qeyb-qaadataa Samafalka dadka Soomaaliyeed Waxaa ugu dambeeyay gargaar ay U fidiyeen dadkii laga soo musaafuriyay Magaalada Laas-Caanood oo ay Ugu Deeqeen lacag $300’000 ah Sidoo kale hadda waxa ay ay qeyb ka yihiin gudiga gurmadka Degdeg ah Soomaaliyeed oo Gurmad U fidinaya dadka abaarta Wax-yeeleeysay Koonfurta Soomaaliya”

Waxaa Sidoo Kale Munaasaba Ka hadlay Xildhibaan:Dr C/raxmaan Xaji Aden (Ibbi) oo Qiray Daah-Furnaanta Ololahaan "Waxaan Halkaan Ka Cadeeynayaa Daah-Furnaanta Ololahaan Waxaa U genete gareeyay Gabadha Gaariga Kui Guuleysatay Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa Waxaa Horteena Gaariga Ku gudoonsiiysy Gudoomiyaha Gobalka banaadir Mudane: Cumar Finish Waxaan Ugu baaqayaa Macaamiisha Shirkadda ka Faa’ideystaan Olalahaan Dib loo bilaabayo Dhawaan”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada Ka hadlay Gudoomiye ku Xigeemka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Mudane: C/raxmaan C/laahi Aden ( Galambi)

"Waxaa Farxad balaaran ii ah inan goobjoog u ahaa habeenkii Ololahaan la daah-furayay 7/7/2021ee lagu qabtay Elite Hotel & Maanta oo la soo gabagabeeynayo Xaadir ayaan u ahay Waxaan qirayaa in Somtel ay la timid Istaraatiijiyad ganacsi oo aan ka jirin Suuqa Taasoo keentay in ololahaan uu guuleysto Shirkaduna ay 10’000 hadiyadood bulshada Ku Celiso”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Hawenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo: Warsan Xasan Xagar

" Waxaan bogaadinayaa in Somtel ay aad u dhiira-gelisay gabdhaha soomaaliyeed Sedexdii Gaari Min $40’000 Somtel Macaamiisheeda ay ku celisay Labao gaari oo kamid ah Dumarka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay Waa karti & dadaal ay muujiyeen gabdhaha soomaaliyeed Bajaajyada,Dahabka,Deeqda Waxbarasho & dhamaan Hadiyadaha qaaliga ah ay Somtel bixisay Waxaa inta badan ku guuleystay gabdhaha Waa Karti dheeri ah ay muujiyeen Dumarka”

Waxaa Sidoo kale Munaasabada ka hadlay maareeye Ku Xigeenka Somtel Ahna Madaxa Howl-Fulinta Guud ee Shirkadda isgaarsiinta Soomtel Mudane: Aden Yusuf Ibraahim

"Waxaan U Mahad Celinayaa Marti-Sharafta Munaasabada ka soo qeyb-gashay Xildhibaanada’Wasiirada’Gudoomiyaha Gobalka baandir’ Rugta Ganacsiga Jaamacadaha Waxaan Cadeeynayaa in 10’000 hadiyadood si daah-furan shirkaddu u bixisay Waxa uu Socday Ololahan 24 Todobaad Muddo 6 bilood ah Waxaa Ku Guuleystay hadiyadaha aan bixinay dadkii ugu mudnaa Macaamiisheena Weliba bulshada intooda dan-yarta ah Sida Maamada Ku guuleysatay gaariga Hyundai-ga 1aad oo ah mamao Beeraleey sabool ah Hadiyadaha aan bixineynay Waa qeyb ka mid ah Mas’uuliyad bulshadeedka aan ku celineeyno Umada Soomaaliyeed Waxaan Tix-gelineeynaa Inooga yimid madaxda Jaamacadaha Waan kordhineeynaa Hadiyadaha deeqda Wax-barasho Waxaan Sidoo kale Sanadkaan ku Darnay hadiyadaha la bixinaayo Hanti Ma guurto ah Waxaan rajeeyneeynaa in macaamiisheeenu u tartamaan”

Waxaa Sidoo Kale munaasabada Ka hadlay Maareeye Ku Xigeenka Dahabshiil Group Mudane; C/risak Xaaji Xuseen oo bogaadiyay Gabadha ku guuleysatay Gaariga Sedexaad

‘Waxaan U mahad-Celinayaa Dhamaan mart- Sharfta Ka soo qeyb-gasahay Munaasabada Waxaan goob=jog u ahaa munaasabada Daah-furka ololahaan Sidoo Kale manta oo L soo Xiraayo Marqaati ayan ka ahay in gariga Sedexaad lagu wareejiyay Xaliimo Cumar karaani Waxaa uur-Ku taalo igu reebay Maamadii Beeraleeyda Ku guuleysatay Gaarigii Koowaad oo aheyd Maamo Beeraleey Sabol ah markii La weydiiyay Gaariga aad ku guuleysatay Maxaa Kaaga Qorsheysan? Waxa ay ku jaawbaty Waan iibinayaa Wiilkeyga Tacliintiisa ayaan ku bixinayaa Qarashka ii soo haray ganacsi ayaan ku furanayaa Si aan ugu maareeyo Nolosha Qoyskeyga Waa Gucasho-Togan aan marnaba Maskaxdeyda & Maankeygaba ka go’in”

Ugu dambeynrtii Waxaa Munaasabada Soo Xiray Gudoomiyaha Gobalka banaadir Mudane: Cumar maxamed ,Maxamuud (Finish) oo aad U Mahad -Celiyay Shirkadda Somtel

"Waxaan bogaadinayaa Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo 10’000 Hadiyadood ku Celisay Bulshada Soomaaliyeed Waxa’ay la Timid Istaraatiijiyad gnacsi oo aan ka jirin Guud ahaan Soomaaliya Waa Talaabo Ku dayasho mudan Waxaan rajeeyneeynaa ganacsatada kale inay qaadaan dhabaha ay somtel qaaday Umada Soomaaliyeed ay wax ku soo Celiyaan Waxaan Bogaadinayaa Shirkadda Somtel oo igu Sharaftayi nan gaariga Sedexaad Gudoonsiiyo Macaamiilkii ku guuleystay oo ka mid ah bulshada Ku dhaqan Magaalada Caasimada Muqdisho”

Waxaa Sidoo Kale munaasabada Ka hadlay Madaxda jaamacadaha Mogadishu University & SIU Oo iyagunA Bogaadiyay Talaabada ay qaaday shirkadda isgaarsiinta SomteI

Inta aan la soo xirin Munaasabada Waxaa Micraphone-ka qaadatay Marwo Xaliimo Cumar Karaani oo u Mahad-Celisay Shirkadda Isgaarsiinta Somtel

"Waxaan U mahad Celinayaa Shirkadda Isgaarsiinta Somtel Ma Filaneyn inaan Ku guuleysanayo Maraka la ii sheegay inan ku guuleystay gaariga aad ayan ugu farxay xaqiiqdii dareenkeyga Xiligaas Ma qiyaasi Karin Waxaa ii soo hambalyeeyay Maqrib & Cisho inta u dhaxeysay dad ka badan 100 qof Maanta Waan gudoomay gaarigii aan ku guuleystay Waxa badan ayuu ka tari doonaa Nolosheyda & mida qoyskeyga”

Isku soo wada duuboo Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa soo gabagabeeysay Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood Muddo 6 bilood Socday sanadkii tagay 2021.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip