HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH SABTI 22-KA JAN. 2022-KA

0
Saturday January 22, 2022 - 08:06:15 in Wararka by
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH SABTI 22-KA JAN. 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Soomaaliya iyo Gabon oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caa lamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Shalay oo Jimce ah khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Gabon Mudane Pacôme Moublet-Boubeya, iy aga oo ka wada hadlay xoojinta isk aashiga labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda So omaaliya ayaa dowladda Gabon u gu hambalyeeyey ka mid noqosha heeda Golaha Ammaanka ee Qa ramada Midoobey horraantii bishan, isaga oo la wa daagay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si hufan uga la shaqeyso arrimaha khuseeya nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, Labada Wasiir ayaa wada hadalkoo da diiradda ku saaray mustaqbalka xiriirka labo ge esoodka ah ee Soomaaliya iyo Gabon, iyo sidii lo oga wada shaqayn lahaa horumarinta iskaashi miro dhal ah oo ku qotoma danaha Labada Qaran, kaas oo taabanaya dhinacyada diblomaasiyadda, amni ga, la dagaallanka argagixisada iyo dhaqaalaha.

Cumar C/rashiid oo weerar culus ku qaaday ma daxda maamul goboleedyada

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Md. Cum ar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka had lay xa aladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorasha da Golaha Shacabka Soomaaliya ee dib loo bilaab ay, kadib heshiiskii Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore walaac ka muujiyey hannaanka doorashada, wuxuuna sheeg ay in weli kuraasta baarlamaanka lagu hayo boob, sida uu hadalka u dhigay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa shaaciyey in boobka socda uu ka aw ood badan yahay habraacyada doora shada ee lasoo saaray, taasina ay ke entay in la xakameyn waayo.

Sidoo kale wuxuu weerar afka ah ku qaaday ma dax goboleedyada oo uu tilmaamay in awooda oo dhan loo gacan geliyey, isla-markaana ay iyagu ma amulanayaan ergooyinka, halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen, ayna soo saarayaan xildhibaa no daacad u ah.

"Sida bareerka ah ee gacmaha loola galay qab aa’ilada kuraastooda waxay keentay in la xakamayn waayo, waayo habraaca doorashada waxaa awood lagu siiyay dowlad goboleedyada in ay yeeshaan awoodda ergooyinka halkii beelaha u madax bann aan lahaayeen arrintaas,” ayuu yiri ra’iisul wasaare hore Md. Cumar Cabdirashiid.

Sharmaarke oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaa may in arrintan ay keeni karto in xoog lagula soo ba xo xildhibaanka la rabo, taasina ay tahay mid xilli gan aan habooneyn.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan doorashada Golaha Shacabka ay ku socoto si dard ar leh, isla-markaana qorshuhu yahay in lasoo gab agabeeyo 25 Febraayo ee 2022.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaala dda adag ee kala guurka ah, taas oo ka dhalatay muranada heereeyey doorashada oo dib u dhacday muddo hal sano ah.

Dowladda Soomaaliya oo dowladda Imaara atka ugu hambalyeysay kamid noqoshada golaha ammaanka

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo khad ka talefoonka wada hadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda dowladda Imaraadka Carabta, Mudane Sheikh Shakhbo ot Nahyan Al Nahyan, ayaa uga tac siyeeyey dhibbaneyaasha weerar kii argagixiso ee ka dhacay magaal ada Abu Dhabi. Wasiirka iyo Wasi iru-dowlaha ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka 2da dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u lee dahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iya ga oo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran.Wasiirka ayaa ugu hambalyeeyay dowladda Imaaraatka ka mid noqoshahooda Golaha Amm aanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii dowladda So omaaliya ay cambaareysay duqeymo lagu garaacay magaalada Abu dhabi, halkaas oo 3 qof lagu dilay.

Magaalada Muqdisho oo looga dhawaaqay Madasha Badbaadada Galmudug

Waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madashada Badbaadada Galmudug oo ah madal ay ku mideyaan yihiin Mucaarad ka dhan ah maam ulka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor. Munaasabad da looga dhawaaqayay Madasha an kasoo horjeeda Madaxweyne Qoorqoor ayaa wa xaa siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada maamulka Galmudug oo si adag u dhaliilay hoggaaminta mad axweyne Qo orqoor ee maamulka Galmudug.

War qoraal ah oo ay soo saareen Madasha Ba dbaadada Galmudug kulankooda kadib ayaa lagu sheegay in madaxweyne Qoorqoor mudada joogo Xafiiska oo ah laba sano inuu dib u dhac weyn uu ku yimid maamulka Galmudug oo dhinac kasto leh.

Maamulka Galmudug ayaa noqonaya maamulkii u gu horeeyay ee wajahaya mowjado siyaaaadeed oo ay hormuud ka yihiin siyaasiin caan ah oo kasoo jee da deegaanada maamulkaasi, mana jirto ilaa haat an wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxwey ne Qoorqoor iyo maamulkiisaba oo ku aadan Mada sha cusub ee la baxday Badbaadada Galmudug.

Hoos ka akhriso Qoraalka Madasha Badbaadada Galmudug.

Dowladda Somalia Oo IMF Kala Hadashay Deyn Cafinta Iyo Dib U Habyenta Maaliyadda Dalka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta C/raxmaan Ducaale Beyle iyo saraakii sha hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa ka hadl ay shir ku saabsanaa dib u habyenta Maaliyadda dalka iyo iskaa shiaga labada dhinac.

"Iskaashigeena ayaa keenaya natiij ooyin xiriir oo wax ku ool ah oo aan la yeelano saaxiibadeena mu hiimka ah ee gacanta weyn ka geystay isbadalka iyo dib-u-habaynta dha qaale ee Soomaaliya” ayuu yiri Dr.Beyle

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Soomaaliya C/r axmaan Beyle ayaa waxa uu sheegay in sidoo kale shirka uu la yeeshay Madaxda IMF uu Gogol-Xaar u yahay kulan weyn oo lagu wado in uu qabsoomo bisha February ee soo socota, kaas oo ay yelan do onaan Soomaaliya iyo hay’adda lacagta aduunka ee IMF. Wasiir Beyle ayaa maalin kahor Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda ee dowladda Ruushka Md. Timur Maksimov kala hadlay dib-u-habaynta dha qaalaha Soomaaliya iyo heerka uu marayo geeddi-socodka Deyn Cafinta Soomaaliya. D/Ruushka ay aa ka mid ah 10-ka dal ee Paris Club la isku yiraah do oo 9 dal oo ka mid ah sanadkii 2020- heshiiska deyn cafinta la saxiixday DFS, balse Ruushka wali Soomaaliya kama Cafin lacagta deynta ah ee uu ku leeyahay.

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Xalinta Khilaa faadka Doorashada dalka oo Shalay Muqdi sho lagu doortay

Waxaa Shalay lagu doortay Teendhada Afisy ooni ee M/Muqdisho guddoomiyaha cusub ee gud diga xalinta khilaafaadka doorash ooyinka dadban ee dalka.

Doorashada Shalay dhacday ee xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka ayaa waxaa isku soo sharaxay laba Mu sharax oo kala ahaa Maxamed Cawil Warsame iyo Mustaf Macalin Cali, waxaana tanaasul sameeyay inta aysan doorashada bilaaban Musharax Mustaf Macalin Cali.

Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka doorasho oyinka dalka oo cod gacan taag ah ku codeeyay,wa xay guddoomiye ugu doorteen Maxamed Cawil War aame oo sidaas ku noqday Shalay guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashooy inka dalka.

Guddigan xalinta khilaafaadka doorashada dadb an ee dalka ayaa lafdhabar waxa uu u yahay howl aha doorashooyinka dalka iyo xal u helista caba shooyinka kasoo laabta doorashada, dhawaan ayay aheyd markii guddiga doorashada dadban ee heer Fedaraal ay iyagana teendhada Afisyooni ku dhex doorteen guddoomiyaha cusub ee guddigaasi Mu use Geelle Yuusuf oo badalay gudoomiyahii hore oo ay xilka qaadis ku sameeyeen xubnaha kale gud diga

Buurmadow iyo Cabdi Xaashi iyo Reer Wa qooyi ga oo ka baxay doorashada

Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadoow iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/hi oo ay hareero joogeen inta badan Siyaasiyiinta go bolada Waqooyi ee Somaliland ayaa shaaciyey inay gebi ahaanba ka baxeen doorashada.

R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayey ku eedeyen inuu si qaldan u maamulayo doorashadoo da, ayada oo aan lagala tashan, islamarkaana uu ku tagri falay awoodiisa oo uu boobayo kuraastoo da, sida ay sheegen.

Waxay sheegen in kuraasta uu Shalay soo saar ay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT aysan waxba ka ogeyn, islamark aana uu iska wataan guddoomiyaha iyo ra’iisul wasaaraha.

"Doorashadu waxay noogu socotay si habsami leh oo waxaa iskula eegi jireyna sida ay beeshu xil dhibaanadeeda u soo dooraneyso, maalmahan dambe waxaa dhacday in waxyaabihii aan u gudbin ay beel ahaan uu wax is daba-weydaariyo xafiiska R/Wasaaraha,” ayuu yiri Boqor Cusmaan Aw Max amuud Buurmadoow.

"Waxaa u cadeynayna cid walba inaan doora shadii faraha kala baxnay oo uu maamulanayo R/ Wasaaraha, oo aan laheyn hanaan dowladeed oo sharfan.”

Waxa uu intaas kusii daray in R/Wasaaraha ay uga dacwoodeen beeshiisa, hase yeeshe ay cidba ka dhageysan weyday cabashada ay ka qabaan Ro oble iyo xafiiskiisa oo ay ku eedeynayaan boobka doorashada Gobolada Waqooyi.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/hi ayaa asaguna ku baaqay in la joojiyo ja dwalka doorashada reer Waqooyiga ee la soo saar ay, islamarkaana ay muhiim tahay in doorashada loo qabto si la isla ogol yahay.

Illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku aadan eed eynta loo jeediyay, waxayna arrintaan imaneysa xilli uu kal hore Rooble ugu eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday inuu fara-gelin qaawan ku hayo doorashada.

Prof. Cabdi Ismaaciil: Rooble wuxuu noq day Omicron oo kasii daran FARMAAJO

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo kamid ah Sen atorada dooran ee Aqalka Sare ayaa waxa uu siwe yn u dhaliilay hanaanka ay ku socoto doorashada, asaga oo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyay boobka doorashada.

Cabdi ayaa waxa uu Rooble ku sifeeyay shaqsi ka daray madaxweynihii hore Ma xamed C/hi Farmaajo oo hore loogu hay stay boobka doorashada, maadama uu shaqsiyaad gaar ah u boobayo doorashada, sida uu sheegay.

"Soomaaliya waxay madaxa la gashay 4.5, sida as ayey ku socotey. Nin madaxweyne ahaa ayaa ku soo dul degay oo damcay inuu beelaha oo dhan sa meysto, ayadoo taas la yaaban yahay ayaa laga qa btay,haddana waxaa loo dhiibay R/Wasaaraha oo asaguna ka daray,” ayuu yiri.

Prof. Cabdi Ismaaciil oo sii hadlaayey ayaa yiri, "Ninkii wuxuu noqday (Rooble) kud ka guud oo qan jo u guur, wuxuuna doonayaa in uu boobo doorasho oo cid gaar uu wato u boobo. Afar dhalinyaro oo aan aqoon iyo waaya-aragnimo lahayn ayuu mee sha dhigtay.”Waxa uu intaas kusii daray in shaqaal aha xafiiskas ay maamulayaan odayaasha wax do oraneysa, ayada oo kuwa aan loo meerin karin me esha laga saarayo.

"Anagoo la yaaban siyaasiyiintii Covid-19 kii Ma daxtooyada laga qorsheeyay waxaa yimid mid Om icron Covid-19 oo Ra’iisul Wasaarihii wuxuu noqday Omicron,” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar.

Siyaasiyiinta reer Waqooyiga ayaa qaadacay do orashada Golaha Shacabka, kadib markii ay sheeg en in Rooble uu boob qaawan ku hayo kuraasta So maliland, una maamulayo sida uu rabo.

Mahdi Guuleed oo raali-gelin siiyey Rooble iyo Beesha Habar-gidir (Daawo)

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Md.Mahdi Maxamed Guuleed ayaa garab istaag xoog leh u muujiyey R/Wre Rooble, kadib eedeyntii Shalay ka soo yeertay siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somalila nd. Guddoomiye Cabdi Xaashi, Senator Cabdi Ism aaciil Samat ar, Boqor Cusmaan Buurmadow iyo Xil dhibaan Maareeye oo Shalay shir jaraa’id ku qabt ay hoyga Cabdi Xaashi uu Muqdisho ka degan yah ay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xu bno beeshiisa ah ay boobayaan kuraasta baarlama anka ee reer waqooyiga.

Hase yeeshee Mahdi Guuleed oo Xalay hadlay ayaa sheegay in wixii Shalay ka dhacay guriga Cab di Xaashi aysan dhaqan Soomaaliyeed aheyn.

Waxa uu sheegay in hadalkii Shalay uu gef-we yn ku ahaa Ra’iisul wasaaraha iyo xubnihii kale ee loo jeediyey, isagoo sheegay in beelaha Dir-waq ooyi ay u mahad-banaan yihiin doorashada kuraas tooda.

"Wixii Shalay ka dhacay guriga Cabdi Xaashi dhaqan Soomaaliyeed ma aheyn Ra’iisul Wasaare Rooble iyo beeshiisa Habargidir waxaan ka raali gelinayaa gefkaas, waxaan leeyahay xaal qaata, Ra’iisul wasaarow raali ahaaw, beesha Habargidir-na hanaga raali noqoto,” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Sidoo kale Mahdi ayaa sheegay inay dhigi doo naan gogol ay ku xaal-mari doonaan beesha R/Was aaraha, "Dhaqanka aad ayaan u naqaan, wixii mantana dhaqan fiican ma aheyn,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo faahfaahin ka bixiyey doorka uu ra’iisul wasaare Rooble ku leeyah ay doorashada kuraasta reer waqooyiga ayaa she egay in door dhaqaale oo aan looga maarmin uu ku leeyahay xafiiska Rooble, balse uusan ku faro-gelin hanaanka loo maamulayo doorashada kuraastaas.

Faah Faahin:-Nabaddoon Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Alle ha u naxariistee waxaa Shalay Muqdisho lagu dilay Nabaddoon Geesey Cusmaan, oo ka mid ahaa Nabaddoonada Soomaaliyeed, sidoo kalena si weyn looga garanayay Magaalada Muqdisho.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay wadaddada u galeen, xilli uu ka soo baxay Masjidka, oo uu Salaadda Casar u aaday, waxaana dilku uu si ga ar ah uga dhacay Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshid ee G/Banaadir.

Dad goobjoogayaal aha yaa inoo xaqiijiyay in da bleydii dilka gaysatay ay goobta isaga baxsadeen, kadib markii ay dhowr xabbadood ku dhufteen ma rxuumka, oo markaasi kasoo baxay Masjid ku yaa lla Xaafadda fagaxa.

Marxuumka ayaa si weyn looga garanayay Xaa fadda Shalay lagu dilay, waxaana lagu xasuustaa in Bulshada uu ka wacyigalin jiray maandooriyaha, isagoo dhowr jeer Warbaahinta bulshada kasoo mu uqday isagoo ka wacyigalinaya maandooriyaha kala duwan.

Goobta uu dilku ka dahcay waxaa gaaray Ciidan ka ammaanka kuwaasi oo sameeyay baaritaanno, balse lama shaacin ilaa iyo hadda cid loo soo qab tay dilka marxuumka, oo kooxo ku hubaysan bistoo lado ay toogteen.

Sidoo kale Maamulka iyo laaamha amnigu wax war ah kama soos aarin dilka ka dhacay Fagax, ee loo gaystay Nabadoon geesey Cusmaan oo ka mid ahaa nabaddoonada Soomaaliyeed.

Beelaha Dir koonfur oo war kasoo saaray go’a ankii ay doorashada ka qaateen Dir waqooyi

War-saxaafadeed ka soo baxay beelaha Dir-ko ofureed ayaa garab istaag loogu muujiyey siyaasiyi inta iyo odayaasha dhaqanka reer Somaliland oo cabasho xoog leh ka muujiyey boob doorashada oo ay ku eedeeyeen Ra’iisul Wasaare Rooble.

Bayaankaan ayaa lagu sheegay in marnaba aan loo dul qaadan karin qeylo dhaanta ka soo yeertay xubnaha reer Somaliland, iyadoo go laha wadatashiga qaran loogu baaqay in deg deg ay u soo faro-geliyaan cabashadaan.

"Waxaan ugu yeereynaa Shir wadatashi Beela ha Dir ee Koonfur iyo Waqooyi, si meel looga soo wada jeedsado xaaladan khatarta ku ah midnimada ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedkaan oo dhameyst iran:

Shalay oo ay taariikhdu tahay 21ka Janaayo 2022 waxaa warsaxaafadeed ka soo saaray Caa simadda dalka ee Muqdisho beelaha Dir Koonfure ed. Ka dib markaan aragnay qeylo-dhaanta ka soo baxeysay hoggaanka dhaqanka Beelaha Dir Wap oyi ee Somaliland oo si bareer ah loogu xadgudbay madaxbannaanida maamulka doorashada Xildhib aanadooda, taas oo dhalisay in Shalay Bogor Cu smaan Aw -Maxamuud, Salaadiin, Siyaasiyiin iyo in dheergaradka Beelaha Dir waqooyi ee Somaliland ay soo saaraan bayaan dhiilo xambaarsan.

Waxaan cadeyneynaa in habayaraatee marna ba loo dulqaadan karin faragalin iyo xadgudub lagu sameeyo aayo ka-tashiga doorashooyinka Baarla maanka ee Somaliland, arrintaas oo saameyn xun ku yeelanaysa wada-jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan ku garab-taaganahay Hoggaanka Siyaa sadda ee Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Raysal wasaare Ku-Xiggeenka, Odayaasha Dhaqanka ee Saxiixayaasha ah in ay u madax-bannaan yihiin xulista Guddiyadooda Xulista iyo Ergooyinkooda.

Waxaan ugu baaqeynaa Raysalwasaaraha oo lagu sharfay fududeynta Doorashooyinka Dalka oo dhan in uu xurmeeyo hannaanka doorashooyinka ee lagu heshiiyey, isla markaasna ka fogaado wax walba oo dhaawac ku keeni kara Midnimada Soomaaliyeed, Daahfurnaanta Doorashooyinka, iyo xurmada Dhaq anka Soomaaliyeed.

Waxaan ka codsaneynaa Golaha Wadatashiga Qaranka oo u xilsaaran meelmarinta Heshiiska Doo rashooyinka inay si degdeg ah u soo faragaliyaan qeylo-dhaantan xooggan, loogana qanciyo Hogg aanka Siyaasadda iyo Dhaqanka Beelaha Dir Waq ooyi ee Somaliland tabashadooda si looga hortago habacsanaan iyo dhib-u-dhac kale oo ku yimaada Doorashada Dalka.

Waxaan ugu yeereynaa Shir wadatashi Beelaha Dir ee Koonfur iyo Waqooyi si meel looga soo wada jeedsado xaaladan khatarta ku ah midnimada

ummadda Soomaaliyeed

WASIIR DURAAN Faarax oo shaaciyey cida boobeysa kursiga beeshiisa?

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS, Duraan Faarax ayaa eedeyn culus u jeediyey hoggaanka Puntland, kadib markii laga hor istaagay sida uu sheegay inuu u tartamo kursiga xildhibaan ee beeshiisa ay ku leedahay golaha shacabka ee baarl amaanka Soomaaliya.

Wasiir Duraan ayaa dhawaan tegay M/Garowe, si kursiga Hop166 uu ugu tartamo, bal se waxa uu sheegay in damaciisii ay ka hor istaag tay madaxtooyada Puntland.

Wasiirka ayaa hoggaanka Puntland ku eedee yey inay doonayaan in kuraasta Golaha Shacabka ee beelaha deegaanada Puntland ay dad gaar ah u xiraan.

"Waxyaabaha cajiibka ah ee aan idinla wadaag ayo waxaa ka mid ah, in madaxtooyadu ay la soo hadleyso guddiga loo xil-saaray doorashada, iyadoo amar lagu siinayo in qof gaar ah loo diiwaan geliyo, kursiga, odaga dhaqanka ama ergada, iyadoo lala gambaneyn nin jecleysiga ka jira meesha,” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in doorasha dii hore ee 2016-kii uu u tartamay isla kursigaan, ba lse looga guuleystay isagoo ku qanacsan natiijada, laakiin waxuu aad u dhaliilay hanaanka haatan uu doorashada ku maamulayo hoggaanka Puntland.

"Doorashadii sanadkii 2016-kii waxay u dhacday si cadaalad ah, waxayna taasi ka dhigan tahay in dadkii xiligaas xukunka hayey ay la haayeen dareen Soomaalinimo, laakiin kuwa hadda xukunka jooga, waxay doonayaan inay doorashada boobaan, iy agoo aan u tureyn shacabka reer Puntland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in si hor dhac ah uu hambalyo ugu diraayo ninka kursigaas loo doora doono, kaas oo sida uu sheegay uu sii og yahay, maadaama kursiga loo xiray sida uu hadalki isa u dhigay, inkastoo uusan magaciisa sheegin.

"Ninkaas hada hambalyada ayaan u sii hor marinaayaa, waxaana ka rajeynaa in si wanaagsan oo cadaalad ah uu ugu adeegi doono bulshada aan dooran ee xildhibaanka looga dhigayo,” ayuu yiri wasiirka gadiidka iyo duulista hawada XFS Duraan Faarax.

Dowladdaha Mareykanka Iyo Ruushka Oo Kulan Deg-Deg Ah Ku Yeelanaya Geneva

Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka An tony Blinken iyo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ru ushka Sergei Lavrov ayaa wadahad al ku yeelanaya magaalada Geneva, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in Ruushku uu duulaan ku qa ado dalka Ukraine.

Khamiistii Mr Blinken ayaa uga di gay Mosco cawaaqib xumida ka dhalan karta had dii ciidamadooda ay galaan xadka Ukraine.

Ruushka waxa ay diideen in ay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan dalkaasi,hasa yeeshee wa xaa la sheehay in xadka Ukraine y joogaan 100,000 oo askari.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku adke ystay in Ukraine aan marnaba loo ogol aan inay ku biirto Nato,isagoo sidoo kale doonayaa in xulafada difa aca ay ka tanaa sulaan dhaqdhaqaaqyada

milatari ee bariga Yurub.

Caaqilka Beesha leh kursigii uu ka qeyliyey wasiir Duraan oo go’aan soo saaray

Caaqil Maxamed Xaashi Cigaal oo ah Caaqilka beesha iska leh kursiga HOP166 oo dhawaan was iirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda Soomaaliya uu sheegay in loo diiday inuu u tartamo ayaa war ka soo saaray boobka kursigaas.

Caaqil Maxamed ayaa guddiyada doorashada u gu baaqay in la hakiyo doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP166, kaas oo sida uu sheegay aysan ta lo ku laheyn hanaanka la doonayo in lagu doorto.

Sidoo kale Caaqilka ayaa Mad axweynaha Puntland Saciid Deni u soo jeediyey in madaxweynaha Soomaaliya uusan u tartami karin, maadaama reer Puntland uu maamuli waayey oo cadaalad-darro badan ay ka tabanaayaan maamul kiisa, sida uu sheegay.

"Madaxweynaha Puntland waxuu u tartamayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, laakiin hadii anagu aan ka tirsaneyno cadaalad darro iyo gacan dhaaf, ma garanayo sida ay ugu suurta gar eyso inuu madaxweyne u noqdo dowladda federal ka,” ayuu yiri Caaqil Maxamed.

Kursigaas ayaa ka mid ah kuraas ay Puntland shaacisay in doorashadiisa la qabanayo 22-ka bi shan oo ku beegan berri oo Sabti ah.

"Anigoo ka wakiil ah shacabka iska leh masiirka kurisga Hop166, waxaan ognahay in dad kale oo aan talo ku laheyn kursigaas doorashadiisa loo diya arsaday, wadadii saxda aheyd looma marin doora shada kursigaas,” ayuu yiri Caaqil Maxamed.

Caaqilka ayaa guddiyada doorashada heer fede raal iyo heer dowlad goboleed ka codsaday inay joojiyaan doorashada kursigaas oo la qorsheeyey inay dhacdo Sabtida berri.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS, Duraan Faarax ayaa 19-kii bishaan dib ugu soo laabtay Muqdisho, isagoo warbaahinta u sheeg ay in hoggaanka Puntland uu ka hor istaagay inuu u tartamo kursiga beeshiisa ee tirsigiisu yahay Hop166.

"Waxyaabaha cajiibka ah ee aan idinla wadaa gayo waxaa ka mid ah, in madaxtooyadu ay la soo hadleyso guddiga loo xil-saaray doorashada, iyadoo amar lagu siinayo in qof gaar ah loo diiwaan geliyo kursiga, odaga dhaqanka ama ergada, iyadoo lala gambaneyn nin jecleysiga ka jira meesha,” ayuu yiri Wasiir Duraan.

Ciidamada DF oo hub iyo gaadiid ku qabtay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo Habeen hore ciidamada ammaa nka, gaar ahaan kuwa Booliiska ay ka sameeyeen qe ybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey degmada Dharkenley, waxayna ciidam adu guriguri u baarayeen xaa fadaha degmadaasi.

Taliye ku xigeenka qeybta Ga lbeed ee Ciidamada Booliiska Bashiir Durqan oo ka mid ah saraakiisha horkaceys ay howlgalka ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhi geen hub, gaadiid iyo dad eedeysanayaal ah. Ba shiir ayaa xusay inay dib ka faah faahin doonaan in ta uu la egyahay hubka iyo dadka ay soo qabteen, marka ay soo dhammaadaan baaritaanada ay haat an wadaan saraakiisha laamaha ammaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wa di doonaan howlgallada ka socda degmooyinka dha ca Galbeedlka, gaar ahaan Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda ee gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacab ka ah inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni darrada ah ee ka dhac aya gudaha caasimada.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa ciidama da dowladda Soomaaliya ay kordhiyeen howlgall ada ka socda Muqdisho oo ay ka dhacayeen weer aro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan magaalada Muqdisho ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, taas oo keentay in dowladda ay xooga saarto doora shooyinka dalka.

Guddiga Hirgelinta Doorashada Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland oo shaaciyay jad wal ka doorashada 12 Kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

Guddiga maamulaya doorashada gobolada Wa qooyi ee Soomaaliland ayaa shaaciyay jadwalka qabasha da doorashada 12 kursi oo ka mid ah kura asta Golaha Shac abka ee deegaan doorashad oodu tahay gobolada Waqoo yi. Guddiga dooraahada gobo lada Waqooyi ayaa ku dhawaa qay in doorashada 12-ka kursi diiwaan gelintooda iyo tababarka ergada ay bilaab aneyso maalinta berito ah, islamarkaana doorasha da kur aasta la qaban doono 24-ka bishaan oo ku beegan maalinta Isniinta ee nagu soo aadan.

Kuraasta la shaaciyay doorashadooda ayaa kala ah HOP 260, HOP 257, HOP, 215, HOP 267, HOP 268, HOP 269, HOP 245, HOP 247, HOP 209, HOP 211, HOP 201, HOP 214, waxana ka mid ah Musha raxiinta ku tartami doono kuraastan la shaaciyay shaqsiyaad caan ah oo uu ka mid yahay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxma an Ducalle Beyle.

HOOS KA AKHRISO JADWALKA AY SOO SAAREEN GUDDIGA DOORASHADA SOOMAALILAND.

Ciidamo xiray Idaacadda Hiiraan weyn Xarun teeda Beledweyne

Xarunta Idaacadda Hiiraanweyn ee Magaalada Beledweyne waxaa Shalay weeraray ciidamo la she egay inay ka Amar qaataan Mad axweyne ku xigeenka Hir shabe lle Yuusuf Axmed Hagar Daba geed.

Ciidamada ayaa gudaha ugalay Xarunta ay Magaalada Beladweyne ku leedahay Hiiraanweyn waxana ay hawada ka saareen Idaac ada oo xiligaas toos hawada ugu jirtay waxana ay xireen dhamaan shaqaalihii Warbaahinta.

Maamulka Radio Hiiraanweyn ayaa sheegay in Ciidamada weeraray Xarunta Warbaahinta aysan u sheegin sababta loo soo weeraray Warbaahinta

Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug oo shaaciyay jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka

Guddiga doorashada maamulka Galmudug ay aa shaaciyay jadwalka qabashada doodashada 7 Kursi oo ka mid ah kuraas ta Golaha Shacabka Ba arlamaanka 11-aad ee dalka oo deegaan doorasha do odu tahay Galmudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska guddiga hi rgelinta doorashada Galm udug ayaa lagu shaaciyay in maalinta berito ah ay bi laabaneyso dii waan gelinta Musharaxiinta do oney sa iney ku tartamaan kuraasta la shaaciyay, is lama rkaana doorashadoo da ay dhici doonto maa lmaha Arbacada iyo Kham iista oo ay tariiqdu tahay 26 bishaan Janaayo 2022.7-da kursi ee doorashad oodu shaaciyeen guddi ga doorashada Galmudug ayaa sumadooda waxay kala tahay HOP07, HOP 61, HOP64, HOP248, HOP89, HOP96, HOP71,

Maamul goboleedyada dalka ayaa tan iyo waxii ka dambeeyay markii shirkoodii madashada qaran ee ugu soo dhamaaday Muqdisho waxay bilaabeen dadaalo xoogan oo ay ku dardar galinayaan qabash ada doorashada Golaha Shacabka.

Cabdiraxmaan Cirro "Ictiraadku wuu fog aan do onaa hadii madaxweynuhu ka meer meero in uu doorashooyinka qabto"

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sh eegay in Somaliland meel fiican marayso, wuxuuna madaxweynaha uga digay in ictiraafku fogaan doono hadii aanu doorashooyinka wakhtigooda ku qaban.

Ciiro ayaa dooda Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland iyo soo dhawayntii madaxweyne Biixi lo ogu sameeyay Addisababa ku tilma amay in ay tusinayaan heerka ay Somaliland marayso.

"Somaliland Shalay meel fiican ay ay maraysa, madaxweynuhu wux uu ku tagay saf ar dalka aynu jaarkana hay, waad arkayseeno sifi ican ayaa loo soo dhaweeyay, dood ayaa ka so cot ay Baarlamaanka Ingiriiska, waxaasi waxay ka dha sheen in Somaliland lagu bogaadinayo hanaan ka dimuquraadiga ah" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa sheegay in meeqaamka Somaliland uu hoos u dhici doona oo aan la heli doonin wax ya abaha Shalay la haysto, hadii doorashadu dib u dhacdo.

"Waxan isleeyahay soo dhawayntaana waala waayi doonaa, dooda baarlamaankana waa la wa ayi doonaa, ictiraafkuna wuu fogaan doonaa, hadii madaxweynuhu ka meer meero in uu doorashooyi nka qabto" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa sheegay in isaguna uu safar ugu bax ayo dalka Itoobiya, maalin kadib safarkii madaxwey naha.

Madaxweynaha Somaliland Oo Digniin Cul us U Diray Madaxda Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo war ka soo saaray tallaabadii uu Baarlamaanka UK uga dooday aqoonsiga Somaliland ayaa sidoo kale jaw aab u diray Wasiirka Qorsheynta ee X F/Soomaaliya ee xilgaarsiin ta, Ja maal Mr Biixi oo faah-faahinayay kul an ay Xukuumaddiisa ka yeela tay arr intan ayaa ugu horreyn u mah ad celi yay Baarlamaanka dowladda Ingiriis ka ee billaabay doodda la xiriirta in la aqoonsado Somaliland.

Si gaar ah ayuu ugu mahad naqay Xildhibaanna da taageeray Somalila nd ee hor kacayay doodda Baarla maanka Ingiriiska iyo idoo kale jaaliyadda reer Somaliland ee waddankaas kunool.

Dhanka kale Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ka jawaabay hadalkii Wa siirka Qorsheynta dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo weerar xagga afka ah ku qaad ay Xildhibaan Gavin Williamson, oo ah Xildhibaanka doodda aqoonsiga Somaliland geeyay Baarlamaan ka UK.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu Digniin culus u diray Madaxda DFS, wuxuuna ku eedeeyay dowl adda inay bilowday weerar qaawan oo ay ku qaad ayaan xubnihii Baarlamaanka UK ee u ololeynayey aqoonsiga Somaliland. Muuse Bixii ayaa tilmaamay in faragelinta ay DFS ku heyso qaddiyadda madax-bannaanida Som aliland iyo weerarka qaawan ay sii kordhineyo naca yb, kala fogaansho iyo Colaad dhe

eraata oo la dhex abuuro Soomaalida gudaheeda.



MASHAQADII DABKA EE HARTASHEEKH OO WALI HALKEEDII KASII SOCOTA

Waxaa wali halkeedii kasii socda dabkii aan wali lagaran waxa sababaya, ee ka kacayay guryo badan oo ku yaal magaalada Hartasheekh ee dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba sida wararku nagu soo gaarayaan Shalay ayay mar kale gubteen guryo kale oo isla magaalada Hartasheekh ku yaal, kuwaas oo sidii guryihii hore ee gubtay aan la garan waxa sababay gubashadooda.

Dadka degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay inay la dhibaataysan yihiin guryahan gubanaya, ee aan lagaranayn sababta ay u gubanayaan, iyagoo sheegay in ugu yaraan maalintii ay gubanayaan ilaa 3 guri, maalin walbana ay arrintani joogto noqotay.

Dhanka dowladda wali ma jirto xog rasmi ah oo ay arrintani kasoo saartay, marka laga reebo duqa magaalada Hartasheekh oo Warbaahinta u sheegay in dabkan guryaha ka kacaya loo badinayo inuu sixir yahay.

Shacabka ku dhaqan magaalada Hartasheekh ayaa cabsi xooggan ka qaaday dabkan guryaha ka kacaya ee xalka loo la'yahay, waxayna magaaladu in toddobaad ah noqotay mid la saaxiibta guryo gubanaya sabab la'aan.

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Shil Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Garoowe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Shalay ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nug aal, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari.

Dad ku sugnaa meel ku dhow goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in shilkaas u ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa gaari ay leedahay Shirkadda SUPER iyo gaari kale oo raaxo ah. Inta la xaqiijiyay shilka ayaa waxaa ku dhintay laba ruux, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray, kaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana sidoo kalena goobta laga jiiday baabuurta isku dhacday.

Maxamed Cabdikariin Cumar oo ka tirsanaa shaqaalaha Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa kamid ahaa labada ruux ee ku dhintay shilkaas Shalay ka dhacay duleedka duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Si kastaba shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa marar kala duwan waxaa ay sidaan oo kale uga dhaceen duleedka Garoowe iyo degaano hoostega Magaaladas, waxaana inta badan loo sababeeyaa gaadiidka oo xawaare lagu wado.

Faahfaahino kasoo baxaya meydka laba wiil oo dhalinyaro ah oo laga helay duleed ka magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Koofurta gaalk acyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in duuleedka magaaladaasi laga helay meydadka laba wiil oo dhalinyaro ah.

Dilka labada wiil ee dhalinyarada ah ayaa la shee gay iney geysteen rag hubeysan, kuwaas oo si deg deg ah uga baxsaday goobta ay ku dileen wiilasha dhalinyarada, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeyaa dilka labadaan wiil, inkastoo warar soo baxaya ay sheegayaan inuu salka ku haayo di lka anooyin qabiil.

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Mudug ee maamlka Galmudug ayaa meydadka labada wiil ku wareejiyay Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mu dug ee maamulka Puntland Cabdi Muumin Cabdi Shire, waxaana taliska ciidanka Booliiska Galmud ug ay sheegeen ine socdaan howlhalo ay ku raadin ayaan dadkii ka dambeeyay dilka labada dhaliny arada.

Taliyaha ciidanka Booliiska Mudug ee maamulka Puntland ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhig een ragii ka dambeeyay dilka qof shacab ahaa oo Habeen hore lagu dilay Koofurta magaalada Gaalkacyo oo u baxsaday dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalk acyo. Dilalkaan saacadahii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Gaalkacyo maysan sheegin taliska lab ada maamul ee Galmudug iyo Puntland waxa ay sal ka ku hayaan, inkastoo wararka soo baxaya ay she egayaan iney yihiin dilal salka ku haayo aanooyin qabiil.



XUSKA MAALINTA SAXAAFADDA EE SOOMAALIYA (WARBIXIN)


21-ka Janaayo waa maalin qaran oo ku weeyn quluubta bulshada,waxaana Shalay oo kale loo dabbaldegaa munaasabadda maalinta warbaahinta Soo maaliya oo aasaaskeeda ama bud-dhigeeda laga joogo ama ay ka soo wareegatay 49-sano.

Haddaba,iyadooo laga duulayo qiima ha Warbaahinta iyo ahmiyaddda ay u leedahay bulshada, waxaa 21-kii Janaa yo sanadkii 1973-dii, loo aqoonsaday maalinta Warfaafinta dalka,maadaama adeegyada warbaahintu ay yihiin kuwo toos u taabanaya ama diiradda u saara ya horumarka dadka iyo dalka.

Ujeedka munaasabaddaan oo sanadkiiba mar la qabto,ayaa ah mid xamba arsan xasuusta dadkii wax ku oolka ahaa ee u soo dhabar adeygay jiritaanka saxaafadda Soomaaliyeed oo la tilmaamo in ay soo bilaabatay bartamihii qar nigii 20-aad. Marxaladihii Saxaafadda

1- XORRIYADDA KA HOR

Xilligaaan, waa bilow wanaagsan oo loo qaaday socodsiinta adeegyada lagama maarmaanka u ah saxaafadda,kadib kolkii ay kordheen dadka bartay luqadaha iyo qoraalada kale ee Laatiinka ah,taasina waxa ay sababtay in ay soo baxaan wargeysyo lagu gudbiyo fariimo xambaarsan naceybka gumeysiga.

Muddadii u dhaxaysay 1935-60-kii,gobolada woqooyi iyo kuwa koonfureed, wax aa ka bilowday dhaqdhaqaaqyo ay wadeen dhallinyaro aqoonyahanno ah oo isku xilsaaray soo saarista wargaysyo ay ka mid yihiin Somali Journal, Al-Liwaa, Qarni Afriqiya, Al-Waxda,War Somali side,Corriere della Somalia,Al-Sariixa iyo kuwo kale.

Isla xilligaan gobollada Woqooyi oo uu gacanta ku haayay Ingiriiska waxaa sanadkii 1943-dii laga hirgaliyay Raadiyo Hargeysa,halka gobolada Konfureed sanadkii 1951-kii laga furay Raadiyo Muqdisho,waqtigaasi oo gumeysiga Talya aniga uu Maxmiyad ku haystay gobollada Koofureed.

2-DAWLADDII RAYADKA

In la madax banneeyo xoriyadda hadalka,waxay ka mid ahayd tallaabooyinkii ugu horeeyay ee ay ku guulaysatay dowladdii Rayidka ee 1960-kii,waxayna arin taasi sababtay in ay kordhaan tirada wargeysyada ka soo baxa dalka, kuwaas oo ku qornaa luqadaha Carabiga, Ingriiska iyo Talyaaniga,waxayna kala ahaa yeen Sowtu Soomaal,Somali News,Somali review ,Li Oriente ,La Tripuna ,Kifaax, Al-shacab,Al-Waxda, Al-Xaqiiqa iyo kuwo kale.

5-tii Janaayo 1964-tii waxaa dhidibada loo taagay Wakaaladda Wararka Qaran ka Soomaaliyeed ee SONNA,taas oo si buuxda u noqotay isha waraka dalka iyo codka dowladda Soomaaliya.

3-DOWLADDII MILLITARIGA

Waxaa hubaal ah in sanadkii 1969-kii,uu ahaa bilowgii dib u dhaca saxaafad da Soomaaliya iyo niyad-jabkii qorayaasha ka dib markii ciidamadii qabsaday dalka ay xireen xarumihii wargaysyada,isla markaana ay mamnuuceen xoriyad da hadalka,iyagoo doorbiday in labada Idaacadood ee Radiyo Hargeysa iyo Radiyo Muqdisho iyo wargeyska dowladda ay noqdaan kuwo loo adeegsado baahinta awaamiirta maamulkii Kacaanka.21-kii Janaayo Sanadkii 1973-di Waa markii ugu horaysay ee uu dalkeenna ka soo baxo wargayskii ugu horeeyay ee ku hadla Afka Hooyo kadib kolkii1972-dii lagu guulaystay hirgalintii iyo qaada shada qoraalka farta Laatiinka,iyadoo la eegayo helitaanka qalabka loo adeeg sado qoraalka xarfaha iyo dhinaca kale culeys dhaqaale oo saamixi waayey in la soo saaro aalado cusub oo xagga qoraalka ah.

Sanadkii 1980-kii waxaa dalka laga hirgaliyay Kulliyadda Saxaafadda ,taas oo soo saartay suxufiyiin badan oo aqoon u leh cilmiga saxaafadda,isla marka ana kor u qaaday tayada iyo aqoonta warbaahinta dalka.

Sanadkii 1983-kii. Waa markii ugu horeysay ee Telefishin ama muuqaal baahi ye uu leeyahay qaranka Soomaaliteed uu si habsami leh uga shaqeeyay dal ka, isla markaana laga daawaday warar iyo barnaamijyo tayeysan oo ay ku qanci karaan bulshada.

4-XILLIGII BURBURKA & SOO KABASHADA

Inkastoo burburkiii ka dhacay dalka uu saameyn xoogan ku yeeshay qeybaha warbaahinta dalka,haddana, labaatankii sano ee u dambeeyay qaar ka mid ah ganacsatada iyo aqoonyahanno kale ayaa doorbiday in ay wax ka baddalaan warbaahinta dalka oo muddo badan ku soo jirtay caburin iyo cadaadis xad dhaaf ah.

Tallaabadaasi,waxa ay dhiirigalisay in gudaha dalka ay ka hanaqaadaan saxaafad xor ah oo kaalin wax ku ool ah ka qaadatay in qaybaha bulshadu ay awood u helaan gudbinta fikradaha wax dhisa iyo kuwa dhaliisha ah ee loo jee diyo hoggaamiyaasha siyaasadda.

Waxaa shaki la’aan ah in Saxaaafaddu ay tahay seef laba afle ah oo loo adeegsan karo dhanka wanaagsan iyo dhanka xun,sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in qaybaha warbaahinta ay u howlgalaan meel marinta danaha dadka iyo dalka,isla markaana laga fogaado wax kasta oo carqalad ku ah dhameystirka geeddi-socodka loogu jiro dib u yagleelidda nidaam dowlad nimo oo kaafiya dadka oo dhan.

Si loo helo Suxufiyiin howlkar ah oo ku wanaaagsan shaqada Warbaahinta, waxaa lama huraan ah in dowladda iyo madaxda maamulada warbaahinta ay u howlgalaan sidii tababarro aqoon kororsi ah oo la xiriira xirfadda saxaafadda loo siin lahaa shaqaalaha qaybaha warbaahinta dalka. Waa muhiin in xasuus gaar ah loo yeesho dadkii haldoorka u ahaa aasaaska iyo horumarka warbaahinta Soomaaliya,waxana ka mid ahaa:-Maxamuud Jaamac Uur-doox, Xaaji Cabdi Ducaale, Soogare Maxamed Cadde,Xuseen Cabdi Farmashiye,Aadan Isaaq Timacade, Daahir Ibrahim Cabdi, yaasiin xaaji ismaaciil, Cabdi xaaji Gobdoon, Axmed ismaaciil Samatar, Mustafa Xaaji Nuur, Max’ed Faarax Xalane Dhaa shane, Faaduma Hiirad Qalyayax,Faaduma Xaaji Faarax iyo kuwo kale,kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen wariyayaashii ugu horeeyay ee gala diiwa anka xasuusta saxaafadda Soomaaliya. Gabagabadii ,anagoo ka faa’ideysan eyna xuska sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii warbaahin ta Soomaliya,aawadeed,waxaan hambalyo u direyna dhammaan shaqaalaha warbaahinta dalka, waxaanna u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare. 

W/QORAY SHIROOS SONNA.SO


 

‘HADDII AAD WANAAG FASHO WANAAG BAA LA FISHAA’ – FAALLO UU 

QORAY FAHAD YAASIIN


Waxay ahayd 15, kii Agoosto 2018, markii Ma daxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ii magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Waxey ahayd masuuliyad culus iyo shaqo igu cu sub, balse waxaa ii muuqatay muhiimadda ay leed ahay shaqada sirdoonka qaranka oo ah ilaalinta nabadda iyo danaha Qaranka, iyadoo bartil-maam eedka ugu horreeya uu yahay hel idda xog sugan oo ka dhigi karta sirdoonkeenna mid la isku halleyn karo oo dhammaystiran.

Kolkii aan xog urursadey, una fiirsaday shaqada iyo waajibaadka horyaalla hay’ad da waxaan fahmay sadex arrimood oo aad u muh iim u ah.

Waa tan koowaadee, halka dal ka dhismo, ka ho rumaro, lagana cabbiro awooddiisa inay tahay tay ada sirdoonkiisa. Waa tan labaadee, waxaan u ta gay saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo xubno kala du wan, oo leh aqoon iyo xirfad lasoo dhisayay tan iyo markii la aasaasay, sanadkii 1970-kii, kuna hubays an daacadnimo iyo dal jacayl. Waa tan sadexa adee, waxaan la kulmay dhallinyaro karti iyo aqoon leh oo u baahan isku dubarid iyo dib u qaabayn, si ay uga hortagaan ururada argagixisada iyo kooxaha kale ee abaabulan ee khatarta ku ah amniga dalke enna.

Hay’adduna awood buuxda ugu yeelato dhexga lka cadowga iyo helista xogohooda.

Sadexdaas isla jaanqaadkooda ayaa keenaysa in nabadda iyo barwaaqada shacabkeenna ay ku xir an tahay horumarinta iyo tayeynta Sirdoonka Qaran ka, sababtoo ah dal aan laheyn amni la isku halleyn karo marna ma gaarayo horumarka iyo barwaaqada uu hiigsanayo.

Tilmaamaha iyo dardaaranka Madaxweyne Ma xamed Cabdulaahi Farmaajo, ee aan shaqada ku bilaabay waxaa saldhig u ahaa gaarista laba yool; Soo celintii tayada iyo awooddii Sirdoonka Qaranka, si ay tartan ula gasho Hay’adaha dhiggeeda ah ee gobolka iyo qaaraddaba, ulana jaanqaaddo dunida sirdoonka casriga ah, islamarkaana u gudato waajib aadka ka saaran ammaanka Qaranka ee guddaha iyo dibbada.

Tan xigtana, waxay ahayd soocelinta kalsoon ida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Sirdoon ka Qaranka, waxayna ka bilaabanaysa Xamar oo nabad ah, oo degan, taas oo ah arrin mudan in ahmiyad wadareed lawada siiyo.

Dhanka shaqada waxaa Madaxweyne Farmaajo welwel iyo feker joogta ah ku hayey tirada dhim ashada iyo dhaawaca ka dhasha qaraxyada iyo beegsigii tooska ahaa ee lagu ugaarsan jiray hal-doorkii shacabka, iyadoo bil walba la horgayn jiray tirakoob qeexaya xaaladda amniga dalka, gaar aha an Caasimadda, oo ay bilaha qaar dhici jireen wax ka badan 85 fal danbi, oo u kala qaybsan qarax, be egsi toos ah iyo burburin hanti, ayna ka dhalan jirtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Dhismaha dharcadda [ilaalada shacabka] waxay noqotay qoshe mira dhalay, oo noqday saaxiibka ko owaad ee bulshada, tababar heerkiisu sarreeyo iyo tayayn lagu sameeyey dhallinyarada waxbaratay ay aa keentay inay dhismaan dharcadda ilaalada shacabka.

Waxaa xasuus mudan askari katirsan Ilaalada shacabka in loo soo bandhigey fursad ah in loo ma gacaabayo Guddoomiye Degmo. Askarigaasi wuu diiday dalabkaas, isagoo ku jawaabay, ilaalada sha cabka waa shaqadii ugu wanaagsanayd ee aan Qar anka u qaban lahaa, waana ilaalinta nafta iyo maal ka bulshadeenna, taasoo muujinaysa miisaanka iyo micnaha ay agtooda ka leedahay dhalinyarada Som aliyeed sugidda amniga bulshada iyo tan Qaran ka.

Qorshe isku tashiga ayaa jiray, wuxuuna ahaa qor she aad u balaaran oo saldhig u noqday sidii loo heli lahaa hay’ad ku taagan wixii lagasoo dhex dhaliyo maskax-shiilka dhallinyarada khubarada ah ee la carbiyey, kuna hawlan sidii afkaar-curintooda loogu rogi lahaa shaqo raadkeeda ay dadku ark ayaan oo qaranku u aayo!

Qorshahaas baa keenay in hangool la iskaga qa bto wax soosaar aynaan ummad ahaan curintiisa waxba ku lahayn ama la falgalkiisa aanad ku filna yn, kaas oo ku tiirsan, kuna xiran taakulo shisheeye oo si joogta ah kuula nool.

Tan waxay ahayd taladii ugu haboonayd ee la qaatay. Taladaas waxay na gaarsiisay in Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed lagu hago aqoon iyo khib rad ay curiyeen ama la falgaleen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo jecel sidii uu dalkooda u hormari lahaa.

Qiimaynta sadexdii bilood walbaba, waxaa soo hagaagayey jawiga nabadeed ee dalka, waxaana is dhimayay tirada dhimashada ka dhasha falalka kala duwan ee argagixisada, wuxuuna gaaray hoos u dhac ballaaran oo bilaha qaar dhici jireen wax kayar sagaal fal danbiyeed ay ku dhinteen ama ku dha waacmeen tiro boqolkiiba sagaashan ka hooseysa sidii sanadihii hore ay ahayd. Madaxweynaha iyo madaxda kala duwan ee Qaranka waxay taas uga dhignayd farxad iyo horumar, waxayna dhiirrigalin joogta ah la garab taagnaayeen shaqada wanaags an ee ay u tagaanyihiin hay’adaha amniga Qaranka guud ahaan, iyo hay’adaha sirdoonka ee kala duwan.

Dagaalkii qaboobaa wuxuu sirdoonkeenu ahaa mid dunida ka tilmaaman oo dunidu ku kutashato, saamayn weyna kulahaa siyaasadaha dunida iyo xiriirada kala geddisan ee caalamka.Dhawr dow ladood oo qaarada Afrika katirsan oo xilliyo kala duwan aanu kulannay ayaa nooga sheekeeyay sidii sirdoonka Soomaaliya uu sabab ugu noqday dhi smaha dalkooda iyo dhismaha hay’adda sirdoonko oda, hadday tahay tababarid iyo qalabaynba.

Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Hay’ad Sird oon oo dal Afrika ah ka socday oo Xamar igu soo booqday ayaa shirkeennii ku furay in xaruntan NISA uu ku qaatay tababarkiisi koowaad markii la aasaa sayey sirdoonka dalkooda sanadkii 1979-kii, wuxuu markale naga codsaday inaan siinno tababaro dhan ka la dagaallanka argagixisada ah.

Hay’adaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu saamaynta badan waxay sheegaan in NISA ay ka mid tahay Hay’adaha ugu awoodda badan qaarad da Afrika xaga la dagaallanka argagixisada, halka Gobolka Geeska Afrikana ay NISA hormuud u tah ay dhanka la dagaallanka argagixisada, laguna kal soonyahay xogtooda iyo khibradooda.

Muddadii aan Agaasimaha Guud ka ahaa Hay’ adda Sirdoonka Qaranka, saddex sano ee u damb aysay waxaa booqasho rasm ah noogu yimid Muq disho ilaa sideed Agaasime Guud oo ka kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida, iyo kuwa qaaradda Afrika oo aan qaarkood daris nahay ama isku khatar amni ah wada leen ahay, iyagoo si qotodheer u fahamsanaa awoodda iyo khibradda ay leeyihiin saraakiisha sirdoonka Soomaaliya.

Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheeko oyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saam ayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha. Dabcan dhammaantood masoo qaadan karo balse haddii aan soo qaato mid iyo labo; waxaan ogaan nay sarkaal katirsan Hay’adda inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah shabaab, una qaab ilsanayd dabagalka sirdoonka Soomaaliya, sarkaalk ani wuxuu ahaa sargaalkii labaad ee ay haweena ydaasi sidaas ku guursato. Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dam bana ay khaarijiso.

Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xo gta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wux uu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan.

Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dha mmaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo bii rista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay war qadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan haqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaq eeyo wiilkeeda.

Horumarka adeegga NISA, waxaa lafdhabar u ah Shacabka qaybihiisa kala duwan, oo qaarkood waddamo kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo sabab u noqday guulo waaweyn oo uu gaaray sirdo onkeenna. Sidoo kale, dunida oo dhan waxay isla qirsantahay, in sirdoonku uu hadafkiisa gaari karo marka uu haysto Madaxweyne hagaya oo leh qor she qaran oo fogaan arag ku



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip