Kooxda Villarreal Oo Guul Xili Danbe Ah Garoonkeeda Kaga Gaadhay Liverpool, Adrián López Oo Waqtigii Dhimashada Ee Dhamaadka Ciyaarta Villarreal Guushan U Horseeday Iyo Reds Oo Sugi Doonta Kulanka Anfield

0
Friday April 29, 2016 - 10:50:20 in Sports News by
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Villarreal Oo Guul Xili Danbe Ah Garoonkeeda Kaga Gaadhay Liverpool, Adrián López Oo Waqtigii Dhimashada Ee Dhamaadka Ciyaarta Villarreal Guushan U Horseeday Iyo Reds Oo Sugi Doonta Kulanka Anfield

    Villarreal ayaa guul xili danbe ah ka gaadhay Liverpool kulanka lugta hore ee Europa Leaque-ga waxayna guushan gool uu waqtigii dhimashada ee dhamaadka ciyaarta uu dhaliyayAdrián López. Liverpool ayaa kulanka lugta labaad Anfield ku soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Villarreal ayaa guul xili danbe ah ka gaadhay Liverpool kulanka lugta hore ee Europa Leaque-ga waxayna guushan gool uu waqtigii dhimashada ee dhamaadka ciyaarta uu dhaliyayAdrián López. Liverpool ayaa kulanka lugta labaad Anfield ku soo dhawayn doonta Villarreal waxaana la ogaan doonaa haddiiba ay dhinaca kale udhigi doonto natiijada kulankan.

Kooxda Villarreal ayaa garoonkeeda El Madrigal ku soo dhawsay Liverpool, kulanka lugta hore ee afar dhamaadka Europa Leaque-ga. Kooxahan ayaa tartan xoogan ugu jira sidii ay ku soo gaadhi lahaayeen finalka Europa Leaque-ga , waxayna doonayeen in ay lugta hore helaan fursad ay kulanka lugta labaad ugu soo bixi karaan finalka tartankan.23

Liverpool ayaa kulankii lugtii hore ee Burussia Dortmund soo awooday in ay gool marti ah soo hesho waxayna markale ku fikiraysay in ay lugta hore shaqo fiican soo qabsato si ay kulanka Anfield fursad fiican u hesho. Tababare Jurgen Klopp ayaa safka weerarkiisa ku soo bilaabay Roberto Firmino waxaana kaydka ku wada jiray Christian Benteke iyo Daniel Sturridge.Villarreal-Liverpool en imágenesVillarreal-Liverpool en imágenes

Kolo Toure ayaa markale laga door biday Martin Skrtel oo kaydka ku sii jiray, waxaana Firmino caawinayay Coutinho ,Adam Lallana iyo James Milner halka Joe Allen ayaa booskiisa sii xejistay wuxuuna khadka dhexe kala ciyaarayay Lucas.

Villarreal-Liverpool en imágenes

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Villarreal (4-4-2): Asenjo; Gaspar, Baily, Ruiz, Costa; Dos Santos, Pina, Bruno, Suarez; Soldado, Bakambu.

Kaydka:Musacchio, Samu, Areola, Trigueros, Castillejo, Adrian, Rukavina.

Liverpool (4-2-3-1): Mignolet; Clyne, Toure, Lovren, Moreno; Allen, Lucas; Milner, Lallana, Coutinho; Firmino.

Kaydka:Benteke, Sturridge, Ibe, Skrtel, Smith, Ward, Chirivella.

Qaybta hore ee kulankan ayay labada kooxood ku soo badhigeen qaab ciyaareed fiican iyo waliba fursad abuuris iyada oo ay labada kooxoodba taxadar dheeraad ah ka muujinayeen dhinaca difaaca. Liverpool ayaa ciyaarta ku bilaabtay dardar fiican iyada oo markiiba tijaabisay goolhaya Villarreal ee Asenjo

.Villarreal-Liverpool en imágenesJames Milner, captaining the side in Spain, shapes to shoot at goal under the close attentions of Bruno Soriano on the edge of the area

DAQIIQADII 6 aad Liverpool ayaa heshay fursadii ugu horaysay ee ugu halista badnayd ee kulankan waxayna fursadani ahayd fursadii ay Liverpool ugu dhawaatay in ay goolka furitaanka la timaado kadib markii uu Joe Allen uu darbo fiican ku tuuray goolka Villarreal laakiin goolhaye Asenjo ayaa awooday in uu halista iska badbaadiyo

.Villarreal-Liverpool en imágenes

DAQIIQADII 11 aad RobertoSoldado ayaa helay fursad fiican isaga oo darbo fiican ku tuuray goolka Liverpool laakiin darbadiisa ayaa birta goolka wax yar umartay wuxuuna si fiican iskaga farsameeyay difaaca Liverpool, waxayna ciyaartu noqotay mid ay labada kooxoodba fursado fiican ku abuurayaan.Villarreal-Liverpool en imágenes

DAQIIQADII 22 aad Villarreal ayaa heshay fursado xidhiidh ah iyada oo marka hore ay Bakambuiyo Danis Suarez ay si fician iskugu soo xidhmeen wuxuuna Suarez kubbada u sii dhiibtay Dos Santos wuxuna isna kubbada u sii dhiibtay Pina kaas oo aan wax waqti ah iska lumin wuxuuna darbo xoogan ku tuuray goolka Liverpool laakiin goolhaye Mignolet ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah.Villarreal-Liverpool en imágenes

Labada kooxood ayaa si wayn uga taxadarayay dhinaca difaaca taas oo keenaysay in weerarka labada dhinac ay dhibtoodaan. Daqiiqadii 42 aad RobertoSoldado ayaa markale darbo xoogan ku bartilmaameedsaday goolka Liverpool laakiin markale darbadiisa ayaa birta goolka wax yar u martay, waxaana qaybta hore lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaart Villarreal ayaa soo laabtay iyada oo dardar fiican ku socota waxayna markiiba abuurtay fursado fiican. Tababare Jurgen Klopp ayaa waqtigii nashada laga soo laabtay shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna kooxdiisa ka reebay Philippe Coutinho wuxuuna ciyaarta soo galiyay Jordon Ibe, la oga in ay farsamo ahayd iyo in uu wax dhaawac ahi jiray.Coutinho ayaan wax ciyaar fiican ah soo bandhigin qaybta hore waxaana la sheegay in aanu wanaag dareemayn.

DAQIIQADII 47 aad Villarreal ayaa hogaanka ciyaarta u qaban gaadhay kadib markii uuBakambu uu ku sigtay in uu gool ka furitaanka dhaliyo laakiin darbadiisa ayaa birta goolka ku dhacday waxayna Villarreal noqotay kooxda goolka furitaanka laga filan karo.

DAQIIQADII 66 aad Liverpool ayaa heshay fursad cajiib ah oo ay kula iman gaadhay goolka furitaanka waxaana Villarreal birta u garaacay Roberto Firmino laakiin goolhayeAsenjo ayaa awooday in uu kubbada wax yar goolkiisa ka leexiyay kubbad si ay birta goolka ugu dhacdo. Alla maxay Villarreal markan sigatay!

.Brazilian forward Roberto Firminho hit the post for Liverpool

Dhamaadkii ciyaarta ayaa noqday mid waali ah waxaana marka hore daqiiqadii 86 aad Villarreal ayaa wax yar u jirsaday in ay ugu danbayn hesho goolka guusha kadib markii uuBakambu uu ka baxsaday difaaca Liverpool isla markaana uu goolka Reds fursad cajiib ah uu ku helay laakiin goolhaye MIGNOLET ayaa sameeyay badbaadin fantastik ah isaga oo beeniyay gool cadaan ah.Villarreal's Bakambu grimaces after a chance for the home side goes begging early in the second half with the game locked at 0-0

DAQIIQADII 87 aad Liverpool ayaa markeeda heshay fursad cajiib ah kadib markii uu Alberto Moreno uu kubbad la soo baxsaday laakiin xidiga ree Spain ayaa qalad wayn ku lahaa in aanu kubbad u bixin saaxiibkiisa dhinac midig uga boos qaatay wuxuuna darbadiisa mariyay banaanka goolka.Alberto Moreno lies face down on the turf after the full back had wasted a brilliant late chance before Adrian struck the winner

Intii lagu jiray dhamaadka saddex daqiiqado oo ciyaarta lagu daray Villarreal ayaa ugu danbayn heshay goolka guusha kadib markii uuAdrián López uu dhaliyay goolka ay Villarreal guushan ku gaadhay waxaana qalad wayn sameeyay Kolo Toure oo sii daayay Danis Suarez oo abuuray goolkan isla markaana kubbad hadiyad ah goolka Liverpool oo banaan u hordhigay Lopez kaas oo kubbada shabaqa ku taabtay, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Villarreal ku gaadhay guul muhiim ah

.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Villarreal xili danbe kaga gaadhay Liverpool waxayna kooxda Klopp nasiibkeeda tijaabin doontaa kulanka lugta labaad ee Anfield.Villarreal ayaa noqtay kooxdii ugu horaysay ee Liverpool xili ciyaareedkan intii uu Klopp haystay guuldaro soo baday.

Dhinaca kale kooxda koobkan difaacanaysa ee Sevilla ayaa faa’iido wayn u haysata in ay markale soo gaadho finalka Europa Leaque-ga kadib markii ay barbaro 2:2 ah la soo gashay kooxda Shakhar, waxayna Sevilla soo heshay laba gool oo marti ah taas oo ka cawin karta in ay sii difaacato koobka ay sanadihii ugu danbeeyay ku soo guulaysanaysay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip