HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH KHAMIIS 20-KA JAN. 2022-KA

0
Thursday January 20, 2022 - 09:14:17 in Wararka by
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH KHAMIIS 20-KA JAN. 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

FarmaajoOo Warqadaha Aqoonsiga Danjir enimo Ka Guddoomay Safiirka Sacuudiga

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamm aaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoom ay warqadaha aqoonsiga danjirenimo Safiirka Cus ub ee Boqortooyada Sac uudiga Axmed Bin Max amed Al-Mowallad.

Danjire Axmed Bin Maxamed ayaa Madaxwey naha soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujiney sa ixtiraamka qarannimada iyo midnimada Ja mhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu ka siday Boqorka Boqortooyada aan walaa laha nahay ee Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasis.

Sidoo kale, Danjiraha Boqortooyada ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xir iirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay.

Maxamed Farmaajo ayaa ugu hambalyee yey Danjire Axmed Bin Maxamed xilka safiirn imo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Munaasabaddan uu Madaxweynuhu kaga gud doomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo Danj ire Axmed Bin Maxamed, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah xilgaarsiinta, Aga asimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdullaahi Ciise iyo Agaasimaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mustafa Aadam Dagaal.

Dowladda Soomaaliya Iyo Ruushka Oo Ka Wada Hadlay Hadalka Ay Mareyso Deyn Cafinta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuum adda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan aa lada foggaan arag ah ZO OM-ka kula yeeshay Was iir ku-xigeenka Maaliyad da ee Ruushka Timur Ma ksimov.

Kulanka ay wada qaateen Wasiir Cabdiraxma an Beyle iyo Timur Maksimov ayaa looga arri nsaday heerka uu marayo geedi socodka deyn Cafinta ee dowladda Soomaaliya iyo Ruushka oo hadda meel gabagabo ah maraya.

Wasiirka Maaliyadda xilgaarsiinta ayaa she egay in dowladda Soomaaliya ay soo dhawe yneyso iskaashiga iyo taageerada Dowladda Ruushka ee ku aadan horumarinta dhaqaala ha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweynaysaa iskaashiga iyo taageer ada Dowladda Ruushka ee ku aadan horuma rinta dhaqaalaha iyo isbeddelka dib-u-habayn ta nidaamka Maaliyadeed ee dalka” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Beyle oo Qoraal kooban soo saaray

Wasiir Jamaal oo jawaab kulul siiyay xildhi baanka UK ee wada doodda aqoonsiga Somaliland

Wasiirka qorsheynta xukuumadda federal ka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xa san ayaa si adag ugu jawaabay xildhibaan xi ldhibaan Gavin Williamson oo ahaa xildhiba ankii barlamaanka UK horgeeyay mooshinka looga doodayay aqoonsiga Soomalailand.

Jamaal oo ka jawaab ay qoraal Gavin Willi am son uu soo dhigay bartiisa twitter-ka, ay aa waxa uu ku weera ray shaqsiyada Gavin, si adagna uga horyimid in uu soo fara-geliyo arrimaha gudaha dalkee na. "Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa ja ahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay sha qadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Wasiir Jamaal.

Xildhibaan Gavin Williamson oo dooda u soo bandhigayay xubnaha aqalka baarlamaan ka ayaa sheegay in la joogo xilligii ay UK aqo onsan lahayd Somaaliland, isagoo hadal ka soo yeeray Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Vic ky Ford ku tilmaamay in faham la’aan ka hay sato xaqiiqda jirta.

Vicky Ford ayaa ku dhawaaqday in aqoonsi ay hesho Somaliland uu yahay mid ku xiran DFS, oo ay tahay inay Somaliland ka wada-ha dlaan, xilli baarlamanka dalkaas Dorraad la ge eyey dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

"Doodda ka socota Aqalka Wakiilada waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka joogtada ah ee UK ee ku wajahan maqaamka Somaliland. Waa arrin u taalla Somaliland iyo dowladda fe deraalka inay go’aan ka gaaraan mustaqbalko oda,” ayey Vicky Ford ku tiri qoraal ay soo dhigtay twitter-ka.

"Waxaan sii wadi doonaa in iskaashi kala sameyno dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland arrimaha dimqoraadiyadda, amma anka iyo barwaaqada.”

Hadalka Vicky Ford ayaa soo xiray dooddii qabsatay baraha bulshada iyo rajadii Somalil and ee ay aheyd in doodda la geeyey baar lamanka UK ay hoggaamin karto aqoonsi ay hesho Hargeysa.

Sidoo kale waxa uu yimid hadalka Vicky Ford saacado un kadib markii ay wada-hadallo la yeelatay wasiirka arrimaha dibedda Sooma aliya Cabdi Saciid Muuse Cali, kaasi oo ku aadana ixtiraamka midnimada iyo madax-baa nnaanida Qarannimo ee labada Dal.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xilligan marnaba ogoleyn in Somaliland loo aqoonsado dal madax-banaan, ayada oo uu gaabis weyn ku yimid wada-hadaladii u dha xeeyay labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadalla da Villa Soomaaliya iyo XUUD

Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo wareysi cusub bixiyey ayaa ka hadlay xaalad da guud ee magaalada Beledwey ne, gaar ahaan kulamada xasaasi ga ah ee uu haatan la leeyahay dowladda federaalka ah ee Soo maaliya. Xuud oo u warramay Sh abelle TV ayaa shaaca ka qaaday inuu shirar gaar ah la ye eshay taliyah a ciidamada Lugta ee Xoogga dalka Soomaali yeed oo metalay ey, sida uu sheegay madax weynaha waqtigu ka dham maaday, Mudane Maxamed Cabdu llaahi Far maajo.

"Waa noo sheegay inuu si gaar ah u metel ayo madaxweynaha,” ayuu yiri Jeneral Xuud oo ka warbixinayey dadaallada uu haatan wa do taliye Biixi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu Shalay kusoo jeedo magaalada Muqdisho, isa ga iyo rag kale oo reer Hiiraan ah, si loo sii am ba qaado wada-hadallada haatan billowday

"Muqdisho ayaan imaanayaa Shalay dad badan ayaa i wehlinayo oo ila tegi doono,” ay uu markale sii raaciyey.

Jeneral Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu kulan gaar ah la qaadan doono Farmaajo, wuxuuna sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey inay guuley san doonaan wada-hadallada socda ee xalka loogu raadinyo tabashada reer Hiiraan.

"Xalka Hiiraan haddaan madaxweynaha Is ku tegno waxaan qiyaasaayaa 70% inay xal ismi doonto,” ayuu markale yiri Xuud.

Dhinaca kale wuxuu beeniyey in illaa & hadda uu kulan la yeeshay madaxda HirShab elle ee ku sugan Beledweyne, sida madaxwey ne ku xigeenka maamulkaasi Yuusuf Dabag eed. Xuud ayaa sheegay inuu haatan wadaha dalku kula jiro dowladda federaalka Sooma aliya.

"Kacdoon ayaa nala yiraahdaa HirShabelle wax la yiraahdo shir lama yeelanin annaga,” ayuu kusoo gabagabeeyey hadalkiisa.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ma alin ka hor taliyaha ciidamada lugta oo ay aad isugu dhow yihiin Farmaajo uu gaaray Beled weyne, isaga oo halkaas ka bilaabay kulamo xal raadin ah, si magaaladaasi loogu qabto do orashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Koofur Afrika oo markii ugu horeysay soo saareysa tallaalka cudurka Covid19

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ra Map hosa, ayaa furey warshad cusub, oo soo sareysa wax soo saar tayo leh, taasoo noqon doonta tii ugu horeysay ee Afrika ku taalla, ee soo saarta tallaalka cudurka safmarka Co vid19 oo buuxa.

Xarunta warshadda Nant-SA ee ku taalla ma gaalada Cape Town ee dalkani, ayaa wax aa aasaasey maal qabeenka, isla markaana cilmiga boil ogy-ga ku takhasusey ee u dha shey dalka Koonfur Afr ika, fadhigiisuna yahay dal ka Mareykanka, Dr Patrick soon-Shiong.

Warshadda ayaa lagu wadaa iney soo saa rto tallaalkeeda ugu horreeya sanad gudihiis, iyadoo hadafku yahay marka la gaaro 2025-ka, in san adkiiba lasoo saaro hal bilyan oo xa bo oo tallaal ah.

K/Afrika, ayaa leh laba xarumood oo kale, kuwaasoo soo saara tallaalada qeybaha dhexe ah. Xafladdii furitaanka, ayaa Madaxweyne Ra maphosa waxa uu sheegay in tallaabadani ay muujineyso in qaaradda Afrika ay u jiheysatey dhanka isku filnaanshaha.

"Afrika waa inaaney galin mar danbe safka u danbeeya ee helitaanka tallaalka inta lagu guda jiro cudurada aafooyinka ah, ma ahan inaan ga can hoorsanno, si aan u helno tallaal”, ayuu yiri Madaxweyne Ramaphosa.

WASIIR DURAAN Faarax oo shaaciyey cida boobeysa kursiga beeshiisa?

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS, Duraan Faarax ayaa eedeyn culus u jeediyey ho ggaanka Puntland, kadib markii laga hor istaagay si da uu sheegay inuu u tar tamo kursiga xildhibaan ee beeshiisa ay ku leedahay golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiir Duraan ayaa dhawaan tegay maga alada Garowe, si kursiga Hop166 uu ugu tarta mo, balse waxa uu sheegay in damaciisii ay ka hor istaagtay madaxtooyada Puntland.

Wasiirka ayaa hoggaanka Puntland ku eed eeyey inay doonayaan in kuraasta Golaha Sha cabka ee beelaha deegaanada Puntland ay dad gaar ah u xiraan.

"Waxyaabaha cajiibka ah ee aan idinla wa daagayo waxaa ka mid ah, in madaxtooyadu ay la soo hadleyso guddiga loo xil-saaray doo rashada, iyadoo amar lagu siinayo in qof gaar ah loo diiwaan geliyo, kursiga, odaga dhaqan ka ama ergada, iyadoo lala gambaneyn nin jec leysiga ka jira meesha,” ayuu yiri Wasiir Dur aan.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in doo rashadii hore ee 2016-kii uu u tartamay isla kursigaan, balse looga guuleystay isagoo ku qanacsan natiijada, laakiin waxuu aad u dha liilay hanaanka haatan uu doorashada ku ma amulayo hoggaanka Puntland.

"Doorashadii sanadkii 2016-kii waxay u dha cday si cadaalad ah, waxayna taasi ka dhigan tahay in dadkii xiligaas xukunka hayey ay la haayeen dareen Soomaalinimo, laakiin kuwa hadda xukunka jooga, waxay doonayaan inay doorashada boobaan, iyagoo aan u tureyn sha cabka reer Puntland,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii wasiirka ayaa sheegay in si hor dhac ah uu hambalyo ugu diraayo ninka kursigaas loo doora doono, kaas oo sida uu sheegay uu sii ogyahay, maadaama kursiga loo xiray sida uu hadalkiisa u dhigay, inkastoo uusan magaciisa sheegin.

"Ninkaas hada hambalyada ayaan u sii hor marinaayaa, waxaana ka rajeynaa in si wanaa gsan oo cadaalad ah uu ugu adeegi doono bul shada aan dooran ee xildhibaanka looga dhig ayo,” ayuu yiri wasiirka gadiidka iyo duulista hawada XFS Duraan Faarax.

Yaa kusoo baxay 5-ta kursi baarlamaan ee Shalay la qabtay doorashadooda?

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed waxaa Shalay lagu qabt ay doorashada shan kursi oo kamid ah xubn aha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soo maaliya, kuwaas oo ka imaanaya dhinaca maa mulkaasi

Kuraasta Shalay la qabtay doorasha doo da ayaa waxaa kusoo baxay xildhiba ano hore ugu fadhiyay iyo kuwa cusub, waxaa na loogu kala guuleystay sidaan hoose; Kursiga 1-aad: HOP#184 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Xasan Ca bdinuur Cabdi iyo sidoo kale musharrax Maxa med Cabdulaahi Cali, waxaana kursigan ku soo baxay Md. Xasan Cabdinuur.

Xasan Cabdinuur oo hadda ah wasiirka Ta marta iyo Kheyraadka Biyaha, ay aa waxa uu helay codad gaaraya-72 cod, hal ka musha raxii la tartamayay ee Maxamed Cabdulaahi Cali uu heley 27 cod, sidoo kale waxaa hal aabay laba cod.

Kursiga 2-aad: HOP#085 ayaa waxaa ku tartamay Shariif Maxamed Cabdalla oo ho re ugu fadhiyay kursigaan iyo Maxamed Xus een Mukhtaar, waxaana markale kurs igaan ku guuleystay Shariif Maxamed Cabd alla.

Shariif Maxamed Cabdalla ayaa waxa uu helay 79 cod, halka Musharrixii la tartamayay ee Maxamed Xuseen Mukhtaar uu helay 19-cod, waxaana halaabay 3 cod, sida uu shaa ciyey guddiga.

Kursiga 3-aad: HOP#176 waxaa kurs ig aan ku tartamay Maxamed Mursal Maxa muud Boorow iyo Cabdixakiin Mustaf Ibra ahim, wa xaana ku guuleystay Maxamed Boor ow oo asagu hore ugu fadhiyay kursigaan.

Sida uu sheegay guddiga Maxamed Mursal Maxamuud Boorow ayaa helay codad gaaraya 73 cod, halka musharaxii la tartamayay ee Ca bdixakiin Mustaf Ibraahim uu heley 26 cod, sidoo kale waxaa halaabay hal cod.

Kursiga 4-aad: HOP#046 waxaa kursigaan oo horey ugu fadhisay Raabaco Sheekh Nuur Shalay ku tartamay Maxamed Wardheere Ca bdi iyo Cabdulaahi Samow Cusmaan, wax ay na guushu ku raacday Maxamed War dheere.

Maxamed Wardheere Cabdi ayaa helay codad gaaraya 83 cod, halka Cabdu laahi Sa mow Cusmaan oo ah musharaxii la tartam ayay uu helay 11 cod, waxaana hala abay hal cod oo keli ah.

Kursiga 5-aad: HOP#156 oo ahaa kursigii ugu dambeeyay ee Shalay doora shadiisa la qabto ayaa waxaa ku tartamay Ma xamed Aa dan Maxamed iyo Maxamed Ibr aahim Isaaq, waxaana ku guuleystay Max amed Aadan Maxamed.

Maxamed Aadan Maxamed oo ah guuleys taha kursigaan ayaa waxa uu helay codad gaa raya 88 cod, Maxamed Ibraahim Isaaq oo ah aa musharaxii la tartamay uu heley 10 cod, sidoo kale waxaa halaabay laba cod, sida uu sheegay guddiga.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamulkii ugu horreeyey ee soo doorta xildhibaano cusub, kadib heshiiskii dha waan lagu gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa qor shaha uu yahay in la soo gaba-gabeeyo 25-ka Febraayo, si markaas loo guda galo tan mada xweynaha oo haatan si weyn la isugu hayo.

kulan lagu dhisi rabay Gole loogu magac daray Badbaadinta DG Galmudug, oo la baajiyay

Waxaa Shalayta la baajiyay kulan lagu dhisi rabay Gole loogu magacdaray Badbaad inta DG Galmudug, kaasi oo lo oga soo horjeedo Madaxweyna ha Maamulka, Axmed Cabdi Qoorqoor.

Kulankaan oo abaabulk iisu uu ka socday ma gaalada mu qdisho labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa hor kac ayay xubno siya asiyiin ah oo kasoo jeeda ma amulka Galmu dug kana aragti duwan mada xweynaha maam ulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Milkiilayaasha Hoteelka la cillaamiyay in uu ka dhaco kulanka ay culeys kala kulmeen Xubno ka tirsan Villa Somalia iyo maamulka Galmudug.

Ma cadda sababaha rasmiga ee baajiyay kulankan oo Shalayta lagu ballansanaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland Oo Kulan La Yeeshay Wafdi Ka Socday Guddiga Doorashooyinka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jub baland Axmed Maxamed Islaam Axmed Mad oobe ayaa xalay xarunta Madaxtooyada Magaala da Kismaayo kulan kula yeeshay Gu ddoomiya ha Guddiga hirgalinta doorashoo yinka heer Faderaal FEIT, Muuse Geelle Yuu suf iyo xubno ka tirsan Guddiga oo gaaray Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Gudd oomiye Muuse Gee lle kala hadlay door asha da dalka gaar ahaan tan Golaha Shacab ka ee ka socotay Jubbaland iyo sidii loo dar dar-gelin lahaa doorashada, loo guna soo gaba-gabeyn lahaa waqtigii loo qorsheeyay.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in habsami u socodka howlaha doo rashooyinka ay rajo galinayso shacabka Soo maaliyeed, loona baahan yahay in la dadajiyo, si looga baxo marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe la qaatay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyin ka heer Federaal ayaa waxaa ka qeyb ahaa Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland SEIT iyo xubno kale oo ka tirsan Guddigaas.

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doo ra shooyinka heer Faderaal FEIT, Muuse Ge elle Yuusuf iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa shal ay Kismaayo u tegay sidii ay goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada lix kursi oo dha waan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo.

Golaha Wasiirada ee uu dhawaan Magac aabay Madaxweyne Deni oo la dhaariyay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Punt land Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasa badda dhaarinta Wa siiro cusub oo dho waan uu magacaa bay Madaxweynaha Puntland kuwaasi oo si rasmi ah xilkaasi loogu dhaari yay.

Wasiirada cusub oo uu dhaariyay Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed, ayaa kala ah Wasiiru Dowlaha Mad axtooyada Cabdiraxmaan Cali Axmed iyo Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Mudane Axmed Yuusuf Maxamed (Labayk).

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub alle uga baryay in uu u fududeeyo, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gu

t aan waajibaadka loo igmaday.DHAMMAAD

Madaxweyne Deni oo weerar cusub ku qaaday DF

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay inay ka go’antahay in sha cabka Puntland ay helaan dowlad casri ah, hal ka uu dhinaca kalena weerar ku qaaday dowl adda federaalka.

Saciid Deni ayaa ugu horeyn waxa uu sha cabkiisa ku amaanay ilb axnimada iyo dimuq raadiyadda ay muuji yeen intii ay socotay doo rashadii golayaasha deegaanka ee 3-da de gmo.

Saciid Deni ayaa sheegay in dadka Soo maaliyeed baahida ugu weyn oo ay qabaan ay tahay dhanka amniga, "Hadii aan la helin amni gacan aamina ku jira, waan garan karnaa wa xa ka dhalan kara,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay in badanaa cabsi laga muujiyo qabso omidda doorashooyinka Soomaaliya, isagoo caqabada koowaad u tiiriyey amni xumada dalka ka jirta.

"Inta badan waxaa cabsi laga muujiyaa suurta galnimada doorasho ka dhacda Sooma aliya, waxa ugu weyn ma ahan in dadku aysan doorasho rabin, mana ahan in farsamo ahaan aan doorasho la qaban karin, laakiin waxa ugu weyn ee na xayiray waa amniga,” ayuu yiri

Madaxweyne Saciid Deni, oo weeraraya dow ladda federaalka, ayaa intaas ku sii daray in dowladii amniga dadkeeda sugi weysay hadii ay tiraahdo ‘waxaan qabanayaa doora sho qof iyo cod ah ay been u sheegtay dad keeda.’

"Taasi waa sababta markasta doorashada dad ban ee dhibka weyn noo geysatay aan uga gu dbi la’nahay, waxaan u baahan inaan ku dhi irano inaan xasilino dalkeenna,” ayuu yiriMadaxweynaha Puntland Saciid Deni.Xigasho:caasimadda.net

Kulanka Wadatashiga Dhismaha Golaha De egaanka Magaalada Jowhar 

Oo La Soo Kulan wadatashi oo loogaga hadlayay dhis maha golaha deegaanka degmada Jowhar

lagu soo gabagabeeyay Shalay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshab elle.Mudada uu socday kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay duubabka dha qanka gobol ka Shabellaha Dhexe, Mas’uuliyiin ka soc otay Maamulka gobolka Sh/ dhexe iyo kan Degm ada Jo whar, mas’uuliyiin ka socotay hay’ada ha CRD, FCA iyo Wasaarada Arrimaha Gud aha Hirsha belle Kulankan ayaa doodo dhaadheer kadib la isku afgartay in Odayaasha dhaqanka gobolka Shabellaha Dhexe lagu wareejiyay loona xil sa aro xal kagaarida habka loo qeybsanayo dhis maha golaha deegaanka degmada Jowhar.

Odayaasha Dhaqanka ayaa uga mahadceliyay maamulka Hirshabelle iyo hay’adaha kaabaya dhismaha golaha deegaanka magaalada Jow har,waxayna ballanqaadeen in dhankooda ay dadajin doonaan dhismaha golaha deeg aan ka.

Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Beledweyne

Qaraxa oo ahaa miinada noica dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Nab ad sug ida lagula eegtay dega anka Ceeljaale ee dule edka Mag aalada Beledweyne, wa x aana ka dha shay khasa aro dhimasho iyo dhaawac ah.Qof goobjooge ah ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay Hal askari oo ka tirsan Ciidamada Nabadaugida halka mid kale uu ku dhaa wac may.

Wararka ayaa wax aa ay intaasi kudaray aan in Ciifamada qaraxa lala beegsaday ay fur een rasaas farabadan taas oo aan la xaqiinin wax khasaaro ah oo ka dhashay, sidoo kale Ciida mada ay sameeyewn howlgallo baarit aano ah.

Askariga ku dhintay iyo midka ku dhaawac may qaraxa Miino ayaa waxaa la keenay Gu daha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gob olka Hiiraan.

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha So maliland iyo Raysal Wasaaraha Itoob iya?

Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in ay ku lmeen Raysal Wasaare Abiy e Axmed iyo Ma daxwey ne Biixi, kana wada hadleen ar rim aha ganacsiga iyo am aan ka. Kayd oo waraysi gaar ah siiyay Idaacada VOA Somali, ayaa sheegay in labada hogaam iyeay kawada hadleen xidh iidhka caadiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

"Ujeedadu waxay ahayd uun kulan caa diya oo ay kaga wada hadlayeen danaha laba da dal, sida Dekedda Berbera, deeqaha waxb arasho, iyo iskaashiga labada waddan oo wa xaa naga dhexeeya baayac mushtar aad u wayn, isku soc odka labada dal iyo in nabad galyada la sugo" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Wasiirka oo wax laga waydiiyay hadii laba da hogaamiye isla soo qaadeen arrimaha Soomaa liya, ayaa ku jawabay in xidhiidhka Soma lil and iyo Itoobiya uun ay ka wada had leen "Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayuun baa laga wada ha dlay, runtii Soomaliya meel ay kaga jirtay may jirin".

Wasiirka ayaa sidookale, sheegay in ay la kul mi doonaan qaar kamid ah madaxda safaarada ha reer Yurub ee dalka Itoobiya.

Muuse Biixi Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Ethi opia, ayaa dib ugu soo laabtay Somaliland.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo marti-qaad rasmi ah ka he lay ra’Is al wasaaraha Ethiopia, ayaa kasoo deg ay gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Cig aal Int ernational Airport, wa xana halkaas kusoo dhaw eeyey Madaxweyne ku xigeenka Somalil and, xubno kamid ah golaha wasii rrada, taliyay aasha ciidamada, salaadiin, siyaa siyiin iyo xubno xukuumadda katirsan.

Muuse biixi iyo Wafdigiisa ayaa horay safar ugu amba-baxay dalka Itoobiya,halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula soo qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya, waxaa Martiqaad rasmi ah uu ka helay R/ Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed,

Shiinaha oo Maraakiib dagaal usoo diray biyaha Soomaaliya

Dowladda China ayaa saddex markab oo ay leedahay waxay aay ka ambabaxeen dek adda Guangdong, waxay gaareen gacanka Ca dmeed si ay uga qeyb qaataan howlgalada ca alamiga ah ee lagula dagaala mayo burcad ba deeda Soo maaliya. balse iyada oo waqt iga So omaaliya uu ku egyah ay bisha March, su’aa sha ugu muhiimsan ayaa ah intee in le’eg ayay qorshaha iyo ciidamada badda sii joogi karaan biyaha Soomaaliya?

Markaakiibtaan Shiinuhu leeyahay waxaa ku rakiban gantaalaha la hago ee loo yaqaan Hoh hot, waxaana la socda daraasiin ka tirsan ciid amada sida gaarka ah u tababaran iyo laba helikobter ah.

Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyay waqtiga yare ee howlgalka la dagala anka burcad badeedda ka harsan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in din looga fekero.

Bishii December, golaha ammaanka ayaa kordhiyay muddo saddex bilood ah waajibaad ka howgalka ilaalada xeebaha Soomaaliya, ink astoo dowladda Soomaaliya ay rabto in howl galkaas lasoo afjaro.

Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle ayaa u sheegay golaha ammaanka in Soomaaliya ay ka joogsadeen ho wlihii burcad badeedda lo ona baah an yahay in Soomaaliya iyada lagu soo wareejiyo ammaanka baddeeda.

Halkee ayey ku danbeeyeen wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland?

Cabdi Maxamed Sabriye, oo soo noqdey wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda fed eraalka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu tuhm ayo wada hadalada Soom aaliya iyo Somaliland in horumar laga gaaro iney cusleeyeen siyaasa daha ka jira magaalooyinka Muq disho iyo Hargeysa.

Wuxuu carabka ku dhuftey in wada hadalladii ugu danbeeyey markii lagu soo kala tagayey Jabuuti lagu balamey in la isku soo noqdo muddo laba toddobaad gudahood ah, oo caba shooyin jirey lasoo xaliyo.

Somaliland ayaa dooneysay in si guud dee qda loo wada siiyo Soomaaliya oo ay qeyb ka aheyd, iyada in saamigeeda gaar loogga dhigo mar waliba.

Sidoo kale, Somaliland ayaa dalbatey in maamulka hawada Soomaaliya labada qeybo od iney wada maamulaan, iyo qodobka sad exaad oo la xiriirey amniga.

Waxaa lagu heshiiyey in saddexda qodob aynu soo xusney loo saaro saddex guddi fars amo oo soo diyaariya, sida uu sheegay wasiir Sabriye.

Wasiirka ayaa intaa ku darey in dhinacyadii u kala dab qaadayey labadda dhinac ee Mid owga Yurub iyo Mareykanka, iney ku cuslaa tey xalinta dalab ka imanayey Somaliland xal intiisa.

Dalabka Somaliland ayaa ahaa in guddi yada farsamo ee la magacaabo aaney qeyb ka noqon xubno kasoo jeedo Waqooyi, taasoo ay dowladda Soomaaliya maareyn weysay ina an lagu soo darin guddiyada xubno ka socda Waqooyi.

Ugu danbeyntii wasiir Sabriye, ayaa shee gay in xaaladdu dhaafi waysay ka soocista gu ddiyada farsamo xubnaha ka socda Waqooyi, taasna ay hakisay shirkii lagu balan sanaa in la isugu yimaado muddo laba toddobaad ah.

Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, ee wada ha daladii ugu danbeeyey ee ay yeeshaan Soo maaliya iyo Somaliland, kaasoo ka dhacey dal ka Djibouti.

Wasiir Cabdi, wuxuu hoggaaminayey xiligii

wada hadalka guddiga farsamo ee ka socday Soomaaliya. SOURCEBBC

ROOBLE oo ka dhabeeyay GO’AANKII uu ka qaatay siyaasadda Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u muuqda inuu ka dhab eynayo siyaasadda cusub ee uu shaaciyey in uu ku wajahayo arrimaha dibedda, gaar ahaan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carab ta.

Rooble ayaa dhawaan shirkii Golaha Wa siirada ka shaaciyey in marnaba aysan suurta-gal aheyn in Soomaaliya ay colaadiso dalal kala dhaxeeyan dano badan, islamarka ana ay san si gaar ula macaamilin dal gaar ah, kuwa kalena aysan fogeyn, ayada oo xukuumad diisu ay ku dhaqmeyso sida uu sheegay siy aasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaali yeed.

Arrintan ayaa timid kadib amrkii uu Ra’ii sul Wasaaraha dib u soo celiyay xiriirka Soom aaliya ee dowladda Imaaraadka Carabta, uuna ka raali-galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garo onka Aadan Cadde, isagoona u ballan-qaaday in dib loogu wareejin doono.

Is-bedelka siyaasadda arrimaha dibedda ee uu qaatay Rooble ayaa si rasmi ah u dhaqan-galay, ayada oo Dorraad xukuumadda ay cam baarey say weeraro ay Xuutiyiinta ku qaadeen maga alada Abu Dhabi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xuk uumadda Soomaaliya, Md.Cab disaciid Muuse Cali oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in dowladda federaalka ay si kulul u ca mbaareyneyo weeraradaas oo ay fulisay kooxda Xuutiyiinta oo adeegsatay diyaarado drone oo qaraxyo xambaarsan.

"Waxaan si adag u cambaareynayaa wee rarka argagaxiso ee lagu qaaday magaalada Abu Dhabi,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay tacsi u dirayaan qoysaska ay dadkooda ku dhinteen weeraradaas, kuwa dhaawaca ahna ay u rajeyna yaan caafimaad deg-deg ah.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku dhintay iyo qoysaskooda,” ayuu sii raaciyey wasiir Cabdisaciid.

Xukuumadda ayaa ka hor warka kasoo ba xay Dorraad waxay inta badan ka gaabsan jirtay arrimaha Imaaraadka Carabta, ayada oo ay ugu wacan tahay in Farmaajo uu xiriirka Im aaraadka ka door-biday kan Qatar, oo ah dal inta badan aanay waxba kala dhaxeyn Soo maaliya.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda Cabdi saciid Muuse Cali ayaa Dorraad nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoom ay safiirka cusub ee Boqortooyada Sucuudigu u soo magacawday Soomaa liya, Axmed Bin Max amed Almowallad. Al-Muw allad ayaa waxay do wladda Sacu udiga u soo magacowday bilowgii ishii October ee sanadkii 2021-ka, muddo ka dibna Wasaara dda arrim aha dibadda gudahe eda ayaa Dorraad si rasmi ah looga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo.

Imaaraadka iyo Sacuudigaba waa laba dal oo Farmaajo u colaadiyey Qatar darted Tallaa badan ayaa ka dhigan inuu fulay go’aan kii Rooble ka qaatay xiriirada dibada ee Soo ma aliya, oo markii hore madaxweynaha mud do xile edkiisa uu dhamaaday uu qaar ku foge eyay, ku wa kalena uu ku soo

Mid Kamid Ah Dowladdaha Afrika Oo Hor timid Heshiis Ay Hore Ula Gashay Faran siiskaAfhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa xaqiijiyay in ay dar sayaan codsi uga yimid dalka Maali oo ku aad dan in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadii dhanka difaaca ee ay labada dal horay u wada gaareen.

Xukuumadda Bamako, ayaa aaminsan in hesh iiskaasi uu yahay mid ka hor imaanaya arrim aha Difaaca iyo guud ahaanba danaheeda.

Faransiiska ayaa dhankiisa ku hanjabay inuu dib u eegis ku sameyn doono joogitaanka Ciidankooda ee Mali, haddii dowladda Mali ay meesha ka saari wayso cabashada heshiiskii horay loo gaaray, halka maamulka Malina uu diiday arrinkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Mali Shogel Maiga, ay aa horay u sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu dib u eegis ku sameeyo heshiisyada mil latari ee uu la galay Faransiiska, isaga oo war eysi uu siiyay Telefishinka Qaranka ku shee gay in Ciidamada Faransiiska ee ku sugan dalkiisa ay taca diyo ka geysteen dalka.

Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisada Ukraine Iyo Ruushka Oo Cirka Isku Sii Shareertay

Ruushka ayaa Talaadadi ciidamo dheer aad ah u diray xadka Belarus, kuwaas oo ay khubarada millatariga reer Galbeedka ku she egeen inay u muuqato diyaar-garowga dull aan ay suurtagal tahay in Ruushku ku qaado Ukraine.

Iyada oo ay xiisaddu cirka isku sii shar eerey so, a yuu Mareyk anka ka digay in Ruushka uu xilli walba weerari karo dalka deri ska la ah ee Ukraine, ha lka Britain ay ay u dirtay Ukraine qeyb ka mid ah hubka lidka taangiya da.

Wasiirka Arrimaha Difaaca Ruushka Alex ander Fomin ayaa sheegay in ciidamada Ruu shka iyo kuwa Belarus ay si wada jir ah u sam eyn doonaan dhoollatus millatari oo uu ku she egay mid jawaab u ah khatar dhinaca gudaha ah.

Saraakiisha Ukrain ayaa iyaguna ka digay in Ruushka ay kasoo weerari karto dhowr jiho oo ay ku jirto Belarus.

Koonfur Galbeed & Jubbaland oo shaaci yay Jadwalka doorashada min Saddex Kursi

Guddiyada hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo ka mid ah kuraas ay guddiyada horay u shaaciyeen

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in Maanta oo Khamiis ah ay bilaabi doonaan soo Diiwaangalinta iyo Shaacinta Guddiga Xulista Ergada, halka Maalinta Sabtida ah ay ku dhaqaaqi doonaan Tababarida Guddiga & soo

Gudbinta Ergooyinka.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed waxaa ay sheegeen in 23 Bishan oo ku beegan Maalinta Axadda ah ay bilaabi doonaan Diiwaangalinta Ergada iyo tababarka Ergada.

Ugu dambeyn 24-ka Bishaan oo ku beegan Isniinta so socota Gudsiga ayaa diiwaangelin doona musharrixiinta Saddexda kursi halka Maali ta talaadada ah oo ku eegan 25 Bisha Janaayo Magaalada Baydhabo lagu qabanayo doorashada Saddexda Kursi.

Kuraasta doorashooda ay qabanayaan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kala yihiin.

1: HOPHO56 oo uu ku fadhiyo Maxamed Jaamac Mursal. 2: HOP02 oo uu hadda ku fadhiyo C/laahi Sheekh Maxamed.

3: HOP 231 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Macallin Yaxye

Dhinaca kale Guddiga doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa soo bandhigay jadwalka doorashada Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen in 22 Bishaan oo ku beegan Maalinta Dabtid ah ay bilaabi doonaan soo Diiwaangalinta iyo Shaacinta Guddiga Xulista Ergada, halka Maalinta Axadda ah ay ku dhaqaaqi doonaan Tababarida Guddiga iyo soo

Gudbinta Ergooyinka.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Jubbaland waxaa ay sheegeen in 24 Bishan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah ay bilaabi doonaan Diiwaangalinta Ergada iyo tababarka Ergada.

Ugu dambeyn 25-ka Bishaan oo ku beegan talaadada soo socota Guddiga ayaa diiwaangelin doona musharrixiinta Saddexda kursi halka Maalinta Arbacadaha ah oo ku eegan 26 Bisha Janaayo Magaalada Kismaayo lagu qabanayo doorashada Saddexda Kursi.

Kuraasta Golaha Shacabka ee Maamulka Jubbaland uu doorashadoodu 26-ka Bishaan ku qabanayo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kala yihiin.

1: Hop126 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Xasan Idiris (Ganeey)

2:Hop118 oo uu ka geeriyooday Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla.

3: Hop127 oo uu ku fadhiyo Cali Cismaan Xirsi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay Magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada 5 kursi, waxaana sidoo kale la filayaa in Maamulka Jubbaland uu Magaalada Kismaayo ka bilaabo doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

AXMED MADOOBE MA KU ABAAL-DHACAY XASAN SHEEKH IYO SHEEKH SHARIIF?


Doorashada Soomaaliya ayaa si toos ah loo guda galay, musharixiinta xilka madaxwey naha ayaa ti toos ah u bilaabay ololahooda xukun doonka ah.

Maamulada qaar waxay u diyaarsan yihiin inay 100% kaarkooda saartaan madaxweyaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdulla ahi Farmaajo. Inta la ogyahay Puntland iyo Jubbaland ayaa ka maran gacanta madaxwe yne Farmaajo.

Mucaaradka Xamar jooga waxay waqti dheer rajeenayeen in codadka labadaas maa mul ee Puntland iyo Jubbaland ay wax fiican ka heli karaan marka la gaaro xilliga doorasha da, balse waxaa meel dhexe uga soo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo aaminay inay furs ad madaxweyne ku jirto halkaan.

Musharaxnimada Madaxweynaha Puntla nd Saciid Deni ayaa rajada codadka mushar ixiinta mucaaradka ka dhigtay sida Farmaajo oo laga xirtay codadkii Puntland.

Waxaa soo haray Jubbaland, Farmaajo wuxuu 16-kursi geystay magaalada Garbahaa rey, dadka uu isagu rabo ayaa heli doona kura astaas, ma u codeyn doonaan waa dood kale.

Kuraastii Kismaayo ku hartay ayey mucaa radka baadi rajo ka qabeen, laakiin dhawaan Axmed Madoobe oo Muqdisho uga qeybgalay shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa la ku lmay xubno kamid ah midowga musharixiinta mucaaradka, wuxuuna toos ugu sheegay inuu dhisayo Saciid Cabdullaahi Deni.

Axmed Madoobe wuxuu sheegaa inuu Saciid Deni ku leeyahay abaal badan oo siya asadeed. Axmed oo dib usoo doorashadiisii muran badan la geliyey, loona diiday aqoon sigii dowladda dhexe wuxuu si weyn ugu baah naa ictiraaf siyaasi ah, maadaama uu ciidan ahaan ku tiirsan yahay dowladda Kenya.

Waxay aheyd 2 Sano ka hor, Axmed wu xuu aqoonsigiisa dul dhigay xafladdii caleema saarkiisa. Saciid Deni wuxuu ahaa dhanka ma amul goboleedyada, maamulka qura ee tagay caleema saarkaas, laakiin maamul goboleed miyaa aqoonsi siin kara maamul goboleed kale? Jawaabtu waa maya.

Axmed Madoobe wuxuu markaas u baah naa madax heer Qaran ah, Labadii madaxwe yne ee hore ee Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenkii Aqalka sare iyo dhammaan xubnihii mucaaradka ayaa u duubtay in Axmed Mado obe loo sharciyeeyo doorashadiisa.

Qaarkood halis duulimaad ayey la kulmeen, balse ugu dambeyn waa ku guuleyst een in Axmed uu u noolaado, sidii madaxwe yne sharci ah, iyadoo dowladda federaalka ay markii dmbe ku qasbanaatay inay aqoonsato Axmed Madoobe.

Madaxdii heer Federaal ee u dagaalantay aqoonsiga Axmed Madoobe, Shalay waa laga soo xirtay albaabada Jubbaland, Axmed-na wuxuu leeyahay Saciid Deni oo kaliya ayaa abaal igu leh.

Dood kama taagna inuu Deni siyaasad ahaan u garab istaagay Axmed Madoobe, laak iin kaligiis waxba uma tari karin.

Lama yaqaano waxay Shalay dareemay aan xubnihii Dorraad naftooda halista u gel iyey inay Axmed Madoobe difaacaan, si uu xill iga doorashada u garab siiyo, balse Shalay irdaha laga soo xirtay.

Axmed Madoobe sida muuqata Saciid Deni oo qura ayuu u abaal gudayaa Shalay, waana cashir siyaasi ah oo la diiwaan geli doono.

Waxa qura ee arrintaan laga baran karo waa sida siyaasiyiinta Muqdisho kasoo jeeda ay ugu liitaan akhrinta iyo is waafajinta waxa taagan iyo timaatada. Dagaallada ay mabda’ la’aanta u galaan iyo inay rajooyinkoodii siya asi ga ah dul dhigeen xubno aysan ballan xoogan kala dhaxey.

Inkastoo aan la aqoon halka ay codka geyn doonaan xubnaha lasoo siin doono kura asta, haddana waxay dad badan aamisan yih iin in tallaabada Axmed Madoobe ay dhallin do onto in siyaasiyiinta Soomaalida ah ay cashir ahaan u heystaan inta aysan mar walba qaa din tallaabo laab la kac ah.

 By Abdullahi Osman Faarah

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

HAWEENKU RAGGA MIYEY KAGA WAN AAGSAN YIHIIN MAAMULIDDA BULSHO OYINKA IYO DALALKA?


رئيسة وزراء فنلندا سانا مارين

xigashada sawirka,getty images Qoraalka sawirka,

anna Marin ayaa noqotay ra'iisul wasaarihii u gu da'da yaraa kaddib markii la doortay 2019

Siduu dareenkaagu noqonayaa markii aad ho ggaamiye ka noqotid ca alamkan ay ragga hor boodaan? Maxay yihiin halista ay wajahaan ha weenka xilliga ay ku ma shquulsan yihiin xil alka hoggaamineed? Muxuu se hoggaankoo du same yaa si ka duwan hoggaamiyayaa sha kale?

BBCda ayaa isbahaysiga hoggaamiya Fi nland ee loo yaqaan "Shanta haween ee Finla nd" waxa ay ka wareysatay howsha hoggaan ka, si wax loogaga ogaado sida ay u arkaan dajinta arrinta daryeelka kolka ay gaarayaan go'aann ada ayna dajinayaan waxyaabaha mu staq balka la hiigsanayo.

"In loo janjeersado hal jinsi"

Dr. Nela Smolovic-Jones ayaa iyadoo ka jawaabaysa su'aalaha ah: Ma waxaad doorbi daysaa in ay ku hoggaamiyaan koox haween ah? Muxuuse noqonayaa dareenkaaga haddii aad hoggaamiye ka noqotid caalamkan ay ra gga horboodaan? Waxa ay tiri.

"Waxaa jirta halis wayn oo la xiriirta in ha weenay ay qabato xil hoggaaneed, sabab too ah waxaa jira xukunno saaran haweenka oo la xiriira jinsigaaga," Halkan waxaannu ku soo gu dbinayaa sida hog gaamiye lagu noqdo, arri ntaas oo rag ga xitaa u noqon karta casharro ay ka faa'iida ystaan. Waxaa jira sawir qabs aday bogga hore ee warbaahinta caalamka, ar rintaas oo ku saab saneyd hogg aanka haw eenka ah ee cusub ee Finland, tan ayaa waxa ay aheyd mid wana agsan marka laga eego dhanka jinsiga arrinta as oo badashay mowq ifyadooda siyaas adda iyo qaabka ay wax u maareeyaan.

Haweenka Sacuudiga oo qaati ka taagan dowladdooda

Shan dabeecadood oo haweenka dib u dhi ga Haweenka Maraykanka oo ku naaloo naya guulo siyaasadeed Qoraalka Codka,

Haweenkan ayaa ku mashquulsan sidii ay nolol maalmeedka reerahooda muruqooda ku la soo bixi lahaayeen, qaarkoodna waxa ay iibi yaa

Culimada Soomaaliyeed oo walaac ka muu jisay qoonadada haweenka

Haweenkan hoggaamiya yaasha ah ee shanta ah, ee ay da'doodu ka ya reyd 35-ka sanado od markii ay xilka qaban ayeen, markii laga re ebo mid ka mid ah, oo ah Sanna Marin, ayaa iyadoo 34 waxa ay noqotay ra'iisul wa saaraihii ugu da'da yaraa Finland.

Finland ayaa kaalinta ugu horraysay kaga jirta markii ay timaado xuquuqda haweenka. Waa dalkii ugu horreeyay ee dunida ku yaal ee awood buuxa siiya haweenka, waxayna ha weenka dalkaas la wareegeen hoggaanka.

Haweenka ayaa sheegaya inay jiraan dhina cyo aanay maamulka dumarku ku wanaagsan ayn. Qoraalka Muuqaalka,

Sheekada isbahaysiga shanta haween ee hogaamiya Finland

Banaamij hididiilo leh Sanna Marin, ra'iisul wasaaraha Finladn ayaa sheegtay: "Dhab ah aa ntii, ma doonayno inaan soo celino nidaam kii ay ragga adeegsan jireen, oo wax umba an ka badali doonnaa".

Khilaaf ayaa hoggaanka u dhaxeeyay, ha saye eshee Finland, sida dalalka kale ee ay haween ka hogaamiyaan, ayaa lagu amaanay sida deg dega ah ee ay uga jawaabeen cud urka saf marka ah ee Covid-19. Dowladda ayaa wadda barnaamij hididiilo leh oo la xiriira sinnaanta taas oo ay ku jirto inay xuquuq dheeraad ah helaan dadka jinsigooda badala, iyadoo aab ayaasha ku dhiirrigeliya inay mas 'uuliyadooda qaataan iyo in faquuqa laga daa yo dadka isku jinsiga ah ee wax iska doona.

Marka maxaynu ka barannay hoggaanka hawe enka Finland ee dunidan ay raga horboodayan?

Nela Smolovic-Jones ayaa waxa ay sheega ysaa in "si howsha ay u socoto oo loo gaaro hadaf ka ay tahay dulqaad, lagana gud bo khi laafaadka iyo dagaalka, la na isku dayo in la helo wad do loogaga gudbi karo khil aafaadka, sida u janjeeridda siyaasad gaar ah ama aam inaad gaar ah iyo taabacsanaanta go'aan ga ara, iyo wixii la mid ah.

XIGASHO:-BBC.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip