Arsenal Oo Chelsea Kula Biirtay Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Kubada Sameeyaha Dortmund Ee Henrikh Mkhitaryan

0
Friday April 29, 2016 - 10:44:50 in Sports News by
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal Oo Chelsea Kula Biirtay Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Kubada Sameeyaha Dortmund Ee Henrikh Mkhitaryan

    Arsene Wenger iyo kooxdiisa ayaa Chelsea kula biiray tartanka loogu jiro saxiixa xidiga kooxda Borussia Dortmund eeHenrikh Mkhitaryan. Kubad sameeya Mkhitaryan ayaa hore u cadeeyay inuu jecel yahay ku noolaanshaha magaalada London taasoo keentay ine

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsene Wenger iyo kooxdiisa ayaa Chelsea kula biiray tartanka loogu jiro saxiixa xidiga kooxda Borussia Dortmund eeHenrikh Mkhitaryan. Kubad sameeya Mkhitaryan ayaa hore u cadeeyay inuu jecel yahay ku noolaanshaha magaalada London taasoo keentay iney ku dagaalamaan saxiixiisa kooxaha Chelsea iyoArsenal.

Dortmund ayaa aaminsan iney weynayaan saxiixa 27 jirkaan khadka dhexe iyagoona qaba in waliba uu u dhaqaaqi doono dhanka kooxaha Premier League waxaana hore loola xiriirnayay in kooxda Blues uu ku biiri doono dhamaadka xili ciyaareedkaan laakin dhibaatada Arsenal ka heysato khadka dhexe ayaa keentay iney kula biiraan xidigaan.

Henrikh-Mkhitaryan-main

Xidiga heerka caalami ee xulka Armenia ayaa hore qarka ugu fuulay inuu ku biiro kooxda Liverpool markii uu joogay Shakhtar Donetsk sadex sano ka hor laakin wuxuu doortay markaasi inuu ku biiro kooxda Dortmund laakin waxaa la filayaa inuu haatan ku dhaqaaqi doona £25 milyan oo pound, sidaasi waxaa qortay Daily Mirror.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip