Qiimeynta Ciyaartooyda Kulankii Europe League Ee Villareal Vs Liverpool, Kumaa Ahaa Xidigii Ugu Fiicnaa Garoonka ?

0
Friday April 29, 2016 - 10:36:30 in Sports News by
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimeynta Ciyaartooyda Kulankii Europe League Ee Villareal Vs Liverpool, Kumaa Ahaa Xidigii Ugu Fiicnaa Garoonka ?

    Liverpool ayaa xalay guuldaro kala kulantay kooxda Villareal iyadoo daqiiqadihii dhimashada ee ciyaarta kooxda maclain Klopp farta loo soo saaray guuldaro, hadaba maxaad ku qiimeysay ciyaariyahan waliba oo xalay garoonka ku jiray ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool ayaa xalay guuldaro kala kulantay kooxda Villareal iyadoo daqiiqadihii dhimashada ee ciyaarta kooxda maclain Klopp farta loo soo saaray guuldaro, hadaba maxaad ku qiimeysay ciyaariyahan waliba oo xalay garoonka ku jiray ?

Liverpool

Mignolet 7: Wuxuu sameeyay badbaadino cajiib ah qeybtii koowaad, sidoo kale mid kale oo layab leh uu sameeyay waqtigii dhimashada.

Clyne 7: Wuxuu u muuqday mid weerar iyo daafac dhameystiran leh.

Lovren 8: Wuu awooday inuu joojiya orodka iyo sharta Bakambu.

Toure 7: Waayeelkaan ayaa khibrad la soo baxay kulankaan

Moreno 6: In badan wuxuu u ordayay boos aan kiisa aheyn, nasiib kuma laheyn fursad xili danbe aheyd oo laga badbaadiyay.

Allen 8: Si cajiib ah ayuu u ciyaaray, hal abuur aan caadi aheyn, Xidgii garoonka.

Lucas 7: Howl muhiim ah ayuu ka qabtay khadka dhexe.

Milner 7: Ma uusan sameyn howshii laga filayay kabtan laakin wuxuu isku haayay kooxda.

Firmino 7: Nasiib kuma laheyn in birta uu garaacay, sidoo kale hal abuur kale uu leeyahay.

Coutinho 6: Kuma jirin qaab ciyaareedkiisi ugu fiicnaa, wuxuuna dareemay xanuun waxaana la badalay qeybtii danbe.

Allen

Villarreal

Asenjo 6: Wuxuu sameeyay badbaadino, wuxuuna garoonka kala baxay shabaq nadiif ah.


Gaspar 6: Daafacasho hore u socod leh, weerar iyo daafacba.

Bailly 7: Wuxuu si fiican u joojiyay sharta Firmino.

Victor Ruiz 6: Daafac dhexe oo adag.

Jaume Costa 7: Qaab ciyaareed fiican, wuxuu galay buuga garsooraha.

Dos Santos 6: Ma uusan laheyn horu socodkii looga baahnaa laakin wuxuu ciyaaray kulan fiican.

Pina 7: Hal abuur iyo horu socod, wuxuu muujiyay karti khadka dhexe.

Bruno 6: Il gaar ah ayuu u lahaa daafacashada iyo weerarkaba.

Suarez 6: Waa halis marka uu kubada heysto, laakin ma jirin fursadaha uu abuuray cid ka faa’ideysato.

Soldado 6: Ma uusan soo bandhigin khibradii looga baahnaa kulankaan.

Bakumbu 7: Weeraryahan halis badan, wuxu sameeyay fursado cajiib ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip