Haweenku ragga miyey kaga wanaagsan yihiin maamulidda bulshooyinka iyo dalalka?

0
Tuesday January 18, 2022 - 21:08:38 in Wararka by
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haweenku ragga miyey kaga wanaagsan yihiin maamulidda bulshooyinka iyo dalalka?

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

رئيسة وزراء فنلندا سانا مارين

Sanna Marin ayaa noqotay ra'iisul wasaarihii ugu da'da yaraa kaddib markii la doortay 2019

18 Jannaayo 2022
رئيسة وزراء فنلندا سانا مارين
XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES
Qoraalka sawirka,

 


Siduu dareenkaagu noqonayaa markii aad hoggaamiye ka noqotid caalamkan ay ragga horboodaan? Maxay yihiin halista ay wajahaan haweenka xilliga ay ku mashquulsan yihiin xilalka hoggaamineed? Muxuuse hoggaankoodu sameeyaa si ka duwan hoggaamiyayaasha kale?

BBCda ayaa isbahaysiga hoggaamiya Finland ee loo yaqaan "Shanta haween ee Finland" waxa ay ka wareysatay howsha hoggaanka, si wax loogaga ogaado sida ay u arkaan dajinta arrinta daryeelka kolka ay gaarayaan go'aannada ayna dajinayaan waxyaabaha mustaqbalka la hiigsanayo.

"In loo janjeersado hal jinsi"

Dr. Nela Smolovic-Jones ayaa iyadoo ka jawaabaysa su'aalaha ah: Ma waxaad doorbidaysaa in ay ku hoggaamiyaan koox haween ah? Muxuuse noqonayaa dareenkaaga haddii aad hoggaamiye ka noqotid caalamkan ay ragga horboodaan? Waxa ay tiri.

"Waxaa jirta halis wayn oo la xiriirta in haweenay ay qabato xil hoggaaneed, sababtoo ah waxaa jira xukunno saaran haweenka oo la xiriira jinsigaaga,"

Halkan waxaannu ku soo gudbinayaa sida hoggaamiye lagu noqdo, arrintaas oo ragga xitaa u noqon karta casharro ay ka faa'iidaystaan.

Waxaa jira sawir qabsaday bogga hore ee warbaahinta caalamka, arrintaas oo ku saabsaneyd hoggaanka haweenka ah ee cusub ee Finland, tan ayaa waxa ay aheyd mid wanaagsan marka laga eego dhanka jinsiga arrintaas oo badashay mowqifyadooda siyaasadda iyo qaabka ay wax u maareeyaan.

Qoraalka Codka,

Haweenkan ayaa ku mashquulsan sidii ay nolol maalmeedka reerahooda muruqooda kula soo bixi lahaayeen, qaarkoodna waxa ay iibiyaa

Qoraalka Codka,

Culimada Soomaaliyeed oo walaac ka muujisay qoonadada haweenka

Haweenkan hoggaamiyayaasha ah ee shanta ah, ee ay da'doodu ka yareyd 35-ka sanadood markii ay xilka qabanayeen, markii laga reebo mid ka mid ah, oo ah Sanna Marin, ayaa iyadoo 34 waxa ay noqotay ra'iisul wasaaraihii ugu da'da yaraa Finland.

Finland ayaa kaalinta ugu horraysay kaga jirta markii ay timaado xuquuqda haweenka. Waa dalkii ugu horreeyay ee dunida ku yaal ee awood buuxa siiya haweenka, waxayna haweenka dalkaas la wareegeen hoggaanka.

Haweenka ayaa sheegaya inay jiraan dhinacyo aanay maamulka dumarku ku wanaagsanayn.

Qoraalka Muuqaalka,Sheekada isbahaysiga shanta haween ee hogaamiya Finland

Banaamij hididiilo leh

Sanna Marin, ra'iisul wasaaraha Finladn ayaa sheegtay: "Dhab ahaantii, ma doonayno inaan soo celino nidaamkii ay ragga adeegsan jireen, oo wax umbaan ka badali doonnaa".

Khilaaf ayaa hoggaanka u dhaxeeyay, hasayeeshee Finland, sida dalalka kale ee ay haweenka hogaamiyaan, ayaa lagu amaanay sida degdega ah ee ay uga jawaabeen cudurka safmarka ah ee Covid-19. Dowladda ayaa wadda barnaamij hididiilo leh oo la xiriira sinnaanta taas oo ay ku jirto inay xuquuq dheeraad ah helaan dadka jinsigooda badala, iyadoo aabayaasha ku dhiirrigeliya inay mas'uuliyadooda qaataan iyo in faquuqa laga daayo dadka isku jinsiga ah ee wax iska doona.

Marka maxaynu ka barannay hoggaanka haweenka Finland ee dunidan ay ragga horboodayaan?

Nela Smolovic-Jones ayaa waxa ay sheegaysaa in "si howsha ay u socoto oo loo gaaro hadafka ay tahay dulqaad, lagana gudbo khilaafaadka iyo dagaalka, lana isku dayo in la helo waddo loogaga gudbi karo khilaafaadka, sida u janjeeridda siyaasad gaar ah ama aaminaad gaar ah iyo taabacsanaanta go'aan gaar a, iyo wixii la mid ah.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip