Kooxda AC Milan Oo Ku Dhawaaqday Iney Gashay QASAARO Aad U Weyn Iyagoo Lumiyay Lacag Ku DHaw 100 Milyan Oo Euros

0
Friday April 29, 2016 - 10:27:19 in Sports News by
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda AC Milan Oo Ku Dhawaaqday Iney Gashay QASAARO Aad U Weyn Iyagoo Lumiyay Lacag Ku DHaw 100 Milyan Oo Euros

    Kooxda AC Milan ayaa ku dhawaaqday qasaaro weyn oo gaaraya €89.3 milyan oo Euro sanadii dhamaatay ee 2015, sida lagu xaqijiyay boga rasmiga ah ee kooxda Rossaneri.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda AC Milan ayaa ku dhawaaqday qasaaro weyn oo gaaraya €89.3 milyan oo Euro sanadii dhamaatay ee 2015, sida lagu xaqijiyay boga rasmiga ah ee kooxda Rossaneri.

Milan ayaa xagaagii sameysay qarash gareyn weyn iyadoo la soo saxiixatay Alessio Romagnoli, Carlos Bacca, Luiz Adriano iyo Andrea Bertolacci oo ay ku keenen lacag dhan €80 milyan oo Euro.

"Kooxda "Milan waxay cadeyneysaa iney gashay qasaaro dhan €89.3 oo milyan oo euro sanadii 2015, sida ay dadka qeybta ku leh kooxda ay ku xaqiijiyeen shirkooadii Casa Milan, shirkada kooxda maamusha ee Fininvest ayaa kabidoonta gabi ahaanba lacagta qasaarada ah”.

Cristian Brocchi iyo kooxdiisa ayaa fadhiya kaalinta lixaad ee horyaalka Serie A waxayna fadhiyaan booska ugu danbeeya ee loogu soo baxo tartanka Europe League, madaxweyne ku xigeenka kooxdaasi ee Adriano Galliani ayaana kooxda u xaqiijiyay in kooxda ay leedahay qorsheyaal mustaqbal dheer ah oo ay ku dhisayaan kooxda.

adriano galliani

"Kooxda waxay leedahay istaraatiijiyad adag oo waqti dheer ah ku saleysan ilaalinta xeerarka dhaqaalaha ee kooxaha yurub, Casa Mila wuxuu kamid yahay qorsheyaasha istaraatijiga ah ee kooxda u dagsan, Casa Milan waxaa xili hore soo booqday in ka badan 600.000 oo qofood taasoo soo xareysay lacag dhan €6.4 taasoo ah qiimo aad u weyn”.

"Garoon aan anaga gaar u leenahay ayaa sidoo kale ah qorshe kale oo aad u dheer, dib u habeynta garoonka San Siro ayaa noo saa maxaya inaan dhaqaale kale sameeyo iyadoo aan fursad u heleyno inaan amrti gelino ciyaar dhamaadka Champions League”.

"Anaga ma nihin koox ka shaqeysa sarifka lacagaha, Sports ka waa wax laga helo faa’ido iyo qasaaraba, maamulka kooxda ayaa wax waliba sameynaya si ay arintaan dhanka kale ugu rogaan”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip