Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay Askar ku eedeysan dil & Dhac

0
Tuesday January 18, 2022 - 14:54:09 in Wararka by
  • Visits: 147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay Askar ku eedeysan dil & Dhac

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Maanta oo Talaado ah ayaa waxaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qeybteeda 21aad ee degaannada Galmudug la horkeenay Sagaal Askari oo katirsan Ciidamada Hay’adda NISA, kuwaas oo ku eedeeysan falal isugu jira dil iyo dhac.

Askartaan ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda waxaa ay ku eedeysay inay dil iyo dhac dad Shacab ah ugu geysteen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ,balse maamul ahaan hoostaga Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 21aad Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa Askarta mid mid u weeydiiyay dambiyada dilka iyo dhaca ah ee lagu soo eedeeyay inay degmada Matabaan ka geysteen Bishii December sanadkii tegay ee 2021.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa Booliska la wadaagay laba qof oo Shacab dhaawac ah iyo dhimashada hal askari oo katirsan Booliska, waxaayna Maxkamaddda ka codsadeen in eedeysanayaasha lagu xukumo ciqaab u dhigantay dambiga ay galeen.

Baarihii kiskaan ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in Sagaalkaan Askari ay geysteen falalka dilka iyo dhaca ah oo ka dhacay meel xoogaa u jirta Koontoroolka degmada Matabaan oo lagu Magacaabo Shiine Qarxis, iyaga oo dhigtay Isbaaro ay dad Shacab ah uga qaateen 400 oo Dollar, kadibna ay Koontoroolka kusoo weerareen Booliskii joogay.

Bilihii la soo dhaafay ayaa degaannada Galmudug waxaa laga soo sheegayay isku dhacyo Ciidamada dhexdooda ah iyo dil iyo dhac ay Ciidamada u geeysanayeen dadka Shacabka ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip