Macallimuu oo loo qaaday dalka dibadiisa iyo wararkii ugu dambeeyay xaaladdiisa

0
Monday January 17, 2022 - 16:29:18 in Wararka by
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Macallimuu oo loo qaaday dalka dibadiisa iyo wararkii ugu dambeeyay xaaladdiisa

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shalay qarax is-miidaamin ah uu dhaawac culus kasoo gaaray ayaa maanta loo qaaday dalka Turkiga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka qaaday Macalimuu diyaarad qaas ah oo kuwa caafimaadka oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uga dalbay dowladda saaxiibka nahay ee Turkiga.

Xaalada caafimaad ee Macalimuu ayaa lagula tacaali doona dalka Turkiga, kadib markii wax looga qaban waayay gudaha caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.

Macalimu waxaa uu dhaawaca dartii ka jabay lugta, waxaa kale oo uu dhaawac kasoo gaaray gacan iyada oo ay jirtay jug xoogan oo xabadka ah oo dhiig ku celisay, neefta ku adkeysay.

 

Sidoo kale dhanka lugta waxaa uu mari doonaa qaliin, halkan gacanta aan la ogeyn iney u baahan doonto iyo in kale.

Macalimuu ayaa Axaddii ku dhaawacmay weerar is-miidaamin ahaa oo gaari uu watay lagula eegtay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, ayada oo Nin xirnaa jaakad ka sameysan walxaha qarxa uu isku qarxiyay qaybtii uu gaarigaasi ka saarnaa.

Macallimuu oo loo qaaday dalka dibadiisa iyo wararkii ugu dambeeyay xaaladdiisa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip