Al-Shabaab oo gudaha u gashay KENYA, kadibna dishay dhowr qof

0
Monday January 17, 2022 - 11:45:19 in Wararka by
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo gudaha u gashay KENYA, kadibna dishay dhowr qof

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

 Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in markale xoogaga Al-Shabaab ay weerar ka geysteen qaybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi, gaar ahaan deegaan u dhow xadka ay wadaagaaan Soomaaliya iyo Kenya.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa la sheegay inay gudaha u galeen deegaanka Banisa oo hoostaga magaalada Mandera, waxayna halkaas ku dileen dhowr qof.

Sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah waxaa weerarkan lagu khaarijiyey ugu yaraan laba qof, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dadka lagu dilay weerarka ayaa la sheegay inay dagaalyahanada weerarka qaaday ugu tageen guryahooda, kadibna ay ku dileen halkaasi.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Kenya oo la xiriira weerarkaas khasaaraha dhaliyey.

Kenya muddooyinkii lasoo dhaafay waxay kordhisay ciidamada ku sugan xadka labada dal, haddana weerarada ayaa ah kuwa sii socda.

 

Si kastaba, maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa kooxda Al-Shabaab ay xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha waddanka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Al-Shabaab oo gudaha u gashay KENYA, kadibna dishay dhowr qof





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip