Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo gaaray deeganka Farlibaax

0
Sunday January 16, 2022 - 20:37:43 in Wararka by
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo gaaray deeganka Farlibaax

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wafdi uu hor kacayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa gaaray deeganka Farlibaax oo magalada Beledweyn u jira masaafo dhan 45KM dhanka galbedka.

Guddomiyaha ayaa intii uu safarka kusii jiray waxa uu simaray kudhawad 10 tuulo waxa uuna ka xog wareystay bulshada saameynta ay kuyeelatay abaaraha ka jira deeganada.

Bulshada ayaa sheegay in ay ugu darantay biyo yari aad uxoogan oo deegaanadaas soowajhay madama ay inta badan gureen ceelashii ay biyaha kaheli jireen iyo daaqsinka deegaanada miyiga ah oo aad u yaraaday.

Saaka ayeey aheeyd markii Ciidamo katirsan Dowladda oo Galbinayey sida lasheegay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan iyo Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab uu dagaal culus ku dhexmaray deegaanka Burfiiq oo dhaxeyo Farlibaax iyo Baladweyne.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay wadda u galeyn kolonyo uu hoggaaminayey Gudoomiye Jeyte, kuwaas oo kusii jeeday deegaanka Farlibaax.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip