Madaxweynihii hore ee Mali oo geeriyooday

0
Sunday January 16, 2022 - 22:34:05 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii hore ee Mali oo geeriyooday

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mali, Ibrahim Boubacar Keïta, ayaa geeriyooday isagoo 76 jir ah, sida ay sheegeen qoyskiisa.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhacay xanuunka Faaliga balse ilaa hadda lama cadeyn sababta dhimashadiisa.

     Waxa uu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla caasimadda Bamako, sida uu mid ka mid ah qoyskiisa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Mr Keïta ayaa hogaaminayay Mali todobo sano ilaa 2020, markaasoo xukunka looga tuuray afgambi ka dib mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo dowladda

        Dhaqaale xumo iyo doorashooyin lagu murmay ayaa sidoo kale sii huriyay bannaanbaxyadii looga soo horjeeday xukunkiisa.

Todobaadyo ka dib markii xilka laga tuuray ayaa waxaa ku soo booday xanuun, waxaana loo duuliyay dalka Imaaraadka Carabta si loogu soo daweeyo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip