Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qarax caawa ka dhacay Muqdisho

0
Sunday January 16, 2022 - 20:54:52 in Wararka by
  • Visits: 206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qarax caawa ka dhacay Muqdisho

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax bam-baano oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Warta-Nabadda.

Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, ugu yaraan labo kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo loo adeegsaday bambo-gacmeed.

Askar ka tirsan booliska Soomaaliya oo bar-control ku leh isgoyska Xararyaalle ee degmada Warta-Nabadda ayaa la sheegay in lagu weeraray qaraxaas.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarkaas uu dhacay salaadii cishaha kadib.

 

Sidoo kale dadka deegaanku waxay sheegeen in ciidanka lagu weeraray qaraxyadaan loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga tuuro ay jiha kasta rasaas u fureen, taas oo ilaa hadda aan xog rasmi ah laga helin, hadii uu jiro khasaare ka dhashay.

Ciidamada ammaanka ayaa xaafadaha ka agdhow isgoyska uu weerarkaas ka dhacay ee Xararyaale waxay ka bilaabeen howlgallo ay ku baacsanayaan kooxdii fulisay weerarkaas oo goobta isaga baxsatay.

Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qarax caawa ka dhacay Muqdisho




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip