Xildhibaanada ku fadhiya kuraasta doorashadooda la shaaciyay ee HirShabeelle

0
Sunday January 16, 2022 - 20:07:05 in Wararka by
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada ku fadhiya kuraasta doorashadooda la shaaciyay ee HirShabeelle

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Guddiga hirgelinta doorashada HirShabeella ayaa shaaciyey 11 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo uu dhowaan doorashadoodu ku qabanayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Kuraasta la shaaciyey, oo kala ah HOP005, HOP024, HOP033, HOP052, HOP070, HOP088, HOP097, HOP098, HOP106, HOP115, HOP140, ayaa dhammaantood ah kuraasta la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Jowhar.

Guddiga ayaan weli shaacin wax kuraas ah oo ka mid ah 25-ka kursi ee la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne, ayada oo weli aanay caddeyn haddii halkaas doorashado ay ka dhici karto.

Xildhibaanada Hirshabeelle ku matalayay afarti sano ee la soo dhaafay kuraastaan waxa ay kala yihiin :-

  1. HOP#005, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Maxamed C Ceymooy
  2. HOP#024, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Cabdulqaadir Caraboow
  3. HOP#033, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Yuusuf Ibrahim Afrax
  4. HOP#052, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Farxiyo Maxamud Dhaqane
  5. HOP#070, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Aadan Cali Xasan
  6. HOP#088, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Dahabo Suusow Maxamuud
  7. HOP#097, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Khadiijo Diiriye
  8. HOP#098, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Maxamud Max’ed Jimcaale
  9. HOP#106, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Miino Xasan Maxamed
  10. HOP#115, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Cali Maxamed Cumar
  11. HOP#140, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Cabdulqaadir Cosoble Cali

Guddiga ayaa dhanka kale dib u dhigay shaacinta laba kursi oo ka mid ah 13-ka kursi ee yaalla magaalada Jowhar, kuraastaas oo ay ka taagan tahay xiisad laga cabsi qabo inay dagala isku rogto.

Labada kursi ee dib looga dhigay ayaa kala ah HOP141, oo uu hadda ku fadhiyo wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, iyo HOP146 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip