Daawo: Sanbaloolshe oo ka hadlay go'aankii Rooble iyo khudbaddii FARMAAJO

0
Sunday January 16, 2022 - 19:54:36 in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Sanbaloolshe oo ka hadlay go'aankii Rooble iyo khudbaddii FARMAAJO

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Agaasimihii hore ee ha’ayadda Nabad sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay nin aan tanaasulin oo been ku soo hoggaaminayey dalkaan.

Cabdullahi Sanbaloolshe oo soo hadal qaaday khudbadii u dambeysay ee Farmaajo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed uusan la hadleyn, balse beesha caalamka uu iska maslaxaayey, isagoo sheegay in beenta Farmaajo ay dadku barteen shantii sano ee xukunka uu joogay.

"Ninkaas waxay la tahay inuu dadka u siri karo sidii uu shalay u siray, war dadkaan waa barteen Farmaajo, yuusan masaakiin isaga dhigin markii ay xaaladu ku xumaato,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

Dhanka kale Sanbaloolshe waxuu soo dhaweeyey go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku shaaciyey inuu Imaaraadka u celinayo lacagta ay ka heysato dowladda Soomaaliya.

"Ra’iisul wasaaraha wax kasta oo Farmaajo haleeyey inuu saxo waajib ayey ku tahay, sababtoo ah dowladeenu burcad lacagaha islaameed dhacda maaha, Rooble waa ku saxan yahay in dowladihii caalamka ee la xumeeyey uu raali geliyo oo danta iyo saaxiibtinimada caalamka ee Soomaaliya uu ka fekero,” ayuu yiri Cabdullahi Sanbaloolshe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Imaaraadka uu ogeysiinayo in Soomaalidu ay saaxiib la tahay, laakiin ninka cadawga ku ah uu yahay Farmaajo oo ku heysta dano isaga u gooni ah.

   Siyaasigaan ayaa sheegay inuu aad ula yaabay warqadii uu Farmaajo ku amray guddoomiyaha Bangiga Dhexe in uusan bixin lacagtii Imaaraadka.

"Madaxweynuhu ma jooji karo amar uu Ra’iisul wasaaruhu siiyey mid ka mid ah hey’adaha uu maamulo, warqadaha Farmaajo uu Ra’iisul wasaaraha ka daba qorayana waxuu ku dhaawacayaa dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri.

Cabdullahi Sanbaloolshe oo wareysigaan siiyey TV-ga Goobjoog ayaa ugu dambeyntii yiri, "Xoolo islaameed ayaan iska celineynaa wax lagu doodo maaha ra’iisul wasaaraha ayaana 100% gar leh.”

Daawo: Sanbaloolshe oo ka hadlay go’aankii Rooble iyo khudbaddii FARMAAJO



Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip