Howlgal Lagu Soo Qabtay Burcad Hubeysan Oo Dhigatay Isbaarooyin Oo La Fuliyay

0
Sunday January 16, 2022 - 15:02:44 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal Lagu Soo Qabtay Burcad Hubeysan Oo Dhigatay Isbaarooyin Oo La Fuliyay

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgalo Isbaaro qaadis ah ka sameeyeen inta u dhexeeysa deegaanada lambar-konton iyo Shalanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Howlgalka Ciidamada ay ka fuliyeen deegaanada ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay boqolaal burcad hubeysan ah oo Isbaarooyin dhigtay wadada, isla markaana lacago baad ah ka qaadi jiray gaadiidleyda, dhacna u geysan jiray dadka shacabka ah.

   Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka lagu qaaday Isbaarooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in howlgalka lagu qabtay 290 burcad ah oo Jid-gooyooyin dhigtay inta u dhexeeysa deegaanada lambar-konton iyo Shalanbood.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen inay ku raad-joogaan burcad kale oo ku baxsatay dhul howd ah, kuwaasi oo tilmaameen inay ku daba jiraan Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono.

Qaar kamid ah gaadiidleyda dhibaatada ku qabtay burcada dhigatay Isbaarooyinka ayaa dhankooda sheegay in wadada looga qaadi jiray lacago farabadan, ayna dhibaatooyin ku qabeen burcada, sidoo kalena ay dhac u geysan jireen dadka saaran gaadiidka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip