Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Duleedka Magaalada Baladweyne

0
Sunday January 16, 2022 - 14:53:01 in Wararka by
  • Visits: 198
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Duleedka Magaalada Baladweyne

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dagaal u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 27-aad iyo dagaalamayaasha A-shabaab ayaa ka socda deegaan duleedka ka ah Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay, ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay wateen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, waxaana dagaalka xoogiisa ka socdaa degaanka Burfiiq oo dhanka Waqooyi uga beegsan Baladweyne.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka socda la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, in kastoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas u dhexeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga qeybta qeybta 27-aad iyo Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Mas’uuliyiin kale oo la socday ayaa la sheegay in wax yar kahor inta uusan dhicin weerarka Al-shabaab ay mareen degaanka Burfiiq, iyagoona kusii jeeday degaanka Farlibaax ee duleedka Magaalada Baladweyne.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip