Madaxtooyada Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Lala Beegsaday Afhayeenka Xukuumadda

0
Sunday January 16, 2022 - 14:19:18 in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Lala Beegsaday Afhayeenka Xukuumadda

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) ayaa ka hadlay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta lala beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Agaasime Cabdirashiid Xaashi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku Cambaareeyay qaraxii lala eegtay Afhayeen Macalimuu ee uu dhaawaca kasoo gaaray, isla markaana la dhigay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

     Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu u rajeeyay inuu Alle Caafimaad deg deg ah siiyo isaga iyo dadkii kale ee waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Dabka.

"Waxaan cambaaraynayaa weerarka argagixisanimo ee uu ku dhaawacmay Walaalkeey Maxamed Ibraahim Macallikuu, Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan Afhayeenka u rajaynayaa in uu Rabbi siiyo caafimaad buuxa isaga iyo dhammaan Muwaadiniinta ay waxyeeladu soo gaartay” ayuu yiri Cabdirashiid Duqa.

Xaaladda Caafimaad ee Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa haatan soo hagaageysa, waxaana mas’uuliyada qaraxii lala beegsaday ee Is-miidaaminta ahaa sheegtay Al-shabaab…





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip