Xafiiska Warfaafinta Ee RW Rooble Oo War Kasoo Saaray Qaraxa Lala Eegtay Macalimuu

0
Sunday January 16, 2022 - 13:33:16 in Wararka by
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xafiiska Warfaafinta Ee RW Rooble Oo War Kasoo Saaray Qaraxa Lala Eegtay Macalimuu

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay qaraxii Maanta Magaalada Muqdisho lagula beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Qaraxa oo ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa waxaa gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu lagula beegsaday meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Muqdisho, xili uu doonayey inuu gaariga kasoo dego.

   Qoraal kooban oo lagu daabacay Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dhaawaca soo gaaray Macalimuu uusan aheyn mid halis ah, isla markaana uu yahay dhaawac fudud.

"Afhayeenka XFS Mohamed Ibrahim Moalimuu waxaa dhaawac ka soo gaaray weerar argagixisadu la beegsadeen gaarigii uu saarnaa. Xaaladda dhaawaciisu halis ma aha, waxaanna u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Xaaladda Caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa la sheegay inay wanaagsan tahay, uuna Caafimaad qabo, sida ay sheegeen dhaqaatiirta ku howlan la tacaalida xaaladdiisa ee Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.










Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip